SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB

90 Soomaali ah ayaa ku Dhimatay Xeebta Talyaaniga ee Lampedusa.

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN”

Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk.com
amalroma@hotmail.com

Oct 20, 2003

  •  Doon dhererkeedu yahay 12 meter ayaa Liibiya kasoo baxday 3-0ct-2003, waxaa saarnaa qiyaastii 105 Soomaali ah, waxaa kasoo badbaadey 15 qof oo keliya.

Dadkii ka badbaaday Doonta Magacyadooda... Ka akhri halkan... Guji

Warar laga soo xigtay hay’adda wararka faafisa ee dalka talyaaniga oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano ANSA ayaa sheegtay in laga helay 14 Soomaali ah meedkooda Doon xalay saqdii dhexe laga soo jiiday Xeebta Magaalada Lampedusa, nasiib wanaagse mid ka mid ah meedadkaas ayaa weli NAFTII ku jirtay, taas oo aheyd haweeney.

Haddaba Doonta xalay ku soo xiratay Xeebta Lampedusa ayaa dhererkeedu ahaa 12m, waxaana xalay (oct 20, 2003) saacaddu markey 08:50 habeenimo ku soo arkay Badweynta Talyaaniga iyadoo dhex dulsabeyneysa koox malaay dabato ah oo u fidiyay gargaarkii ugu horeeyay, kuna wargeliyay Ciidanka Badda ee Talyaaniga in Doontaas gargaar deg-deg ah lala soo gaaro.

Ka dib dekedda Lampedusa waxaa ka baxay laba doon oo gargaarka deg-degga ah & markab ay lee yihiin Ciidanka Ilaalada Badda ee Talyaaniga si loogu soo daad gureeyo dhibane-yaashaas, waxayse la kulmeen wax aysan rumeysan kareynin ama aysan fileynin.

Doontan ayaa waxaa saarnaa 14 Soomaali oo naftoodii qaba & haweeneyda Soomaaliyeed oo lagu qiyaasay inay dhimatay Ilaahey dartiisna ay nooleed. Marka dadka la xaqiijiyay inay ka badbaadeen Masiibadan ayaa ah 15 Soomaali ah.

Captanka Doonta malaay Dabatada oo la yiraahdo Stefano Vafrè wuxuu sheegay “Markii aan ka soo ag dhawaaney Doontan oo la mooday inay Firaaqo tahay, waan qarrac mannay, dabadeedna waxaan la xiriirnay Ciidanka badda si loogu soo gurmado”

Kaptanka isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri “ Waxaan isku daynay inaan si fiican uugu soo dhawaanno Doonta yar ay saarnaayeen Qaxootiga Sooomaalia, laakiin waxaan halis ku geli laheyn inaan ku dhacno, ka dibna aan sababno gaddoomisteeda, markaas waxaan bilaawnay inaan u tuurno Cabitaan & Rooti si ay uugu sii meel gaaraan”

Kaptan Stefano Vafrè oo weli ka naxsan waxaa uu indhihiisa ku arkay, Codkiisana laga dareemayay qaracanka uu la kulmay ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay sidatan” Waxaa inoo suurto geli weyday inaan maqalno codkooda, maadaama uu Motorka doonteena kacsanaa, waxaan arkeynay oo kaliya Kor Bani’Adam oo qalfoof u ekaaday, wejiyadoodana Cabsi daran ayaa ka muuqatay, waxayna laalaadinayeen gacmahooda, si aan uugu gargaarno, Masiibadan maaha mid aan si sahlan ku iloobi doonno inta aan dunidan ku nool nahay”

Haddaba dadkii ka badbaaday Musiibadan mucjisada ku noqotay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka soo furteen xeeb ku taalla dalka Libiya, taariikhdu markey aheyd 3-0ct-2003, doontan oo dhererkeedu yahay 12 meter, ayay sheegeen inay ku saarnaayeen in lagu qiyaasay 105 Soomaali ah, Nasiib darose waxay sheegeen inay ku lumeen badda, ka dibna uu ka go’ay shidaalkii & jiscinkii yaraa ay wateen, 17-kan beri ay ku soo jireen Tahriibkan Naxdinta leh, waxaa ku dhintay Doontan dhexdeeda 78 ruux, waxaana qasab ku noqotay inay badda ku tuuraan walaalahoodii ay Tahriibkan isla soo galeen.

Dadkani ka badbaaday Masiibadan ayaa la sheegayaa inuu Caafimaadkoodu liito, hadalkana uu dhibayo, illaa & haddana ay la amakaaksan yihiin safarkii ay soo galeen. Dhibanayaashan ayaa sheegay inay waayeen Awood ay ku tuuraan meedadka doonta saarnaa, maadaama ay horay u tuureen meedadkii kale.

Haddaba ciidanka Aminiga & kuwa badda-ba ee Talyaaniga ayaa sheegaya in ay ku jiraan sidii ay u xaqiijin lahaayeen hadalada naxdinta leh ay soo bandhigeen dadkan, waxayna ka codsadeen in hay’adaha madaxa bannaan ee wararka fididiya inaysan shaacin warar aan sugneyn illaa & hadda ayna ka Taxadiraan bandhigista wararkooda.

Masiibadan maaha tii ugu horeysay ee dhacday xilliyadan, waxaa maalintii Jimcaha ku soo xiratay isla dekedda Lampedusa DOON aad u yareyd oo siday 35 Soomaali ah, waxaana ku dhintay 10 Soomaali ah, seddex ka mid ahna waxay ahaayeen Caruur.

Caruurtaasi waxaa dhalay Nin magaciisa lagu soo gaabiyay Faarax oo sheegay in Doontaas ay ku soo raaceen dhammaan Qoyskiisa oo ka kooban 4 caruur ah & Xaaskiisa. Qiisada Dhibane Faarax ayaa lagu soo saaray Wargeyska ugu caansan dalkan Talyaaniga La Repubblica, waxayna Qisadiisa murug ku abuurtay idil ahaan-ba dadkii aqristay. Faarax wuxuu sheegay in Wiilkiisa Khalid oo 3 jir ah & Gabadhiisa Ayaan 1 sano jir ah, ay ku naf waayeen Badweynta dhexdeeda, maadaama aysan jirin wax ay cunaan, naaskii Hooyadoodna uusan laheyn dhibic caano ah, ka dib Dhibane Faarax waxaa la soo gudboonaatay arin fool xun oo ah isaga ku tuuro Caruurtiisa Badweynta si ay iyagana safarkooda u sii wataan.

Dhibane Faarax markii uu qisadan sheegayay aad & aad ayuu u jareeynayay, isagoo ilmaynayana wuxuu sheegay, in Gabadhiisa Seynab 13 jir ah, ay badda ku dhacday, ka dib markii ay dadkii Doonta saarnaa ay arkeen inay soo galeen Dekedda Lampedusa ay bilaabeen farxad darteed boodbood & qeylo, taasna ay sababtay inay doontu roganto ayna ku nafweydo gabadhiisa Seynab.

Dhibane Faarax saacado ka dib wuxuu la kulmay Xaaskiisa Caasha & gabadhiisa oo iyana ka badbaaday Masiibadan iyaga oo jiifa Cisbitaalka Lampedusa, waxay sheegeen dad goobjoogayaal in Dhibane Faarax uusan wax hadal afkiisa ka soo bixin, ee uu durbadiiba hab kula booday Xaaskiisa & Cunugtiisa, taasina ay ka ilmeysiisay dhaqaatiirti & suxufiyiinti ku sugnaa meeshaas.

Waxaa haddana mudnaan mudan in la sheego inaysan jirin illaa & hadda wax Soomaali ah oo isku dayay inay u gurmadaan dadkaas Walaalahood ah, ha noqoto Caawinaad dhaqaale ama fududeynta Arimaha la xiriira Turjibaanimada I.W.M inkastoo ay Roma joogaan dad sheeganayo inay yihiin Mas’uuliyiin Soomaaliyeed.

Sidee doontaba ha noqotee waxaa xaqiiqa ah in dadkaas oo hadda ku sugan Kaamka Qaxootiga lagu soo deynayo muddo dhan 10 illaa 30 beri, ka dibna ay u soo xoomi doonaan Roma, waxaa is weydiin mudan yaa uuga soo horeeya Roma? Hoy halkee ka heli doonaan? Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma ma isu diyaar gareeyeen? Su’aalahani dad badan oo sheeganaya Masuuliyad ayaa iska indha tira, Laakiin dhammaan dhalinyarada ku soo gala Tahriibka oo safarkooda la meel dhigay ama isku Magacaabay “TITANIC” ayaa sheegaya inay Roma kala kulmaan soo dhaweyn la’aan, uuna Tahriibka saxda ahna yahay kan ay ku joogaan Roma. Qaarkood ayaa marar laga siiyaa Hooy Safaaradda haddase waxaa la sheegay in! la diiday, Qaar kalena Qunsuliyadda ayay isaga tuurtaan.

Dhammaan Reer TITANIC ayaa sheegay inaysan aheyn wax loo dulqaadan karin sharaf darada ay kala kulmeen labadan Hooy ee uu Qarankan Soomaaliyeed ee burburay, dad gaar ahna ay qol qol u kala qaateen, dadkii mudnaaan-na ay Stazione Termini iska dhex yaacayaan si ay isaga aadaan goboladan kale ee Italy oo la moodo inay soo dhoweyn fiican ka helaan.

Dadkii ka badbaaday Doonta Magacyadooda... Ka akhri halkan... Guji

Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk.com
amalroma@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2003

 45 Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo Looga Cabsi Qabo in ay Dhinteen, Kaddib markii Xoog Looga Daadiyey Doontii ay Saaraayeen August 2003.... GUJI

93 qof oo isugujira dhawr dal oo Afrika ah oo Harraad Kudiley Saxaraha Liibiya May 18, 2001... GUJI

Sawirada: Warbaahinta Italy.
http://www.repubblica.it

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD