SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland Oo Guul Ku Dhamaaday

Shiike
faaraxbotan@hotmail.com 
Assalamu calaykum Waraxmatullahi wabarakatuhu:Bacda salaan

May 17, 2003 |

KAAH


Sida ay dad badan kadhursugayeen, waxaa Guul Wayn (Allaa Wayn)laga soohooyay Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 17/05/2003 lagu soo gaba-gabeeyay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboledka Puntland ee Magalada Bosaso.

Waxa xarunta madaxtooyada lagu qabtay xafladdii lagu soo afjaray shirarkii indhawaalaba kasoconayay magalada Bosaso, xafladdan oo ay soo agaasintay xukuumadda DG Puntland ,waxa kasoo qayb galay dhamman hay'adaha kaladuwan ee xukuumadda, Golaha BP ee Mucardaka, Waxgaradka deeganka Bari, marti sharaf kala timid dhamaan inta gobol oo ay kakoban tahay Puntland, Guddiga xaqiiqo raadinta ee qaramada midoobay, Hay'adaha samafalka ee ka howl gala Puntland, Ururada haweenka ee Puntland, marti sharaf kale oo matalaysay IGAD, UNICEF, UNDP, WFP, OXFAM, MSF Belguim,US-Envoy,Iyo wafuud kale oo kala socday dalalka Itobiya iyo Deganada kale ee ku wareegsan Puntland.

mahuraan
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

Waxa marti sharaftaan garab socday oo aan marnaba lahilmaami karin dadwaynaha Magaalada Bosaso oo si aan hagrasho lahayn usoo buuxshay dhamaan dariiqyada soogala madaxtooyada, waxaad waddadii xiray gawaarida yar-yarka ah ee dadwaynuhu ay wataan, waxa mar qura dadkii goobtaa yimid isla qadeen SACAB IYO XAMAASAD aad u dheer kadib markii indhaha dadku ay qabteen Mudane C/Laahi Yusuf Axmed Iyo Cadde Muuse oo gacanta is'haysta kana soo wada baxay hal irid iyaga oo aad u faraxsan, isla markana ay wajigooda kamuuqato QIIRO WADANIYADEED iyo FARXAD aan lasoo koobi karin, sawaxan iyo qaylo dheer kadib waxa goobtaas oo aad loo adkeeyay nabad galyadeeda qudbad ka'aqriyay madaxwaynaha DG Puntland Mudane C/laahi Yusuf. Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in Puntland ay tahay iskumid, iskuna aragti, isla markaana aysan jirin wax loogu yeero mucaarad Puntland, C/laahi waxa uu ku nuuxnuuxsaday oo uu mahad ballaaran usoo jeediyay shacabka reer puntland oo uu sheegay inay qayb libaax kaqaateen nabaddaynta Puntland, waxana uu C/laahi shacabka ku booriyay inay adkeeyaan nabadda , isla markana ay somaliwayn ku farax santahay horumarka iyo nabadda ay gaartay Puntland, -GEN CADDE Muuse ayaa isaga qudbad taas lamid ahi goobtaas kasoo jeediyay, shacabka oo aan marnaba kala goynayn SACABKA iyo Xamaasadda ayaa waxa kale oo ay indhahooda qabteen qudbaddii kadib Madaxwaynaha Iyo Jananka oo isku soo booday haddana XABABDKA ISA-SAARAY.

DADWEYNAHA & BBC-DA LAANTA AFKA SOOMAALIGA AKHRI.HALKAN... 

GARSOORAHA MAXKAMADDA BOSAASO OO BEENIYAY WARBIXIN BBC-DA  Sahan.... GUJI 

waraysigii Dr. Gaagaab ee warkii been abuurka ahaa ee sheegayay in la afduubay isaga iyo marwada madaxweynaha Buntilaan.... Maxamed-deeq Cabdulqaadir
GUJI....
 
 

MA WARIYE BBC BAA, MISE RAADIYO HARGEYSA Caddani

BBC iyo CODBIXINTII SOMALILAND [Xaamud Cali]

What is in it for the BBC? [Press]

Letter to Ms Blackburn of BBC By Gaashaan

BBC: No Longer a Source of Reliable News!! By SHASNA Mediawatch

AN OPEN LETTER to the BBC World Service and the BBC Somali Section Leadership By SHASNA

Argagaxisada ugu weeyn ee Soomaaliya waxaa ugu horeeya Cidaacadda BBCda Laanta Afka-Soomaaliga Arlaandi 

Idaacadii BBC-du ma waxay isku rogtay Raadiyow Muqdisho Horseed

QODOBADA HESHIISKA: A) Illaa iyo hadda waxa lagu heshiyay cid og majirto, galabta oo ahayd in la'aqriyo qodobada lagu heshiiyay ayaanayn suura galin, gabalka qoraxda oo madoobaday awgiis, haddii rabbi idmo Barri oo ay tarikhdu ku began tahay 18.05.2003 ayaa Madaxwaynuhu waxa uu qubdab dheer ka'aqrindoonaa Garoonka kubadda Cagta ee Magalada Bosaso, wararka idaacadda BBC'da ay siidaysay ee uu soo gudbiyay Wariye halkaas uga soo waramay ayaa ah kuwa aan lahubin, waxaa soo baxay oo kaliya in laba wasiir lagu siyaadiyo Golaha Wasiirada DG Puntland tasoo siyaadinteeda larabo inay ansaxiyaan Golaha Baarlamanka.

B) Waxa jira warar hoosad kale oo sheegaya in laba Wasiir kuxigeen iyo laba agaasime lasiindoono GBP Ee mucaaradka, Arrinka ah in lasiiyay Taliyaha Ciidanka Poliska Puntland GBP waxba kamajiran oo macadda ilaa hadda, saxafaddase warar aan laxaqiijin ayay kasoo gudbisay, gaar ahaan BBC'da qaybteeda afka somaliga, arrimaha ciidamada kuwa Poliska ama Daraawishta wax xaqiiqo ahi lagama hayo qaabka wax la'isagu dhafayo, laakin waxa la'isku raacay in Ciidamada lamideeyo, oo dhammaan hal xarun laga wada xukumo, iyagoo dhamaan loo qaybindoono xuduudaha Puntland .

Wafdiga Shirka Kenya oga qayb galaya GBP oo raacaya Madaxwaynaha waxa kamid ah

1-Mudane, Khaliif Ciise Mudan
2-Cali Ismaciil Boqor iyo Waliba laba xubnood oo kale.

Genaral cadde ayaa dib katagaya Shirka Nbi, haddana u baaqday sida wararku shegayan arrin laxariirrta sidii HUBKA looga dhigilahaa maleeshiyada , isla markaana loogu wareejin lahaa gacanta xukuumadda, horay ayaa labada gole waxay ugu heshiiyeen in Tiro  Gaaraysa (500)oo Askari lagu dari doono Cidamada DG Puntland laamahooda kala duwan.

Waxii kasoo kordha qodobada la'isku raacay dibbaannu kasoo gudbin doonaa haddi rabbi idmo, xaqiiqadana waxay tahay maanta oo xafladdii laqabtay wax lagu heshiiyay oo qodoba ahi lama sheegin.

Mahadsanidin.

shiike
faaraxbotan@hotmail.com 

Somalitalk. 

May 17, 2003 

 Qoraaladii Hore ee Shiike

Shirkii Geeddi Socodka Nabadda Puntland Oo Lasoo Gabagabeeyay
Kaas oo soo afjaray Khilaafkii siyaasaded ee Puntland GUJI 

Dib Udhac Kuyimid Shalay Heshiiskii Puntland 
Iyo Xilligii Maqribka oo Laxaliyay, warbixintii caawa ee Shiike GUJI 14/5

Dib u Dhaca Safarkii Bosaso ee Xasan Abshir & Deerow
Khilaaf soo kala dhexgalay DKG ayaa sababay in GUJI...  13/5

Wararkii  Nabada PL 
»»Wafdigii Ugu Danbeyay oo Caawa kadulay Dubai Iyo Shariqa
»»Cabdullaahi Yuusuf iyo Cade Muuse oo yeeshay Kulan Gaar ah

Dhammaan Ka Akhri Warbixintii Shiike.. GUJI..  8/5/3

Warsaxaafadeed: Madaxtooyada Puntland 
waxaa Boosaaso maanta si rasmi ah uga furmay shirka wadahadalka dawlad goboleedka Puntland iyo....   GUJI 6/5

Wararkii hore ee Puntland
warbixintii Shiike ee wararkii Boosaaso, UAE, iyo Nairobi iyo wufuuda kusii jeeda Boosaaso...  GUJI

Kulaabo Bogga Hore....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD