SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
  • KU: Walaalaha iyo Somalilanderska Reer Sool, Sanaag Beri iyo Degmada Buhoodleh
  • KU: Salaadiinta, Cuqaasha, Garaadada, iyo Isimada Sool, Sanaag beri iyo Degmada Buhoodleh
  • KU: Indheer garadka, Mutacalimiinta, Dhalinyarada, Reer Sool, Sanaag Beri, Iyo Degmada Buhoodleh
  • KU: Dhamaan Qurbe joogga Reer Sool, Sanaag Beri, iyo Degmada Buhoodleh

Mudanayaal/Marwooyin

Ujeedo: Baaq SOMALILANDERS-ka Gobolada Beriga Somaliland


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

 

Walaalayaasha/Mudanayaasha/Garaadada/cuqaasha/ iyo waxgaradka kor ku xusanow, taariikhda umadaha adduunku waxay leedahay ardaayo iyo marino dhab ah oo la raaco, waxay Umadaha Beesha caalamku ku dhaqanyahiin hanaan la raaco oo bulshada ilaahay meel ku wada dhaqay ay isla citiqaado, islana garato, islana fahanto, iyada oo arrin wal oo jirta laga tixgelinaayo danta umadda iyo jiritaanka waaqiciga ah, Mudanayaasha/Marwooyinka kor ku xusanow Qaran waxaa lagu tilmaami kara sidaan u aqaan qoomiyado isku tegay, mar walbana Qaran kasta oo dunida daafaheeda ku yaal waxaa dantiisu meel mariya kana go,da waa qoomiyadaha ilaahay baday,

Siyaasad waxaan u aqaan nidaam hamuunsan oo ay dejiyeen waxgaradka bulsho kasta oo ilaahay isbaday taasi oo lagu hogaamiyo laguna xafido hawl maalmeedka bulshadaasi, Xuduud waxaan u aqaana qaraar ay bulshada adduunyada ku dhaqan oo dhammi ogtahay oo lama taabtaan ah oo dal leeyahay, walaalayaal, markaan intaa ka gudbo ee aan usoo noqdo dulucda guud ee! dagalkan aan wada xanbaarsanyahay waxaa jirta Sidaynu ognahay in Nidaamkii 20 sanno xukumaayey wixii la odhan jiray (Dawladdii dimuqradiga hantiwadaaga Soomaliya) ee uu horkacaayey Maxamed Siyaad Barre uu badday nabaro aan dhayal ku bogsan Dalweynaheenii Somaliland ee curtay 1960, 26 June, ee aynu nirigtii ay dhashay ula carawnay gobolkii aynu dariska ahayn ee Somaliya,

wax wal oo dhacay wuxuu ku dhacay wixii kuwii la dulmay u halgameen, walaal waddankeenii iyo dalkeenii iyo hoygeeniba waxaynu ka xoraynay fashistigaasi waxaynu iskula nimid tallo iyo tusaale Waxaa hadaba la isweydiin kara yaa goyn kara talada iyo tusaalaha yaa goyn kara dadkeenii xorriyadda 1960-kii qaadnay ee meel kale ku tuurnay, waxaa hubaal ah walaalayaasha kor ku xusanow in ay talladu tahay mid u dhexaysa (Neutral point) dadkii lumiyey xorriyadooda, sida ay ka yeelayaanna ay tahay inay ka wada hadlaan oo ay ka wada xajoodaan, wixii la iskula afgartana ay tahay in laga midho dhaliyo, walaalayaal waxaynu ! iskugu nimid 1991 18 May magaalada Burco, raggii Beesha Dhulbahante joogay ee xilkarka ahaa ee aqoonyahanada ahaa ee wax ka saxeexay heshiisyadii lagu gaadhay magaalada Burco 1991 18 May waxaa ka mid ahaa Mudane Cali Khaliif Galaydh, Maxamed Xaashi (Xaabsade), iyo dhammaan suldaanada beesha sharafta leh ee Dhulbahante badidood,

walaalayaal Heshiishkaasi Burco ee qodobka ugu muhiimsan ee lagu saxeexay ahaa in xorriyadeenii aynu luminay aynu dib ula soo noqono, waxaynu bilawnay inaynu dawlad dhisanno, Dabcan walaalayaal ma damaanad qaadi karo sidii dawladahii kala danbeeyey ee laga Dhisay Somaliland loo qaybsaday, balse waxaan caddaynaya inay ahayd (Dawlado hab beeled wax loo qaybsaday), (matual tribal system) kollayna dawlad beel lagu qaybiyey dhaliisheeda waa leedahay, waxaa jira oo kale in dawladahaasi ay baylahiyeen (left behind) qaraaradii lagu gaadhay Burco 1991, walaalayaal Qalad waa la gala balse qaran cadho laguma lumiyo, anagu hadaanu nahay Reer Somaliland ka kale ma jeclin walaalahayo oo cadhoonaya inaanu ka aamusno, waxaanu ! mar walba jecelahay inaan xumaan iyo wanaag, xanuun iyo farxad cid wal oo magaca Somaliland ku abtirsata la qaybsano hadaanu nahay bulsho weynta Somaliland, markaa guntii iyo gebo gebadii waxaan si naxariisleh uga codsanaya oo ay muwaadinimo iyo sharaf iyo cisi ku jirto oo aan ka codsanaya walaalahayga Beriga Somaliland in cadhada iyo xumaanta ay u hayaan dawladda Somaliland aanay ku lumin qarankeena aynu dhisanay, Qaranka Dadka leh, inaga leh, shacbiga leh, waxgaradka leh, ee dawladi ma laha, waxaan ka codsanaya oo aan si naxariisleh uga codsanaya walaalahayga Beriga Somaliland in ay isweydiiyan yaa leh Somaliland, yaa Somaliland dumin kara dhisina kara? magacu walaalayaal waa inaga dhexeeya, waxaynu nahay qoomiyado ilaahay isbaday oo qaran wada dhistay ee yaan laga talaabsan qaranimada oo lagu khaldan cadho loo qabo shakhsiyaad, waxaan ka codsanayaa walaalahayga beriga Somaliland in dib loo bilaabo wada hadal iyo sidii danta dalkeenu ku jirto oo la eego xitaa haddaynu wada! hadal la yeelanayno Soomaliya sida ugu haboon ee aynu u waaj! ihi karro inaga oo dad keliya ah qaran keliyana mattala.

Wa bilaahi tawfiiq

Ka: Walaalkiin Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

diridhaba2001@hotmail.com

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 4, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD