SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaxootinmo Nafta Loo Miidaamiyaa Sharaf ma laha!

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa, Canada

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Sida aad la soctaanba waxa maalmihii la soo dhaafay xeebaha Talyaaniga iyo Waqooyiga Afrika ku naf waayay dad aan yarayn oo Soomaliya. Dadka ku naf waayay shilalkaasi waxa ay u badnaayeen dad dhaliinyara ah oo raadinaya nolol dhaanta ta ay ku jiraan. Tacliin darada, shaqo la’aanta iyo daganaashiyo la’aanta ka jirta dhulkii ay u dhasheen waxa ay ku khasabtay in ay khatartaa wayn u soo maraan sidii ay u heli lahaayeen nolol ka fiican ta jirta dhulkoodii. Qof kastaa wuu fahmi karaa taas. Su’aasha muhiimka ahi se waxa ay tahay noloshaas ay raadinayaan ma tahay mid laga helayo dhulalkan loo soo carararyo, hadii ay taalo se ma istaahishaa safarkaa khatarta ah ee loo soo marayo. Jawaabta su’aalahaas weeye ujeedada qormadani. Waxa aan u qoray maqaalkan dadka Soomaaliyeed ee xeebeha ka raadinaya in ay helaan dooni ay ku soo dhuuntaan iyo kuwa saxaaraha u soo goynaya si ay u soo gadhaan xeeb ay dooni ka soo qabsadaan. Intiina Galbeedka deggan ee maqaalkan akhrinyana waxaan rajaynyanaa in aad ila wadaagtaan dareenka uu xambaarsanyahay maqaalkani.

Galbeedku Janno Ma Aha

Khudbadii salaada Jumcaha iigu horaysay ee aan ku dhagaysto wadankan aan iminka degenahay ayaa sheekhii akhrinayay waxa uu ku bilaabay khudbadiisa hadal uu macnihiisu yahay “Markii aan imanaynay wadamadan Galbeedka(hadaynu nahay Muslimiinta u soo qaxday) waxa aan u malaynayanay in ay Jano (Paradise) inaga soo horayso …Jano ma taal dhulkan ee dab (hell) ayaan soo doonanay” ayuu yidhi sheekhaasi. Ka dib waxa uu bilaabay in uu sharxo sabata uu hadalkaa u yidhi. Waxa uu sheegay in waxa ku kalifay hadalkaasi uu yahay xaalda liidata ee ay ku suganyihiin qoysas badan iyo dad aan yarayn oo ka midda Muslimiinta deggan magaaladaa uu ku noolyahay. Dad badan oo u soo raadsaday nolol fiican ayuu sheegay in qoysaskoodii ay halkan ku burbureen, caruuro loola soo carary tacliin iyo nolol fiican ayuu sheegay in ay xabsi ku danbeeyeen. Dhib badan oo Muslimiinta ku haysata qurbaha ayuu maalintaa taxay. Waan la yaabanaa hadaldiisa maalintaas… laakiin dib ayaan ka arkay qaar ka midda dhibtii uu ka waramayay.

Runtii dad badani sida uu sheekhaasi sheegayba waxa ay u malaynayaan in nolasha taala dhulalkan Galbeedku ay tahay jano macaan oo hadii la soo galo la barwaaqoobayo. Dhabta taalaa se waa mid ka duwan sawirkaas. Hadii Janada la raadinayaa ay tahay aduunyo …shaki la’aan aduunyo ma taaalo Galbeedka. Aduunyada taala ama waa xoogsi aan wax kaaga dhigmayn (si kasto iyo shaqo kasta oo aad qabatoba …. mushaharkaagu kama badna cuntadaada iyo ijaarkaaga) ama waa Caydh aanad shaaraf ku lahayn mujtamaca aad ku dhex nooshay. Cunto iyo hoy waayi maysid Galbeedka, laakiin noloshu cunto iyo hoy uun ma aha. Hoy iyo cunto in nafta loo halaagana waa danbi.

Meel Kuwii Joogay ay Ka Cararayaan

Toboneeyo sanno ka dib markii dhulalkan Galbeedka lagu noolaa waxaa Soomaali badan u soo baxday in meeshu aanay janno ahayn…… .. dhibteeduna aanay yarayn. Marka ay maanta dad badani noloshooda u halaagayaan in ay gaadhaan xeebaha Yurub …..qaar badanina wey ka cararyaan dhulakan iyagoo waliba jinsiyado ku haysta. Madaarada Yurub iyo kuwa carabta maalin walba waxaad ku arki qoysas Soomaaliyeed oo qurbaha (Galbeedka) ka sii qaxaya. Hadaad waydiisid waxa ku kalifay in ay dib u qaxaana waxa ay kuu sheegi in ay qurbaha ka waayeen noloshii ay raadinayeen. Waxa ay kuu sheegi dhibta ay kala kulmeen korinta ubadkooda, waxa ay kuu sheegi dhibta soo gaadhay qoyskoodii, waxa ay kuu sheegi dhaqaalo darada ku haleeshay dibada iyo in ay naceen in ay caydh ku noolaadaan. In kasta oo aanay dadkaas Galbeedka ka sii qaxayaa wali aanay badnayn hadana waxa ay ka markhaati yihiin meeshani in sida loo malaynayay aanay ahayn.

Lagu Qanci Maayo ee Waa Sidaa xaqiiqdu

Laba sanno ka hor mar aan safar ku tagay dhulkii ayaa magaalo aan ku hakanay waxaa diyaaradii aan la socday ka soo raacday gabadh Soomaaliyeed. Gabadhaas oo xijaab ku jiqa oo xitaa uu wajigu u daboolanayd ayaa waxaa dhacday in meel aan iga fogayn ay soo fadhiisatay.. Diyaaradii markii ay kacday ayaa waxa ay I waydiisay meesha aan ka mid. Waxaan u sheegay in aan ka imid Kanada oo aan degenahay. Gabadhii waxa ay si xiiso leh iiga waraysatay Kanada ….waxaan u sheegay xaqiiqda ka jirta Kanada iyo in aanu Galbeedku ahayn sidda ay dad badani u malaynayaan. Gabagabadhii inta ay la yaabtay hadalkaygii ayaa waxa ay hadal iigu soo koobtay “walaahi walaal meel aan Galbeedka u mari karayo hadaan heli lahaa maalin dhulkan ma joogeen ”. Waxa ay gabadhaasi ka turjumaysaa mawqifka Soomaalida dhulkii Joogta iyo xiisaha ay u qabaan qurbaha. Way adagtahy in aad qof ka qanciso in qurbuhu aan u qurux badnayn sida dad badan maskaxdooda ka guuxaysaa ….. lakiin xqiiqdu waa sidaas.!!

Gabagabo

Ujeedada ugu wayn ee aan qoraalkan ka lahaa waxa weeye in aan dadka Soomaaliyeed ee naftooda u biimaynaya qaxootinimadda Galbeedka aan ku idhaahdo nolosha Galbeedka taalaa ma istaahisho khatarta aad u soo maraysan. Hadaydaan haysan dariiq dhaama saxaaraha iyo badwaynta aad isku miidaaminaysaan waxaa la qaatay in aad dhulkiina Ilaahay ku baridaan oo aad Ilaahayna ka baridaan in uu dhulkeena inoo barwaaqeeyo kana dhigo mid inooga wanaagsan qurbahan aynu u soo carararyno.

Kuwa xooga ku haysta tallada Soomaalidana waa in ay xusuustaan in dadkaa xeebaha ku dhimanaya aakhiro la waydiinayo ..waa hadii uu wali damiir muslinimo ama bani’aadnimo ku hadhay.!

Dhamaan dadkaa dhintay ilaahay ha u naxariisto intii ay ka tageena samir iyo iimaan Ilaahay ha ku irsaaqo inteena noolna Cibro ha inoo noqoto.

Saidahmed67@aol.com 

 QORAALADII HORE EE SACIID


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

JAWAABTII CABDIWAAXID EE QORAALKII SHAAFICI....

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD