Waxaa bishii ina weydaartay dowlada
Izreal aay cadaysatay markii ugu horeysay tan iyo intii aay bilwodeen
wadahadaladii falastiiniyiinta iyo yuhuuda 1990. inay ka go,an tahay inay
ka takhalusto Yaasir Carafaat, go,aankaan oo wasiirka difaaca uu ku
adkeystay in Carafaat qoraxda laga qariyo.
Yaasir Carafaat oo iminka mudo 20 bilood
ah ku jira xaruntiisa Ramallah halkaas oo aay Izreal ku go,odoomisay
dhaqdhaqaaqiisa.
Hadaba waxaa is weydiin mudan Yaasir
Carafaat yuhuudu maxay colaada intaas le,eg ugu haysaa, maxaa sababay
cuqdadaan aan dhamaadka lahayn ee mujtamaca yuhuudu iyo dowlada Izreal
aay ka qabaan ninkaan cimaadada madaxa ku wata ee aan wax quwad oo uu
iskaga caabiyo aan haysan,si aad u ogaato yuhuudu sababta aay ninkaan uga
hari la,a yihiin, waxaad ila eegtaa taariikhda ninkaan oo kooban iyo
dabeecadihiisa.
Waatan taariikh kooban oo ku saabsan
noloshiisa bulshonimo,siyaasadeed,iyo mida qofeed ee hogaamiyahan lagu
tilaamo kuwo ugu taarikhda iyo magaca dheer dunida maanta.

Mohammed Abdel-Raouf Arafat As Qudwa al-Hussaeini (Yasser Arafat)
waxa uu dhashay 24 August 1929, waxana uu ku dhashay magaalada
Qaahira (Cairo) |
Carafaat waxaa uu dhashay 1929,
hooyadiis waxay dhimatay isagoo jira 4 sano, kadib waxaa uu la noolaa
adeerkiis oo deganaa magaalada Qudus,aabihiis iyo walaaliliis waxaay
markaas deganaayeen Qaahira Aabihiis waxa uu ahaa ganacsade dharka ka
mushtara,aabihiisna waxuu geeriyooday isagoo kurey ah, Carafaat
yaraantisii laga soo bilaabo waxuu ahaa nin kaligiis isku tashada,
islamarkaana soo barbaarshay naftiisa inkastoo uusan marna ilaaweyn aadna
u qadiriyo gacantii iyo xanaanadii uu ka heli jiray yaraantiisii
walaashiisa ka weyn Anam taasoo dhawaan markii aay geeriyootay bishii
tagtay Carafaat murugodiisa laga arkayay TV-yada,Anam waxay dhashay ninka
Falastiniyiinta u fadhiya U.N-ta ee la dhaho Naasir AL-qudwa, Carafaat-na
abti ayuu u yahay.
Carafaat waxaa shahaado Engineering ah
uu ka qaatay Jaamacada Qaahira,waxaana uu xili hore oo ka mid ah
dhalinyaranimadiisa bilaabay inuu xubin firfircoon ka noqdo dhaqdhaqaaqa
Falastiniyiinta ee gobonimo doonka .
Carafaat waxaa uu ku jiraa
todobaatameeyadii cimrigiisa , waxaa uu Ilaahay ku manaystay caafimaad
buuxa,waxaana taas loo tiiriyaa inuusan lahayn wax balwad ah haday ahaan
lahayd sigaar, khamri iyo wax kale midna,waxaana la sheegaa inuu aad ugu
adag yahay arimaha caafimaadkiisa isagoo aad ula socda miisaankiisa iyo
isbedelka caafimaadkiisa, sameeyana jimicsiyo joogto ah, khatartii ugu
weyneyd ee ku timid caafimaadkiisa waxay ahayd markii diyaaradu kula
dhacday lama degaanka Liibiya xiligaas oo qaliin looga sameeyay dhiig ku
furmay madaxa, shilkaas ka dib waxaa la sheegaa in caafimaadkiisa wax
iska bedeleen iyadoo lagu arkay daal uusan lahaan jirin,iyo laleemo
gashay mishintiisa hoose .Carafaat waxaa uu marar badan beeniyay warar
sheegayay inuu dhowr jeer coma galay iyo in awoodiisa aay gabaabsi tahay
caafimaad daro awgeed. madaxda falastiiniyiinta qaarkood ayaa ku eedeeyay
Izreal inay faafiso warar aan sal lahayn oo ku saabsan hogaamiyahooda
caafimaadkiisa.
inkastoo cimri iyo caafimaad daroba ka
dabo timid Carafaat weli ma ogola inuu sheego cida uu ugu talagalay inay
ka dhaxasho hogaanka falastiin,guud ahaan waxaa la oran karaa carafaat
waxuu uu ku noolyahay caafimaad jismi iyo mid miskaxeedba marka la eego
dhibka iyo qaxarka siyaasadeed ee uu soo maray.
Carafaat waxaa dadka noloshiisa wax ka
qorey oo dhami aay isku raaceen inuu dhamaan noloshiiisa u hibeeyay
qadiyada falastiin isagoo ilaaway noloshiisa shakhsiga ahayd, guurka
kaliya ee uu guursaday waxuu dhacay 1990,isagoo xiligaas jiray 62 ayuu
guursaday Suah oo ah gabadh ka dhalatay qoys hodan ah ,oo Kirishtaan ah
degana Ramallah xiligaas waxay jirtay gabadhaasi 34 sano,gabadhaani waxay
mudo ka shaqaynaysay xafiiskii Carafaat ku lahaa Tunis xiligii dibad
wareega uu ahaa,gabadhaani markii uu guursanayay ayay soo gashay diinta
Islaamka,dhawaana waxay xaj u tagtay dhulka barakaysan ee Makka.
Inkastoo oo carafaat uu doobnimo ku
qaatay inta badan noloshiisa ayaa hadana guurkiisa waxaa la sheegaa
inuusan waxba ka badalin qaabkiisa shaqo iyo jadwal-maalmeedkiisa midna
isagoo weli u shaqeeya sidii looga bartay , waqtigiisa oo dhamina waa
buuxaa,isagoo aan wax waqti ah u qoyndeyn xaaskiisa iyo gabadhiisa yar
midna, waxaa mar laga sheegay xaaskiisa inay tiri gabadheeda aabaheed
waxay badiyaa ka aragtaa TV-da iyo sawiradiisa oo aay daawato.
Carafaat waa nin shaqo,waxaana aay dadka
yaqaanaa ku tilmaameen inusan xamili karin firaaqada, waxaa laga soo
xigtay isagoo ka hadlaya arintaan" markaanan wax aan qabto waayo waxaan
dareemaa daal iyo caajis ama niyad-jab"waxaa uu caan ku ahaa ilaa
dhalinyarinimadiisii nin firfircoon walaashiisa weyn ayaa ku tilmaantay
sidaan" laga bilaabo markii uu kasoo baxay riximka hooyadiis waxuu ahaa
hormoodka caruurta xaafada,isagoo u qeybin jirey kooxo islamrkaana ul-u
qaadan jirey kuwo ka weecda amaradiisa" Carafaat waxay aay ku tilmaamen
dadka barta cilmi-nafsigu inuu yahay "Hyperactive " ama firfircooni xadka
dhaaaftay iyo quwad-shaqo oo mucjiso ah. waxaa taas laga akhrisan karaa
safarada aan kala go,a lahayn ee uu geli jirey xiligii uu dibada ka
joogay dalkiisa.
Carafaat ma ogola in cidina aay u
taliso,aad ayuu uga didaa ugana feejigan yahay madaxbanaanidiisa in lagu
qabsado waxuu taas isagoo ka hadlaya yiri “ waxaan ahay madaxweyne aan
dhul iyo madaxbanAANI midna haysan marka xoriyadeyda iyo
madaxbanaanideyga qof ahaaneed ma ogoli in iyadana la igu
qabsado”,dabeecadaan ayaa ah miduu ilaa yaraantisii dhaqan u
ahayd,,carafaat ma aqbalo in aay cidina ka takhantakhayso afkaartiisa,
cidna wax uma oga .xitaa marka laga tago arimaha siyaasada arimahiisa
khaaska ah xitaa ma ogola in aay cidi faraha la gasho,tusaale ahaan
xaaskiisa ayaa sheegtay inuu sharaabada uu isagu gashado guluusyada uu
isagu xirto xitaa marar badan oo aay isku dayday inay ku caawiso inuu ku
gacan sayray oo uu ku adkaystay inuu arimihiisa isagu qabsanayo
noloshiisa oo dhamina waa sidaas.
Carafaat waxaa uu ku dhaqmaa shaki uu ka
qabo cadowga iyo saaxiibada labadaba, isagoo aan arimihiisa cidna gacanta
u wada galin,islamarkaana ajendayaashiisa dagaal badiyaa qariya,taas
waxaa aad looga dareemaa safaradiisa oo daqiiqada ugu danbeysa ayuu
wargeliyaa meesha uu u safrayo,waxaa la sheegaa inuu waardiyaashiisa uu
isagu kala habeeyo oo uusan cid ku halayn.
Carafaat waxuu isku arkaa dad badana oo
dunidan ku dhaqanina u arkaan inuu yahay sumada halganka reer falastiin,
waxuuna taas ku muujiyaa muuqaalkiisa sida labiskiisa iyo duubka
wareegsan ee uu caadada ka dhigtay inuu xirto,iyo labiska malateri iyo
biskoolada uusan dhigin,marar badan oo waraysiyo lagu waydiiyay waxyaalo
xiriira labiskisa carafaat kama bixin jawaab cad,waxuuna sheegaa inuusan
waqti u hayn waxyaalahas licib-siqiirka waayo waxuu mashquul ku yahay
qadiyada dadkiisa, labiska ciidanka waxuu kumacneeyaa inuu yahay taliyaha
xoogaga hubeysan ee reer falastiin,waxaa laga soo xigtay Caraafaat inuu
ku yiri Ronald Reagan " Hadaad wadan iyo dhul isiiso diyaar ayaan u ahay
inaan suut xirto iyo taay".
Carafaat waxaa uu kaga duwan yahay
madaxda aduunka inuusan lahayn wax hiyaawad ah haday noqon lahayd safaro
dalxiis iyo tamashle loogu baxo, waxyaalo la akhriyo ama ciyaaro la
sameeyo nooceey doonaan ha noqdaane,ma booqdo goobaha cawaysyada , ma
daawado filimaanta,ma daawada xitaa meelaha quruxda badan ee dalxiisyada
loo tago. waxa kaliya ee uuu akhriyaa waa waxa la xiriira shaqadiisa,
waxaa halkaas ka muuqata in Carafaat uu noloshiisa gaarka ahayd ku milay
midii caamka ahayd islamarkaana aay kafadii u dhacday in mida caamka aay
haraysay tiisii khaaska ahayd.
Carafaat waxaa lagu tilmaama nin
sharafta naftiisa aan u ogalayn in la siigeeyo,isagoo aaysan waxba ku
ahayn inuu baajiyo howlo waawayn oo siyaasadeed hadii uu arko in
sharaftiisa lagu dhaawacayo,wax walba uu qabanayo dareenka iyo xushmada
loo hayo , inuu yahay halyeyga falastiin,ruug-cadaa siyaasadeed ee bariga
dhexe , waa inaan lagu haysan , haduu uu dareemo mid ka mid koofiyadahaas
in aan loo ogoleyn waa ka dhiidhiyaa, isagoo isku dhexyaaciya dhamaan
waraaqaha oo dhan .
dabeecadaha ugu layaabka badan Carafaat
leeyahay waa inuusan weligiis is-dhiibin wax walba oo ku yimaada,mar
walba oo aay la soo gudboonaato duruufo qalafsani waxuu kusii dhegaa
qadiyadiisa iyo hadafkiisa weyn,isagoo la jaanqaada waayaha iyo
waciyaga,waxaa uu ka badbaaday masiibooyin badan iyo mixnado siyaasadeed
oo aan lasoo koobi karin,waxaa uu usoo joogay markii Boqor Xuseenkii
Urdun uu soo jafay dhamaan kooxihii reer falastiin ee Urdun ka waday
halganka Yuhuuda ay kula jireen,waxaa uu indhaha u hayay markii 1982 aay
Izreal cagta marisay xoogagiisu xarumahii aay ku lahaayeen Lubnaan
halkaasoo yuhuudu ku xasuuqday Sabra and Shatilla dad gaaraya 5000 oo
qof,waxaa uu u ruqaansaday Tuunisiya halkaas qudhigeeda waxuu ka
badbaaday shirqoolo dil oo aan xisaab lahayn kuwaasoo uga yimid dhinaca
Yuhuuda iyo Kooxo falastiin ah oo siyaasada aay ku kala tageen,waxaa
xigay dhul-gariirkii siyaasadeed ee kasoo gaartay tageeradii ee uu u
fidiyay Sadaam dagaalkii Khaliijka,midaan oo uu ku waayay dhaqaalihii
wadamada khaliijku aay siin jireen Carafaat iyo PLO-diisa, masiiboyinkaas
oo dhan iyo kuwa ciidaas ka badan oo lasoo gudboonaaday cimrigiisa
siyaasadeed ,kuwaasoo lahubo inay mooraduugi lahaayeen siyaasi ama
hogaamiye kale oo kasta mustaqbalkiisa ama xirfadiisa siyaasadeed
Carafaat waa kasoo kabtay mid walbana waxuu kasoo baxay isagoo diyaar u
ah inuu halgankiisa meeshii ka sii wado, mid walbana waa dabaashay.
Arafat: shacabka
reer Falastiin ayaa dhibaatada ugu weyni kasoo gaareysaa dagaalka
Guji halkan... |
Carafaat waxaa Ilaahay ku manaysto
hal-adayg iyo karti uu u leeyahay inuu mar walba hore u ruqaansado, iyo
inuu mar walba ku adag yahay himiladiisa weliba si quus-la,aan ah,taasoo
ka dhigaysa nin aad u adkaysi badan,isla markaana shacabkiisa mar walba
galisa rajo nololeed,iyo yididiilo wanaagsan,waana midaas tan wadooyinka
falastiin aaysan marna Carafaat u ilaaweyn..dhaqamadaani waxay u
suuragaliyeen ninkaan si walba uu khaladaad iyo mucarad u leeyahay hadana
marna inaan cidina ku damaacin inuu yahay Hogaamiyaha reer falastiin guud
ahaan,Carafaat waxuu diyaar u yahay inuu u dhinto qadayadiisa,taasoo ka
dhigaysa nin aan sinaba uga biqin in dilo “ Naftayda ilaahay baa gacanta
ku haya “ ayaa hal-ku dhig u ah,,waxuu badiyaa xusaa dadka reer falastiin
ee dhiigooda u hurey qadiyada dhulka barakaysan, isagoo qiiro inta qaado
mar walba oo uu soo hadal qaado ku dhaarta inuu wadadooda marayo, waxaa
marar badan muraayadaha TV-yada laga arkay Carafaat oo markuu soo hadal
qaado mixnada haysata shacabkiisa aay ilmadu soo dhaafto,xitaa Carafaat
waxuusan qarsan sida uu ugu raaxaysto qaraxyada naf-hurnimada ah ee ay
sameeyaan Xamas iyo Islamic Jihaad iyo weliba xoogaga Al-Fatax waxaa mar
laga soo xigtay isagoo leh" waa inaan xurmeynaa nafaha daahirka ah ee u
hurey naftooda qadiyada dhulka barakaysan,geesiyaashaas gaar ahaan Yaxya
Cayaash,ujeedadeeni waa inaan raacno wadadooda, dhamaanteena waxaan u
sharaxanahay inaan nafteena u hurno,una dhimano dhulka barakaysan"
Carafaat waxay ku tilmaamaan dadka
darsaa nin ku shaqeeya ahdaaf istiraatiiji ah oo isla markaana aan marna
ka weecinin fekerka istiraatiijiyada(Strategic though and long term
planing) isagoo ujeedooyinka iyo yoolkiisu aay u cad yihiin,isla markaana
si xarfad leh uga faaiideysta dhamaan wadoyinka u furan, waxuu u garaabaa
tabartiisa oo xaqiiqada kama boodo, tusaale ahaan markuu waanwaanta
nabadeed la galay izreal 1991-kii waxuu xariiqday khadad cascas oo lama
dhaafaan ah,kuwaasoo uu diiday inuu sinaba uga gudbo(Caasimadnimada Qudus,
soo noqoshada Qaxootiga reer falastiin iwm),carafaat yuhuuda waxuu kula
dhaqmaa siyaasad ah inuusan wax la taabtana uga tanaasulin,wax alaale
waxii uu xuquuq kasoo dhacsan karana inuu kasoo dhacsado,waxuu qabaa in
wadahadalka nabada iyo kacdoonka hubeysani aay iskaabayaan, labaduba aay
u adeegayaan soo dhicinta xuquuqda dadkisa,waxuuna dhiirigaliyaa marar
badan falalka Xamas si uu cadaadis ugu saaro Yuhuuda miiska
wadahadalada,inkastoo sababo diplomaasiyadeed dartood aay suurowdo inuu
canbaareeyo falalka lagula kaco yuhuuda hadaba marna kama tago inuu eedo
dusha uga tuuro taliska izreal.
Carafaat madaxda carabta badiyaa kuma
aamin qabo waayo waxuu aaminsan yahay inay hagradeen qadiyada dadkiisa
islamarkaana aay cadow ku fiirsadeen inkastoo uusan wax u dhaama haysan
hadana xanuun iyo cuqdad ayuu u qabaa madaxda carbeed weliba kuwa xuduuda
la leh dhulka falastiin ee yuhuudu haysato,waxuusan miisaan weyn siin
Boqorka Urdun King.Abdalah II, iyo Dr.Bashaar Al-asadka suuriya oo
labadaba uu arko wiilal yarayar oo aabayaashood aay siyaasada isku fac ku
ahaayeen
Waxaa la sheegaa in ninka kaliya ee
madaxweyne carbeed ah ee Yaasir Carafaat saameeya ama uu qadariyaa uu
yahay Xusni Mubaaraka Masar, kaasoo uu marar badan dhegta u raariciyo,
waxaa kale oo Carafaat caadifad u hayay Sadaam Xuseenkii Ciraaq.
Carafaat waxuu ku dadaalay inuu mowqifka
qaloocan ee Maraykan ee ku aadan qadiyada dadkiisa wax ka bedalo kumase
guuleysan,waxuu markaas bilaabay inuusan arinta Falastiin iyo Yuhuuda aan
U.S kaliya lagu deyn isagoo mar walba door-bida in Yurubta,Qaramada
Midoobay ,iyo Ruushka aaysan lugta kala bixin howlaha dhexdhexaadinta
taasoo uusan ka daalin inuu xuso mar walba. Bill Clinton oo ahaa
madaxweynihii U,S ee sida aadku aay Carafaat isugu dhawaadeen ayaa ku
tilmaamay Carafaat:
”An aging leader who lives with a victim
mentality and is incapable of reaching a final peace agreement” Hogaamiya
ku nool dareen dulmane ah , islamarkaana aan awoodi karina inuu galo
heshiis nabadeed oo waara’.
Carafaat waa nin balaayada ku caano
maala, oo waxuu awood u leeyahay inuu si sahlan ula qabsado
dhibaatooyinka lasoo dersa, waxaa tusaale qurux badan u ah taas duruufaha
uu ku noolayahay 20-kii bilood ee tegay iyo burburka baaba,a dhismaha uu
kujiro, ayaa misana waxaa dadka ka yaabiya sida uusan u kala jeclayn isla
markaana mar walba oo uu ka muuqdo TV-yada waxuu muujiyaa niyad bir ah
waana midaas mida yuhuudu aay liqi la,ayihiin.
Waxaa la sheegaa in niyadaan birta ee
carafaat aay salka ku hayso rumeysnaantiisa iyo ku dhaqankiisa diinta
Islaamka, taasoo siinaysa awood iyo karti uu ku shaqeeyo,waxaa dadka
aadka ugu dhoow Carafaat aay xaqiijiyen inuu Salaadaha joogto u tukado,
islamarkaana uu isku arko ama isku haysto nin ku jooga raadkii saxaabada,
islamarkaana u taagan halganka iyo soo celinta iyo dhowrista dhulka
barakaysan ee Ambiyada Ilaahay markii Diyaaradu la qarxaysay ayaa la
sheegay inuu afka ku hayay aayado quraan ah islamarkaana waxuu ku
dhawaaqay “ Abu-Jihaadoow waan kugu soo biirayaa” abu-Jihaad waa
hogaamiye falastiini ah oo sideetamaadkii yuhuudu shirqool ku dileen.
Xiligii uu qaahira ardayga ka ahaa
carafaat waxuuu xubin ka noqday dhaqdhaqaaqii Ikhwaanul muslimiinka
taasoo darteed mar loo xirey 1954. Carafaat waxuu aaminsan yahay in
halganka falastiin uu yahay mid diinta salka ku haya isagoo marar badan
daliilsada aayadoha quraanka ah ee ka hadlaya Barakada Qudus.
Waxyaabahaas oo dhan iyo waxyaalo kale
oo farabadan marka la isku daro waxay muujinaysaa go,aanka Izreal aay uga
hari-la,adahay Carafaat inaay tahay khatarta ninkaani ku yahay
jiritaankeeda iyo kaalinta taariikhiga ah ee uu kaga jiro halganka reer
falastiin, haday dishana waxuu noqon doonaa khasaaro ba,an iyo jab aan
laga soo waaqsan oo lasoo gudboonaada halganka shacabka dhiban ee
Falastiin.
Siciid Ciid(Himilo)
shariifka@yahoo.com
QORAALADII HORE EE SICIID HIMILO
Faafin: SomaliTalk.com | October 6, 2003
Col.
QADDAAFI WAA KUMA?...
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
..
WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com