Cali Xalane
|
WARIYE CALI XALANE OO BAGDAAD JOOGA:
WAA WARIYIHII WADA ARKAY MUQDISHO IYO
BAGDAAD:
Faaladii: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | editor@somalitalk.com
Daabacaad: May 10, 2003 | Update: May 11, 2003
Marka la soo qaadayo Cali Xalane waxay
xusuusteydu soo rogeysaa goortii aan wargayskii Carabiga ahaa ee aadka looga
akhrisan jiray wadamada Khaliijka waa (Jariidada Almusli-muun) aan Bogageeda
ugu horeeya ka akhirin jira qoraal uu u soo diray Wariyahooda “Cali Maxamed
Xalane” oo jooga Muqdisho, sanadihii 95-96.97.98., Wariye Xalane waa Wariye
aadka looga yaqaan dunida Carabta, waxaana la oran karaa waa wariyaha
Soomaaliyeed ee ugu caansan dhinaca warbaahinta Carabta.
Cali Xalane waxa uu sannadkii 1970 ku dhashay
magaalada “Ceeldheer” ee Gobolka “Galgaduud”, waxa uu ka qalin jabiyey
Jaamacada Muqdisho isaga oo bartay, “English literature” waxa uu
tababar Saxaafadeed u aaday wadamada kala ah, Sacuudiga, Masar, iyo Suudaan,
waxa uu Saaxafada si weyn ugu biiray bilowgii Sagaasha-meeyadii isagoo markaa
la soo shaqeeyey warbaahinno kala duwan oo inta badan afka Carabiga ah, waxaa
uu wariye joogta ah u kala noqday goobaha kala ah.
- 1.Wariyiha Idaacadda Kuwayt. Laga soo
bilaabo 97.kii.
- 2.Wariyii Jariidada Almuslimuun, Jeddah.laga
soo bilaabo.95.kii.
- 3.Wariyiha Radio Montecarlo: Baariis.
- 4.Wariyiha BBC-da Laanta afka Carabiga laga
bilaabo 96.kii.
- 5.Wariyaha Jariidada Alsharqalawsat. London
- 6.Wariyihii Jariidada almustaqillah. London.
- 6. wariyaha wareega ee Sharikadda caalamiga
ah ee Media International waana Hay’ada leh www.islamonline.net
|
Cali Xalane intaa kaliya ma’ahayn hawshiisa,
oo iskuma uruurin Afka carabiga, ee waxa uu qoraallo ku lahaa Wargaysyada ka
soo baxa Soomaaliya Qaarkood, sida isagoo Faallo joogta ah ku lahaan jiray
Wargayska Dadka ee Asbuuclaha uga soo baxa Muqdisho, Faaladaas oo ay
cinwaankeeda joogtada ah ahayd (QABYO) wuxuu ahaa qoraal ay dadku aad u
jeclaayeen, aniguna waxaan ka mid ahaa Akhritayaashii u iibsan jiray Dadka si
ay u helaan fursada akhrinta Qoraalka Wariye “Xalane”. Sidoo kale waxa uu
qormooyin isdaba joog ah ku lahaan jiray Wargayska (Qaran) ee isna ka soo baxa
Muqdisho, waxaa uu si weyn uga muuqday Saxaafada dalka Jabuuti oo uu labada
wargays ee kala ah ( Waayaha Geeska) ee afsoomaaliga ah iyo (Alqarni) oo af
carabi ah, uu wax ku qori jiray, waxa uu Tifaftire ku xigeen ka noqday
Wargayskii Afka Carabiga ahaa ee la oran jiray ( Alsoomaal Aljadiid, waxaa uu
qoraal joogta ah ku lahaa jariiddii iyaduna Carabiga ahayd ee (AlUmmah) oo aan
ka xusuusto qormo macaanayd oo uu “Xalane” ugu magac daray ( Min waxyil
Azma) wuxuuna uga faalloon jiray dhibaatii ay keentay dagaallada Sokeeye,
Xalane waa wariyaha aadka uga faallooda arimaha Geeska Afrika waxa uuna
Waraysiyo kala duwan siiyey TV-yada kala ah Aljazeera, Abu-Dubay, iyo MBC-ga.
Cali Xalane waa Wariye da’yar oo Caata ah,
waa bashaash aad ka helesyo sheekadiisa , inta aad agfadhido ku daalimeysid
adoo jecel ayaad ka soo tagaysaa, qaybaha kala duwan ee Bulshada oo dhan wuu
fahmayaa “xalane” siduu ugu sheekeen lahaa, intabadan Qoraallada uu qoro
hadafka uu ka leeyahay waxay tahay sidee umada Mulsmika ah iyo Soomaliduba ay
badbaado ku heshaa, “ Cali Xalane” waxaan is baranay bilowgii 96.kii aniga
oo markaa ku soo booqday Xafiis uu ku lahaa Muqdisho, goortii aan u sii socday
Xafiiskiisa muuqaalkii ay maskaxdaydu ii sheegtay iyo markii iyadoon la ii
farfiiqin si kadis ah la iiyiri Cali Xalane waa kan, waxay maskaxdaydu lahayd
tolow Wariyihii aad rabtay inaad aragto ma’ahan ninkan ee waa goob kale
meesha aad timid, sababta ay maankaygu iyo muuqaygu isku hardiyeenna waxaa
saldhig u ah, qoraaladii Cali Xalane ee aan weheshan jiray, da’dii ay ila
jireen ee aan maanka ku haystay iyo muuqaygu qofkuu arkay, waxaa sanado tiro
badan weynaa da’dii uu qoraaga qoraaladan ila jiray, saa awgeed Cali Xalane
waa Qoraa aad isleedahay tolow ninka qormadaan qoray ma wuxuu goob jooge ka
ahaa dagaalkii labaad ee aduunka.
Faalo uu Fahad Yaasiin ku qoray
wargeyska Alquds Alcarabi GUJI |
Cali Xalane waxa uu Bagdaad tagay Jimcihii
dhawaa isaga oo ka socoda Media International oo ah Hay’ada iska leh Barta
www.islamonline.net Email uu ii soo diray Maanta waxa uu Cali Xalane iigu
sheegay inuu soo qaaday jidka dheer ee isku xira Cammaan iyo Bagdaad isagoo soo
maray Xuduuda labada dal Urdun iyo Ciraaq, “Xalane” intii uu jidka hayey
waxa uu sheegay inuu arkay Ciidamadii Maraykankan oo si raxan raxan ah u
dhooban dariiqa, islamarkaana ka samaytay Isbaarooyin farabadan oo ay dadka ku
baaraan, waxa uu Su’aalo badan weydiiyey Gabadh ka tirsan Ciidamada
Maraynkanka oo Su’aalihii uu weydiiyey ay ka mid tahay, (Gumays-tayashii hore
marka ay dal ku soo duulayaan Ciidanka kuma dari jirin Dumar, maxay Maraykanku
ugu soo dareen Ciidan-kooda ay Ciraaq ku qabsadeen Haween?) waxay ugu jawaabtay
inuu laba farqi jiro, waa midee Maraykanku Gumaysi uma iman ee wuxuu u yimid
inuu xoreeyo R/Ciraaq, waa mida labaade horumarka ay Tiknoolajiyada dagaalka
gaartay ayaa Dumarka u sahlay iney ka qayb qaataan Dagaalka, waxay kaloo Cali
Xalane ay u sheegtay iney Waraaqo ka hesho Amooraheeda oo jooga Kalafoorniya.
Warbixintaas oo Afka Carabiga ku qoran ka
akhriso halkan.
http://islamonline.net/Arabic/news/2003-05/10/article10.shtml
Cali Xalane waxaan weydiiyey sida uu arko
Bagdaad, waxa uuna ii sheegay inay wali ku adag tahay inuu faallo
Goobjooge-nimo ka bixiyo Bagdaad iyo Ciraaq guud ahaan, maadaama uu ku cusub
yahay Ciraaq, waxaanse ka rajo qabnaa in Cali Xalane uu maalmaha soo socdo naga
dharjin doono xaaladaha Ciraaq.
Cali Xalane waa Wariyaha ay u suura gashay
inuu wada arko Muqdisho oo ah goob uu ku dhex noolaa dhamaan intii ay dagaaladu
socdeen, waxaa hubaal ah in Cali Xalane uusan ka argagixi doonin goorta ay
dhagahiisa ku soo dhacaan Xabaddo si isdaba joog ah u dhacaya, waana mushkilada
haysata Wariyayaasha kale ee ka yimid wadamo aan Xabadda dhicideeda laga maqal,
waxaan ogahay aniga oo kaashanaya aqoonta aan u leeyahay Cali Xanale inuu noqon
karo Wariye si daacad leh uga soo waramo xaalada dhabta ah ee dalka Ciraaq,
isagoo haysta khibradihii uu ka kororsaday intii uu Wariyenimada uga
hawlgalayey magaalada Muqdisho.
Waa wariyaha labaad ee Soomaaliga ah ee
booqday Bagdaad, Wariyihii hore wuxuu ahaa Raage Omaar oo ka socday TV-ga BBCda,
oo isaguna sumcad weyn ka helay Warbaahinta R/Galbeedka, waxaan filayaa in Cali
Xalane uu isna Bagdaad ka kororsan doono khibrad dhamaystiran oo Wariyeno, uuna
khabiir buuxa ku noqon doono sida looga soo waramo goobaha ay Colaada ka jirto,
waana midda ay Hay’ada Media International ku dooratay inuu uga soo waramo
Bagdaad, maadama uu uga soo warami jiray Muqdisho.
Cali Xalane waa Wariyihii Soomaaliyeed ee wada
arkay Bagdaad iyo Muqdisho.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
May 10, 2003
QORAALADII HORE EE FAHAD YAASIIN
IRAQ
TODAY'S NEWS
| WARARKII
HORE EE IRAQ | SOMALIA
NEWS
DIGNIIN:
Deeq Waxbarasho oo Been Abuur ah
USA: Ardayda Dugsiyada Sare ee isu diyaarinaya Jaamacadaha Maraykanka waxaa....
GUJI.
10/5
|