SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QISO

Feb 17, 2004 

Sideed u seexataa anagoo xaaladan kujirna (Qaybtii 2aad]

Qaybtii 1aad...

 [Qisan waxay ku xiriirsan tahay qaybtii hore]
Markay aragtey aniga oo sii seexanaya, ayaya badashay wajiga oo ay igu tiri, “Yaa Khalid… miyaad seexaneysaa?” Haa ayaan ku iri…ooooooo miyaadan daalneyn? Subxanallahi, saacada iyo duruufta adag ee aan kujirna miyaa laseexda. Waxaan mareynaa xaalad aad u’adag oo loo baahanyahey inaan magan galno Allah… istaag oo bari Ilaah!

Waan istaagey oo waxan tukadey wixii Allah ii sahley, kadibna waan istuurey. Laakiinse gabadhii way tukataa…. Tukataa.. tukataa. Markasta oo aan soo bararugaba, waxaan arkaa ayadoo utaagan salaad, sujuudsan, rukuucsan, ama duceysaneysa, ayadoo ilmayneysa ilaa uu Fajriga kadhashey oo ay itoosisey ayadoo leh: “Istaag, salaadii waa lagaarey… aan wada tukano”

Markii ay qorraxda soo baxdey ayey igu tiri: “Nakeen waxaan aadeyna xarunta passaporada”

“Xarunta passporada? Maxaan la’aadna? Aawey sawiradii nalaga doonayey? Sawir masidno, maxaan kadoona” Ayaan kucadaabey. “Aanu aadno oo iska soo fiirino waa intaas oo aan kheyr lakulanaye… haka quusan rahmada Allah” Ayey igu tiri, ayadoo kamuuqato kalsooni iyo daganaasho aniga aan igu jirin.

Waxaan isasii taagney xaruntii passaporada. Islamarkiiba waxay garteen xaaskeyga xijaabka; misna midkale ayaa halkaas kasoo qaylinaya oo leh: “Ma adiga lagudhahaa hebla?” “Haa waa aniga! Maxaa dhacay?”

“Hoo passaporkada” Ayey kutiri. Cajiib, waaba diyaar oo waxaa kudhagan sawirkeeda ayadoo xijaabkeeda xiran! Intay aad iyo aad ufaraxdey oo ay isoo eegtey bay tiri: “Fiiri… sow kuma oran, qofkii Allah kabaqa, wuxu ufaraya faraj”

Markii aan islaheyn aad baxdaan ayey naag meesha kashaqeyneysay nagu tiri: “Waa inaad sii martaan magaaladiinii si’aad ugu sii dhufataan shaabad”.

Madaama ay qasab noqotey inaan dib ugu noqono meeshii ay kudhalatey waa lagama maarman in lasoo siyaarto waalidkeed iy owalaalaheed.

Safarkii ciqaabta.

Waxaan aadney gurigoodii, waxaan garaacney albaabka. Guriga waxaa kamuuqato wax la’aanta dadka meesha dagan. Walaalkeed ayaa albaabka naga furey.Wuxuu ahaa wiil muruqyo w/weyn. Aragtida walaalkeed ayey lafaraxdey ayadoo wajiga iska feydey una dhoola cadeyneyso. Laakinse,walaalkeed wuxuu kusuganyahey xaalado kala duwan, dhan wuxuu kufaraxsanyahey walaashiis oo soo noqotey maadama ay bad qabto, dhana wuxuu layabanyahey dharka madow ee ay qabto ee jirkeeda oo dhan qariyey.

Guriga ayey horey ugashey ayadoo garabka haysata walaalkeed; anigiina inta kasoo daba galey ayaan iska fariistey qolka fadhiga.

Gudaha ayey usii gudubtey. Waxan maqla ayagoo kuwada hadlaya afka Russsianka oo sida marar badan iqabsateyba aan waxba ka fahmaynin. Waxaanse sii maqlaya inuu hadalkii sii kulalaanayo iyo cod sii khafiifaya… mise ayagoo dhan waxaay isugu tageen oo ay kuqaylinayaan gabadhii oo ayana isku dayeysa inaay isdifaacdo. Waxaay kujirtaa kan ujawaab… kaas ujawaab kujirta. Waxaan dareemey inaay meeshan shar food leedahey laakiinse waxan hubo wali mahayo mar hadaanan luuqada fahmeynin amase aanan ujeedin waxa ay sameynayaan.

Haddii aan waxyar joogay; waxaan maqley hunu-hunu iyo dad kusoo abaaran qolkii aan kujirey, mise, sedex wiil ayaa soo gashey oo uu hor socdo nin dhex-dhexaad ah. Waxaan uqaatey markii hore inaay uyimaadeen inaay isoo dhaweynayaan, maadama aan aheyn walaashood ninka qabey.

Hal mar ayey igu soo boodeen sidii bahalka oo kale! Soo dhaweyntii waxaay isu badashey feer iyo laad.

Waxan bilaabey inaan isdifaaco anigoo dhana qaylo afka furtey ilaa aan ka tabar dhigey oo aan umaleeyey gurigan dhexdiisa inaay tahey meeshii aduunyo iigu danbeysey! Laadkii iyo feerkii ayaa igu socda anigoo hadba maciinsada dhankale ee jirka markan dhan kadaalo.

Waxaan isha laraacey albabkii aan kasoo galey, anigoo dhana isdifaacaya. Ishayda waxaay kudhacday albabkii, inta istaagey ayaan orad isasii daayey ayagoo idaba ordaya ayaan iskala baxney iridka guriga.Waxaan kagaga dhexdhuuntey dadka suuqa marayey.

Markii aan ogaadey inaay iga hareen , ayaan afka saarey hotelkii aan daganeyn oo aan sidaas ugu sii fogeyn meesha.

Afka , sanka iyo wajiga oo dhan waxaa iga da’aya dhiig. Dharkii hasheegin. Dhiigii ayaan iska dhaqay. Allah ayaana kumahadiyey iga soo badbaadiyey wuxuushtaas.

Anigii badbaadayey tallow maxaa kudhacay gabadhii! Malagayaaba inaay kudhaceen waxa igu dhacey mise! Sawirkeeda ayaa isoo hor istaaga ayadoo isoo eegeysa. Anigoo nin ah ayaa udul qaadanwayey ee kawaran ayadoo dumar ah… Macquul inaay udhimatey.

Malaha waa markii isu kaayo danbeysay!

Waxa igu soo xaadirey waswaas iyo cabsi. Waxaan kabaqey inaay dib ugu noqoto diinteedii hore! Maxaan sameeya? Xageen kabilaabaa? Waxaa intaas iiga daran nafteyda oo aan wali amin aheyn; wadamadan haddii lagu dilo cidi kuma ogaaneyso oo naftu qeymo kamalaha! Waxaa macquul ah inaay iga adeejiyaan qofkale.

Qolkii ayaan isku soo xirey ilaa uu waaga kabaryey anigoo argagaxsan.

Dharka inta iska badaley ayaan ubaxay bal inaan soo xansado xaaladeeda meeshii ay kudanbeysey. Inta fariistey meel kafog guriga ayaan halkaas ka eegay waxa kadhaca guriga iyo agagaarkiisa haseyeeshe albabka lama furo. Waxaan sugaba; albabkii ayaa furmey. Waxaa kasoo baxey saddex dhalinyaro oo aan umaleynayo kuwii igaraacey. Markaan fiiriyey waxaay iila muuqdeen inaay shaqo tageen.

Halkii ayaan waardiyo kahayey anigoo kurajo weyn inaan mar uun arkidoona wajigeeda haseyeshe kuma guuleysan oo raggii shaqada aadey ayaa soo laabtey anigoo meeshii fadhiya. Markaan daaley; waxna waayey ayaan kulaabtey hotelkii.

Maalintii labaad iyo sedexaad ayaan isaga dabo laabtay oo markastana waxaan soo laabta anigoo soo hungoobey. Waxaan malaheyga ubadiyey inaay dhimatey laakiinse guriga kuma arko dhaq-dhaqaaq u eg meel meyd yaalo; ama dad ayaa u imaanlahaa tacsiyo ahaan! Waxan nafta ugu sheekeeyay markale inaay nooshahey oo aan lakulmi doona mar dhow.

Maalintii afarad ayey hadana ii cuntimi weydey inaan iska dhexfadhiyo hotelka. Waxaan aadey meeshii aan waardiyaha kaqaban jirey. Markii ay aabahood iyo walaalihii aadeen shaqo ayaan sidii caadada ii aheyd kadhursugey waxaay maalinta kudhamato.

Albabka ayaa sikadis ah kufurmey, mise waxaa kamuuqda wajiga xaaskeyga oo eegeysa bixid iy midig. Sifiican ayaan wajigeeda usii fiiriyey mise waa meel bararsan iyo meel jaban, dharkeedii waa wada dhiig. Inta aan usoo dhawadey ayaan sifiican ufiiriyey mise dhiig ayaa kadaadanaya meel kasta oo jirkeeda ah! Dharkeeda cad-cad ayuu ukala jeexanyahey inyar oo ay isku asturta mooye. Lugaha waxaa kaga xiran sil-silad, gacmahana gadaal ayey uxiranyihiin. Inta aan is-heyn waayey oo aan ooyey ayaan hadana ugu yeerey meel fog!

Waxaay igu tiri ayadoo qarineyso dhibkeeda oo hadalka dhibaya: “Ya Khalid dhageyso.. waxba ha argagixin… anigu diinta Allah ayaan kusuganahey… Allah ayaan kudhaarte waxa igu dhacaya uma dhigmaan 10 meelod halmeel wixii kudhacay Asxaabta Nabiga S.A.Wasalim… waxaan kaa rajeynayaa Khalid inaadan nasoo dhexgalin aniga iyo qoyskanaga….dhakhso oo meesha isaga bax…igu sug qolka ilaa aan kaga imanayo insha’Allah… waxaan kaa codsanaya inaad ducada badisa iyo qiyaamu leylka”

Sidii ay iga codsateyba waan isaga baxay meesha anigoo aad iyo aad utiiranyeysan. Maalintii oo dhan ayaan qolka dhex fadhiyey oo aan sugayey bal inaay timaado mar’un…maalin labaad iyo sedexaad ayan kawardhowrayey.

Albabka ayaa lasoo garaacey! Waxaan ka argagaxey cida albaabka soo garaacdey! Waa kuma cida saacada albabka soo garaaceysa! Waxaa lagayaabaa inaay reerkooda soo ogaadeen hotelka aan kujira oo uyimadeen inaay idilaan. Waxaa igu soo dagey cabsi sidii anigoo geeri ihayso. Waxaan kucelceliya: “Waa kuma cida albabka garaaceyso?”

Codyar ayaa igu yiri “Fur albabka waxaan ahey fulaana” Cabsidii iheysey ayaa isu badashey farxad, qolkiina wuxuu noqdey wax lagu shidey nuur. Albabka ayaan kafurey, waxaayna soo gashey ayadoo kusugan xaalad murugo leh. Waxay igu tiri: “Dhaqso… ina keen waanu baxeynaa” Ma adigoo sidaan ah. “Haa ee nakeen” Ayey iigu jawaabtey. Boorsadeeda ayey dhar kala soo baxdey xijaab iyo cibaayo dheeraad aheyd , alaabtii ayaan xiranay,waxaan kudhacney taxi. Waxaay kudhax suuxtey taxiga dhaxdiisa daal iyo xanuun dartiis.

Markaan taxiga soo fuulney ayaan darawalka taxiga ku iri af Ruush: “Garoonka, fadlan” laakinse waa igu khilaaftey oo waxay soo jeedisey inaan aadno magaalo kale. Markii aan weydiiyeyna sababtana , waxay ii sheegtey in nalugu raad taaganyahey oo ay naga raadinayaan garoonka; waxaan aadeynaa magaalo kale oo aan kunasano dhowr maalmood ilaa ay kanoogayaan raadinteena; markaas ayaan magaalo kale oo garoon international leh kaduuleyna.

Sidii ay soo jeedisey ayaan aadney tuuladii, oo aan kunasaney dhowr bari, kadibna kasoo duulney.

Markaan hotelka joognay ayaan kasiibey dharka misna waa timo rif-rifan, jir googo’an, daan dhinac jaban iyo bishimaha oo ay fuuleen qolof cagaar ah cadaabka loo gaystey dartiis.

Maxaa dhacay intii ay guriga kuxirneyd; waa tan ayadoo nooga sheekeyneysa, waxaay tiri:

“Markii aan galney guriga waxaan agfariistey qoyska oo wada fadhiya, waxaayna iweydiyeen waxa aan xiranahey(xijaabka); waxana usheegey inuu yahey dharka Islamka. Muxuu yahey ninkan? Waa ninkeygii, anigana waan muslimey. Macquul ma’ah… madhicikarto!

Waxaan kacodsadey inaan ugu sheekeeyo qisada aan kumuslimey,waana usheegey wixii uu igu sameeyey ninkii Russianka ahaa ee doonayey inuu iga dhigo dumarka jirkooda iibiya, iyo sida aad ii caawiseen, anigoo karajeynayey inaay iga garwaaqsadaan. Waxaay igu yirahdeen inaad dhilo jirkeeda kashaqeysa noo timado ayaa kajeclaan laheyn inaad nootimaado adigoo muslimad ah. Kadib waxay ii sheegeen in aanan guriga kabaxeyn ilaa anigoo noqda Orthodax ama meyd ah. Marka intaas lamarayo ayey igu soo boodeen hal mar ah oo ay cad-cad ii qaadeen.

Kadibna, adiga ayaa lagu soo aadey. Waan maqlaayey markii lagu garaacayey oo aad gargaar dalbeysay. Waxba kuuma qabankarin oo garbaduub ayaa layxirey. Markii aad cararteyna, inta ay igu soo noqdeen ayey cay iila soo fariisteen. Intaas kadibna, silsilad ayey soo iibsadeen oo ay igu xireen ilaa uu jirka igoogo’ay. Waxaa intaas ii dheeraa ayagoo igu garaacaya shaabuug, waxaasna waa ulihii laygu dhuftey ee aad ujeedid.

Maalinkasta ciqaabta waxaay ii bilaabata casarka ilaa inta laga seexanayo.

Subixi walaalahey iyo aabaheyba waxay jiraan shaqada; hooyadey waxaay isaga jirtaa qolkeeda. Waxaa ila jooga gabar iga yar oo 15 jir ah, inta ay ii timaado ayey igu jees-jeesta , waana waqtiga kali ah ee aan kanasto garaacista. Ma irumeysanaysa Khalidow, sida ay ii garaacayaan ayaan miir daboolmaa oo aan kuseexdaa. Waxaay iga rabeen oo kali ah inaan kalaabto diinta Islaamka, anigana waan kadiiday.

Gabadhii walaashey aheyd ayaa arintii layaabtey, diinta aan sidaas ugu dhaganahey.

Maxaad ugu tagaysaa diintaada, diinta hooyadaa, aabaha iyo walaalahaa? Maxay yihiin waxa kugu dhacay?

Waxaan bilaabey inaan usharxo waxay diintaan tahey. Waxaan usheegey inaay diintan tahey diinta saxa ah. Sharaxaad dheer kadib,Waxaay muujisay inaay kuqanacsantahey diinta Islamka.

Waxayba ileedahey adiga ayaa xaqa kutaagan … diintan waa diinta aniga lafteyda aan ubaahanahey inaan galo, kadibna waxaay ii sheegtey inaay icaawindoonta haddii aan ubaahanahey, maadaama ay fahantey inaan xaqa kutaaganahey.

Haddii aad dooneysid inaad icaawisid, igu caawi inaan lakulmo ninkeyga, ayaan ku iri.

Guriga korkiisa ayey fuushey oo ay kor kaa aragtey… waxay ii sheegtey inaay ujeedo nin sidaas iyo sidaas ah (aydoo kutilmameysa).

Haa waa isaga ee haddii aad aragtid, albabka iga fur si’aan ulahadlo! Xaqiiqatana way ii samaysey oo waa tii ay albabka iga furtey oo aan kula hadley; haseyeeshe kuma raaci karin oo lugaha iyo gacmaha ayaan kaxirnaa, furaha silsiladana waxaa haya walaalkey. Sil-silid kalana waxaa laygula xiray tiirka guriga si’aanan ubixin; furaheedana waxaa loo dhiibay walaashey si’ay iiga furto markaan ubaahdo musqul.

Markii aan kuu soo baxay ee aan kaa dalbaday inaad isugtid ilaa aan kaaga soo baxaya, waan xirxirnaa; walaasheyna waxaan rabey inaan Islaamka kuqanciyo; waana muslintey, Al-Xamadulillahi. Waxaay go’aansatey inaay kudhaqaaqdo naftii hurnimo kadaran teyda; waxay damacdey inaay igu caawiso inaan kafakado meesha laakinse furayaasha silsiladaha lugaha iiga xiran waxaa haysta walaalkey, aad ayuuna ugu foojiganyahey inuu qofkale udhiibo.

Maalintaas ayey walaashey udiyaarisey walaalahey Khamri xoog badan oo ay kuwada sarqaameen. Sida ay ucabayeen, ayey gaareen xaalad ay waxba kala saarikarin. Furaha ayey kasoo bixisay walaalkey jeebkiisa, kadibna iga furtay, sidaas ayaan kuugu imid anigoo guure ah”

“Oo walaashana, maxaa kudhici doona?” Ayaan weydiyey. “Waxba haka walwalin, waxaan kacodsaday inaay islaamnimadeeda qarsato inta aan howlaheeda usoo dhameyneyno” Ayey iigu laab qaboojisay.

Habeynkaas iyo habeynkii kuxigay ayaan saaxaney, kadibna waxaan usoo duulney wadanka nagii. Markii aan garoonka kasoo degneyna waxaan geeyey dhakhtarka oo ay jiiftey dhowr m/mood.

Al-Xamdulillahi, waa nakan maanta ubaryeyna Allah inuu walaasheed diinta kusugo.

-dhammaad-

Isha sheekadan: Qisas mu’atharah(shariid),by Ibrahim Al-Farisi.

Turjume: Adam Abuzuhri Al-Hassani.

Salaamulhi aleykum.


abuzuhri1@hotmail.com

Qaybtii 1aad. GUJI halkan..

Feein: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD