Waxaa soo gaaray boga somalitalk cabasho ka timid
gabar soomaaliyeed oo siday sheegtay dhiganeysay iskuulka ABLAAL ee muqdisho,
waxaaney sheegatay (waa sida ku qorayd qoraalkii SomaliTalk soo gaarey'e) in iskuulka loogasoo ceyriyay
markay qaadatay INDHA
SHAREERKA ama NIQAABKA, kadibna laga codsaday iney iska dhigto iyaduna ey ku
adkeysatay iney ilaahay dartiis u qaadatay aadanana dartiis eysan u dhigeyn
isla markaana saas iskuulkii looga ceyriyay iaydoo waliba kusii dartay In
macalimiintiina lagu diray isla markaana loo diiday in lasiiyo waraaqdii
badalka marey codsatay in lasiiyo waraaqdeeda badalka
Hadaba anagoo gadaal idinku tusi doono warqadi gabdhu
soo qoratay ee somalitalk ey soo gaarsiisay waxaanse ka hormarineynaa si aan
u ogaanno xaqiiqda
War bixintaan waxaan u tagay aniga o ah wariyah
somalitalk maamulka iskuulka ABLAAL ee magaalada muqdisho mudane C/RAXMAAN
MACALIN AXMED waxaana aan weydiiyay su’aalahaan

1- S: majirtaa in aad diideen in iskuulkiina lagu
dhigto NIQAABKA ama INDHA SHAREERKA?
1- j: waxba kama jiraan anagu ciddii ku timaada
umadiidno ciddaan ku imaaninna kuma qasabno iney qaadato hase ahaatee waxaan
marnaba aqbaleyn in NIQAABKA ama INDHA SHAREERKA marna la qaato marna la iska
dhigo waxaana u arkaa iney tahay ciyaar
2- S: ma jirtaa in gabar dhiganeysay iskuulkiina
ABLAAL aad iskuulka uga ceyriseen iney qaadatay NIQAAB ama INDHO SHAREER?
2-j: maya majirto in arinta aan ku ceyrinay tahay
middaas waayo
A- marka koobaad waxan ku ceyrinay gabadha wax
kusaabsan akhlaaqda iyo anshaxa arday nimo waayo hadii kaladanbeyta lunto waa
dhibaato
B- tan labaad gabdha ma aheyn mid si toos ah u
qaadato niqaabka ee marna waa qaadaneysay marna waa dhigeysay kadib markaan
ka codsanay iney ama qaadato ama iska dhigtana ma yeelin ee xitaa waxey ka
baxday anshaxii iyo akhlaaqdii ardaynimo kadibna waxaan sugeynay in
waalidkeed noo yimaado illaa haddana wax noo yimaado ma heyno
3- S: ma jirtaa gabadhani markaad ceyriseen kadib
iney idinka codsatay inaad siisaan warqaddeeda badalka si ey u tagto iskuullo
kaleeto kadibna aad u diideen warqaddaas?
3-J:A- marka hore anaga haddaan nahay maamuka
iskuulka ABLAAL arday doonayo in uu qaato warqaddiisa badalka ma siinno isaga
ee waxaan u dhiibnaa ama aan ku wareejinnaa WAALIDA ama QOFKA MASUULKA ka ah
ilmahaas si waalidka oo og uu uga badasho iskuulka waayo waxaa dhacaysa in
ilmaha iskuulka lagu ogyahay ma ogiye kan uu doono uu isaga badasho haddaan
waalidka ama masuulka lala socodsiin
B- tan labaad saas daraadeed ma jirto cid waalid ah
ama kamas’uul ah gabdhaas oo inta noo timid naga codsatay arintaas ah in aan
gabadha siinno warqadeeda badalka
Isla markaasna waxaan aaminsanahay in haddii uu noo
imaanlahaa qof gabdha masuul ka ah aan isfahmi laheyn isla markaana aan si
wanagsan kuwada dhameysan laheyn laakiin nasiib darro ma dhicin waxaana war
aan sax aheyn oo la leeyahay gabdha ayaa soo qortay lagusoo qoray mid kamid
ah bogaga soomaaliyeed mana filaayo in iyada ey dalbatay in saas loo qoro
ayuu kusoo koobay hadalkiisii maamulaha
Intaas kadibna aniga waxaan u gudbay dhanka
FASALLADII ey ardayda ku jireen si aan u eego ama u arko gabdhaha iskuulka
dhigto sida ey u wataan NIQAABKA iyo iney jiraan gabdho wato waxaana aan
arkay sida idiinka muuqato sawiradda iney kujireen galaasyada gabdho watay
ama xirnaa NIQAABKA ama INDHA SHAREERKA kuma deyn intaa ee waxaan wareysi la
yeeshay laba gabdhood oo midu xiran tahay NIQAABKA ama INDHA SHAREERKA midna
eysan qabin ama wadanin waxaana ku hor maray gabdha wadatay NIQAABKA ama
INDHO SHAREERKA sida sawirkeeda idiinkaga muuqato oo magaceeda layiraahdo
HANI MAXAMUUD XUSEEEN
HANI
ugu horeyntii waxaan weydiiyay galaaskeed dhigataa waxeyna ii sheegtay iney
dhigato galaaska 4-raad ee dugsiga sare ama 12- aad waxaana iskuulka ABLAAL
aan kusoo biiray sanadkaan waxaana imid aniga oo XIRAN NIQAABKA AMA INDHA
SHAREERKA markaan weydiiyay HANI in markey imaaneysay amaba intey joogtay
ilaa hadda wax hadal ah laga yiri ama laga codsaday iney iska dhigto niqaabka?
Waxey iigu jawaabtay aniga waxaan wataa NIQAABKA ama INDHA SHAREERKA muddo
dhan 6- sanadood waxaana soo arkay iskuullo la ii diiday in aan dhigto hadii
aan indha shareerka ama niqaabkeyga wato oo aan kasoo tagay hase ahaatee
markaan imid iskuulka ABLAAL lama aan kulmin wax diidmo ah bal waa la igusoo
dhaweeyay.
Isla markaasna waxaan wareytay gabdhii kale ee aan
xirneyn NIQAABKA ama INDHO SAHREERKA sida sawirkeeda idiinka muuqato
magaceedana waxaa la yiraahdaa
LUUL C/QAADIR XIRSI
LUUL:
waxa aan weydiiyay iney ii sheegto galaaska ey dhigato waxaanay ii sheegtay
iney dhigato galaaska 2- aad ee dugsiga sare fasalka B isla markana
daraasadeedii dugsiga dhexe ey kusoo qaadatay isla iskuulka ABLAAL dugsigiisa
dhexe markaan weydiiyay LUUL: in iyada ey kutimid NIQAAB ama INDHO SHAREER oo
markii loodiiday ey iska dhigtay iyo inkale? Waxey ii sheegtay iney markii
horaba timid ayadoo aan wadanin NIQAAB ama INDHO SHAREER laakiin wey jiraan
gabdho watay loomana diido laakiin maamulka ma ogola in marna laqaato marna
la iska dhigo ayeey iigu sii dartay.
Hadaba intaas kadib waxaa ii suura gashay in aan
galaasyada la dhextago KAAMIRADEYDII oo aan soo sawiro ardaydii oo casharro
qaadaneyso sida idiin muuqatana waad aragtaan iney ku jiraan gabdho wato
NIQAABYADOODA ama INDHA SHAREERADOODA anigoo waliba si gooni ah u wareystay
gabar aan lasoo raacay BASKA oo magaceeda iigu sheegtay HANI kadibna waxey ii
sheegtay ineysan jirin wax diidmo ah oo loo diido gabdhaha INDHA SHAREERKA
ama NIQAABKA hadii uusan aheyn mid marna la qaadanaayo marna la iska dhigaayo.