| March 23, 2004
 Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka: 
     Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo 
     ah mindi laba-afle ah 
   
   Waxaa diyaariyey: Prof. Yusuf Hersi Ahmed
    Walaayaal  
     
       | Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland oo Boosaaso ku Gubey 112 Kartoon 
       oo ah Galcaar...
       Guji halkan |  Salaanta kaddib waxaa isoo gaarey e-maillo 
   ku saabsan gubidda condomka ee Boosaaso, inkastoo aanan si fiican u fahmin 
   cidda gubtey, sababta loo gubey, tirada la gubey iyo condomka la gubey meesha 
   laga soo uruuriyey. Inkastoo arrintu sidaas tahay, haddana waxay iigu 
   muuqataa in mashkaladaani tahay mid mudan bal in waxii ra’yi iyo talo ah oo 
   suuro gal ah layska weydaarsado. Tan ugu horraysa, oo ku saabsan xagga 
   eraybixinta, waxaan oran lahaa in la isticmaalo erayga “Galcaar” meeshii laga 
   isticmaali lahaa “Cinjirka galmada” ama “Condom”. Erayga galcaar oo ka kooban: 
   gal=dabool iyo caar= xubinta taranta raga (sida meelo koofurta ka mid ah 
   looga yaqaan), waxaan bixiyey intii Guddiga Af-Soomaaligu jirey oo dalku 
   dhaqnaa, horayna isticmaalka waa uu galay. Xagga kale waad ogtihiin in 
   xubinta taranta ratiga “Caad” la yiraahdo, taasoo isagoo Sayidku tix raacaya 
   uu yiri “Calasooyinkoodii midguhu caad ma geliyeene”. Haddaan usoo gudbo dhuuxa mashkalada, waxay 
   ila tahay in arrintaan isku mar laga eego xag caafimaad iyo xag diimeed/ 
   akhlaaqeed/ bulsho. 1.Xagga caafimaadka Way jiraan xaalado caafimaad oo kallifi kara 
   isticmaalka galcaarka, sida: 
     a) Marka haddii haweeneydu ay uur yeelato 
     uu uurkasi caafimaadkeeda ama nolosheeda halis gelinayo ama dhibaato xeel 
     dheer u geysanayo.
b) Marka la rabo in haweynedu ka soo 
     kabato uurkii hore diiftiisii, carruurtuna 
     helaan waqti ay ku kala koobcaan (kala 
     dheerayn dhalmada) 
c) Haddii labada qof oo is qaba midkood 
     lagu hubo inuu qabo cudur jinsi oo 
     halis ah, sida waraabow ama HIV/AIDS oo ay isla mar ahaantaas rabaan inay 
     wada noolaadaan. 
d) Haddii labada qof oo is qaba midkood 
     lagu tuhunsanyahay inuu qabo mid ka mid ah cudurradaas halista ah oo uu ku 
     jiro muddadii baarista. 
e) Haddii uu jiro qof aan garaadkiisu 
     kaamil ahayn oo awooddiisa is llaalintu 
     hoosayso oo looga baqayo inuu qaado 
     cudurradaas, cid celin kartana aan 
     haysan 
f) Haweeney uur leh oo aan iyadu HIV/AIDS 
     qabin laakiin ninkeedu qabo oo haddii 
     aan laga hortegin ay dhici karto inuu iyada iyo uurjiifkaba cudurka u
     gudbiyo. Inta arrintu heerkaas joogto Wasaaradda 
   Caafimaadka ayaa ku habboon inay si 
   xilkasnimo leh adeggaas u maamusho. Nin raggii aan e-mailka ka helay ka mid ah 
   baa su’aaley haddii diintu oggoshahay isticmaalka hababka rimidreebka. Iyadoo 
   su’aashaas la xiriirta ayaan jeclahay inaan xuso in la weriyo in Saxaabadii 
   Rasuulkeennii Suubbanaa qaarkood isticmaali jireen “Cazli” oo ah in minada 
   debedda lagu daadsho, dhibaatooyin qoys oo haystey awgood oo lama huraan ka 
   dhigayey kala dheraynta dhalmada iyo ilaalinta caafimaadka haweeneyda.  Arrintaas oo la sheegay inay dhici jirtey 
   Nebigeennii oo jooga oo laga weriyey inuu yiri: “Maxaad isaga deyn weydeen”, 
   waa mid mudan bal xoogaa dabagal ah in lagu sameeyo. Oraahdaas Nebiga (NNKHA), 
   culimmada badideed waxay u arkeen inay tahay xarrimid, qaar kalena waxay 
   yiraahdeedn “cazligu” wuu bannaanyahay haddii baahiyi kallifto, sida kala 
   dheeraynta dhalmada iyo daryeelka caafimaadka hooyada. Xagga kale waxa la ogyahay in nuujinta dheer 
   (labo sano) oo Quraanka ku su aroortay ay dawr ka cayaari karto kala 
   dheeraynta dhalmada (“Hooyooyinku ha nuujiyeen ilmohooda labo sano oo kaamil 
   ah, taasoo ah qofkii doonaya inuu nuujinta ebyo”), Suuratul Baqarah, aayad 
   233. Midda aan Islaamku oggolayn waa xaddidda 
   tiradaa dhasha (ku koobid tiro qofku uu isagu goostay, sida labo, saddex 
   ilmood,iwl Saxaabada qaarkeed baa “Cazliga” ku 
   tilmaamay inuu yahay nooc “Nolol-duuggii” waqtigii jaahiliyadda Carabtu 
   samayn jirtey oo Islaamku xarrimay . Hase ahatee, Sayid Cali oo culimmada 
   Saxaabada ka mid ahaa, Alle ha ka raalli noqdee, wuu diidey fikraddaas oo 
   wuxuu yiri nolol-duug ma jiro ilaa cunuggu maro toddobadii marxaladood oo 
   Quraanka iyo Sunnada lagu sheegay oo ah heerarka abuuristiisu marayso laga 
   bilaabo marka uu uurka galo ilaa uu ka dhalanayo isagoo nool.  Haddaba, su’aasho waxaa weeye haddii 
   isticmaalka galcaarku uu noqon karo “cazligii” oo la casriyeeyey, haddii 
   looga dan leeyahay kala dheeraynta dhalmada iyo ilaalinta caafimaadka 
   haweeneyda, markii ay jiraan dhibaatooyin arrintaas kallifaya. Ilaah baana 
   nooga aqoon iyo ogaal badan.  
     
       | CIRIBTIRKII FURUQA: 1977 |  
       | Cudurka 
       Furuqa waxaa dunida laga cirib tiray sannadkii 1977, waxaana la weriyey 
       qofkii ugu dambeeyey oo uu ku dhacay furuq in uu ahaa nin Soomaaliyeed oo 
       deganaa magaalada Marka oo magaciisu yahay 
       Cali Macow Macalin... 
       
       GUJI...
        |  Tan ku saabsan ku dhex faafinta dadweynaha 
   isticamaalka galcaarka oo markaas dhallinyarada boodda baradka ah iyo 
   maangaabtu ay meel walba uga iibsan karaan sida aspiriinka oo kale, uma 
   arkayo inay gudanayso adeeg caafimaad ee waxaan u arkaa inay tahay 
   dhiirrogelin dahsoon ee dhillaysiga.  Xagga taariikhda AIDS-ka, aqoonyhanno ka 
   tirsan dalalka horay u maray qaarkood waxay sheegeen in viiruska AIDS-ka lagu 
   beeray shaybaar mid ka mid ah dalalka reer galbeedka, oo markaas si qalad ah 
   intuu uga fakaday shaybaarkii uu ku dhacay dadkii ugu horreyey 1981kii (Ameerika). 
   Xaaladihii ku xigey waxaa laga helay Yurub (Faransa?). Sababtii loo beeray 
   viiruskaas waxaa lagu sheegay inay ahayd in lagu ciribtiro dadka madow iyo 
   khaniisyada. Sida aad ogtihiin khaniisyadii waaba ay ku sii tarmayaan dalalka 
   sheeganaya inay horay u mareen, sababtoo ah inaad mooddo inuu halkaas ku sii 
   faafayo dhaqan xaarwalwaal; hase ahaatee dadka madow ee Afrika ayaa nabarkii 
   loo wadey lala helay.  In muddo ah waxaa la faafinayey fikrad 
   khawayn ah oo sheegaysa in viiruska AIDS-ku ku dul noolaan jirey daayeerrada 
   Afrika qaarkood, oo uu dabadeed u yeeshay iilasho xagga dadka oo markaas uu 
   sidaas cudurku dadka ugu gudbey. Fikraddaas gadaal waa laga beeniyey waxaana 
   lagu sheegay inay tahay mid aan sal iyo baar lahayn.  Aqoonyahanno caan ah oo dalal kala duwan ka 
   tirsan waxaa laga weriyey in Afrika si kas ah AIDS-ka loogu faafiyey 
   toddobaatanaadkii, markii u socdey ol-olehii ciribtirka 
   
   furaqu, waagaasoo 
   tallaalkii furuqa oo Afrika loo qaybiyey uu ahaa mid uu ku dheehanyahay 
   viiruska AIDS-ku. Haddii ayan arrintu sidaas ahayn maxaa kale oo lagu fasiri 
   karaa inay maanta Afrika joogaan saddex meelood labo meelood ee xaaladaha 
   HIV/AIDS-ka (2/3)??  
     
       | Waa yaabe kuwa galcaarka la soo ordaya maxaa 
   u diidey inay la soo ordaan cunno, daawo iyo waxyaalaha kale oo horumarkeenna 
   micnaha u leh!!
 
 |  Haddaba, waa in laga digtoonaado galcaarka 
   nala kula soo ordayo oo aan la ogayn waxa uu sido, ama xataa haddii uusan 
   AIDS sidin, ay dhici karto inuu yahay mi iimaysan oo aan waxba qofka 
   istcmaalay ka celinayn. Aan xusuusnaanno gabaygii Qamaam Bulxan, Alle haw 
   naxariistee, uu Cali Dhuux ugu jawaabayey: 
     “ Baadida nin baa kula deydeyin daalna 
     kaa badane’“ Dadkuna moodi duul wada shaan wax u 
     dahsoonayne” “ Inaad heshana aan doonahayn daayin 
     ebedkaaye”“ Dallana ma leh aakhiro haddii loo 
     kitaab deyaye” Waa yaabe kuwa galcaarka la soo ordaya maxaa 
   u diidey inay la soo ordaan cunno, daawo iyo waxyaalaha kale oo horumarkeenna 
   micnaha u leh!!  Xagga diinta, akhlaaqda/bulshada Sida taariikh ahaan la wada ogsoonyahay 
   Soomaalidu waxay ka mid tahay dadkii ugu horreeyey oo Islaamka qaatay iyadoo, 
   sida meelo meelo kale ka dhacday, aan soo gudbinta diinta cusub loo adeegsan 
   dagaal iyo dirqin midna Marbaa nin macallin Jaamacadda Punjab (Pakistan) ka 
   ahi aniga i weydiiyey: “Goormaa Islaamku Soomaaliya gaarey”? Waxaan ugu 
   jawaabey inuu gaarey intii uusan Madiina Al-Munawara gaarin, taasoo ah in 
   Saxaabadii Rasuulka (NNKHA) oo Bariga Afrika u haajirey, sanadkii shanaad ee 
   risaaladda, ay iyagu Islaamka Soomaaliya gaarsiiyeen. Ninkii macallinka ahaa 
   hadal iguma soo celin taasoo loo qaadan karo inuu fikrad taas la mid ah 
   isaguna qabey.In Islaamku dhaqsahaas iyo dhib yaridaas dalkeenna ugu faafay 
   iyo in Soomaalidu kulligeed tahay dad Islaam ah waxay noqotay arrin Caalamka 
   Islaamka looga arko sidii billad sharaf gaar ah oo Soomaalidu ku guleysatey.
    Dagaalka layna ku hayo, oo mid toos ah iyo 
   mid sarbeeb ahba leh, waa mid looga dan leeyahay in billad sharaftaas layna 
   ka tuuro. Ol-olhaa hadda layna ku hayaa waa mid looga dan leeyahay dhaqan iyo 
   dhalan rogid ummaddeenna, arrinta faafinta hafajiska ah ee galcaarkuna waa 
   qayb ka mid ah ol-olehaas.  Haddii xallinta mashaakilkeenaa si fiican 
   loogu adeegsan lahaa tacaaliimta Islaamka, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo 
   dhaqanka suubban ee ummaddeenna, natiijo ka waanaagsan tan shisheeyuhu inoo 
   ku yaboohayo ayaan gaari lahayn. Haddaba, yaan arrintu inaka noqonnin sidii 
   qof haysta mindi af badan oo haddana mid saawir ah wax ku kirkiraya. Arrinta 
   dhaqnhabowga uu burburka dalku keenay, iyo dadka badan oo muddada soo joogey 
   dalalka AIDS-ku ku badanayahay oo deriska ina la ah oo ay dhici karto inay la 
   soo noqdeen cudurkaas, iyo dhillaysiga la sheegayo inuu sii faafayo, ha loo 
   adeegsado iskaashi qaran oo isugu jira dawlad, culimmo, aqoonyahnno iyo 
   dadweyne. Si natiijo wanaagsan loo gaaro wacyigelin diineed oo xoog lihi waa 
   lagama maarmaan.  Haddii ay inaka dhabta tahay inaan 
   ummadeenna si dhab ah uga badbadinno halaagga ku soo fool leh aan ku 
   shaqaynno sida u tilmaamayo Xaddiiskii Nebegeennii (NNKHA) suubbanaa oo 
   amrayey: “Qofkii idinka mid ah oo wax xun arkaa gacantiisa ha ku suuliyo, 
   haddii uu awoodi waayana carrabkiisa, haddii uu awoodi waayana qalbiga ha ka 
   kahsado, kaasoo ah iimaanka kan ugu taag daran”. Haddaba, culimmada qaarkeed 
   waxay u qaybiyeen cidda laga rabo gudashada qaybaha kala duwan ee xilka 
   xaddiisku tilmaamayo saddexda qaybood oo soo socda: Gacanta: dawladda iyo ciddii kale oo 
     awood ay wax ku muquuniso leh Carrabka: culimmada iyo ciddii kale oo 
     leh cod la dhegaysanyo
 Ka kahsiga qalbiga: dadweynaha aan wax 
     kale awoodin
 Faallahaas guud kaddib, waxaa il habboonaan 
   lahayd in arrinta ina hor taalla wax looga qabto isgarabsi culimmada diinta 
   iyo taqaatiirta oo labadoodu yihiin dadkii lahaa aqoonta labada dhinac leh oo 
   arrintaan oo kale xallinteeda looga baahanyahay.  Bal aan is weydiinno sida culimmada diintu u 
   jideysey in loo waajoho dhibaatooyinka xallintooda ra’yi qof khabiir ahi uu 
   lagama maarmaan yahay. Inta aan xugunka sharciga ah lagu dhawaaqin waxaa 
   qofka arrintu khusayso loo diraa cidda khibradda gaarka ah u leh arrinta 
   qofkaas. Tusaale ahaan waagii ay taqaatiirtu yarayd amaba ayan jirin markii 
   qof haween ah xukunkeeda gacanta lagu hayo waxaa loo diri jirey haweeney 
   khabiirad ku ah arrimaha haweenka, siiba xagga xubnaha taranta.  Mawduceennaan cidda khibradda farsamo u lihi 
   waa taqaatiirta. Hase ahaatee taqtar muslimka ah xilka taqtarnimada oo keli 
   ahi ma saarna ee kan diintuna wuu saaranayahay. Waxa uu ku talinayo waa 
   inayan noqon wax sharciga ka soo hor jeeda, siiba xalaalnimada iyo 
   xaarinnimada shayga. Waa dambi aad u weyn in qof muslim ahi uu si ulakac ah u 
   xalaaleeyo wax xaaraan ah ama u xarrimo wax xalaal ah. Wuxuu noqonayaa qof 
   Ilaahay uu baab dhigtay, maxaa yeelay xalaalaynta iyo xarrimidda Ilaah keli 
   ah ayaa iska leh.  Taqtarku hor iyo abbaato waa inuu aqoon ku 
   filan u leeyahay arrinta wax laga weydiinayo, isla mar ahaantaas ku 
   baraarugsanyahay turaanturrooyinkeeda dambe oo bulshada dhaawacaya Haddaba, arrinta galcaarka oo ah midda aan 
   ka doodaynno waxay iigu muuqataa inay labo waji leedahay: 1) Mid caafimaad oo 
   ah kii aan horay usoo aragney oo khusaynaya kooxo gaar ah oo inay galcaarka 
   isticmaalaan dhibaato caafimaad ku kalliftay 2) Mid fasahaadin looga dan 
   leeyahay oo ah markii isticmaalkiisa laga dhigo jaantaa rogan.  Qaybta hore waxay ila tahay in fulinteeda 
   taqaatiirta iyo culimmadu iska kaalmaysan karaan, iyadoo laga shidaal 
   qaadanayo saldhigga fiqhiga oo leh “Dhibaatadu waxay bannaysaa wax xaaraan 
   ahaa”, taasoo la rabo in lagu soo koobo hadba dhibaatada wax bannaysay inta 
   ay le’gtahay ee aan loo adegsan dano intaas ka shisheeya.  Gunaanad Anigoo og inuu Puntland ka jiro barnaamij 
   ladagaallanka HIV/AIDS-ka, haddana ma ogi ilaa inta uu mirodhalkiisu 
   le’egyahay. Sidaas awgeed ayaan rabaa inaan halka ku soo gudbiyo dhawr talo 
   oo la xiriira fulinta dhaqantoosinta iyo la dagaallanka HIV/AIDS-ka: 
     a) Dejin qorshe qaran oo qeexan oo ku 
     salaysan tillaabooyin isdabajoog ah
b) Iskaashi dhab ah ee dawladda, 
     culimmada, aqoonyahannda, iyo dadweynaha.
c) Abuurid xarumo dhaqancelin oo laga 
     dhex fuliyo wacyigelin diimeed, akhlaaqeed, bulsho iyo tababar xirfadeed oo 
     qofku marka uu ka soo baxo u oggolaan kara inuu shaqaysan karo.
d) Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo 
     ah mindi laba-afle ah
e) Soo dhoweyn cid kasta oo si daacad ah 
     gacan inooku siinaysa fulinta qorsheheenna.
f) Dumin bartilmaameedyada dhaqanhabowga 
     iyo cadaadin dadka falkaas ku dhex jira oo la rabo in jir iyo maskaxba laga 
     toosiyo.  Waxaa diyaariyey: Prof. Yusuf Hersi Ahmed
    Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey: Cismaan Ahmed sheekh
 isxaaq1@yahoo.com
 Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com   |