Feb 11, 2004
Cadaawadda Fogaatay ee Laanta Afka Soomaaliga BBC-du u Qabto
Puntland
Maxamed
Khalaf
khcarabeey@hotmail.com
Si lala wada socdo
laanta afka Soomaaliga ee BBC-da sannadihii la soo dhaafay waxa ay si
bareer ah qayb uga ahayd dhibaatada ka taagan geyiga Soomaaliyeed iyada oo
madaxda iyo in badan oo kamid ah shaqaaleheedu ay si xun u isticmaaleen
ammaano kulana dirireen jihooyin gaar ah.
Haddaba si loo muujiyo, si fiicanna loogu
duwo indhaha ummadda Soomaaliyeed tallaabooyinkaas ayuu Yamayska
faalladiisa waxa uu ugu kuur galayaa dhaq-dhaqaaqii BBC-da iyo todobaadkii
la soo dhaafay.
Daba-galkani waxa uu bidhaaminayaa sida ay
laanta BBC-du ugu xagliso kooxda Carta oo ninka madaxda ka ah C/Qaasim, ay
qaraabo dhaw yihiin ninka asna tifaftiraha ka ah laantaas Yuusuf-Garaad
Axamed. Sidoo kale waxa uu daaha ka qaadayaa inta ay le’egtahay cadaawadda
madaxda laantaasi u hayaan dadka iyo hogaanka DGPL iyo sida ay dagaalkaas
ugu xulafaystaan dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay is leeyihiin way
idinka dhexeeysaa dareenka cadawnimo ee ay u qabaan shacab iyo madax.
29-kii Janaayo, 2004
waxaa Hotel Safari Park, Nairobi, lagu saxiixay heshiis (mar danbe
nuxurkiisii la badalay) kaasoo ay saxiixeen hogaamiyayaal dhawr ah kana
hadleen munaasabaddii saxiixa. Xasan Bariise -oo isaguna ah wariye ku soo
caan baxay shirkii Carta ee sida wayn u waxyeelleeyay DGPL, isla markaana
ay dhalasho ahaan is xigaan labada nin ee sare ku xusan- ayaa ka soo
waramay munaasabaddaas oo si muuqata kutala gal loo geeyay madasha shirka
markiuu gaaray marxaladda xasaasiga ah oo isaga uun loo arkay nin dabooli
kara.
Xasan Bariise waxa uu si kutala gal ah meesha
uga saaray khudbaddii madaxweeynaha DGPL Md. Cabdulaahi Yusuf Axmed halka
uu ka soo qaaday khudbado siyaasiyiin ay kulligood isku beel yihiin, isla
markaana ka miisaan hooseeya Cabdullaahi Yusuf marka arinka laga eego
awoodda siyaasadeed iyo baaxadda maamul iyo halganka taariikheed ee uu soo
galay. Khudbadda Cabdullaahi Yuusuf oo aad ugu dheeraatay mustaqbalka
ummadda Soomaaliyeed waxa jawaabo qaddarini ah ka soo diray safaaradda
Maraykanka iyo wasaaradda arimaha dibadda Keeyna taasoo muujinaysa
qiimaheeda.
Waxaa xusid mudan in BBC-da oo kooxda Carta
ugu yeerta dawladda kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, uu Xasan Bariise
warbixintaas ku sheegay in saxiixaasi uu u gogol xaarayo in Soomaaliya
loogu dhiso dawlad qaran markii ugu horeeysay muddo saddex iyo toban sano
ah. Dad badan waxa ay is waydiiyeen BBC-du goormay saxan tahay? Ma doodda
hore ee in Cabdilqaasim dawlad yahay baa sax ah, mise tan ay maalintaas ku
sheegtay in aan Soomaaliya dawalad helin 13 sano ayaa sax ah?
30-kii bisha Janaayo 2004,
waxaa Gaalkacyo safar saacado qaatay ku yimid madaxweeynaha DGPL, Md.
Cabdullaahi Yusuf Axmed booqashadaas oo ku salaysnayd ilaalinta dastuurka
PL, oo madaxweynaha ku khasbaysa in uusan lixdan maalmood dalka ka maqnaan
karin. Sidoo kale booqashadu waxa ay xambaarsanayd ahamiyad siyaasadeed,
taasoo uu madaxweeynuhu golihiisa xukuumadda kala hadlay heshiiskii maalin
ka hor kooxaha Soomaalidu ku gaareen Safari Park. Isla safarkaasi waxa uu
lahaa macne amni kaasoo uu madaxweeynuhu ka dhagaystay
madaxweeyne-ku-xigeenka xaaladda amniga dalka iyo halka ay marayso xurgufta
siyaasadeed ee PL iyo SL.
Arimahaas oo dhan oo lagu daray miisaanka
ummaddeed iyo juqraafiyadeed ee PL, iyada oo ayan Soomaaliya ka jirin
hogaamiye isaga gooshi kara afar dalool dalool iyo bar dhulka Soomaaliya,
ka dagi kara ama ka dhoofi kara in ka badan shan garoon diyaaradeed oo
kulligood hoos yimaada maamulkiisa, arimahaas oo dhan, haddana BBC-du si
kutala gal ah ayay u cabursay warkaas haba yaraateena wax ay ka soo qaaday
ma jirin, halka ay isla maalintaas baahisay warar in badan ka macne yar
dhacdadaas, isla markaana waraysi dheer oo ay ku gadayso siyaasadda C/Qaasim
baahisay, iyada oo la ogayahay in uusan ka talin xaafad kamida xaafadaha
Muqdisho.
1-dii Febraayo 2004,
waxa ay ahayd maalin ciid ah oo Soomaaliya oo dhan si wayn looga xusay isku
mar iyada oo aan la isku khilaafin. Runtii dadka leh dareenka saxaafadeed
PL waxa ay u ahayd maaddo wareed maaddaama markii ugu horeeysay ay in muddo
ah reer PL isku mar wada ciideen, iyada oo la ogyahay in ay PL tahay
meelaha uu ka jiro khilaafaadkaku salaysan firqooyinka diineed, 1992-kiina
uu gaaray gacan ka hadal isaga oo dib u soo noqday kuna maldahnaa kii dhex
maray mucaaradka iyo dawladda sannadkii 2002-da.
Intaa waxaa dheer in ay maalintu tahay maalin
farxadeed isla markaana ka madax bannaan arimaha siyaasadda. Saas oo ay
tahay BBC-du oo dabooshay dhamaan sidii looga ciiday goballada dalka marna
sooma ayan hadal qaadin PL, mana ayan raadsan wax wariye madax bannaan oo
dhacada ay ka waraystaan maalintaas qiimaha leh, haddii ay sabab awgeed
wariyahoodii wax war ah ka waayeen.
Intaa kaliya maahee, Axmed Siciid Cige oo
isagu ka soo waramayay Hargaysa oo ay xurguf siyaasadeed oo sii
xoogaysanaysa kala dhaxeesyo SL, waxa uu si kutala gal ah magaalooyinkii uu
u tiriyay SL ugu daray Laascaano oo ah halka uu ka hurayo dabka dhex yaal
PL iyo SL.
Arimahaas oo dhan waxa ay dadka PL u sii
ifisay, gudo iyo dibadba, dareenka xag jira ee laga qabo shacab ahaan iyo
madax ahaana, ilaa heer loo adeegsado hay’adaha wararka caalamiga ah ee
madaxa bannaan.
maxamed khalaf
khcarabeey@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|