|
JAWAAB. DIRIRDHABA IYO
BAAQ-KUSHEEGGISII KU WAJAHNAA DADKA REER SSH/CAYN
Mohamuud Ibrahim. London. UK
dalmarbilaal@yahoo.com
Salaamu caleeykum.
Bacda salaan waxaan rabaa inaan jawaab hufan
ka siiyo ninkan qaylo dhaanta riyada ah usoo diray dadka Reer Sool Sanaag iyo
Cayn oo ku sheegay inay dadkaas iyo iyagu wadagaan waxa uu ugu yeedhay
Somaliland!
1) Marka ugu horreeysa Dirirdhabow waxaad
umuuqataa nin tamar badani ku jirto waayo wax badan ayan kugu arkay adoo
shabakadaha wararaka baahiya wax Somaliland loogu yedho BAAFINAYA waxase
fiicnaan lahayd inaad waqtigaaga iyo tamartaada ku lumisid wax adna dani kuugu
jirto dadka Soomaaliyeedna ucuntama Sida Somaliweyntii Burburtay iyo qaybaha
kale ee Gumaystuhu siiyey Gaalo madowda aynu deriska nahay.
2) Waxaad tibaaxday in Waxan aad ugu yeedhay
Somaliland ay xududo leedahay adduunku aqoonsanyahay Ingirriskuna gumaysan
jirey oo xuduudaa sameeyey Magacana bixiyey. Horta waxa is waydiin mudan
qolyahan reer Sool Sanaag iyo Hawd/cayn aad is waydiiso inay aqoon sanayihiin
in la Gumaystay iyo in INGIRIISKAN carrabka wax idiinku tiray ay ka aqbaleen
ama heshiis la galeen inay aqoonsadaan inu addoonsado. Aan kaaga jawaabee
intuba waa Maya.
21sano markay la dagaalamayeen Gaalka doorada
leh diideena inanay weligood isu dhiibaan heshhiisna lagalaan ah in la gumaysto
waa tu Gaalkii ingiriis degey Hargeysa iyo Berbera heshiisna lagalay dadkii
halkaasi deganaa wax kastaaba iyaga ha ku kaliftee markay ogolladeen in
lagumaysto.
3) Waxaad kaloo tibaaxday heshiiskii burco
lagu gaadhay 1991-kii Nin ay meel kaga dheggantahay baad tahaye (the so-called
Somaliland) hoos ba umaad eegine heshiishkee haddaan kuu micneeyo anagu waxannu
ogollaanay waxay ahayd in nabad lagu wada noolaado Beelaha deriska aannu nahay
lana tix geliyo wada deganaanshaha iyo xasillooni kuwada noolaha aaggaasi,
ilaahay mahadii si fiican baa laysugu afgartay waana tan ilaa iyo maanta
Beelahaasi kuwada nool yihiin kuna soo gaadheen ilaahayna waxaan ka rajaynayaa
inay nabadgelyadaa iyo wada noolaanshahaa deris iyo daaq wadaagga ah kuwada
noolaadaan Abid.
4) Arrinaka kale ee xusidda mudan eed ka
hadashay waxa weeyaan haddii umad Ilaahay meel kuwada uumay inay aayahooda iyo
Mustaqbalkooda kawada tashadaan (Good Point) Allaa is badaye, Diridhaboow waa
arrin wanaagsane Haddaannu nahay reer Sool, Sanaag iyo Hawd/Cayn annagu
waxaannu leenahay laba deris oo midna naga xigo galbeedka midna naga xigo
Bariga iyo Koonfurta, haddaba labadaba waxaannu jecelnahay annagoo tixgelinayna
Soomaalinimada Derisnimada iyo Islaamnimadaba inaannu nabad kula noolaanno
inaannu aayahayaga kawada tashanno iyo Allaa soomaali isbadaye inaannu kawada
tashanno inaannu magacii iyo Calankii Buluugga ahaa ee la aasay sidaannu
Golayaasha caalamka ugu soo celinlahayn ( International stages) habeen iyo
maalin uguntanno cid alla iyo ciddii raadinaysana aannu la raacdayno.
Ogoowna deriskayaga Boguxu/Galbeedku ma'aha
dadkan aad is huwisay eed magaca ingirriska qoorta uwada sudhaye waa labo jilib
oo Soomaaliyeed oo reer Togdheer ah labadaa jilib Xushmad iyo sharaf
Soomaalinnomo ku dheehantahay baa noo dhexa sidii soomaalida lagu yaqaannay,
hadday noqotto xagga siyaasadda waxaannu isugu imaan karnaa waa soomaalinnimo
ama inta Soomaalinnimo baadi daankaeeda aannu/lagu maqanyahay haddaan isla
afgaranno annaga oo laba qabiilo soomaaliyeed ah ayaannu ka tashanaynaa
haddaanu isla afgaranona magac Soomaali lagu sugona la baxaynaa Hadday rabaanna
Puntland iyo Soomaaliland hadba kii Soomaalinimada Ogol isugu duwanaynaa annaga
iyo deriskayagu. reeraha kale ee Bogoxa deggan Soomaalinimadaa isu kaaya
keentay waxayna noola simanyihiin walaalaha kale ee soomaaliyeed ee
Bay,Bakool,Beldweyne iyo Jawhar deggan ee ogol somaalinimada. Haddiise reer
hargaysa iyo Berbera soomaalinimada ka baxaan wax kale oo naga dhexeeyaa waa
Islaamnimo hadday ogolyihiin.
Diridhaboow Qaybihhi kale sidii loo baadi
dooni lahaa inaad qaylo dhaanta iyo fekerkaababa ku salaysid baa fiicnaan
lahayd intaad intii gacanta ku jirtay reer reer iyo ood ood ukala qaadaysid
annagu taasaannu ku fekernaa gooray noqotona waa lagaadhayaa Ilaahay idankii.
Bal ogooweey Yurub baa midoowday oo dawlad qudha wada samaysatay iyaga oo kala
midab Sinji iyo Af iyo Diinba ah adna reer keliya oo intaba wadaaga ayaad
doonaysaa inaad doc faruur ku abuurtid aduunyadii oo dhan baana imminka la
doonayaa inay midoowdo (Globalization) waxaan ku odhan lahaa waad hurudaaye
wake-up mate. Xaggee baad ka keentay caqliga ku siiyey qabiilo dhan oo
soomaaliyeed oo wax walba leh inaad ku tidhaahdid walaalihiin soomaaliyeed ka
soo go'a oo qabiil/jilib meel isku urur saday soo raaca Shame on you!anigu kula
yaabaye meesha Pakistaan! na qaad kumaan maqale sidee wax kaa yihiin mise kii
hargaysaa kugu qarxay?
Guntii iyo gebagebadii adiga iyo inta kula
fikirka ee maskaxdii laga bedellay (brain washed) ee Ingiriisku madaxa ka galay
wax badan oo ka danbeeyaa laydiin sheegaye xaggay idinka mareen! Most recent
one Boqol jirkiinnii baa calankii soomaalida jeexjeexayey oo lahaa isku dad ma
nihinoo annaga Ingiriis baa nasoo taba baray! Aqoonyahankiinnii baa lahaa (Duqsi)
annagu waagaannu xamar tagnay Waaanu dhaarsanayn oo Boqoraddaa nasii dhaarisay
labaatan jirkiinni (Adiga) leh beri baa ingiriis meel xarriiq mariyey oo yidhi
British somaliland baa layidhaahdaa waxaan hadalkii ku laayey Dirir dhaboow
You are
Knocking wrong door mate!
Mind the Gap!
Mohamuud Ibrahim. London. UK
dalmarbilaal@yahoo.com
BAAQ:
SOMALILANDERS-ka
Gobolada Beriga Somaliland [Diridhaba]
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 7, 2003 |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan |