SUUGAANTA SOOMAALIDDA.
Sugaantu waxay
weligeedba umadda soomaliyeed u ahayd laf dhabar welina u tahay, ereyga suugaan
haddii an isku dayno inaan qeexno wuxu yeelanaya sharaxaad aad u badan laakin
haddaan si gaaban u niraahno wa maxay suugaan? jawabtu waxay noqonaysa wax
allaala wixi ka duwan hadal caadi ah, taas waxaan ula jeeda sideedaba afka
soomaliga waxa u qaybsamaa Tix iyo Tiraab waxaan oran karnaa in dhammaan
wixii hadalka caadiga kaduwan u yahay suugaan markas suugaan waxaan orankarnaa
waa wax kasta o ka duwan hadalka oo yeelan kara qaab laxan o lagu coddayn karo
intey doonto iyo noocey doonto ayey noqon kartaa, hadii aan ka sheegno wax yar
heerarka suugaanta soomaliyeed iyo qaybaheeda.
Sugaanta soomaliyeeed waxay soo martay heerar kala
duwan waxayna kala tahay qaybo badan o kala duwan, suugaantu waxay ahayd
qalabka war faafineed e la adeegsado taaso ahayd qalab loo adeegsado
guubaabadda, barroorta, amaanta heshiisiinta iyo wax kasta o bulshada
dareenkeeda wax ka bedeli kara. Maahmaahda o ka mid ah suugaanta soomaaliyeed
ahne tuducyo ama tixi xanbaarsan dhanbaalo ad u qaali ah o kooban marka la
fasirana wejiyo badan yeelan karta intooda badan lama yaqaan wakhtiga la shegay
iyo qofka sheegay, waxaase loo maleenayaa intooda badani inay so baxeen wakhti
aan dhaween, heerarka kala duwan ee ay soo martay suugaantu soomaaliyed waxay
ay la socotay taariikhda umadda xiliyada iyo heerarka nololeed ee bulshada dhex
maraysa. Suugaantu waxay ahayd diiwaanka ugu wayn ee lagu kaydinayey dhaqanka
soomaaliyeed qiyaasti qarnigii 18-aad inti ka horeeesey suugaanta soomaaliyed
waxa sidaas u badan lagama hayo sababtuna waa iyada o an la haysan qalab wax
lagu qoro iyo lagu kaydiyo. Qarnigii 19-aad wixii ka danbeeyey waxa so baxay
suugan badan ha ahaato gabayo geeraaro heeso ama murti kale o badan, qarnigaas
ragga aadka loo yaqaan ee suugaaniyihiinta ah waxa ka mid ah Raage Ugaas, Seyid
Maxamed C/dulle Xasan iyo kuwo kale o badan.
Hadaba qaybaha kala duwan ee suugaatu ka kooban tahay
waxay kala yihiin:-
- Gabay.
- Hees
- geeraarka
- Buraanbur.
- Jiiftada.
- Maansada.
- Guurow.
waxa kaloo ka mid ah ciyaaro dhaqamedka o iyaddu u kala
qaybsami karta:-
- Jaan dheer.
- Haan.
- Dhantada.
- Saarka
Ciyaar waliba waxay caan ka tahay Goobo ama Gobbolo ka
mid ah dhulwaynaha Soomaaliyeed.
W/qoray. Sharmaarke Cabdi Risaaq Cilmi
shsugulle@hotmail.com
Qaahira
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2003
Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen...
Guji
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|