SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

March 22, 2004  

WARARKA BOOSAASO EE MAANTA
SomaliTalk.com | Boosaaso

  • Boosaaso oo lagu gubey 112 Kartoon oo ah "Galcaar"
  • Dawladda Hoose Boosaaso oo Dib u Habayn Lagu Sameeyey
  • Sariflayaasha oo Ka cabanaya cashuuraha kala Duwan
  • Guryaha Madaxda Dawlada  oo aan Bixin lacagta Korontada
  • Aqoon Isweydaarsigii Ka Socdey jaamacada EAU oo Lasoo gabagabeeyey
  • Qoraal kasoo baxay Guddiga Nabad Galyada G/Bari

Gudiga saxida dawlada hoose oo diyaarinaya Imtixaanaadkii

qaar ka mida Shaqaalaha dawlada Hoose oo imtixaankii kujira

Shaqaalihii dawlada Hoose Bosaso oo eegaya Imtixaankii iyo Meesha lagu Qoray

Xubin Gudiga saxida Dawlada Hoose Bosaso


Qaar kamida Sariflayaasha lacagaha Qalaad Bosaso

Shirkii oo ay kuwada Jiraan sariflayaasha Lacagaha qalaad iyo Madaxda Dawlada Hoose

Shirkii oo ay kuwada Jiraan wadaado ka socda Masaajidada Bosaso iyo Duqa dawlada Hoose

Dawladda Hoose Boosaaso oo Dib u Habayn Lagu Sameeyey

Waxaa maanta oo ay Taariikhda tahay 22/03/2004 lagu soo gabagabeeyay xarunta dawlada hoose Bosaasoo Dibu saxidii ay baryahaanba kuJoogeen Gudi ay soo Magacawday wasaaradda dawladaha Hoose iyo Horumarinta reermiyiga DGPL, Gudigaas oo ka kooban Shan Xubnood waxa uu Shaqadiisa Bilaabay 17/02/2004 iyagoo ugu horeentii u kuur galay sidii ay u helilahaayeen Xogta Dhabta ah ee dawlada Hoose Bosaso ay Shaqooyinkeeda u Gudan la dahay. Gudoomiyaha Gudigaas Adan Doolar oo aan wax ka waydiiyey ayaa ii shegay in ay ugu horeentii dawlada Hoose Bosaso ay tahay Muraayada Dhaqaale ee DGPL ayadoo Bosaso ay tahay Isha Dhaqaale ee DGPL ayna haboontahay sidii ay ku shaqeeyn lahay in laga shaqeeyo.

Gudigaa ayaa ugu horeeyntii shaqaalaha Dawlada Hoose Waydiiyay in ay keenaan CV ama hab Nololeedkooda khibradeed iyo waxbarasho, Markaa kadib ayaa Gudiga uu kala Xulay oo ay ka qadeen imtixaan Shaqaalaha oo ku salaysan Ruux walba iyo Hab Aqoontiisa, Gudiga ayaa ka dib Agaasimayaasha dawlada Hoose Bosaso oo ahayd Kow iyo Toban ku soo Ururiyay Shan Agaasime, Imtixaanaadkaa kadib ayaa Gudiga ay ugu kala Xuleen Shaqaalahaas sidii ay u kala Gudbeen Imtixaankii iyadoo ay Jiraan Shaqaale ka Cabanaya Meelaha lagu kala Qoray, Shaqaalaha dawlada Hoose ayaa intooda Badan lagu kala Qoray Meelo Cusub oo ay hore uga Shaqayn jirin dawlada iyagoo Maanta ay la kala Wareegeen Xilalkii.

Dawlada Hoose Boosaasoo ayaa soo martay Marxalado kala Duwan oo shaqadeeda ay qaban wayday intii badnayd ayadoo marka wax laga waydiiyo Duqa hadba Jooga uu ka Cabanayo Xaga Maamulka sare iyo Dhaqaale ka soo gaari jiray Maaliyada oo laga Gooyay.

Dadlada Hoose Bosaasoo ayaa Hada u Muuqata mid hawlaheedii Gudan karta hadii ay u shaqayso habka ay u dajiyeen Gudiga Dib u saxida dawlada Hoose Bosasaso.

Masaajidyada Boosaaso iyo Korontada ay Isticmaalaan:

Dhanka kale waxaa maanta Shirar kala Duwan ay la yeesheen Madaxda dawlada Hoose Bosaso Culimada Masaajidada Bosaso oo ay kala hadleen Bixinta Korantada Masaajidada Bosaso oo ay Bixiso Dawlada Hoose Bosaso tasoo uu Duqa Degmada Maxamed saciid (sayruuq) uu ku tilmaamay in Bilihii janaayo iyo Febaraayo ay Xooga korantada keentay 8,000,000 Milyan iyo 9,000,000 Milyan Shilin soomaali taasna ay Dhabar jab ku tahay Dhaqaalaha dawlada Hoose, Dood dheer kadib si arintaa loo xaliyana ay haboontahay in la magacaabo gudi ka kooban Culimada Masaajidad, Dawlada Hoose iyo Xooga Korantada. [Eeg Sarifka lacagaha]

Xafiisyada dawlada iyo Guryaha Madaxda Dawlada  oo aan Bixin lacagta Korontada


Mar aan wax ka waydiiyay arintaa Maamulaha Xooga Korantada ayaa ii tilmaamay in Dhibka dhaqaale haysta Xooga korantada ay tahay Bixin la'aanta kirada koranto ee xafiisyada dawlada iyo Guryaha Madaxda Dawlada ayna isticmaalaan ugu yaraan 10,000,000 milyan Bishii.

Sariflayaasha oo Ka cabanaya cashuuraha kala Duwan


Dhanka kale waxaa iyagana maanta kulan lagalay Madaxda dawlada Hoose Sariflayaasha Lacagaha qalaad oo ka cabanayay canshuurta kala Duwan ee laga Qaado oo kala ah Dawlada Hoose iyo Maaliyada, sariflayaasha ayaa ku tilmaamay in ay jiraan Dhaqaalodaro Saamaysay soomaaliya oo idil Taasoo ka timid Abaaraha jira awgood, sariflayaasha mid kamida oo lagu magacaabo Cabdulaahi Dalabay oo aan wax ka waydiiyay dhibaatooyinka ay ka cabanayaan ayaa ii sheegay in ay intaa dhiibaan Canshuuro hadana kala duwan lakiin ay jeclaan lahaayeen in la mideeyo canshuuraha wax qabadkeedana aan aragno xiliga ay jiraan hoos u dhaca dhaqaale laga dhimo canshuurta.

Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland oo Boosaaso ku Gubey 112 Kartoon oo ah Galcaar

Waxaa Magaalada Boosaso Duleedkeeda lagu Gubay 112 Kartoon oo Galcaar ah,  sida ay noo sheegeen Mas'uuliyiintii Gubayay, Cinjirkaa waxaa uu kasoo dagey Dekada Magaalada Boosaaso iyagoo ay wararku sheegayaan in ay keentay Hay'ada WHO ee UN-ka u Qaabilsan Qaybta Caafimaadka iyadoo hore u keeni jirtay Galcaarka lakiin uu ahaan jirey mid Tiro yar, kuna wareejin jirtay Wasaarada Caafimaadka Isbitaalaka Boosaaso, lakiin uu ahaa kan hada la gubay mid ka badan kii hore oo lagu Qiyaasay Konteenar.

Mar aan wax ka waydiiya Dakhtar ka tirsan Dhakhaatiirta Puntland ayaa ii sheegay in in ay Diinta Islaamka ahaan ay ku xuntahay lakiin Dhanka Caafimaadka loo isticmaalo Qaybo kala Duwan oo galmada ah ayna noola Muuqatay in aan ka hadli karin madaama ay Culimadii Diinta ee Puntland ay arintaa ku dhageen ayuu dhakhtarkasi hadalkiisa ku soo Gabagabeeyay. Hawlgaladaan Gubniinka ayaa ka mid ahaa kuwo ay iska kaashanayeen Gudi Dhawaan la sameeyay oo lagu magacaabo Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland kasoo looga hortagayo Waxyaabaha Dhaqan Xumada ah ee ayasan lahaan jirin Ummada Soomaalaiyeed. [Eeg Eray bixinta Galcaarka].

"Waa in laga digtoonaado galcaarka nala kula soo ordayo oo aan la ogayn waxa uu sido, Waa yaabe kuwa galcaarka la soo ordaya maxaa u diidey inay la soo ordaan cunno, daawo iyo waxyaalaha kale oo horumarkeenna micnaha u leh!! " sidaas waxaa qoraal dheer oo uu qoray ku xusay Prof. Yusuf Hersi Ahmed.

Aqoon Isweydaarsigii Ka Socdey jaamacada Bariga Afrika oo Lasoo gabagabeeyey

Waxaa lagu soo gabagabeeyay Jamacada Bariga Afrika Bosaso Aqoon iswaydaarsigii lagu hirgalinayay Kuliyada Macalimiinta. Furitaankii Quranka kadib waxaa ka hadlay ugu horeentii Dr: Cali Cabdala oo ka yimi dalkaa Malesiya kana dhiga Jaamacad kutaal Dalkaa qayb Kuliyada Macalimiinta ah Dr Cali oo Qibrad u leh ayaa Halkaa kasharaxay Qoraaladii lasoo Ururiyay ee ka soo Baxay xubnihii ka Qayb Galay Aqoon iswaydaarsigaa fikradahoodii intii Laga Qaatay. Dr Cali ayaa halkaa ka sharaxay in ay Muhiim tahay in la hir galiyo Kuliyada ay noqotay mida ay isku raaceen Xubnaha ka soo qayb galay. Aqoon iswaydaarsiga Kuliyada ayaa Dr Cali uu sheegay in la bilaabi doono hirgalinteda.

Waxaa isagana halkaa ka hadlay Cali Hayaan oo ah agaasimihii Imtixaanaadka dawladii Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh Dhanka Waxbarashada Soomaalaiyeed, Cali hayaan ayaa ka waramay Guud ahaan waxbarashada Soomaaliyeed iyo Kuliyada Macalimiinta sida ay mihiim ugu tahay Waxbarashada Asaasiga ee Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare.

Sawirada aqoon isweydaarsiga


Aqoonyahanadii oo fadhiya

Wafuudii oo fadhida

Waxaa isagana halakaa ka hadlay Gudoomiyaha Waxbarashada G/Bari Maxamed Caynab oo ka warbixiyay Baahida ka Jirta Iskoolada G/Bari iyo waliba Puntland Guud ahaan iyadoo ay sii Dhamaanayaan Maclimiintii Tayada lahayd.

Waxaa isagana Halkaa ka hadlay Gudoomiyahay Jaamacada Bariga Afrika Bosaso Dr: Cabduqaadir Gare oo isagu uga mahad Celiyay Kasoo qayb galayaashii Aqoon iswaydaarsiga iyo Aqoon yahanada Mar walba kaga imaanaya Dibadaha ugana Faa,iidaynaya Waqtigooda iyo Aqoontooda.

Waxaa ugu dambayntii halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Axmed Awaare oo sheegay in inta badan ay Waxbarashada Madaxa banaan ay keento Horumar loona baahnaa in ay diyaariso Kuliyadaan oo kale Wasaarada lakiin aysan awoodi karin, waxaa kaloo Awaare uu sheegay in ay Wasaaradu intii kale ay awoodi karto la garab taagantahay waxbarashada Madaxa banaan, Agaasimaha Awaare ayaa Aqoon,iswaydaarsigaa ku tilmaamay mid Waxtarkiisa aan halkaan laga qiyaasi karin.

Akhri qoraalkii hore ee: Furitaanka  Aqoon siweydaarsiga

Qoraal kasoo baxay Guddiga Nabad Galyada G/Bari

Waxaa ay soo saareen Gudiga Nabad galyada G/Bari qoraal dheer, gudiga oo uu Gudoomiye u yahay Ibraahin cartan Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha G/bari Puntland. Qoraalakaa oo aad u dheeraa ayaa waxa uu qeexayay sidii Nabad galyada loo sugi lahaa Maadaama ay bateen Dilida kadhalata Dhulka iyo kuwokale oo badan.

Gudiga ayaa hore u soo saaray qoraalo ay ku xanibayaan Dadka ku dhex wata Hubka Magaalada Dhexdeeda tasoo ay ku amrayaan in ay ka Howl galaan Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta, Guud ahaan Puntland waa nabad Shilalkaa yar yar ee Dhaca marmar oo ay kaliftay in aysan jirin Howlgal Dhaba oo ka timaada Ciidamada iyagoo ku riixaya Dhaqaalo daro awgeed in ay Haysato taasna ay kaliftay Gaabinta Nabad galyada oo xumaataa.

Waxaa qoraalkaan isku soo dubaridey
c/fatax jaamac  somalinews@hotmail.com

Bogga Wararka Boosaaso.... Guji
 

Faafin: SomaliTalk.com | Boosaaso | Maarso 22, 2004

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah



Xubin Gudiga Saxida Dawlada hoose Bosaso

Xubin Gudiga saxida Dawlada hoose Bosaso

Gudoomiyaha Gudiga ahna Agaasimaha Waaxda MaamulakaDowlada Hoose Mr Adan Doorar

Maamulaha wakaalada Xooga Korantada Bosaso



Maxkamada Darajada Koowaad Bosaso

Cali Hayaan oo ku Hadlaya Magaca Kasoo Qayb galayaashii Aqoon iswaydaarsiga

ka biloow midig Gudoomihii Jaamacada Agaasimaha Guud w waxbatashada


Dr Cabduqaadi Gudoomiyaha Jaamacada

Dr Cali Cabdala oo sharaxaya waxyaabihii ka soo baxay Aqoon iswaydaarsiga

Aqoonyahanadii oo fadhiya

Gabdhiii lagu casumay oo fadhiya


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD