SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Febraayo 20, 2004   | Updated: Feb 25, 2004

Soo Bandhiga Sababtii Keentay Geerida Hodan CabdiKariim -Leicester, UK

Kaysar Cabdilaahi
kaysar@europe.com
Leicester, UK

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


LEICESTER 20 FEB 2004 (SP) - Waxaa Shalay gelinkii danbe  lagu qabtay xarunta maamulka dawlada hoose ee magaalada Leicester kulan aad u balaadhan oo lagu soo bandhigay shilkii baabuur ee ay ku dhimatay Alle ha u naxariistee Marxuumada Hodan CabdiKariim oo iyada oo Uur leh uu Bas weyni ku jiidhay badhtamaha magaalada Leicester taariikhdu markay ahayd 16kii June ee sanadkii 2003.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen Sharci yaqaano, saraakiil Booliska ka tirsan, qaraabadii marxuumada, Sarkaal sare oo ka socday maamulka degmada una xilsaaran baadhitaanka geerida ku timaada sida aan caadiga ahayn, saraakiil ka socota laamaha bulshada, iyo waliba dadweyne Soomaliyeed oo boqol qof gaadhaya ayaa buuxiyay dhisme gaar ah oo ku dhex yaala xarunta looga taliyo magaalada Leicester.

Habka loo soo bandhigay kulankan oo ahaa hab baadhitaan maxkamadeed oo kale (inquest) waxaa dadweynaha soo hor fadhiistay Mr. Mario Anastasiadies oo ahaa sarkaalka qaablisanaa soo bandhigada sida ay u dhimatay Marxuumada Hodan CabdiKariim, waxaana uu ugu horrayn u yeedhay Jibrriil G. Maxamed oo marxuumada dhimatay ay xaaskiisa ahayd.

Waxa uu Jibrriil sheegay in Marxuumada Hodan ay u lahayd Todoba carruur ah, waxaana uu sheegay in ay kasoo guureen dalka Sweden oo ay dhalashadiisa haysteen markii ay Leicester yimaadeen, waxaana uu tilmaamay in marka ay xaaskiisu geeriyootay uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo markii geerida loo soo sheegayba uu kasoo dhoofay, waxaana isaga oo wajigiisa ay murugo badani ka muuqato uu ka warramay xaalka ay ku sugnayd Hodan markii ugu danbaysay ee uu arko, taasoo uu tilmaamay in wax waliba ay caadi ahaayeen, xaaskiisuna ay aad u caafimaad qabtay.

Waxaa iyana goobtaas mid-mid uga hadlay markhaatiyadii taagnaa ama ku dhowaa goobta uu shilku ka dhacay markii uu Hodan Basku jiidhayay, waxaana dadka Markhaatiyada ahaa ee halkaas ka hadlay ka mid ahaa Mr. Kristan Parmar oo ah wiil dhalinyaro ah oo gurigiisa hortiisa taagnaa markii uu arkay Baska oo dusha ka maray Marxuumada Hodan, waxaana uu tilmaan balaadhan ka bixiyay wixii ay indhihiisu arkeen markii uu shilku dhacay oo ahayd 16kii June sanadkii hore ee 2003.

Waxaa sidoo kale iyana madasha ka hadlay laba sarkaal oo ka socda Boliska ka hawl gala magaaladan Leicester oo maalinta shilku dhacay ahaa kuwii loo yeedhay baadhitaanka sameeyay, waxaana labada sarkaal midkood uu tilmaamay in baadhitaan dheer ay ku sameeyeen Buska shilka geystay oo Numbarkiisu ahaa Bus 22 calaamadiisuna ay ahayd W291XBD oo ay lahayd shirkada gaadiiidka dadweynaha ee (First Buses) Taasoo uu sheegay in aanuu ku arag wax cilad ah oo Busku lahaa oo sababi karayay inuu shilku dhaco, laakiin Busku uu ahaa mid wasakh badani ay ka muuqatay, waxaana uu sarkaalkaasi sheegay in Busku uu ahaa busaska waaweyn ee laba dabaq isu dul saaran oo loogu talo galay inuu qaado 78 qof iyo hal kursi curyaan.

Waxaa iyana halkaas si balaadhan uga hadashay gabadh magaceeda la yidhaa Carl J Gilford oo la socotay Buska shilka geystay, waxa ay gabadhaasi sheegtay in ay fadhiday kursiga labaad ee darawalka ku xiga, markaasina ay arkaysay sida shilku uu u dhacay, taasoo sheegtay in ay soo kacday darawalkana ku qaylisay oo tidhi Jooji Jooji Jooji gaadhiga! Laakiin darawalku uu sii waday gaadhiga in door ah, waxaanay sheegtay in ay markiiba ay Telifoon u dirtay laamaha gurmadka degdega ah iyada oo garaacday Numbarka degdega ah ee 999.


Waa Gabar Yar oo u Baahan Gargaar Bini aadaminimo.. GUJI

Iyada oo dadka markhaatiyada ahaa ee halkaas ka hadlay ay badnaayeen faahfaahina ay ka bixiyeen sida shilku uu u dhacay ayaa waxaa kale oo iyana halkaas ka hadlay Mr. Nuur Yaryare oo ah gudoomiyaha Urur ka mid ah urrada Soomalida ee Leicester ka jira oo ay qaraabo ahaayeen marxuumada dhimatay, waxaa isaguna turjumayay su'aalaha qaarkood Mr. Hashim Ismaaciil Ducaale oo ka tirsan madaxda soomalida ee magaalada Liecester, waxaana inta badan dadka goobtaas ka hadlay su'aalo dheeraad ah waydiinayay qareeno ka socday dawlada una doodayay qoyska Marxuumada.

Ugu danbayn waxaa hadalkii la wareegay sarkaalkii qaabilsanaa baadhitaanka sida ay Marxuumadu u dhimatay Mr. Mario Anastasiadies oo kulankan gudoominayay, waxaana uu yidhi

" Marka hore waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo qaraabadii ay geeriyootay Hodan CabdiKariim oo dhalatay 2 June sanadkii 1968kii waxaana aan ku qanacsanahay baadhitaankan lasoo bandhigay, waxaanan halkan idiinku soo bandhigayaa in Geerida Hodan ay ahayd mid ay sababtay Shil dhimasho keenay ( Accident of Death) ".

Halkaasi ayaana lagu kala dareeray iyada oo ay dadweynaha halkaas ka soo qayb galay ay ahaayeen qaar aad uga murugaysnaa geerida naxdinta leh ee ku timi Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuumo Hodan CabdiKariim.

Maamulka Wargeyska Somali Post iyo shaqaalaha Horn Media Group ee Magaalada Leicester, iyo maamulka ururka Leicester Refugee Advisory Bureau waxay tacsi u dirayaan ehelada iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumada Hodan CabdiKariim, waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelada iyo qabaaraba ay tagtayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo. Aaamiin.

Kaysar Cabdilaahi
kaysar@europe.com
Somali Post (SP) and Horn Media Group
Leicester, UK
Tel: +44 7960 236638
+44 116 22 696


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 Faafin: SomaliTalk.com |Feb 20, 2004   | Updated: Feb 25, 2004

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD