Ha’ogaadaan Soomaalidu iney
Soomaaliya Necebyihiin, ka hor inta aan Itoobiya la dhihin wey neceb tahay
Soomaalida.
NAROBI: TIFAFTIRAHA SOMALITALK.COM OO KA
JAWAABAY SU’AALO UU WAYDIIAY Mr XAGARYARE
XagarYare
xagar91@hotmail.com
March 8,
2003
Germany
Hadii aad na aqoonsatid
dhulka aynu isku haysanno qaado, sidaas DKM ma tiri?....
Siyaasiyiinta Soomaalida wax la dhihi karo
mawqif adag ayuu ka taagan yahay Itoobiya waa Cali Khaliif Galaydh...
Marka uu Soomaaliga ka soo jeeda gobolada dhexe
iyo kuwa koon-fureed doonaayo inuu kaaga waramo dhibaatada Soomaaliya ay soo
martay wuxuu kaaga bilaabayaa"wallaahi walaaloow wax lasoo koobi karo
maahan dhibkii ina soo gaaray laga soo bilaabo 1991kii".
Balse isaga oo aysan ka ahayn inuu aasayo ama
si u lakaca uga indho qarsanayo walaalkiisa woqooyi, iyo dhibkuu soo maray ayaa
kan gobolada woqooyi isagoo taas ka caraysan si kulul ugu jawaabayaa oo oranayaa
" waar xilligan aad sheegi waaba xilligii uu noo bilawday inaanu dhibkii
iyo xabaalihii dib uga soo baxno ee hortaa -baannu leeleelay oo soo lugonay ee
orodoo wadh-wadha nala dhaaf".
Sikastaba ha’ahaatee waxaan shaki ku jirin in
cid laga eed sheegto iyo mid eed sheegtaba Carro edeg aan cidi fayoobayn,cidina
eed ka nadiif ahayn-.
Iyadoo ay taasi kuu sii dheertahay "Cidina
uma maqnna ceellana uma qodna".
Fahad Yasin
|
waxaan dhowaan waraysi dheer Shabakadda
Internet-ka ku layeeshay, Wariye dhalinyara ah oo aan aad uga danbeeyo aragti
dheeridiisa, waa "Fahad Yaasiin Xaaji Daahir" Tifaftiraha
Somalitalk.com , isagoo jooga Bariga Afrika Nairobi.
Waraysigaas oo aad u dheer waakan.
Xagaryare: Soomaalida Kenya ku nool sidey ku
helaan xogta dalkii Soomaaliya?
Fahad Yaasiin: Kenya waa dhul ay Soomaali dagan
tahay, waa dhul Soomaaliyeed, xogta aan ka helno Soomaaliya waa mid aad u xoog
badan, waayo xuduudihii oo dhanbaa isu furan, Gobol kasta oo ay Soomaali dagto
waxaa maalin walba tagta oo ka timaada Diyaarado, waxayna soo qaadaan ama sii
qaadan dad badan oo Soomaali ah oo u kala gooshaya Kenya iyo Soomaaliya, wararka
goob joogga u baahanna iyagaa laga helaa.
Qolada labaad ee Wararka laga helo waa
Jornaallada ka soo baxa Muqdisha oo Nairobi si joogta ah u yimaada, sidoo kale
waxaa magalada Nairobi laga dhagaystaa Idaacadda Iqra FM oo maalintii leh hal
saac oo Afsoomaali ah, intaas waxaa ka sii wada war badan Baraha Internet-ka oo
ay Soomaalidu aad u booqato, gaar ahaan kuwooda Soomaalida, Bogga “Somalitalk.com”
waxa uu ka mid yahay Baraha sida aadka ah looga jecel yahay Nairobi
Xagaryare: Dad intee le’eg ayaa Kenya ka
jooga Soomalida, dadkii Madaxda ka ahaa Soomaaliya ee ku nool bariga afrika wax
ma kaxusi kartaa, qaabkayse u noolyihiin,?
Fahad Yaasiin: Kenya waxa ay Soomaalida u
noqotay gurgii labaad, Dowladda Kenyana waxa ay siisay soo dhawayn dhamaystiran,
waxayna u noqotay hoy ay isku soo urursadaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaanba,
sida badan Soomaalidii Kenya timid kuma nagaadin, inta joogtana waa ka sii
socdaan, marka wey adag tahay in la dhaho raggii madaxda ka noqday Soomaaliya
hebal iyo hebal baa dagan, laakiin waxaan ognahay in inta badan madaxdii
Soomaalida ay Kenya yimaadeen oo ay uga sii gudbaan wadamo kale, xitaa
Madaxweynihii Soomaaliya xilligii uu baxsanayey Kenya ayuu ku soo baxsaday oo uu
uga sii gudbay goobtii uu ku geeryooday.
Inta aan anigu la kulmay maxadii Soomaalida soo
martay waxaa ka mid ahaa Sh.Mukhtaar oo ahaa Gudoomiyihii Barlamaan-ka xiligii
dowladii shibilka isagana halkan sababo Caafimaad ayuu u yimid, waxaan ka faa’iiday
Sh.Mukhtaar in Soomaalidii hore ay wadiniyiin ahaayeen.
Laakiin hadda oo uu socdo shirkii Soomaalida
waxaa la dhihi karaa intii ay wali u hartay Kaar Siyaasadeed waa ay joogaan
halkan.
Xagaryare: Shir ayaa maanta Kenya Soomaalida
uga socda oo ay Kenya shir gudoomiye ka tahay, laba nin ayaa laysku badalay
dhanka Kenya ilaa haatan, ma’umalynaysaa in xaalada Soomaaliya ay daacad ka
tahay Kenya?
Fahad Yaasiin: Labada nin ee la isku badalay
dadku waxa ay ku kala tilmaamaan sida tan: ninkii hore inuu ahaa nin aan go’aan
lahayn misana khalad badan, ninkan cusubna waa nin khalad yar go’aanna leh,
taas ayaa waxay sababi kartaa in Ergaygan cusub uu ka hawl karsanaado Ergaygii
hore, shakhsiyan waxaan ku tilmaami karaa Kenya iney dhexdhexaad ka tahay shirka
marka la babac dhigo dowladaha safka hore ee u xilsaaran shirka, waayo dowlada
Kenya ma jirto koox ay taageero joogta ah siiso oo kamid ah kooxaha Soomaalida.
Xagaryare: Dalkaasi Ethiopia ayaan sadex su’aalood
isu kaa raacinayaa.
A) Soomalida dibadda iyo gudahaba, kuwo
shirka jooga iyo kuwa aan jooginba, Itoobiya qaar ayaa si wayn uga cabanaya
oo leh bal daacad darro kaliya kumay ekaanine dhibka ayey wax ka siiwadaa,
arintaas adigu maqabtaa?
Fahad Yaasiin: fikrada caynkaas ah dad badan oo
Soomaali ah ayaa qaba, dowlada Itoobiya iyada ayaa laga rabaa in ay si fiican
uga jawaabto isweydiintaas ay qabaan Soomaali badan, inta aanan ka jawaabin su’aashaa,
waxaa muuqata in uusan jirin dheelli tir Siyaasadeed oo u dhaxeeya Soomaaliya
iyo Itoobiya, taasoo ay sabab u tahay Dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya,
Dagaaal-ooge Soomaaliyeed oo aan su’aashaa weydiiyey xilli sii horeysay waxa
uu iigu jawaabay, “Soomaalida iyaga ayaa Itoobiyaanka warar been ah u geeya,
ee Itoobiya ma nibca Soomaalida”.
Dowladda Itoobiya dano dhaqaale iyo mid
Siyaasadeed ayey ka leedahay dalka Soomaaliya mar haddii aysan jirin ciddii ay
arintaa kala gorgortami lahayd waxaa muuqata in Itoobiya ay si indha-adayga ah u
marayso fulinta danaha ay ka leedahay Soomaaliya, Soomaalidu iney aaminaan in
Itoobiya ay neceb tahay waxaa sal dhig u ah, Itoobiya oo aan ka leex leexan iney
si toos ah u soo gasho gudaha Soomaaliya, sida ayba sheegeen madax sare oo ka
tirsan Maamulka Itoobiya, oo ay waliba wadaan qaar sheeganaya iney yihiin
hogaankii Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Aniga waxay ila tahay in aanan la isku daalin
Itoobiya, ee ay Soomaalidu kolka hore garato sidii ay ula xisaabtami lahayd
maamulka Itoobiya, haddii taas la waayo waxaa iska af cidla ah noqonaya Itoobiya
dhib bey nagu haysaa. Tusaale hadaan bixiyo Gobolka Gado goortii ay kula
dirirayeen Itaxaadka waxaa waday Hogaankii Siyaasadeed ee gobolkaas, sidoo kale
markii lagu eedeeyey iney galeen Baydhabo waxaa hor kacayey Hogaankii Goboladaas,
waana sidoo kale gobol kasta oo la dhaho Itoobiya ayaa dhib ka wada, marka
Soomaalidu kolka hore iyadu dhibka ha iska dayso, hana ogaato iney Soomaalidu
Soomaaliya necebyihiin, ka horta inta aan Itoobiya la dhihin wey neceb tahay
Soomaalida, marka qof isagu is necab inuu dhaho dariskeybaa sabab u ah inaan is
naco caqli gal matahay.
B) Hadii aysan daacad ka ahayn maxay
daacad daradeeda ka waddaa oo ay ka yaabantahay in midnimada Soomaaliyeed
Itoobiya u keento?
Fahad Yaasiin: Siyaasadu daacad iyo daacad
darro malahan ee dan ayey leedahay, marka su’aashu waxay noqoneysaa danaha ay
Itoobiya ka leedahay Soomaaliya iyo danaha ay Soomaalidu ka leeyihiin Itoobiya
see la isugu keeni karaa, waxaa muhim ah inaan xusuusnaano in madaxda Soomaalidu
ay u kala dhuuntaan Itoobiya, oo kii shalay la jiray Itoobiya hada wuu ka soo
horjeedaa, kii shalay ka soo horjeedayna hada wuu u sacbinayaa, marka yuu mar
walba is badalku ka imanaya, Itoobiya danaha ay ka leedahay Soomaaliya marna ma
qarsan, waxaana ka mid ah kuwan.
1. Iney Soomaaliya ka hesho Deked ay wax uga
soo dagaan, walibana ay noqoto mid ka mid ah Dakadaha u dhaw Xuduudaha ay la
leedahay Soomaaliya. Mana hayaan ciddii u ogolaan lahayd ama u diidi lahayd
arimahaas.
2. Iney hubiso nabad galyadeedo oo loo
xaqiiqjiyo inaan Itoobiya laga soo weerareynin gudaha Soomaaliya, taasoo ku iman
karta in Soomaaliya gacanta loo galiyo dowlad iyada ka shidaal qaadata.
3. In loo ogolaado Itoobiya iney tahay dowlada
ugu xoogga badan Geeska afrika: taasna waxay Itoobiyaanku tuhunsan yihiin haddii
Soomaaliya ay ka dhalato dowlad adag iney noqon karto mid kula loolanta jagadaas
banaan yaalka hadda u ah Itoobiya.
4. waxaa jira dhul ay Itoobiya iyo Soomaaliya
isku haysteen muddo dheer, dhulkaas Itoobiya waxay rabtaa inaan la haweysan,
taasna jawaabteeda maamulkii bixin lahaa lama haya.
Waxaad moodda Itoobiya haddii loo helo
Siyaasiyiin Soomaaliya oo garan kara sida loola xisaabtamo dal dalkaaga dan
kaleh misana hadda kaa awood roon, waxaan shaki ku jirin in Itoobiya la isla
afgaran karo heshiis mudo lagu wada noolaan karo.
C) Dawlada K.M.G. mar ayuu Wasiirkeeda
arimaha dibadu Itoobiya ku yiri, hadii aad na aqoonsatid dhulka aynu isku
haysanno qaado, arintaas maxaa ka yeersiiyey Wasiirka?, Cabdi Qaasimse
Itoobiya iyo isagu halkay kala taaganyihiin.?
Fahad Yaasiin: Anigu horta ma akhrin hadalkaas
oo qoran, laakiin Wakaaladaha wararka qaarkood iney qoreen ayaa la ii sheegay,
waxaanse ogahay in Wasiirkii hore ee arimaha dibada Mudane Ismaaciil Buubaa, uu
u cudurdaartay madaxda Itoobiya isagoo ka raali galinayey dhaleecayntii ay u
geysteen madaxdiisii, wallow isla markiiba ay ka jawaabeen qaar kamid ah
hogaankii sare ee D.K.M. gaar ahaan R/W/hore Dr.Cali Khaliif Galadh.
Waxaa xaqiiqa ah marka lawada fiiriyo madaxda
Soomaalida oo dhan inta hadda la yaqaan, ma ogi nin Itoobiya u diidan dana
Soomaaliyeed owgeed, intaan ka aqaan Siyaasiyiinta Soomaalida wax la dhihi karo
mawqif adag ayuu ka taagan yahay Itoobiya waxaa ka xusuustaa Cali Khaliif
Galaydh, sidoo kale Qanyare oo aan tixraaciisa Siyaasadeed lagu hayn inuu galay
gurubka raacsan Itoobiya, marka haddii aad aragto Siyaasi hadda habaaraya
Itoobiya iska sug maalmo yar, hadana adaa arkaya isagoo afkii uu shalay ku
habaarayey Itoobiya hadana ku leh Amxaarada Nabigii ayaa u duceeyey ee maxaa
laga rabaa.
Madaxweynaha D.K.G. ah laftiisuna ragiisa ayuu
kamid yahay, oo waakii dhawr jeer Itoobiya booqday isagoo lahaa markaa, i
aqoonsada ugu horayn aniga, kadibna waxaad iga codaneysaan ii sheega, laakiin
maamulka Itoobiya maadama ay dhagta ku hayeen inuu khudbadaha Bisinka ku bilaabo
wey ku adkaatay iney aaminaan. C/Qaasim wuu aamini lahaa maamulka Itoobiya
laakiin Zinaawi ayaa ku kalsoonaan waayey C/Qaasim.
Xagaryre: Jabuuti iyo Soomaaliya halkay kala
marayaan?
Fahad Yaasiin: Jabuutii waa tii soo dhistay
D.K.G. ee Madaxweyne loogu soo doortay C/Qaasim, waxay gudeysay abaal Soomaalidu
u galeen Jabuuti, waxaana la dhihi karaa Jabuuti wey guday wixii abaal ahaa oo
ay Soomaalidu horay ugu gashay, waliba Soomaalida ayaa hadda dayn lagu yeelanaya
oo ah mid looga fadhiyo goorta ay Soomaalidu gudi doonto, Jabuuti ilaa iyo hadda
kama lug bixin arimaha Soomaaliya oo shirka hadda Kenya ka socda Safiir ayey u
soo magacawday, si weyn ayeyna goob joog uga tahay hamsami u socodka shirka.
Haddiise laga hadlo kaalintii Siyaasadeed ee ay
siin jirtay D.K.G. waxaa la dhihi karaa sidii hore ma’ahan, lamana yaqaanno
sababta dhabta ah ee ay Jabuuti uga gaabsatay taageeradii ay siin jirtay D.K.G.
Xagaryare: Caqabada ugu wayn ee ay ilaahatan
isla mari la’yihiin Ragga Kenya isku horfadhiyaa waaa maxay?
Fahad Yaasiin: Sadax midkood ayaa dhici karta,
iney sadaxdaba jiraanna waa suuragal.
1. Siyaasiyiinta qaar maba rabaan iney
Soomaaliya dowlad ka dhalato, waayo isaga saanaa u faa’iido badan, sababo
badan awgood, aqoon ahaan wuxuu ogyahay waardiye xitaa inuusan istaahilin haddii
ay dowlad dhalato, taageerayaa-shiisana wuxuu u sheegaa inuu Madaxweyne u soo
helayo, dhaqaale ahaanna saanaa u faa’iido badan, wuxuu doono ayuu ka ganacsan
iyadoon cidana waxba weydiin, saa isaga leh Garoonkii ama Dakaddii ay waxa ka
soo dagayeen.
Xagaryare: R/Galbeedku waa kuwan kharash
badan ku bixinaya shirkee, daacad ma ka yihiin xal u helida Soomaaliya? Danaha
ugu weyn ee ay Soomaalidu u aragto ama ay adigaba kula tahay ee ay ka leeyihiin
Soomaliya waa maxay?
Fahad Yaasiin: R/Galbeedku marka ay bixinayaan
kharashka shirka kama ahan Sadaqo, oo R/Yurub ma’ahan Hay’ad Samafal, ee waa
dowlado leh dana u gaara, waxaa haboon in la fahmo lacagtan hadda shirka
Soomaalida lagu bixinayo ineyba dhici karto iney tahay lacagihii awal Soomaaliya
loo qoondeeyey oo la waayey cid la wareegta, intaas waxaa dheer danaha ay ka
leeyihiin Soomaaliya oo aan hadda lagu soo koobi Karin qodobo yar yar, walaw aan
ka mid ahay dadka rumaysan in R/Galbeedka qaarkood ayba u faa’iido badan tahay
dowlada la’aanta Soomaaliya, sida aan ku sheegnay madaxda Soomaalida qaarkood,
waayo khayraadkii dalka oo dhan sey rabaan ayey ka yeelaan, sunta dunida ka
mamnuuca ah oo dhan Soomaaliya ayaa hoy u ah.
Waxaase qodobadaas oo dhan ka muhimsan maanta
R/Galbedka kanshaba uma hayo arimaha Soomaaliya oo halkaas iyo Ciraaq ayaa
qaarna haystaan, qaarna sidii ay saami ugu yeelan lahaayeen ayey u ordayaan, waa
laga yaabaa hadii lagu soo khasaaro Ciraaq in hadana bal qamaar labaad lagu
dheelo Soomaaliya, walow aysan ka heleynin Soomaaliya khayraadka yaalla Ciraaq
oo kale.
Xagaryare: Ninka aad isleedahay
Madaxwey-nenimada wuu ku soobaxayaa waa kuma, maxaadse ugu malaysay.
Fahad Yaasiin: Hadda inta sida rasmiga ah
usheegtay iney rabaan jagada Madaxweynaha inta aan ogahay waxay kala yihiin.
- 1. C/Laahi Yuusuf Axmed: Madaxweynaha
P/L.
- 2. C/Raxmaan Jaamac Barre: W/D/ee hore.
- 3. Faarax Wehliye Cadow ( Sendiko):
Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Soomliyeed.
- 4. Maxamed Cumar Xabeeb( M.dheere).
Gudoomiya Sh/Dhexe.
- 5. C/Laahi Axmed Caddow: W/hore ee
Maaliyadda.
Shantoodaas waxay dad badani rumeysan yihiin
iney ugu horeeyaan C/Laahi Yuusuf oo taageero Siyaasadeed ka haysto dowlado
dariska ah, iyo dowladaha la dagaalan waxa ay ugu yeeraan Argigixisada,
sababtuna waxaa weeye C/Laahi isaga ayaa Barnaamijkiisa Siyaasadeed ugu
horeysiiyey la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Wadaadada Madaxa adag, taasna waxaa
sabab u ah colaadda guunka ah ee uu u hayo Wadaada daneeya Siyaasada.
Sidoo kale Caddow waxa uu taageero ka haystaan
dad badanoo Bulshada Soomaaliyeed kamid ah, una badan Bulshada Rayidka ah,
wakhti dheerna waa uu hayey hanka ah inuu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya, waatii
uu C/Qaasim tiro kaga guuleystay Doorashadii Carta.
Sadaxda soo hartay ma garan karo maalmuhu waxay
si qadar ah ugu sahasho, laakiin ma muuqato iney haystaaan wakhti kaalmo u ah
iney ku helaan jagada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa laga yaabaa in dad is
weydiiyaan C/Raxmaan J.Barre oo wali madaxa
Soomaalida aan ka bixin 21.Sano oo xukun Dektaatori ah oo uu ka ahaa Wasiirkii
Dibada, tolow Soomaali mayeeli doontaa in ninkii saas ahaa uu 13.Sano inta soo
nasto hadana dhaho hogaankii ugu sareeyey ee dalka dib hala iigu martiqaado.
Xagaryar: Haddii nin aan ahayn C/Qaasim shirka
laga dhexdoorto, C/Qaasim ma taageerayaa baad u malaynaysaa?
Fahad Yaasiin: Sida uu C/Qaasim laftiisu
sheegay, wuu aqbalayaa wuuna ogolaanayaa haddii Soomaali hogaamiye kale isku
raacdo, waana hadal uu in badan warbaahinta ka sheegay Madaxweyne C/Qaasim,
laakiin ma hadal Siyaasadeedbaa mise waa war daacadnimo ay ka danbeyso?
Jawaabtaas wakhtiga ayaa bixinaya Insha’alaah, laakiin shakhsiyan ma qabo in
xilligii D.K.G. oon dhamaan dowlada kale laga duldhiso, waayo haddii dowlad kale
laga dul dhiso waxaa macquul ah iney keento mushkilad aan la xalin Karin.
Waxaa Waraystay. Xagaryare
Email. Xagar91@hotmail.com
Kulaabo Bogga
Hore....
|