SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
KENYA 

 Kenya oo sheegatay ineey Nin kasoo xiratay Soomaaliya

Nairobi, Kenya (AP). Booliiska Kenya ayaa shaaca ka qaaday ineey hayaan nin eey ku sheegayaan inuu Al-qacida ka tirsan yahay, loona heysto in su'aalo laga weydiiyo dhowr weerar oo geeska afrika ka dhacay.

ninkan, oo aan la cayimin heybtiisa, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho " iyadoo lala kaashaday kooxo soomaali ah" ayuu yiri wasiirka amaanka Qaranka ee Kenya, Chris Murungaru.

" dadaalkan dheeraadka ah waxaa isku baheystay cutubyadeena nabad sugidda iyo hogaamiyeyaal soomaaliyeed oo nabada jecel, kuwaas oo aan argagixisda u ogoleyn ineey wadankooda ka howlgalaan" ayuu yiri Mr Murungaru.

wasiirku ma aanuu sheegin goorta ninkan la xiray iyo jagadiisa toona, ha yeeshee " Qorshe fuliye Al-qacida ah" ayuu ku tilmaamay.

warar madax banaan ayaase maanta sheegay in ninkani eey markii hore heeysteen dableey uu u qafaalnaa oo madax furasho doon ahaa, laakiin iyana gacantooda laga bixiyey, kagadaal markii uu ninkani gaarigii eey dableyda ku wadatay shaqaaqo ka sameeyey. taas oo eey arkeen booliiska DKMG ah oo aaga ka dhawaa, dabadeedna u soo miciinay, isagoo dhaawac ahna Cisbitalka Keeysaneey dhigay. halkaas oo Maleeshiyada Max'ed dheere eey kala bexeen oo garoonka Cisaleey-ba horey ka geeyeen. halkaas oo eey ku sugeysay dayuurad eey saarnaayeen saraakiil mareykanka ka tirsan.

DOOD KUSAABSAN SOOMAALIYA & ITOOBIYA 
Doodaas oo lagu qabtay Jaamacada Minnesota waxaa soo qabanqaabiyey ururka Ardayda Soomaaliyeed 
GUJI.. 17/3
Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya
Ra'iisul wasaaraha dawlada Itoobiya ee qarnigan gumeysata qayb kamida dhul Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in uu. GUJI... Feb 25
, 2003

menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, GUJI.... November 27, 2001  . 

Washington-na sarkaal dowladda mareykanka u hadlay ayaa ku tilmaamay in ninkan la soo xiray uu yahay " holgale meel hoosaad ama meel dhexaad ah" oo ka qeyb qaatay weeraradii qaraxa ahaa ee bishii agoosto 7-deedii 1998-kii lala beegsaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya & Tanzania si isku mar ah.

Saraakiisha mareykanka ayaa iyana dhankooda ka diiday ineey ninkan heybtiisa sheegaan, ha yeeshee inuu Afrikan yahay ayeey cadeeyeen. laakiin warar madax banaani wexeey sheegayaan inuu yahay Yamani heysta dhalashada wadanka Koonfur Afrika.

dhanka kalena, Midowga Afrika ayaa ku hanjabay ineey Soomaaliya cunaqateyn ku soo rogi doonaan, hadii hogaamiye kooxeedyadu dhowri waayaan xabad joojintii bishii October ee kal hore oo DKMG ah iyo inkabadan 20 hogaamiye kooxeed wada saxiixeen.

"xaalada imminka jirta hadii eey sii socoto, Midowga Afrika (AU)-du wexeey cunaqabateyn ku soo rogi doontaa hogaamiye kooxeedyada ama kooxaha ku xadgudba heshiiskaas " ayuu yiri Camara Ciisa oo ah sii hayaha midowga Afrika.

warku wuxuu intaasi ku darayaa in dhexdhexaadiyeyaasha shirka imminka shan bilood jirsaday ee Kenya ka socdaa eey sameeyeen guddi hoosaad baaritaan ku sameeya xadgudubka xabad-joojinta iyo suura galnimada Cunaqabateyn hogaamiye kooxeedyada lagu soo rogo. taas oo noqon karta: lacag ka xanibid ama safar ka mamnuucid.

Soomaaliya wali wexeey la'dahay dowlad xoogbadan, tan iyo intii niman careysani xukunka ka tuureen kaligii taliyihii Max'ed Siyad Barre.

Midowga afrika ayaa lagu beddelay ururkii (OAU)da ee Fadhiidka ahaa bishii Juulaay ee ina dhaaftay, midowga cusubi wuxuu ansixiyey inuu caawin karo inuu dagaalada qaarada kala dhex gali karo hadii loo baahdo. ha yeeshee, awoodiisu waa mid aan wali la sahmin.

Isha wararkan: Startribune. iyo ilo madax banaan.

http://www.startribune.com/stories/670/3767221.html
http://www.startribune.com/stories/670/3766669.html

Waxaa soo turjumay
C/raxman Ceynte
St Paul, MN
ceyntejournalist@attbi.com

I  I  D  H  E  H

<><><>

 
»»
Muqdisho: Nin Yemeni ah oo Gacanta loo Galshey  shisheeye GUJI HALKAN.......

<><><>

Kalluumaysatadii Soomaaliyeed ee Kenya laga siidaynayey......

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD