SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DHIBAATOOYINKA TAHRIIBKA BADDA

SHEEKOOYIN TAXANAA(xaqiiq kusaleesan) -__(Dr Taqi)

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Ilaah baa mahad iyo shukri usugnaatay, naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha,ahato Suubanaheena (csw)aamiin aamiin

Waxaa kamidaa 6 tiir ee iimaanka in larumeeyo qadata eebe oo iskugu jirta shar iyo qeer waxaa usbuucydan dhamaan umada soomalida kuhabsatay musiibo aad uba,an oo caalamka xitaa kagilgiisay tiro boqolal ayaa bada ku qarqamay, waase yaabe waa maxay waxa kukalifay dadkas inay nafsadooda halistaas ubareraan dabcan maahan usbuucii lasoodhaafay oo kaliyaa in umada Somali badda kuhalaag santo waa jireen dad xiliyadii dagalada sokeeye sidaa iyo si kaxun bada ugu halaagsamen oo maantay cidina war uheen oo yaxaasyo umartiyeen waloow dadkaas ay dhibaato kaca carayen, balse kuwa waayadan danbe badda cas iyo mida midtraina-ka kuhalaag samaayo aan la,aqoon sababaha kadanbeeya. Hadaba sheekadan cajiibka aqri waxaa kashee keenaayo dadkii ay kudhacday iyaga ha inoo aqbaaren

waxaa joogay dalkeega hooyo waana shaqeesan jiray waxaan masuul ka,ahaa qoos balaran ay kujiraan xaaskayga iyo caruurteeda iyo waalidkay waxaa laigu war galiye inan wadankan carada ilaah kudhacday oo dhiiga muslimku kuqubanaayo iskaga baxo oo dibadahas nololosha fiican kajirto ubaxo taladas waxay ilanoqotay talo fiican, xiligaas waxaa jooogay magaalooyinka ugu waaween somalia mida ugu nabada fiican waxaa hadbo leen raadsho aaqirkii waxaa la,iishegay in ruuxii Libia tagaa oo somaliya uu nolol fiican kunoolaan oo dowlada Qadafi balan qaaday inay hooy iyo waxbarsho siin wixii kasoo jeeda Somali arintas aad iyo aad ayey ii farxad galisay mar hadii dal muslimaa hooy iyo wax barasho kusiin kabo fiican dalalka reer galbeedka ee gaaladaa .Waxaan bilabay sidii aan safarkaas dheer ugu qorsheesan lahaa durbadiiba waxaa joojiyey hoowlihii ganacsiga oo dhamaan lagactii cadaan ayaan kadhigtay waxaa kuwargaliyey xaskayga iyo carur gaareeso 9 iyo hooyaday oo sheebaa inan safreeno oo Libia nolol barwaqaa nooga horeeso xaaskayga iyo hooyaday midnaba arinkaas kumo qanacsaneen basle taladayda mid laloodin karo ma,aheen oo waa lagu qasbanaa aqalkii ayaan xaraashay waxaa bilabnay safarkii jidka tilmamta aan haysano wuxu ahaa Ethiopia, Eritrea , Sudan kadibna Libia safarku wuxuu ahaa mid dhulka la,istacmalayo maadamo passport-ka lagubixi Karin, qarashka safarka kubaxaayo gacantaa kusidanaa isagoo cadanaa mana yareen runtii qarsha safarka

waxaan bilaabnay safakii horaase looyiri “safar waa saxariir saacadba Allaha kadhigee” qooskaas balaaran dhibkiisa waad dareemi kartaan waxan dhexda kula kulanay qoosas iyo saqsiyad safaraa oo isku ujeedo nahay rajadii safrayga ayaa sii weenatay oo hamiya isii galay in meesha barwaqada la,igala hormarin ayaan kufikeray waxan habeenba meel dhaxay iyo dhafar ahaano waxan gaarnay Ethiopia halkasaa Hotel kudegnay cu! nto aan kashakinay waan iska cunay anagoo isku qancinay waa ahlu kitaab raashinkooda waa lacuni karaa balse wax damiirku kusiin karo ma, aheen balse sidaan ugaarno barwaqadaas wax kasto oo dhibaa waan usab reenay maadamao dheef inoo danbeedooto .Cimiladu cimiladii aan niqiin maahan carutii iyo waayeeladii waa jiradeen kor cuncun iyo cudaro aan horay u,aqoon ayaa kudhacay qudheeda oo awoodiisu buuxdo ayaa bukooday subax kastaa hooyday iyo xaaskayga waxay ilahaayeen waa sidee meesheenii inagu celi aan kuuduceeye saxarirtan kumo siisocon karnee maya maya dhibkan dheefaa kadanbeso hala sabro ayan ugu jawaabaa. Caruurta gabadha aan ugu jeclaa oo 7jiraa waxay I,oran jirtay aabo saakay dugsi qur,aan majiro miyaa macalinkaa idilaayo ee dugsiga igee waayaabe midwalboo caruur kamidaa wuxu dib iisoo xasuusin jiray xaaldahoodii iyo nimcoyini ay kujiri jireen waagi dalka ay joogeen.

Waxan marbo jaro beenaa kumada daaliyo waxan gaarnay Eritrea, qaboob ayaan kasoo baxnay waxaa galnay kuleel daran caruurtii iyo xaaskiiba waa bukoodeen dhaqtar iyo daawo radintooda galay, safarka iyo sahayda waxaa wax badan badnaa sahayda maalmo ayan joognay halkaas ilaaa caruurta iyo xaaska kabogsoo naayaan. Hotel ayaan deganeen dadkii nala safarka ahaa horay usiisoc daaleen oo aniga iyo qooskayga ayaa meesha looga tagay maadaamo ruux walbaa kuhami naayey inuu howga barwaqada isaga ugu hormaro si dheefta inteeda badan uhelo maadaamo horay looyiri “dhiri nin agjoogaa dheeftiisa hela

waxaan kaligeen meesha joogo waxaa inoogu yimid socoto kale oo iyaguna fikirkeena qaba oo iga culus oo sheebab, saqiiro iyo curyaamo ubada waan iskaashanay ilaa suudana ayaa sii ambo qaadnay safarkeenii dhibka ay soo maran wuu kadarnaa midka aan soo maray maadamo waayeelo iyo curyaamo kujreen .Sidoo kale waxaa niyada kuhaayey in safarka Sudan kadhib badan yahay kuwii hore kana dheer yahay waxaa qadanay baabuur kuligeen, waddo saxara aaya lamaraa oo ciidanka Jonh Grand lagu sheegay inay jogaan waqi! gaa waxaan aqrisanay yaasinka iyo tabaaraga waxaa gareenay 50 kudhawaad gaarigii ayaa socdaal bilaabay 4 cisho markaan soconay ayuu gaarigi meel cidlaa oo bahal gooyaa ku halaabay, samentiisa ayaa qaatay wax kudhow 3maalin, intii hoosha gaariga hagaajintisa lawaday waxaa caruura iyo waayeelada loo goglay bacco halka dadka rooroonaa dharkoda iyago qaba dhulka jiifsadeen, meeshu waa meel aad is oran qoraxda kasoo baxda ama udhacda kuleelka dartiis jirkaa kuqalali daqiiqad daqiiqad ayaad korkaaga kor iyo hoos biyo ugu shubi, biyihii ayaa gabaabsi noqday “ceel kumo dhawo cidna kuumo maqno” waxaa lagu hishiiyey in biyaha latashiilsado, raashin waxaa lasitaa malab, hilib oo! dkacaa, caano booro iyo buskut aan sidaa ubadneen ayaa qolo wa! lbaa gee skeeda ulajeesatay caruurtii oohintooda baxeeso aabo, hooyo biyo aan cabaa rabaa ayey kujiran halka waayeladiina habaar tamaayaan maxay meeshaan nagala soo dooneen waqtigii xabada dalka kajritay xitaa dhibkaa sooma arag xabadaa inloo qaadtay iyo erayo lamida ayay kucataa baayeen, runtii dacdarada meeshaas taalay wax laga sheekenkaro maahan in Film laga doobeey kufiicneed .

Sidaan qur,aan iyo Alle bari uwadnay ayaa roob aan badneen inoo da,ay oo habarkii waayeelada iyo baroortii caruurta waa naga yaratay madaamo jirkooku qaboobay intaas roobka bilaban waxaan dhoor jeer kor tagay caruurteda qaarkood oo is iri naftaaba kabaxday oon dartiis markaasa niyada iska iri maxad talada waalidka iyo xaaskaaga uyeeli weesay.Wixii qarashaa aan heestay jidkee kudhumeenay sidi ciidanka police-ka iyo Hotel-lada aan ugu bixineenay wax keedaa mareeban “shalaytu waa shay xaaraanaa” gaarigi ayaa dar Alle iskaga h! agaagay socdaal keenii ayaa bilaabay waxa gaarnay Sudan inagoo muuqaalkeenu uusan aheen mid dadaa waayo maalin taan dalkeena hooyo kasoo baxnay ilaa sudan waxaa dhexda saxarir kusoo aheen wax kabadan 2 bil oo talan taaliyaa .Iaah baa gaan kara waxa aan soomarnay wax laga sheekeen karo maahan .fikirka horay naloo siiyey waxaa kamid ahaa Sudantu somalidu waa jeceshahay oo wa isku midab maalintaa cagaha galiso dowlada iskadaa dadkaa kusoo dhaween oo deeq kusiin “Eeboo ninaa waxba ogeen haca daabin” aamin .Dad badan oo Somali ayaan kula kulanay Sudan qaar waxbarta iyo qaar sideeno kale usocodo hooga barqada Qadafi . Sahaydii ayaa inaga go,day wixii aan duunto lahaa dhexdaa kusoo baabi, iyey waxa! an heesto majirin aniga iyo qooskeena dad ayaan saarnen xaaska! ygii aad ayey uniyad xumeed waayo waxay kunooled nolol barwaaqaa waliged daris dab uma doonan balse maantay waxay naf kabiday inay shaqo jaariyada(booyaaso) kaqabato sudan si,caruurta noloshooda loobad baadiyo. Dhaka kale markan soo dhexgalo asxaabta kale ee howga barwada usocoto ee war doonka markay arkaan murugada iyo dacdarada ba,an aan kujiro waxay igu sabar siiyaan wax yaraa kuudhiman ee dul qaado saaxiboo nasiibaa leedahay waxaa ka qasaaray waa lacag ee daddaa carurtoodii dhex kaga geeriyoodeen runtii dhibaato yinka daran oo dad kuhanbsadeen ay iiga sheekee yeen mayaro . Hoyaday waayelka aheed waa sii jiratay oo cimilada iy! o raashinka aye laqabsan weesay waxaa iga codsan jirtay inaan dhulkedii carfoona kuceliyo waa hadii aad duco iga rabtide maxaase uqaban karaa! oo "barigan tabar hayey talo maheen maantoo talohaayana tabar mahayo" oo macelin karo kumana heenkaro meeshan waxan eegay caruurtii muuqaalkooda waana garan wayey markay dariiqyada iiga horyimadana macluul darteed maadamo ay nolol barwaaqaa kusoo kareen

Waxay aheed habeen saq dhexe waxaa yeeraaey aadaanka salaada subax hooyaday ayaa iiyeertay waxayna igu tiri wiilkaygoo madooneesaa inaad ehlu jano noqotid! haa hooyo macan ayaan ugu jawabay waxay tiri xiligan samadu waa furan tahay aadaana waa yeraayaa waa xiliyada ilaah ducada aqbalo waana kuuduceen ee dhulkii carfoonaa igu celi madoo naayo howga aad barwaaqada kusheegeeso! xiligaas ay ila dardaarmeeso gacanteeda madaxayga ayey usaarnay sidii iyado ibaryi ayey erayo dabacsa igula hadleesay waxaan kuhadlo waa aqoon waayey waxaana kaloo xaqiiqsaday howga barwaaqada inuu yah! ay how halagaa oo dadku been abuur iska sameesteen majirin wax gargaara oo Qadafi somalida siinayey ama xeryo lagu hayo dadka somalida ee Libia joogo waxaa habaaar ugu dhaqaa qay dadkii warkan beenta iisheegay ee dhibka iigu sababa ahaa rutnii waa yaabe somalidu maxay kafaa iidayaan beenta iyo lugooyada dadka. Waxaaba kugu soodhici sheekadi hawaaz iyo bin hawaaz oo midkood intuu arkay daaqad furan oo dahab yaalo ayuu hal gacan la,aday balse ilalaa joogtay gacantii ayey kagoo yeen waxaa arkay kii kale isagoo caganta udooban tahay oo shaatiga hoostiisa ugu jirto arkaayeyna wuxuu samee naayey ayuu kuyiri maxaad soo heshay wuxu ugu jawaabay dahab ayaan helay ee meesha udoono oo labada gaccan gali y! eysan kugu yaran kiiyoo dhag laqabtaa laheen ayuu labadii gacm! ood daaq adii galshay mise labadiiba waa laga jaray isagoo ooyi ayu kuyiri maxad saas iigu gashay markaasuu yiri anba fiiri gacanaa iga go,an!! marka somali waa labadaa nin oo kale ruuxii meel kuhalag samaa daka kacelin maayee wuxu oran barwaara taalo oo waa lagu diirsada ee horay ugaar runtii wixii dhib aan arkay wax lakoobi karo maahan ugu danbeytii waxaa qaatay taladii hooyaday macaan oo waan soocelshay dhaman reerkii oo dhulkii udgoonaa ayay kusoo noqdeen. Hada barwaqadii aan horay uheestay umo heesto umana shalaayaayo. Dad aan safarkii raadinta howga barqadada Qadafi wada galnay oo meehsa cagta dhigay waan arkay iyagoo I,oran nasiibad laheed o! o hooyada ayaa kuudu ceesey,anaga waan kuhalaag sanay oo qooskeenii gaajaa nafta uga baxday saxarada libia qarna waxay iishegeen inay wax bani,adanka sameen karin sameeyey si naftida ubad baadiyaan mahubose balse qaara laga sheegay inay kaadi cabeen si ay howga barwaqada ugaran mana gaarin oo kaadidii ayaa kufilnan weesay marka dhibku mayaro Illah ha u,maciino umada somaliyeed dhagar qabayasha umada beenta kuwargalin iyo nimco aan meel oolin sheegidooda Ilaah hasoo hanuuniyo hadaysan hanuun lahena Illah hahalago ____

-Akhri qeebta 2aad waxan kusooqadan 7gabdhood oo badda cas dhib kuqabsadeen iyo dar daaran ay raga usoo jeedin--- ee hamoogan fadlan

Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD