Dadkii ka badbaaday Doonta Magacyadooda
Warka doonta oo
faahfaahsan... Guji halkan
Mar aan shalay qadka Telefoonka kula xiriiray Taliyaha
Ciidanka Badda ee dekedda Lampedusa, Comandante Niosi, ayaa ii sheegay inay aad
uuga naxeyn Masiibadan wuxuuna iga codsaday sida aan Ummadda Soomaaliyeed uuga
digno Is-biimeyntan ah Nolol ama Geeri, walowse uu isaga ku tilmaamay Geeri
doonasho maadaama xilligan lagu jiro Awooddu ay gaareyso 4 - 5 (Waa Cabirka
Badmareenada). Haddaba waxaan ka codsaday inuu ii soo gudbiyo Liiska dadkii ka
samatabaxay, inkasto aanan si fiican loo fahmi karin habka ay u qoreen
magacyadooda:
- 1) Abue Salami ..............Da'diisa 1980
- 2) Mohamed Yousef .......Da'diisa 1982
- 3) Borhane Ahfate ........Da'diisa 1981
- 4) Mohamed Yaqub .......Da'diisa 1968
- 5) Abdi Razak Mohamed ....Da'diisa 1969
- 6) Ahmed Abdi Hoshin .....Da'diisa 1979
- 7) Abdi Hotame ........Da'diisa 1981
- 8) Mohamed Ali Muse .....Da'diisa 1973
- 9) Amdi Amid ...........Da'diisa 1984
- 10) Bashir Moallim .........Dad'iisa 1983
- 11) Azkaraam Omari ........Da'diisa 1980
- 12) Fadima Abdi Rahmaan ......Da'deeda 1973
- 13) AbdiRahmaan ..........Da'diisa 1972
- 14) Mohamed Ahmed ........Da'diisa 1982
- 15) Waa gabar da'deeda lagu qiyaasay Soddon jir, haatanna
iyada oo aanan Ogaal laheyn ayay ku jirtaa Isbitaalka Palermo, markii hore-na
waxaa loo maleeyay inay dhimatay.
Haddaba wixii Cusub ee ka soo baxa Arintan waxaan ku bandhigi
doonnaa Page-kan, waxaan isku dayayaa inaan Wareysiyo ah la yeelano
Dhibanayaashan ee la socdo SomaliTalk.com
Fiiro Gaar ah: Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan Arintan
igala soo xiriira amalroma@hotmail.com
NB: Meelaha u qoran Abdi waxay usoo qoreen Abde
Warka doonta oo faahfaahsan iyo
sawiro... Guji halkan
SOMALIA: LATEST NEWS