SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DHIBAATOOYINKA TAHRIIBKA BADDA

SHEEKOOYIN TAXANAA(xaqiiq kusaleesan) -__(Dr Taqi)

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Kuxiriirsan qoraalkii 1aad ee Tahriibka

Waxay mahad iyo xamdi usugnaatay illaaha samooyinka iyo arlada ku abuuray lix maalmood, naxariis iyo nabadgalyo nabigeena dushiiha ha,ahaato aamiin aamiin.

wali waxaynu kuguda jirnaa kasheekeenta dhibatooyinka tahriibka haddana waxa sooqadan dhibaato kale oo dumar soomaali kudhacday waana tan sheekadii..

Waxan u.weenaa qoos garaayo 6, hooyo iyo aabo leh, waxaan kashaqeesan jiray suuqyada waaween ee magaalada waxaana gadi jiray raashinka ceyriin. Qooskeena aniga ayay igu tiirsa naayeen waxaan kasoo macaasho suuqa oo xoog iyo xoolo anigaa u,ahaa

Waxaa suuqa iigu timid gabar aan kawadan shaqeesano waxay iisheegtay inay qorshe fiican nooheeso oo ah inan sacuudi ushaqo raadsano iskagana tagno qorax joogan; waxay iishegtay inay gabar saxiibteed oo halkaas katimid labalansan tahay ayna dooneeso inay soo wareesato. Waan isku raacnay waxayna nooga warantay nimcooyinka yaalo sacuudiga,iyo inan laga dhargeen; waxay hadalkeeda kudartay waxaan joogay sacuudiga 8 bilood waxaan soo shaqeestay lacag fiican hadana 2 usbuuc kadib waan noqon. Waxaan weediiyey qaabka loomaro sacuudi iyo qarashkiisa waxay tiri qarash waa sahal oo $200 wax kayaraa kugu filan ilaa sacuudi oo dhulka lamaraa, Boosaaso, Yaman kadibna Sacuudi ayaa sidaa lagu galaa waana ssahalaa hadaad diyaar tihiin

Arinta tahriibka kumo qancin balse saxibtay ayaa igu dhiiro galisay innan meeshaan qoraxda iskaga tagno oo raacno gabadhan iyo gabdho kale oo wadada kalayaqaano horayna dhoor jeer umaray. Ra,yigaas waa qaatay waxan tagay xaafadayda waxaan iskugu yeeray labadeeda waalid iyo walaalaheey una sheegay qorshahaan damac sanahay iyo inan usocdo sacuudi oo soo xamaalan. Waalidkay arinkas way kufarxen balse markaan usheegay inan tahriibaayo way diideen oo waxay idaacadaha kala socdeen dhibatooyinka badda lagala kulmo oo waqtigaas idaacadaha gudaha iyo dibadan hadal hayey kasheekeen teeda, balse aad iyo aad ayaan uga dhaadhiciyey inaysan warka idaacadaha maqlin oo beenyihiin! sidii ayaan gabadha da,ahaan iigu xigtay suuqa geeyey inta kadhiman safarkeyga si,ay macaamiisha iyo xisaabta dadka maqan ula socoto oo aysan kuwareerin. Sidioo kale dadkana sii kala barbaro.inataan lajoogo.

Qaxootinmo Nafta Loo Miidaamiyaa Sharaf ma laha! Guji.... [Qore Saciid Cali]

Waxaa gaaraaney 6 dumaraa, waxaan sooracnay gaari inna taree waxaa saarnaa quddaar iyo dad, waxan socono waxa gaarnay magalada Boosaaso, waxan karaacnay doon yar oo dad badan laga buuxshay waxay doonta gaarto badda salkeeda ayaa dabeelo bilaameen oo doonta bilowday inay biyo soogallaan; waa yaabe! afkaa qeelo isla yeertay naaquuda yaashii doonta ayaa qoryo lasoo baaxeen dadkana kala aamusiyen. Doonta biyo badan ayaa soogalay oo dhan ayay uliicday iaa ay kudhawaatayiany gadoonto. Wax ooyin iyo qeelo laysku daro aaqirki waxa lagaaray Yaman oo cid wax kunoqtay majirin. Yaman ayaa xero nagula xareeyay ilaa aan kujirnay dhoor usbuuc .

Gabdhaha aan safarka wada aheen 4 kamida wadadeey horay umareen, oo qaaraa 2-3 jeer maray halka aan aniga iyo gabar kale nagu cusbeed, waloow aniga kaliyaa uu safar oo dhan iigu cusbaa maadamo aan waligay magaalada aan kudhashay dibadda uga bixin. Sidoo kale dhamanteen waxa iskugu jirnay gabdho iyo garoobo iyo xaaslayaal oo qaaraa caruur iyo rag kasoo tagtay. Runtii dadka safarka aan soo wada galnay waxay ubadnaayeen dumar rag waa kuyaraayeen gabdho yar yar oo 15 gaarayo waan ku,arkaayey gaariga iyo doontaba waxaase iigu danbeesay markaan Yaman imid oo xeraday kuhareen halka aniga saaxibaday oo magalada horay uyiqiin usoo galnay gudaha magaalda; waxaa ina wehliyey labo dhabdhood oo Boosaaso inaga sooraacay oo sideenoo kale xamaali usocday.

Dhibaatooyinka aan soo arkay darteed waxaa igu dhalatay inan dib iskaga noqodo, balse saaxiibtay ayaa igu tiri halkee unoqon meel lagalaabto miyaa joogta iyo meel loolaabto! waakan Sacuudiga maxaa kaharsan 3 maalin ayaa loosocdaa gabdhiihi kale ayaa iyagana canaan kulul iisoo jeediyen. Dhanka kale waxan isku ra,yi aheen gabar kale oo sideedoo kale safarku kucusbaa balse taladeena waxaa kaxoog badnaa talada jaamacadahurmoodka tahriibka. Runtii aadami kastaa wuu dareemi karaa dhibatada safarku leeyahay. kawaran midkeenoo ahaa mid dumaraa maxaad fileesaa? laga soo bilaabo dhulka ilaa badda aan soo marnay dhibaato mayareeyn, maray qodax kumudo ama shanqarta bahalada aad habeenkii laseexan weeso amaba biyihii doonta soogalay ha,aheedeene ilaahaase og xaalkaan soomarnay siduu ahaa wax dumar iskadaa rag oo dhabar adeeg lagu yiqiin xitaa uusan kabadbadi Karin ayuu ahaa!

DOON KALE AYAA KU SOO XIRATAY DEKEDDA LAMPEDUSA
Laba Doon kalena isla shalay ayay ku soo xirteen, mid kalena dadkii Saarnaa oo Magaalada dhex jooga ayaaba la arkay Guji Oct 31

Doon ay Saaran Yihiin 172 Qof oo Soomaali u Badan oo Kusoo Xiratay Dekeda Ragusa
ITALY:
Laba Doon kalena waxaa soo galbinaya Ciidanka Ilaalada Badda ee Talyaaniga.. Guji Oct 29

Aaskii 13 Qof oo Kamid ah Soomaalidii Kugeeriyootey Badda Talyaaniga
Xabaalaha Muslimiinta ee Roma ayaa lagu aasay marxuumiinta. Aaska waxaa isugu soo baxay dad aad u farabadan oo...
Guji

LIISKA DADKII KU DHINTAY DOONTA
Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa magacyada iyo beelaha Soomaaliyeed ee ay ka dhasheen 65 qof oo kamid ah dadkii ku dhintay doonta xeebaha talyaaniga... Guji... Oct 24

Waxay inoo shegeen gabdhihii hormoodka safarka inoo haa oo inna waday inan baxeeno oo baabuur laraacayo ilaa meel udhow xadka Yaman iyo Sacuudi kadibna halkaa lug looga galayo Sacuudi. Waxaan bilaabnay safarkeenii wax hadbo magaalo lamaro oo jamaacad hormoodka inoo kala sheegaan magacyada magaalooyinka aan mareeno iyo iyagoo afka carabia jajabsan oo maqaayadaha wax inooga soogado ayaa waxaan gaarnay tuuulo ujirtay xuduuda 220km waxa naloo sheegay in lugta safarkeedu bilaamay oo gaari halkaan ku,egyahy loona ogaleen inuu xududa aado waaxan gaari milatari ka,aheen' runtii waxa sameen karay majirin halkaasaa joognay 6 cisho kadib waxan socono dumarkeena oo kaliyaa cagtaa gacta lasaaray baadiyaha Yaman oo kuleel iyo shiso badnaa.

Dhanka kale wax nawehliyo majiraan oo soomaali ama ajamanib kalaa --maxad fileesaa? waxa halkaas halaag yaalo waa cadahay oo wadan kaaga ayaadan ku,badbadeen iskadhaaf mid carbeed oo wax sharciyaa kuuyaalo uusan jirin. Waxaan gaarnay tuulo xadka agteeda kutaalo maalin markaan joognay ayaa askasta Yaman nasoo qaqabatay dhamaanteen asxaabu tahriib.Naag kastaa qol gooni ayaa lagu xiray afka carabiga aqoon uma laheen waxan usheego askariga ma,aqoon-- markaan nafsadeeda ku,ogaaday inan qol xabsiyaa o cidlaa kujiro ayaa wax kasta iikla cadaadeen --- maxayse kuugu taalaa-– barigaa tabarta haayey talo maan heen maantoo tallo haayo tabar mahaayo!!! waxaa halkaas joognay mudo 9 cisho wax kastoo xumanaa oo dumar lagu sameeyo midka ugu foosha xun ayaa lakulanay waxaa ooyin iyo baroor kujiro aaqirkii ilmadii ayaa iga dhamatay marar baan kufekeray dhibkaan inuu aniga kaligay gaar iiyahay oo aysan gabdahha kale illa qabin --balse waa iga siidar naayeen anigaa duce qabe igu soo aaday. Waxan nafsadayda kucanantay maxaad talada waalidkaa uqaadan weesay! kuleel kadaran kii aan kasoo tagay suuqa ayaa kujirnay muddo 9 cisho maalinti ugu danbeesay ayaa dhamaanteen hal qol oo weeyn nala wada keenay wax lugta qaadi karo nagumo jirin naag walbaa diif iyo daal ayaa kamuuqatay. Markaan hal qol isku hubsanay dhamaanteen innan kuwada jirno ayaa naag walbaa naagta kale caanaan iyo nac lad dusha kaga tuurtay !!! iyadoo sabab uga dhigeeso dhibaa tooyinka soogaaray inay iyada uhorseeday oo halkaan bahalada joogaan barwaaqo ugu sheegtay; balse aniga nafsad ahaanteeda cidina macanaanan waayo barwaqadii iyo nabaddii dalkayga qooqaan uga sootagay .Mida kale mar hadii raasu maalka aan dunida kulahaa askari carab oo duur joogaa kuciyaaray oo marti soor uga dhigay waan iska aamusnaa waxaan go,aan saday inan naag danbe lahadlin oo afkayga iska qabsado.

Askartii Yaman waxay inoo gudbiyeen xadka Sacuudiga maadamo hooshoodii gaareen halkaasa misana dhib iyo qasaare hor leh kula kulanay oo “kadaroo dibi dhal” xaalku noqday! arkastii Sacuudiga usbuuc iyo wax kabadan ayay baashaal kujireen oo hadbo hees shitaan illaa sifican umar qaameen oo aan si kafiican xaasas kooda iyo qadaa mooyin kooda ugu adeegnay. horaa looyiri “carab iyo cadaawo waa iqwo’ (walaalo)

Waxaan wareestay hablihii wadada dhoorka jeer maray inay sidaan lakulmi jiren iyo in nasiib keenu sidaa noqday maantay, waxay ii sheegeen inay sidan iyo sikadaran ama kafudud horay ula kulmeen oo caadi iska yihin xaalkan —afkaan gacata saaray naxdin aawadeed oo waxa ku,iri maxaa sidaa idinku kalifay waxay tiri mid kamidaa saaxib maxaa yaalo wadanka dhibkaan wuu karoon yahay midka wadanka yaalo oo rag kugu midabaa kuu geesanaayaaan dhibkaan oo kale; tan kale dhibkaan cid kusheegi majirto oo kutaqaano haddii aadan adiga isi sheegin -- --

"cagtii joosan weeso marbay ceeb lakulantaa” !!!!

Hadanan kabaqaneen shidada qiyaamo waan isdili lahaa waayo waxa meesha yaalay wax fudud ma,aheen waayo maxad kafilee askari xuduuda iska joogo? oo uusan jirin wax uu kaaga baqanayo, teeda kele gabdho kaligood iska socdaalaayo wax wanaagsan maahan wadan aysan laheen lug kumaraayo xaalkaas wiilkasta oo gabar ladhalatay oo daree wanaagsan leh waa fahmi karaa sida wax noqdeen “mar idage Allaha dago mar,labadse anigaa isdago” dhibkaas foosha xun oo wuxuush nimada kadib waxan tagnay Sacuudi Aabia.

Xaalkenu wuxu ahaa mid qofkastaa wajiyadeena kadareemaayo dad awood ay kuxamaashan kamuuqato nagumo jirin naag kastaa dhib ugooniya ayy laheed – aniga waxa iidheeraa markaan magalada soo galay waxaan moodaa rux kastaa inuu i,arkaayey markay askartii carbeed sida foodha xun iiiga laayeen oo naxdin ayaa igu jirtay halka asxaabta kale ay markiba iska hilmaa meen oo jawiga sacuudi laqabsadeen. Xamaalaan usoo baxay balse maanan xamalan Karin dhbka isoogaray aawadiis sidaa ayaa go,aan kugaray inan wadanka dib ugu laabto. Waqti gaaban kadib tarxiilkaan soogalay waxan kujray 13 maalin waxaa la,iigu keenay saxibtay barnaaminkaan igu dhalisan oo lasoo qabtay iyo haween kale sidaa ayaan wadanka iskaga soo noqonay

Dardaaran: waxaan walaalaha soomaalida usheegaayaa qaasatan waalidka wax dhalay ama ma,suulkaa inay dumar kooda aqalka kuceshadaan oo aysan u,ogolaan tahriib. Aabihii iyo hooyadii kuqanacsan inay gabadhooda usoo xamaali oo sidaa raali uga noqdaa ha,ogaadeen inaysan aheen waalid wanaagsan waayo shidada taalo wadada tahriibka mayara intaan soo xusan wax kabdan ayaa jira oo waad dareemi kartan—diinteeda ayaa mamnuucday inay dumar kaligood safraan- macnaha kujiro maanan ogeen waxaa uheestay in diinta liideeso dumarkaoo caqlixumoiyo tabrdari kusheegeeso balse waxan o,gaday xikmada kadanbeeso safarkii aan galay marka ilaah ayaa naga xaareem yeelay inan kaligeen safarno ciddii diinana jizadeeda way heli—Suuratu Al-axzaab ayada 35 Illaah wuxu kusheegay -- rag iyo dumar uma banaana inay iqyaar iskaga qaataan wax ilaah iyo rasuulkiisa xukumeen – marka ilaah ayaa nafaraayo inan kaligeen bixin – walalki walaashis jacel iyo waalidkii naxariis leh hace saedeen dumarkooda yaysan dibad u,ogolaan kaligood --- waa iga dardaran oo iga dardaran! hablahay kurigiina jooga haddaad safreesaan muxrimkiina raacda fadlan oo fadlan

NB: baro kalmada tahriim iyo xikmada kujirta waxay kakooban tahay labo kalmadood luqadeena ahaan wana Taah iyo riib midda hore “Taah” waa qeelo katimaado dhib ama xanuun mid labaad “Riib” waa bahal duula oo xoolaha cunna dhiigana kacaba. Marka Taah + Riib = shido kuligeed melkasto ay joogto

Sheekadan waxaa sida iigu warantay gabadha ay kudhacday waxaan kulakumay waqti ay wadanaka kuso noqotay oo garoonka diyaarahada ayaan iska sooraacnay halkaas ay inoogu warantay aniga iyo dad bdan oo rakaabaa wixi dhibaa aankur kusooxusay iyo dardaaranba. Markay sheekadan warineesay waxaa gaariga nala saarnaa gabdhihii ay dhibka isla soomareen waxyna hadalkeedii kusoo qatintay darkankan iyo kuwo baan waxay tirisidan dumarka waxay iiheestaan inan doqon ahay balse runtaan idin sheegi oo iyaga wax danaa kamo lihi ee taldadyda qaata oo duamrkiina safr kaligood ha,u,ogolaanina waligin --runtii aad ayaan uga cudur daraya inan gabadhas magaceda Iidiin sheeg--

Akhri Kuxiriirsan qoraalkii 1aad ee Tahriibka

Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD