SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - S/Africa
Qofkii 23aad ee Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Afrika

Johannsburg. 11 April 2004. Waxaa habeenimadii Sabti ah markii la tukaday salaada Maqrib ka dib dukaankisa oo ku yaala xaafada Njoli ee magaalada Port Elizabeth lagu dhex toogtay ganacsade Soomaali ah oo la yidhaahdo Cabdi Muxumed Horor (Cabdi Cuur) 38 Jir.

Waxaa isla mar ahaantaan ku dhaawacway weerarkaas lagu dilay Cabdi Cuur nin kale oo Soomaali ah. Dilkan loo gaystay caawa Cabdi Cuur wuxuu ka danbeeyay dilkii loo gaystay in ka yar uun asbuuc ganacsade kale oo Soomaali ah oo la yidhaahdo Mawliid Sh Yusuf  oo 25 Jir ahaa isla gobolkaas.


Sida ay sheegayaan dad goob joog ahaa waxaa dukaanka Cabdi Cuur soo galay niman dabley ah oo rasaas tira badan ku furay dadkii dukaanka ku jiray. Nasiib daro waxayna rasaastaasi cuskatay Cabdi Cuur oo ay ku dheceen todoba xabadood iyo wiil dhalinyara ah oo kale Soomaali ah oo la yidhaahdo Jerry. Cabdi Cuur wuxuu naf baxay intii loo sii waday isbitaalka.

Wadanka K/A wuxuu ka mid yahay wadamada aduunka ugu danbiyada badan waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay kuma ugu dilka iyo dhaca badan marka laga reebo wadamada “ku jira xaaladaha dagaal, sida Soomaaliya ama Congo oo kale”. Waxaa kale oo K/Afrika ay beryahan danbe caan ku soo noqonaysay danbiyada ajnabi nacaybka la xidhiidha.

Sida u diiwaan gashan ururka Jaaliyada Soomalida ee loo yaqaano Somali Association of South Africa (SASA) dilkan Cabdi Cuur wuxuu ka dhigayaa tirada Soomaalida lagu dilay Koonfur Afrika 23 qof tan iyo markii ay Soomaalidu kusoo jabtay Koonfur Afrika sanadkii 1994 tii.. dhamaan dadkani waxay u dhinteen falal la xidhiidha budhcadnimo iyo ajnabi nacayb..

Kuma koobna dilku Soomaalida oo kaliya ee waa dhibaato haysta dalka oo dhan. Tusaale ahaan 9 kii bilood ee u horeysay sanadkii 2001, tirakoob ay booliisku ka qaadeen 1130 booliis istayshin oo ku yaala wadanka K/Afrika oo dhan waxay sheegeen in mudadaas 9ka bilood ah lagu dilay wadanka dad gaadhaya 15 054 qof.

Dilkan loo gaystay Cabdi Cuur wuxuu kusoo hagaagay xilli ay Soomaalidu si qayru caadi ah ugu soo badanayso wadanka Koonfur Afrika, iyadoo lagu qiyaaso inay asbuucii soo galaan ilaa 100 ruux oo Soomaali ahi wadanka. Waxaa kale oo jira Soomaali badan oo ku xidh-xidhan dariiqa u dhexeeya Kenya iyo Koonfur Afrika oo Soomaalidu ay tahriib kusoo marto.

Cabdi Cuur wuxuu ka tagay laba gabdhood iyo wiil iyo hooyadood oo la yidhaahdo Shugri Sheekh. Waxay dhamaantood ku nool yihiin magaalada Port Elizabeth oo Maanta oo Axad ah lagu aasi doono marxuumka.
 

 
Axmed Dowlo
Johannesburg
dawlo@hotmail.com

SomaliTalk April 11, 2004

Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.
 GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD