SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TALO

Feb 27, 2004 

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

COMPUTERKAAGU MA KU XIRAN YAHAY INTERNETKA
MATAHAY MAAMULE GOOBAHA 'Internet Caffee'
Marka Ogeysiiskani waa ku khuseeyaa ee fadlan Akhri:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Ciyaal Malaaciinka Internetka
Qore:
DAWO  HASSAN
Malaha Aabbe kool kooliya mana arki karaan ilma  la kool koolinayo Guji...



Internetka Guryaha:

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee meel kasta oo aay joogaan in aad taxadar dheeraad ah ka muujisaan dadka adeegsanaya computaradiina, gaar ahaan haddii computerku ku xiran yahay Internetka. Waxaa suurtowda in qof gurigaaga u soo wareegey uu computerkaaga u adeegsado fulin fal dembiyeed, taas oo keeni karta in dembigii kusoo laabto qofka leh comuterka dembiga lagu fuliyey.

Haddii aad qof u ogolaatid in uu adeegsado computerka waxaa muhiim ah in aad qortid saacadda iyo maalinta uu qofkaasi adeegsadey computerkaaga si haddii mustaqbalka ay soo baxdo in qofkaasi uu fal dembiyeed ku fuliyey computerkaaga aad ugu gudbisid hay'adaha ammaanka ee la dagaalama falal dembiyeedyada Internetka.

Haddii dad badani ay guri wada degan yihiin oo dhammaantood uu ka dhexeeyo hal computer iyo Internet, waxaa haboon in computerka loo sameeyo furayaal kala duwan oo qof kasta uu fure gooni ah ku galo, si haddii computerkaas dembi lagu galo loo ogaado qofkii furihiisa dembiga lagu fuliyey.

Internet Coffee:

Maamulayaasha goobaha dadweynaha ee laga adeegsado Internetka (Internet coffee) waxaa la gudboon in ay qoraan daqiiqada uu qof kasta bilaabay adeegsiga khadkooda iyo daqiiqada uu ka baxay, maalinta iyo bisha, waana in qofka laga qoraa aqoonsigiisa ama teesarihiisa. Waxaana haboon in la samaysto buugga saxiixa Internetka, buugaasna lagu xafido meel ammaan ah. Waxaa kale oo aad u fudud in goobta loo samayn karo kaamaro si aanba muran halkaas uga imaan.

Waxaa kale oo muhiim ah in maamulayaasha goobaha Internet coffee ay ka digtoonaadaan in aan computeradooda lagu dhex qarsan barnaamijyada loo yaqaan SPYWARE (waa barnaamijyo awood u yeelan kara in ay qofkii meesha ku xafitay u ururiyaan wax kasta oo uu qoro qofkii comuterkaas isticmaala). Waa jira barnaamijya ama SOFTWARE lagu ogaan karo in computerka lagu qarsaday SPYWARE. Arintani ma ahan mid yaraysi leh maadaama ay dhammaan arimahaasi ka suuroobaan internetka.

CREDIT CARD: Haddii aad leedahay Credit card waa in aad ogaataa cidda isticmaashay iyo waxa ay u isticmashay, waxaana haboon in aad markasta la xiriirtid bangiga aad ku leedahay Credit card-ka adigoo weydiinaya inta goor ee la isticlaamay si aad u ogaatey in lambarka lagaa xaday iyo in kale. CREDIT CARD waxaa kale oo noqon kara kaararka bangiga ee ay ku dhegan yihiin calaamada Credit card-ku.

Tuugada iyo shuftada internetku meel kuma leh jaaliyaddeena mana soo dhex geli karaan, taxadarkuna waa lagama maarmaan.

WAR LA HELAA TALO LA HELAA. 
Fadlan Qoraalkaan sii faafi ............

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD