SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INVESTIGATES

Janaayo 14, 2004

 

Dhibaatooyinka Kala Duwanaanshaha Manaahijta Dugsiyada Muqdisho waa sidee? Dugsiga Sare ee Ablaal oo aanu warbixin ka soo diyaarinay…….

 

Ka dib bur burkii Soomaaliya 1991, Waxaa dhulka ka hoos maray dhamaan adeegyadii waxbarashada ee ka jiray dalka, waxaana waddanka ku soo batay Iskuulaad gaar loo leeyahay iyo kuwo ay maalgashadaan wadamo Shisheeye, intuba waa ay kala Manhaj gadisan yihiin…

Manhajyada kala duwan ee wadanka waxay dhibaato ku yihiin gabi ahaanba wax barashada wadanka ka jirta, gaar ahaan mustaqbalka Ardada hada wax barata iyo mustaqbalka ardayda hada soo koreysa.

Todobaatamaadkii waxaa wax lagu baran jiray hal Manhaj oo ay si wayn uga soo shaqeeyeen aqoon yahanno Soomaaliyeed, Dhammaan waxbarashada waddanka waxay ku bixi jirtay Af-Soomaali, Lakiinse fursadahaas oo dhami waxaa dhumiyay kadib markii burbur xoog badan uu saameeyay dhinac kasta oo ka mid ah noloshii bulshada.

Haddii aan u soo noqono Xiligan Magaalada Muqdisho waxaa ka jira Iskuulaad ay gacan siiyaan dawladaha shisheeye ayaa iyaguna sidoo kale waxay u adegsadaan in ay ku gudbiyaan Taariikhdooda, Diintooda iyo Waliba Siyaasaddooda, intaas waxaa u sii dheer in ardada hada wax ka barata iskuuladaas ay yihiin ama kujiraan kuwa aan aqoon u lahayn dalkooda hooyo dhinac kastaba balse si fiican u yaqaana taariikhda la xariirta dalkaas Manhajkiisa loo soo guuriyay ee ay Manhaj kiisa qaadanayaan.

Waxaa baryahaan Magaalada Muqdisho ka jirtay Doodo iyo Daaraasaad ka socda Idacadaha iyo Joornaalada ayna sameynayaan aqoon yahano Soomaaliyeed oo hada u moodo in ay soo baraarugeen kadib markii ay arkeen labadooda caruur oo kale dhigta Labo School ay kala Manhaj duwanaadeen, taasi waxay sababtay in aysan labadaas ardaba ee ka soo kala baxday maanaahijka kala Manhaj ah ee ka jira Soomaaliya, iyagoo soo kala bartay taariikh iyo Juqraafi iyo dhaqan ee labo dal oo kale duwan.

Waxaa wax lagu daydo mudan Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee ABLAAL, kuna yaala Magaalada Muqdisho, Waxaa dugsigaas Qeybtiisa Sare (Secondary School) dhigta Arday gaareysa 450-arday, iyadoo uu Dugsiga ka kooban yahay 3-dabaq isla markaana ay fasaladdu yihiin 12-fasal, waxaan la kulanay Maamulaha Dugasiga Sare ee Ablaal, Mudane C/raxmaan Macalin Axmed, wuxuuna inooga waramay taariikhdii la aas aasay iyo heerarkii kala duwanaa ee uu Dugisga soo maray, wuxuu inoo sheegay in Dugsiga la aas aasay 29/11/88 ilaa iyo xiligaan uu shaqeynaya Dugsiga isagoo soo maraya marxalado kala duwan, wuxuu inoo sheegay Maamulaha in Manhajka ay wax ku dhigaan uu yahay English, kuna salaysan Manhajkii Soomaaliga, Sidoo kale wuxuu inoo sheegay in Macalimiinta ay dhamaan yihiin Soomaali ayna dhan yihiin 16-Macalin oo intaba ka soo qalinjabiyay Kuliyadii Lafoole. Sida ka muuqata Sawirada aan ka soo qaaday Ardayda Fasalada Gabdho iyo Wiilal waa ay iskula jiraan, iyado gabdhuhu ay gees fadhiyaan wiilashana ay geeska kale fadhiyaan… Sidoo kale waxaa Gabdhaha ay ku Xijaaban yihiin Xibaaka Islaamka… Waxaan booqday dhowr fasal oo markaas ay ardaydu ku guda jirtay casharadooda caadiga ah.

Dugsigan ay ka muuqato horumarka, ma jirto hay’ad ama Dowlad gacan siisa, marka laga reebo Qidmadda yar ee ay Ardadu bixiyaan, taasina waxay nagu sababtay in aan kuu dhiirano horumarka ardayda soomaaliyeed, sidaas waxaa yiri Maamulaha Dugsiga C/raxmaan Macalin Axmed.

WARAYSIGII LUUL iyo HANI iyo MAAMULAHA ka khri halkan...

Waxaa soo diyaariyay: Yusuf Cali Xasan

Mogadishu-Somalia | SomaliTalk.com

yusufmog@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 14, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah







 XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD