SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MINNESOTA
arday Sawirkii Ardayda iyo Wardheere [bidix] iyo Steve Sviggum
Booqasho isugu jirta dalxiis iyo waxbarasho oo ay arday Soomaaliyeed ku tageen xarunta gobolka Minnesota (State Capitol)

Waxay ahayd dhamaadkii sanadkii dhamaaday ee 2002 goor subax ah ayay ardadan dhex fariisteen bas uu ugu deeqday Mudane Abdinzaq Biixi oo ka tirsan xafiis ay bulshada Soomaaliyeed ku leedahay Minnesota, qadar yar ka dib safarkii ayaa bilaabmay, safarka ma fogayan waayo ardada waxay ka baxeen Miineapolis waxayna ay aadeen St, Paul oo ah xarunta gobolka.Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 buris8.jpg (109413 bytes)

Booqashadan oo ay si wada jir ah u soo wada qaban qaabiyeen Mudane Steve Sviggum oo ah afgayeenka aqalka (Speaker of the House Minnesota) iyo Mudane Mahamoud N. Wardere oo ka socday ururka daryeelka dhallinyarada ee la yiraahdo Youth Care, waxay ahayd mid ay ardada u bogeen waxna ku kororsadeen. Markii ay gaareen xarunta waxaa sugayay oo soo dhoweeyay Mudane Steve Sviggum asagoo markaas ardada horkacay, wareegana wuxuu ka bilaabay xafiiskiisa oo ku yaal dabaqa afraad ee guriga loo yaqaan State Building halkaas oo uu ardada ku qaabilay war bixinna ku siiyay, waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa inuu asaga naftigiisa ka dhashay qoys ka soo qaxay Norway oo uu fahmi karo xaaladda ay ardada ku Stigall yihiin.

buris2.jpg (79231 bytes) Wuxuu sheegay shaqadiisa inay tahay inuu ilaaliyo nidaamka iyo ismaqalka marka uu shirka socdo iyo inuu magacaabo gudiyo iyo guud ahaanba inuu maamulo aqalka. wuxuu ardada kula kaftamay inuu isticmaalo buris aad u wayn markii la maqli waayo buriska yar asgaoo tusay buris qof la eg oo xafiiskiisa yaala taas oo ardada ka qosolsiisay, ka dib wauxuu ardada u kaxeeyay chamberka oo ah qolalka shirarka ee senateka iyo housekaba aqalka odayaasha Minnesota], wuxuu tusay ardada kursigiisa iyo sida uu u maamul shirarka si xubnaha codka u qaadaan marka la codaynayo, sida 100 kala fariisto taariikhda houskaba.

Waxaa kale oo ardada uu u kaxeeyay chamberka senateka halkaas oo uu warbixin ku siiyay sida meeshaas looga shaqeeyo, ka dibna ardada ayuu su'aalo u furay ugana jawaabay ugu danbayntii wuxuu ardada ku booriyay inay bulshadooda waxtaraan oo xubno firfircoon noqdaan, ardadiina waa ay uga mahad celiyeen waqtigiisa. buris3.jpg (74080 bytes)

Waxaa intaas ku xigay qado fudud oo ay ardad ku cuneen beerta dadwaynaha ee halkaas u dhowayd, ka dibna waxaa la soo gaaray xilligii ardada lagu wareejin lahaa aqalka oo nin ku taqasusay taariikhda guriga oo khibrad dheer u leh ayaa hor kacay asagoo ka bilaabay Xafiiska Governorka, una sheegay inuu governorkan yahay kii 37 oo ay Minnesota yeelatay tan iyo intii ay gobol [state] noqotay, waxaa ardada ka yaabiyay qolka soo dhowaynta govenorka oo lagu qurxiyay masawiro taariikhi ah oo ka dhacay Minnesota sida Heshiisyadii lala gaaray reef American Indianskii halkan loogu yimid iyo sidii Minnesota loogu soo dhoweyn jiray qaxootigii ka iman jiray Yurub waayo hore. ka dibna wuxuu ardada u horkacay xafiiskii Xeer ilaaliya gobolka [Stateka] oo aan halkaas ka fogayn ka dibna kor ayay ardada koreen ilaa meesha guriga ugu saraysa oo ay ku yaalaan fardo sanam ah oo biyo dahab loogu subkay, ka dibna waxay tageen goobaha gudiyada gooni gooni ah ku shiraan ama ay ku dhagaystaan warbixinada, ka dibna qolka maxkamadda sare ee gobolka, ugu danbayntii wareegii waxaa lagu soo gaba gabeeyay meesha la yiraahdo Rotunda oo ah meel wayn oo wareegsan oo saqaf keeduna aad u sareeyo halkaas oo loogu talo galay inay bulshadii rabtaa timaado oo dhaqankooda ama fikradahooda ku muujiya . 

buris5.jpg (81586 bytes) Markaas ardada waxay bilaabeen in ay wiilashana gacmaha is qabsadaan, gabdhana si gooni ah gacmaha isu qabsadaan oo ay qaadaan heestii caanka ahayd ee SOOMAALIYAY TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA EE HADBA KIINA T AAGDARANAAY TAAGEERA WELIGIINEE. 

Ardadii halkaas kuma ekaan waxayba u gudbeen matxafka [Musuemka] taariikhda ee Minnesota halkaas oo ay ku soo arkeen taariikh badan sida sanadkii ay Minnesota noqotay State ee 1858 iyo dhaqanka American Indianska gaar ahaan qabiilka ugu badan Minnesota oo ah Ojibwe iyo macluumaad badan. ka dib ardada waxay ku soo laabteen basaskoodii kuna soo laabteen goobtii at ka tageen, marlabaad maclin wardere ayaa ardadii su' aalo ka waydiiyay waxay soo arkeen ama soo barteen ka dibna guigoodii ayay kala aadeen. 

Qaar ardada ka mid ah ayaa isla maalintii waxaa u suurto gashay inay Wardere u raacaan xarunta magaalada Minneapolis ee loo yaqaan City Hall halkaas oo ay ku soo arkeen qaybaha kala duwan iyo shaqooyinka halkaas algu qabto.

buris6.jpg (86592 bytes) Yahe oo ka mid ahaa ardadaas ayaa yiri socdaalkan wuxuu ahaa mid aan u baahnaa wax badanna waan soo ogaaday iskuulkayga ayay iga caawinaysaa.


Waxaa haboon in bulsho walba ay dadaal dheeraad ah la timaado oo aanan waxbarshada lagu koobin iskuulada oo keliya. 

SomaliTalk.com

Minneapolis, MN, USA

Jan 29, 2003

BAKHRI BILICDA DHULKA SOOMAALIYEED OO NABAD AH..... GUJI.. 

<><><><>

Galabtii "Baro Xuquuqdaada" iyo Soomaalida Minnesota
Kulan uu ka hadlay ku xigeenka Madaxa Immigration (INS) Minnesota iyo sharciyaqaano kale oo Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ayaa looga hadlay diiwaangelinta, cinwaan bedelashada, iyo homeland security, iyo waxyaabaha sababi kara in qof la tarxiilo  GUJI...

I  I  D  H  E  H

  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD