SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland Oo Lasoo Gabagabeeyay Maanta

Khilaafkii siyaasaded ee Puntland uu dhamaaday

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 
Assalamu calaykum Waraxmatullahi wabarakatuhu:Bacda salaan

May 16, 2003 | Jimce

KAAH


Sida in dhawaalaba dhegta loogu lulayay Heshiiska Iyo Hanaanka Nabadda Ee Shirkii Puntland, ayaa waxa lagu soogabagabeeyay Maanta oo ay taarikhdu ahayd 16-05-2003 Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland Ee Magalada Bosaso, warkan oo aan kahelay laba xubnood oo muhiim ah oo labadaba ay kasoo kala jeedaan garabyada siyaasadda isaga soo horjeedey ee Puntland oo maalmahan shirkoodu kasoconayay Magalada Bosaso ayaa waxay iisheegeen in Khilaafkii siyaasaded ee Puntland uu dhamaaday , maanta wixii loogarana ay Puntland u curatay Nabad iyo Baraare, xubnahan oo aan lasii qaada dhigay murtida hadalkooda ayaa waxay uu guudmareen in Puntland tahay Maanta Mid isku mid ah.

Qodabadii la'isku hayay labadii malmood ee lasoo dhafay ayaa dhamaan la'isla ogoladay.

Qodobada La'isala Ogolaaday waa sidan.

1- In Ciidamada GBP lagu kala daro Qaybaha kala duwan ee Ciidamada puntland, iyadoo tiradoodu noqonayso Shan(500)Boqol oo askari, oo dhaman lakala qaadayo.
2-In Jiritaanka Puntland uu yahay mid Muqadish ah.
3-In aan raad danbe loogu noqon marxalidihii lasoomaray.
4-in si wadajir ah loo'ilaasho Jiritanka, difaaca Puntland.
5-In xukuumaddu soodhawayso nabadda Puntland.

Dhamman qodobadan waa la'isku wada raacay, hasayeshee waxa jira qodobka qaybsiga awoodda dowladda oo siyaabo kala duwan ay saxaafaddu oga hadashay, gaar ahaan xagga shabakadaha oo aad loogu buunbuuniyay, sida qaybsiga wasiirada iyo hogaanka sare ee ciidamada, haddaba labadan qodob oo isbar-bar socda, maahan sida ay saxaafaddu ufaafisay, si khalad ah ayaana wax looga qoray, hasayeshee qodobka koowaad(1) ee qaybsiga wasiirada waxa lagu saleeyay qaab qabiil, wuxuna noqday sidan hoose:

GBP ee Mucaaradka waxay kudoodeen in wasiirada la'isku dhafo, tasoo keentay in shirku uu hoos u falanqayn badan kayeesho arrintaas ay soo bandhigeen GBP ee Mucaradka , waxay arrintii isu badashay qaab qabiil, haddaba GBP oo muujiyay in aan laga tagi karin ragga magaca leh ee lasoo dagaalgalay Mucaradka, isla markana jagooyin kuraadiyay mas'uuliyintooda ayaa waxa lahordhigay qaabka qabiilka, Xukuumadda ayaa waxay soojeedisay in raggan oo dhamantood qabiil ahaan kakooban Deganka Puntland in rag lamid ah iyaga oo ay isku hayb yihiin ay kujiran xukuumadda, sidaas darteed arrinka wasiirada waxa loodayay qabiil ahaan in shaqsiyadka GBP ah ay arrinkooda kula noqdaan qabiiloyinkooda, haddii ay isu tanaasulayan oo midka mucaradka ahi uu ina adeerkiis katirsan xukuumada uu udaynayo xubintisa ay utalo qabilka xubintaasi iska leh, oo qabiilku uu kala doorto wasiirkooda, haddii ay midka Mucaradka soo magacawdaan xukuumaddu u ansaxiso, haddii qabilku doorto kii horay oga tirsanaa xukuumadduna ay xukuumadu ansaxiso, arrintasi waxa durbadiiba jawaab cad kasoo celiyay Beesha Maxamuud harti(Dashiishe) waxayna madashii usoo gudbiyeen qoraal ay ku caddeynayan in Wasiirkooda Caafimadka ee katirsan xukuumaddu yahay wasiirka ay doorteen Mudane, Saciid Cadduur.

Majiran wax laxariira ra'isul wasaare in lamagacaabo ama saddex Wasiir lasiiyo GBP, arrimaha saraakiisha ciidanka waa ladaboolay, isla markana waa la'isku waafaqay qaabka wax la'isagu dhafayo, Qaabkan saraakiisha wax uu muran kataagan yahay mahan, waxa jira in xukuumaddu diiday wasiikrii hore ee Maaliyadda Maamulkii Jamac Cali Jamac Mudane, Maxamuud Shiddo , Maxamuud Shido waxa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka'ahaa Fashilkii kuyimid Shirkii Nabadaynta Puntland ee itoobiya kal hore kadhacay , kaasoo garabka Jamac Cali Jamac ay kamaagteen in ay lahadlaan oo lashiran maamulka C/laahi Yusuf, Arrintan wax saamayn ahi kuma yeelan gogosha shirka, isla markana GEN Cadde Muuse wuu ansaxiyay qodobkan.

Haddii rabbi idmo, maalinka Barri ah oo ay taarikhdu noqonayso 17.05.2003 ayaa xafladda nabadaynta Puntland waxaa lagu qabandoona Aqalka Madaxtooyada Puntland, Xafladdan oo si heer sare ahi loosoo agaasimay amaankeedana aad loosugayo waxa kasoo qayb galaya dhamaan waxgaradka degaanka Puntland, safaaradaha USA, ITALY, BRITAIN, ITOBIYA, IGAD, JABUTI, NGO's , Hay'adaha ka howlgala Puntland wakiiladooda, Jamacadda Carabta, iyo Wafuud kale oo somaliyed oo ka kala imanaya somaliya iyo dalka dibaddiisa, Jaaliyahadaha.

Shirkan Puntland ayaa waxa uu saadaal u yahay Mustaqbalka Shirka dib u heshiinta Somaliwayn, dadka Reer Puntland ee dalka gudihiisa kunool, gaar ahaan Bosaso ayaa waxay si dhab ahi oo aan hagrasho lahayn mantooda ugu huray inay nabadda kala shaqeeyaan siyaasiinta, waxaad arkaysaa waagu marka uu baryo dad badan oo usoo dhaqaaqaya madasha shirku uu kasocdo, isla markana illaa galinka danbe ku xaadir ah banaanka howlka shirka, waxaad dadka wajiyadooda kadareemaysaa farxad iyo kalsooni.

Qaabka ay xafladdu u dhacdo waanu soogudbindoona insha allahu Barri, waxana jiridoona war saxaafadeed loosoo tabindoono saxaafadda, warsaxafadedkaasna waxa kuwada saxiixnaan doona Madaxwaynaha DG puntland Mudane C/Laahi Yuusuf Axmed, Iyo Mudane Cadde Muuse Boqor.

Mahadsanidin


Shiike
shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

Somalitalk. 

May 16, 2003 

 Qoraaladii Hore ee Shiike

Dib Udhac Kuyimid Shalay Heshiiskii Puntland 
Iyo Xilligii Maqribka oo Laxaliyay, warbixintii caawa ee Shiike GUJI 14/5

Dib u Dhaca Safarkii Bosaso ee Xasan Abshir & Deerow
Khilaaf soo kala dhexgalay DKG ayaa sababay in GUJI...  13/5

Wararkii  Nabada PL 
»»Wafdigii Ugu Danbeyay oo Caawa kadulay Dubai Iyo Shariqa
»»Cabdullaahi Yuusuf iyo Cade Muuse oo yeeshay Kulan Gaar ah

Dhammaan Ka Akhri Warbixintii Shiike.. GUJI..  8/5/3

Warsaxaafadeed: Madaxtooyada Puntland 
waxaa Boosaaso maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadahadalka dawlad goboleedka Puntland iyo....   GUJI 6/5

Wararkii hore ee Puntland
warbixintii Shiike ee wararkii Boosaaso, UAE, iyo Nairobi iyo wufuuda kusii jeeda Boosaaso...  GUJI

Kulaabo Bogga Hore....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD