SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ROMA, ITALY
Waa Xusuusta dadkii ka badbaaday: Waxay aheyd Masiibo socotay in ka badan laba isbuuuc, waxaana kala aqooni weynay kuweena Nool & kuwa dhintay.

“Waxaan Hoos Galnay Meedadka si aan isaga Difaacno Qabowga & Roobka”

Waxaa isku soo dubaridey
Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk.com
Italy - Rome
amalroma@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Lampedusa – Qisadani waa inta yar ay ka xasuustaan dadkii ka badbaaday. Waana Musiibo ku dul habsatay Ummadda Soomaaliyeed oo idil, dhibaneyaashani waxay saarnaayeen Doontii Geerida xambaarsaneyd muddo dhan 17 maalmood.

Dhibane Mohamed waxa uu xasuustaa in markii hore ay badda ku tuureen 6 caruur ah oo halkaa ku nafwaayay, ka dibna waxaa la soo gaaray xilligii uu isna tuuri lahaa Xaaskiisa & Wiil yar oo uu dhalay oo 7 jir ahaa. Dhibane Mouhane isaga oo Tusbixiisa gacanta midig ku heysta, werdigiisana wata wuxuu sheegay inuusan rabin inuu maskaxdiisa dib uugu celiyo halaagi ay kala kulmeen badweynta. Dhibane Amidi oo ilmeynayana wuxuu sheegay inuu dayaayay Aabihiis oo nafta ka siibaneyso & seddex carruur ah oo la dhalatay kuwaasoo midba mid uugu naf waayay Doontaas, ka dibna uu isaga ka tuuray Doonta Geerida xambaarsaneyd.

Haddaba intaasi waa hordhaca qisada naxdinta badan leh ee uu ku dul habsatay Masaakiintan raadsaneysay meel ka fiican wadankoodii Hooyo, si ay Mustaqbalkooda & tan eheladooda ee tabaaleysan kuna nool dalka gudihiisa wax uga taraan.

Dadkan ka samatabaxay masiibadan iyaga oo ka sheekeynaya maalin ka maalin halaaggii ay kala kulmeen Badweynta Meditrraneo waxay yiraahadeen sidatan:

Waxaan bilaawnay Tahriibka 03-oct-2003. waxay aheyd habeen.

Maalinta 1 – aad: Qof ayaa soo gashay xerada, waxayna tiri “Saacadda la baxaayay ayaa la soo gaaray”. Waxay joogeen xeradaas muddo dhan laba isbuuc. Xeradaas waxay ku taalaa xuduudka u dhexeeya Libiya & Tunisia, waxaana la arki karaa oo kaliya Badda, geedo yar yar & maleeshiyo ku hubeysan qoryo fudud.

“Waxaan aheyn 80 illaa 100 qofood oo sugeysay raridda Doontan, waxaana dhiibnay 5.000$ (wuxuu ula jeedaa qarashkii ku baxay lagasoo bilaabo Xamar – Libia – Italy), sidaasna waxaa yiri Mouhane. Wuxuuna sheegay in Xerada ay joogeen ay u dhoweyd Caasimadda dalka Libia ee Tripoli, xaqiiqadi laakiin ma ogi in uu Caasimadda u jiray in ka badanm 350Km, kuna dhow magaalada Al Zuwara oo laba talaabo u jirta xuduudka Tunisia.

Habeenkii saqdii dhexe ayaa waxaa la keenay Xeebta si loogu daad gureeyo Doon yar oo midabkeedu ahaa Cagaar laheydna xariigmo isugu jira Buluug & cadaan, Motoorka doonta saarnaa wuxuu ahaa mid ay Ruujinadu ka muuqato oo mar hore daxaleystay, Doonta korka waxaa looga huwiyay Bac adag si ay uuga dugaashadaan Roobka (waaba hadduu ka celin karee), Wax yar ka dibna wey dhaqaaqeen, sidaasna ayaana dhulkii & nalalkii uugu danbeeyay, waxaana u xaqiiqowday in Riyadoodii ay qeyb ka mid ah hirgashay.

Maalinta 2 – aad: Cimilada badda aad ayay u wanaagsaneyd. “Annagoo idilna cunadeynii waan wadanay: Rooti & Malab”, waa sida uu sheegay Burhane Ahifate isaga oo jiifa joodari yar oo cunidda & cabidduba ay dhibayaan, xididana waxaa uuga surnaa Faleebo. Muuqiisa uma eka qof Kaamil ah (Qalfoof). Gacmihiisa & Lugihiisa wax dhaqdhaqaaq ah ay sameynayaan ma jiraan. Waxay heysteen biyo yar, qoftiiba labo dhalo oo biya ah ayay wadatay. Si lama filaan ah ayaa motoorkii u halaabay (u xumaaday), “waxay inoo sheegeen in 12 ama 14 saacadood aan ku gaari doonno magaalada Lampedusa, waxay kaloo nagu yiraahdeen shukaanta (Steeriga) si Toos ah u haaya, dabadeedna waxaa ku tegi doontaan Italia”. Laakiin markii uu Motorku halaabay Italia meel u dhaw uma jirin.

Maalinta 3 – aad. Mohuane waxaa uu sheegay “ Cirka ayaa madoobaaday, roob badan ayaana da’ayay”. Biyaha ay wateen ayay isku dhiib dhiibayeen sida ay u dhan yihiin, waxaana ka mid ahaa 7 carruur ah, Rooti-gii ay wateen ayay isla qeybsadeen. Doontana waxay u sii janjeersatay dhinaca Malta.


Sawirka Meydka dadkii qaar kamid ah dadkii ku dhintay doonta

Maalinta 4 – aad. Shib ayaa hal mar la wada dhahay. Dadkii oo idilna wey isku wada dhegeen si ay qabowga & roobkaba isaga difaacaan, qofkii joogay geeska roobka ayaa ku dulda’ayay, kaas oo socday 24 saacadood. Qofkii dhexda joogayna wauxuu ka badbaadayey Roobka, waayo waxay dugaal yar ka helaayeen Bac-da huwineysay Doonta. Badda mar walba iyo marka ka danbeysa waxaa la mooday inay sii kaceyso. Habeenkii u dhexeysay maalinta 4 – aad & 5 –aad waxay bilaabeen inay isla wada tukataan si uu Allah uuga samatabixiyo Halaaggan ku haleelay badweynta Mediterraneo. Biyihiina yaraana wuu ka dhamaaday.

Maalinta 5 – aad. Si fiican ayuu u xasuustaa maalintan Mohamed Abdi Razak, oo dhashay 1969, waana maalin uusan weligiis illoobi karin, isagoo hadalka dhibayana wuxuu yiri:”Waa maalinta ay dadkii ugu badnaay dhinteen. 5 kumana jirin carruurta, ka dib ayay mid ba mid bilaabeen inay u dhintaan Carruurtan. Shantii ugu horeysay ee dhimatay waxay cabeen biyaha badda, waxaana dishay biyaha cusbada, ka dibna waxaa lagu tuuray badda si ay booska uugu firaaqeeyaan dadka nool.

Maalinta 6 – aad. Dad kale ayaa dhintay. Shan ama Lix. Markaan carruur ayaa ku jirtay. Nin kale oo ka badbaaday Halaaggan Mohamed Yusuf oo 21 jir ah. Mohamed wax uu yiri “Walaalaheyn waxay u dhimanaayeen Oon & qabow”. Dadka oo idilna wey jarenaayeen, waxaa jirtay dabeel baraf ah. Butayaal (ama Kopertooyin) la’aanna waan aheyn. Waxaana mar walbana ku tuureynay badda walaalaheyna aan isla soo tahriibnay, sidaasna badweynta Mediterraneo waxay ku noqotay Xabaalaha meedka Soomaaliyeed.

Maalinta 7, 8 & 9 – aad. Dabeysha lixdii saacadoodba wey is beddeleysay, marba dhinac ayay naga garaaceysay. Doonta waxay bilaawday inaysan socon oo ay iska daba wareegsato. Hirar waa weyn, doonta oo si xoog leh u boodbeedeysa, dadka qaarkiisna madaxa ayay ku garaacayeen Alwaaxa doonta geesihiisa, dhiigooduna illaa hadda wuu ka muuqdaa. In ka badan shan, sideed ama toban. Waa inta ay ka xasuustaan Burhane, Mohamed & Mohuane inkasto ay tahay Xasuuso isku qasan. Waxaase cad in dadka ugu badnaa ay geeriyoodeen maalmihii ugu horeeyay. Halaagooduna wuxuu ka bilaawday xeebta magaalada Al Zuwara. Waxay dhimanaayeen iyaga oo aanan u maleynin inay dhimanaayaan, iyaga oo is dul saaran.

Maalinta 10 & 11 – aad. Doonta waxaa ku soo haray dad aad u yar. Meeqa ayaa ku hartay? Cid xasuusata ma jirta Tirada inta Doonta ku hartay. Xasuustoodii ayaa moodaa inay isku qasantay. Hadalkiina wuu ka dhamaaday.

Maalinta 11 illaa 16 – aad. Waxaa badweynta u dhexeysa Afrika & Europe yaalla doon ay saaran yihiin 28 Soomaali ah, 50 illaa 70 kalena waxay ku naf waayeen. Doonta dhexdeeda, dabadeedna waxaa lagu tuuray Badda, waxaana ka mid ahaa 7 carruur ah. 28 kan shan & toban ayaa ka nool 13 kalena waa ay geeriyoodeen. Halaaggan-na waxaa ka sheekeeyay dadkii yaraa ee Allah ka badbaadiyay. Kaluumeysatadii ugu horeysay ee heshay Doontan ayaa sheegay in dadka nool & kuwa dhintayba ay kala saari waayeen. [Wararkii u horeeyana waxay sheegeen in ilaa 90 qof ku geeriyoodeen]

Sida gabadha aanan illaa & hadda magaceeda la aqoonsanin, da’deedana lagu qiyaasay 30 jir. Gabadhan markii hore waxaa loo maleeyay inay dhimatay, Nasiib wanaag sidaas ma noqon, haatan-na waxay jiiftaa Cisbitaalka weyn ee Magaalada Palermo – Qeybta Comma-ha loo yaqaano, waana meesha la jiifiyo dadka aanan Ogaalka laheyn. Dhibane-yaashan Doontan saarnaa waa ay Tuuuri waayeen dadkii geeriyooday ee saarnaa Doonta maadaama ay Tabartii ka dhamaatay, sidaasna waxaa ku badbaaday gabadha aan sifaheeda kor ku soo xusay.

Gabadhan ee aanan magaceeda weli la aqoonsanin ayaa la sheegayaa in markii Ciidamada Badda ay bilaabeen daad gureenta meedka saaran doontan aysan dhaamin wax dhintay. Sarkaal ka tirsan ciidankaas ayaa yiri “ Waxaan moodnay inaysan neef dhan ay qaadaneynin, wey adkeyd (Taagan ama Suran), waxay u ekayd sidii Taallo meel la suray oo kale, indheheeda waa ay isku xirnaayeen, dharkeeda-na wada biyo ayay ahaayeen, mid gees gees ayuu u yiilay, gacmeheeda-na waxa ay kor saarnaayeen korka laba wiil oo aan la aqoon goor ay dhinteen & goor kale. Waxaana markiiba shaaca ka qaadnay inay dhimatay, iyada oo Qalfoof la mood, ka dibna waxaan aragnay iyada oo dhaqaajineyso faraha gacanteeda (Bidix ama Midig-ba lama sheegin). Dabadeedna waxaa loo qaaday Isbitaalka, waxaana ka tirtirnay Liiska dadkii geeriyooday.

Halkan ka eeg: Dadkii ka badbaaday Doonta Magacyadooda

Halkan ka eeg: Wararkii ugu horeeyey ee doonta iyo sawiro

Tarjumadii:
Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk.com
Italy - Rome
amalroma@hotmail.com

Dadkii ka badbaaday Doonta Magacyadooda
15ka qof ee ka badbaadey doonta magacyadoodu waa... Guji.. Oct 21

Tiro Badan oo Soomaali ah oo ku Geeriyootey Xeebta Talyaaniga
Warkaan ka akhri... Guji...

ISHA: Warbaahinta Talyaaniga.

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2003  
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD