SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xuseen Caydiid: Waxaan Ahay Dhexdhexaad u Janjeera Dhanka Madaxweynaha
  • Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isugu yeeray fadhi ay yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka...
  • DOORASHADA ARDAYDA PUNTLAND EE INDIA

Xuseen Caydiid | Sawirka: Reuters

Xuseen Caydiid: Waxaan Ahay Dhexdhexaad, Waxanse u Janjeeraa Dhanka Madaxweynaha.... Itoobiyana Wax Dan ah kama Laha In ay Weerato Soomaaliya...
"....Waxaa Soomaaliya dhexdeeda ka jira nidaam jihaysan oo Itoobiya u cabiraya sidii Boqortooyo Shar badan [evil empire]".

.....Safarka Xuseen Caydiid ee Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho | Aug 13
.. Caydiid oo Gaarey Xarunta Madaxtooyada Muqdisho | Aug 14

Wasiirka Arimaha gudaha ee dawlada lagu soo dhisay Kenya ee Federaalka Kumelgaraka ah ee Soomaaliya (FKMG) ayaa intii uusan ka dhoofin Nairobi waxa uu sheegay in uu tegayo xaruntii ahaan jirtey madaxtooyadii Qaranka Soomaaliya (Guriga Madaxtooyada) ee ku yaal bartamaha magaalada ah caasimada rasmiga ah ee Soomaaliya ee Muqdisho, waxana uu sheegay in uu Muqdisho tegaya asagoo meteleyo madaxweyne Cabdhullaahi Yuusuf sida uu dhigayo heshiiskii Nairobi lagu gaarey June 12, ayuu yiri. Sidaas waxaa warka ku bilaabay hay'ada wararka ee Reuters oo Nairobi ku waraysatay Xuseen Caydiid.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu tegi doono Muqdisho oo uu xarun ka dhigan doono guriga madaxtooyada ilaa ay dawladu gebi ahaan ka soo guureyso Jawhar oo hadda caasimad kumeel gaar ah u ah qaar kamid ah dawlada FKMG.

Xuseen Caydiid waxa uu shaaca ka qaaday in dawlada FKMG dhexdeeda aysan jirin is aaminaad, waxana uu yiri "Ma jiraan wax is aaminaad ah oo u dhexaysa hoggaamiyayasha ugu sareeya, waxana DFKMG dhexdheeda ka jira is aaminaad la'aan".

"Waxaan ahayd dhexdhexaad, waxaanse u janjeeraa dhanka madaxweynaha" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo intaasku sii daray " waxana sii wadi doonaa dhex dhexaadinta labada kooxood".

Xuseen Caydiid waxa uu yiri dhammaanteen waan heshiiney, waxana saxiixnay heshiis, waxana niri hubka ayaan iska dhigeynaa, waxaana sheegnay in aan dhammaanteen uga qayb geleyno hab nabad ah oo dimuqraadiyad ah.

Wasiirku waxa uu yiri "Dhammaan shantii dawladood ee soo maray Jamhuuriyadda Soomaaliya ilaa markii ay xoriyada qaadatay waxay ku guulaysan waayeen joojinta dagaalada qabiilka iyo kooxaha. Waxaa dhammaan arimahaasi joogsanayaan markaan hab wanaagsan oo si waadax ah u muuqda oo loo adeegsanayo khayraadka, dib u dhiska iyo difaacida xuquuqda aadamiga, kuwaas oo lagu xad gudbayey dhammaan taariikhdayadii" ayuu yiri.

Hay'adda wararka ee Reaters oo halkaas taxliilineysey waxa ay tiri: Isha kale ee carqalada Siyaasada Soomaaliya ku ah waa in dad aad u farabadan oo kamid ah Muslimiinta 10 million ah ay nacab ku yihiin arinta ay u arkaan in derirkooda weyn ee magac ahaan Masiixiyiinta ah ee Itoobiya, kuwaas oo taariikh ahaan cadwo isu ahaa.

Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.  
GUJI HALKAN...

Laakiin, ayey tiri hay'adu, Xuseen caydiid waxa uu yiri "Dhibaatadu ma ahan Itoobiya, waa in Soomaalidu ay eegaan dalkooda dhexdiisa". Waxana uu ku daray "Waxaan aamin sanahay in uu Soomaaliya dhexdeeda ka jira nidaam jihaysan oo Itoobiya u cabiraya sidii Boqortooyo Shar badan [evil empire]". Waxaana uu intaas kusii daray "Itoobiya wax dan ah kama leh in ay soo weerarto Soomaaliya. Dhibaatadu anaga (Soomaaliya) ayey naga imaneysaa, ka iman meyso ayaga (Itoobiya)."

Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf iyo inta taabacsan waxa ay sheegeen in Muqdisho ay tahay meel aan nabad ahan, waxayna doorteen Jawhar oo woqooyi ka xigta Muqidisho. Halka afhayeenka Baarlamaanka FKMG, Shariif Xasan iyo Wasiiro ka tirsan DFKMG ay yiraahdeen sida ku cad dastuurka waxaa shardi ah in caasimadu ay noqoto Muqdisho.

Caydiid waxa uu Axad (Aug 14) gaarey Muqdisho, waxana uu markii uu gaarey madaxtooyadii qarankii burburay ee Soomaaliya waxana uu sheegay in uu Muqdisho u yimid in uu dhegeysto labada Dhinac (Muqdisho iyo Jawhar).

"Soomaalidu waa in ay bartaan waxa ay yahay tanaasulku, kadibna ay aqbalaan wadada ugu fudud ee lagu hirgelin karo sida ugu dhaqsaha badan" ayuu yiri Xuseen Caydiid markii uu garey qalcada madaxtooyada oo ay dad badan oo tageerayaashiisa ah ay kusoo bandhigeen dheel ama ciyaaro (Dance) iyo gabayo ay ku amaanayaan wasiirka oo soo gaarey Muqdisho kaddib markii uu ka maqnaa saddex sano.

Wasiirka arimaha gudaha waxa uu sheegay in uu "la hadli doono kooxda Muqdisho iyo kooxda Jawhar, uuna isku deyi doono in uu si taxadar leh u dhegeysto".

Hay'adaha wararka ee aan Soomaalida maamulin ayaa sheegay in arimaha uu u tegey Xuseen Caydiid magaalada Muqdisho ay sii cakireyso magcaabidii uu Afhayeenka Baarlamaanku uu Sabtidii magcaabay guddi soo magcaaba governatooraha iyo duqa magaalada Muqdisho. Asoo weliba Afhayeenka Baarlamaanku uu isugu yeeray in dayaqaada bishan ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

###

Gobolka BAY:: Dhanka kale wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa tibaaxay in laba beelood oo aagaas isku dagaalay in iska dileen 12 qof. Waxaana waraku ku dareen in dad badani ay guryohoodii ka qaxeen.

ISHA: Alertnet.org | Nairobi | Aug 13, 2005 | Updated: Aug 14


Maqaalkii Dr. Saciid 2001: Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey 

2000/2001: Shacabka Soomaaliyeed waxay ka rumaysnaayeyn Itoobiya 2000/2001  [Bogga soo bixi doona dhankiisa hoose sii raac meesha ay ku qoran tahay "Boga xiga"


Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isugu yeeray fadhi ay yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka...

Xuseen Yaasiin Gode-Gode
Ra'yigii dadweynaha: 2000/2001
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 |

Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG-ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan ayaa magaalada Muqdisho ooga dhawaaqay in dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka KMG-ah ay isugu yimaadaan dabayaaqada bishan Agoosto, si buu yiri loo sii anbaqaado hawlaha u yaal Baarlamaanka KMG-ah. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan xildhibaano ay isku fikir yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif.

Lama oga in-ay kulankaasi ka soo qeybgeli doonaan xubnaha Baarlamaanka ee ku sugan caasimada KMG-ah magaalada Jowhar, isla markaana ogolaan doona qoraalka uu soo saaray Shariifka ,inkastoo ay adag tahay waqti xaadirka in xubnaha Baarlamaanka ay meel isugu yimaadeen kana doodaan maslaxada shacabka.

Baarlamaanka KMG-ah ee Soomaaliyeed ayaa mudadii u dambeysay waxaa ku dhex jiray khilaaf yar oo xaga fikirka ah, una baahan in ay la yimaadaan labada dhinac tanaasulaad si loo soo celiyo karaamadii iyo sharaftii aan ku lahayn Aduunka.

Xeeldheerayaasha ku taqasusay sharciyada u degsan Baarlamaanka ayaa aaminsan hadii bishan uu kooramka buuxsami waayo markaas loo baahan yahay in ay ku dhawaaqaan is casilaad Gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa maadaama 3jeer oo hore lagu fashilmay in la isugu yeero xubnaha Baarlamaanka.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

email: godegode_6@hotmail.com

Faafin: Aug 14, 2005


DOORASHADA ARDAYDA PUNTLAND EE INDIA

(HYDERBAD)Waxaa todobaadkii ina soo dhaafay si rasmi ah maamulka ardayda puntland ee india ay ugu dhawaaqeen gudiga doorashada ardayda puntland ee india

Hadaba saaka ayay ahayd markii ay gudiga doorashadu soo afjareen shaqadii loo idmaday ayna ku dhawaaqeen xiliga doorashadu dhacayso iyo meesha ay ka dhacayso iyaga oo ku dhawaaqay in doorashada ardayda puntland ee india ay dhacayso 21/08/05 maalinta ugu danbaysa ee musharaxu soo gudbinaayo foomkiisana ay tahay 19/08/05

Dhanka kale gudoomiyaha ardayda Muqtaar Mohamed jaamac oo isna hada safar shaqo ugu maqan magaalada mysore ayaa mar aan la xiriiray ii sheegay xiliga xilwareejintu dhacayso isaga oo ku dhawaaqay in xilka maamulkiisu wareejin doono 01/09/05

Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaan ilaa hada lahayn qof isa soo taaga iyada oo inta badan ardaydu ay isa soo taagto maalmaha ugu danbeeya xiliga doorashada loo qabto

W/Q Afhayeenka ahna xoghaynta ardayda puntland ee india
Mohamed Ahmed Aden (kulmiye)
loc india hyd
email save1428@hotmail.com 

 Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2005

Gabar Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay. Guji....

Xisbiyada mucaaradka Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ... Guji... Aug 12

Soomaalida Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo.. Guji... Aug 12

Madaxweynaha DFKMG oo Lagu Eedeeyay in uu Khiyaamo Qaran Galay
»Xasuuq ka Dhacay Magaalada Muqdisho....
»Xero ay ku jireen beesha Alyo oo dad shacab ah lagu laayey
»C/lahi Yusuf oo Kusoo Laabtay Magaalada Jawhar...
»Midowga Yurub oo $50 Malyan ugu Deeqay Dawlada DFKG
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 11

Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga oo u kicitimay Magaalada Muqdisho
isagoo ka degi doona garoonka diyaaradaha ee Cisaleey oo ku yaal duleedka magaalada si uu usoo gudoomo... Guji... Aug 10

Wafti UN Kasocda oo Gaarey Kismaayo
»Waftiga DFKMG oo diyaarad kaga ambabaxay Jawhar
»Wafti Ballaaran oo ka socda UN oo Gaarey Kismaayo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan..... Aug 9

Baaq Kasoo Baxay Urur la Magac baxay UWP
Baaqan oo uu ku saxiixan yahay Eng: Ali Ahmed Mohamed ayaa..
 Guji... Aug 9


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD