| Toban Kawaanle oo Xabsiga Loo Taxaabay Kaddib 
   Markii ay iibiyeen Hilib Dameeraad 
   Algeria | Axad Nov 23, 2003
 
  
   
    Toban 
   kawaanle ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay bisha Ramadaan dadka ka 
   iibiyeen hilib dameeraad ayagoo usoo ekeyasiiyey hilib lo', sidaas waxaa 
   sheegay raadiyaha dalka Algeria. Waxaa warku intaas ku daray in 
   kawaanlayaashaasi ay dadka ka iibiyeen hilib la saafay oo lagu qurxiyey 
   hilibka udigiya ama xawaashi, halkaas oo ay ku iibiyeen suuq-weyne kuyaal 
   bartamaha xaafadaha Bab-El-Oued iyo El-Mouradia ee magaalada Algiers. Macaamiisha waxaa aad ugu sahley 
   in ay hilibkaas iibsadaan waxay ahayd qiimaha hilibka lagu iibinayey oo aad 
   hoos loogu dhigay iyo ayadoo qaabka loo habeeyey uu ahaa habka cuntada 
   dhaqanka uu dalkaasi u leeyahay iyo ayadoo weliba lagu jirey Ramadaan oo 
   hilibkaas lasoo bandhigayey marka soonka la furo ama afurka. Dameerada la qalayey ayaa laga 
   keenayay dhammaan dalka oo dhan, marka la qalo ayaa niman qaabilsan xoolaha 
   ay si sharci ah ugu muujinayeen in hilibkaasi yahay lo'. Tobankaas qof waxay iibiyeen  
   57,000 kiilo oo hilib ah, waxayna qiyaastii qaleen dameero tiradooda 
   dhantahay 1,500. Booliiska Algeria waxay heleen 
   dameero aan weli la qalin iyo in kudhow 2,000 kiilo oo hilib dameeraad ah oo 
   diyaar ah in la iibiyo. Tarjumadii: Bahda 
   SomaliTalk.comIsha: Austarlian News
 Sawirka: Google Search
 <><> Algeria oo Xabsiyada 
   Laga Siidaayey in kabadan 3,000 oo Maxaabiis ah  Madaxweynaha dalka Algeria, 
   Abdelaziz Bouteflika, ayaa shaaca ka qaaday in cafis loo fidiyey 3,080 
   maxaabiis ah maamuuska ciidul-Fidriga fooda inagu soo haysa awgeed. 
    Waxaa wararku intaas ku dareen in 
   aysan cafiskaas ku jirin dadka u xiran falalka: argagixisada, musuq-maasuqa, 
   kala hagidda darooga, ama kufsiga. Dalalka kale ee Ciida awgeed 
   maxaabiis xabsiga laga siidayn doono waxaa kamid ah dalka Afghanistan oo 
   lasiidaayey 60 maxbuus iyo dalka Jordan oo lasiidaynayo dad siyaasdda u 
   xirnaa. Tarjumadii: Bahda 
   SomaliTalk.comIsha: 
 
   
   Google News
 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2003. <><><> 
 FAALO: MAXAA HOOS U DHIGAY RAJADII LAGA QABAY SHIRKA 
SOOMAALIDA?  MAXAA GAACA 
 BIYO JAW LEH... .
 FOGAANTA U DHEXAYSA 
 MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....  .... 
 Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee  
 www.somalitalk.com    |