Muqdisho: Wiilashii wiilal
baas baa ka hadhe’eey!
Wararka ugu dhiilada badan ugu
calool xumada badani waxay ka soo yeedhaan Xamar “sarkaal
hebel oo meel iska maraya baa la toogtay, sheekh hebel oo
gaadhi la socda ayaa dhafoorka xabad lagaga dhuftay,
aqoonyahan hebel baa gurigiisii loogu dhacay oo qudha laga
jaray, miskiinad yar oo gabadh ah baa budhcad gurigooda ka
kaxaysatay, hooyadeed baa is tidhi ka soo reeb xabad baa la
iskaga reebay ku deysayaa, inantii yareyd waa la kufsaday
markii laga dan dhammaystayna afkaa qori loo saaray xaggaa
iyo aakhiro u galbatayaa, geeri iyo mag la’aan ku
hulleeshayaa!”
Imisa sarkaal, imisa sheekh,
imisa aqoonyahan ayaa ku maqan gacanta ugaadhsatada! Dadku
hiil la’aa ma dhir baa! Xooluhuba bahalka cunaya waa ka
didaane, dadka maxaa wahabka saarey? Su’aashaas jawaabteeda
bal aan ka dhex baadhno sheekadan soo socota.
Beri ayaa nin xoolo badan iyo
carruur ba lehi wuxuu yaallay meel qoor ah oo tigaad badan.
Ninkii wuxuu halkii iska yaallaba maalin maalmaha ka mid ah
waxa u yimid nin safar ah. Ninku waa nin aad u xoog weyn oo
aan boqol nin biyaha u kabannaynin markay dagaal noqoto,
wuxuu sitaa boqol warran iyo boqol gaashaan. Odaygii reerka
lahaa oo guriga kanbalkiisii ku tukanaya ayuu u yimid.
Ninkii socotada ahaa baa yidhi “Waar maxaa la sheegay?”
Odaygii reerka lahaa ayaa u celiyey “Nabad intaanu ka
warhaynee maxaad adigu sheegtay?” Ninkii socotada ahaa: “
Waa khoof li’i.” Intaa ka dib ninkii socotada ahaa wuxuu
sheegay inuu yahay nin socoto ah oo xoolo lumay raadinaya.
Odaygii reerka lahaa cunto, caano iyo biyo ayuu ninkii
siiyey. Ninkii markuu dhergay ayuu kanbalkii reerka iska
seexday, siduu halkii u hurday ayaa gabalkii dhacay. “Waar
ninku waa daalaye cunto iyo caano u geeya ayaa reerkii yidhi.”
Markuu wixii loo geeyey cunay ayuu kacay. “Ma laha wuu
tegaya” ayaa reerkii is weydiiyey. Ninkii intuu xeradii
geela galay ayuu qaalin biyow ah dhuunta ku dhuftay. Mar
keliya ayaa reerkii is eegay “waar ninku miyuu waalan yahay!?
Odaygii reerka lahaa ayaa inamadiisii ku yidhi “Aabbo nin
keliya oo la hadla yaanan arkin.” Waayo ninku wuxuu sitaa
boqol waran, xooggiisana boqol nin uma babacdhigi
karto.Odaygii reerka lahaa intuu u yimid ayuu ku yidhi:
“Waar niyahow caato iyo diif baa kaa muuqatee qaalin kaa
kalena sahay ka sii dhigo intaad jidka ku sii jirto.” Ninkii
ayaa wax jawaab ah soo celin waayey. “Hashaa abeerka ah,
awrkaa goolka ah iyo seddexdaa halaad ee igadhka ahna ku
darso, waa intaas oo reer aad u hoyato hore weydaaye,” intuu
is yidhi malaha wuu qawaday. Wax jawaab ah ma soo celin
ninkii. “Waar bal cibaaradan iyo lama aragtan kaalaya,
wallaahi kani wuxuu doonayaa ka waaweyn!” ayuu hoosta ka
yidhi odaygii reerka lahaa.
Ninkii geed kanbalka
reerka ku yaal hoostiisa ayuu iska fadhiistay intuu hilbihii
hoos dhigtay. Reerkii oo aan qof ka seexan
ayaa waagii beryay, weli masiibadii geedkii
bay hoos fadhidaa. Iyadoo la argagaxsan yahay ayaa xoolohii
la dareeriyey. Casarkii markay ahayd ayuu wiilkii reerka u
weynaa soo ag maray ninkii oo geedkii fadhiya, ninkii yaabka
ahaa wiilkii ayuu xagga kale warran uga saaray. Odaygii
reerka lahaa ayaa arkay inankiisii oo mayd ah. Intuu degdeg
gurigii u tegay ayuu dadkiisii ku yidhi : “Dhegaysta, qof
juuq yidhaahda yaan la arkin, caawa saqda dhexena awrta inoo
rara si aynu meel dad joogo ugu eeranno.” Islaantii ayaa
tidhi “Ninku wuxuu egyahay wiilkeennii curad ee libaaxu la
tegay isagoo afar jir ah.” “Ma afar jir libaax qaatay baa
nool?” ayaa odaygii ku jawaab celiyey. “Waar heedhe inanku
bar buu wejiga ku lahaaye bal bartii ka eeg,” yey ku celisay.
Odaygii intuu caano qaaday ayuu ninkii u tegay, intuu
caanaha u dhiibaayey ayuu wejigiisa isha ku xaday bal inuu
bartii leeyahay iyo in kale, qodhiyo-xero waa ku taal.
“Adeer wax ma ku weydiin karaa?”Ayaa odaygii yidhi. “Waxba
la ima weydiiyo,” ayuu ugu jawaab celiyey. “Cutiyaay,
balaayo oo dhammi bar lehe reerka caawa inoo rar,”ayaa
odaygii islaantii ku yidhi markuu soo laabtay.
Habeenkii baa reerkii caynka hoosta laga geliyey. Barqadii
reerkii oo meel sii guuraaya ayuu ninkii soo gaadhay.
“Reerka joojiya oo ku celiya gurigii aad ka soo rarteen,”
ayuu yidhi dhagarqabihii. Odaygii reerka ayaa yidhi “Adeer
gurigii dulin buu lahaa oo sidaas baan xoolaha uga soo raray.”
“Reerka cidi igama xigtee celi baan ku idhi,” ayuu ku
celiyey.
Islaantii oo goorahabaa ilqoodha kala socotay wejiga ninkan
yaabka leh ayaa si kayrkayra ah u tidhi “Hooyo, miyaanad
Muumin ahayn?” Si fudud ayuu ugu jawaabay: “Markaan yaraa
baa magacaa la i odhan jiray, iminka se magac kalaan
leeyahay.” Islaantii ayaa tidhi: “Hooyadaa baan ahayn.” “Waa
saxe reerka dib inooku celiya,” ayuu si fudud ugu jawaabay.
Iyadoo aabbo iyo hooyoda la hayo ninkii ayaa reerkii dib loo
jinbacay.
Reerkii dib ayuu gurigii uu xalay ka guuray ugu noqday.
Laba wiil oo kaalin
qaad ahaa oo reerka joogay ayaa daalinkii waran daray
markiiba. Odaygii ayaa yidhi : “Aabbo maxay galabsadeen?”
Wuxuu ugu jawaabay: “Wey eegmo xun yihiin, waanay dhego adag
yihiin.”
Intaasi markay afkiisa ka soo
baxday ayaa intuu kacay ayuu laba halaad oo dhalay dhuunta
ku dhuftay. Intii kuma joogine awrkii gurgur oo kanbalka
daaqaya ayuu isna birta ka aslay. Hablihii guriga joogay
ayuu ku amray inay hilibka waxna u shiilaan waxna u
kariyaan.
Gabadh ayaa tihi: “Walaal, yaa
geela haragga nooga bixinaya?” Intuu soo dhaqaaqay ayuu
carabkii iyo labadii dibnoodba ka jaray gabadhii. Halkaas
baa hadal iyo wax weydiinna waqtigoodii ku dhammaaday.
Odaygii habeenkii ayuu dadka
wixii ka hadhay ku yidhi: “I dhegaysta, caawa nafteenna
ayeynu la baxsanaynaa inteenna hadhay, xoolaha oo sidaa u
xeraysanna weynu uga tegaynaa balaayadan cirka ka soo
dhacday hooyo iyo aabbo toona uma nihine.” Sidii baa la isku
raacay. Saqdii dhexe ayaa sanqadh tirasho lagu baxay, orod
iyo ibixiyow i bixi ayaa ka dhacday. Goor duhurkii ay tahay
ayaa odaygii yidhi: “Weynu daalaye geedkan aan ku yara
nasanno.” Markii badhida dhulka la dhigay mise waa kan
dhagar-qabihii laga soo qaxay. “Xaggee ku socotaan ee
reerkiinnii uga timaaddeen?” Ayaa tiirigii yaabka lahaa
yidhi. “Xoolihii adigaan ku siiyey,” ayaa odaygii yidhi.
Dhagar-qabihii ayaa su’aalay “Oo xaggaad idinkuna ku
socotaan?” Odaygii baa ku jawaabay: “ Waxooga neefaf ah oo
reer ii hayey ayaan doonaynnaa inaan kaaga soo kaxaynno oo
kuu keenno.” Kuwaa anigaa doonanayee ina keena ayuu yidhi
ninkii sharka ahaa. Waxay yidhaahdeen: “Haddaan reerkii oo
dhan kaaga tagnay maad anaka iska kaaya daysid?” Mid walba
intuu waran docda kaga muday ayuu socda gurigii ku noqda ku
yidhi. Markii gurigii la tegay ayuu axmaqii yidhi:
“Dhegeysta, waxaan doonayaa inaad xoolaha ii daryeeshaan, oo
ii listaan, oo ii qashaan. Qofkii sanqadha waan dilayaa,
qofkii qufaca waan dilayaa, qofkii hindhisa waan dilayaa,
qofkii hungurooda waan dilayaa.” Ka dibna intuu yara aamusay
ayuu yidhi: “Reerka wax rag ah ma anigaa joogaa?” Islaantii
oo gariiraysa ayaa tidhi: “Haa, hooyo maanta aabbo uun baa
wax rag ah ku weheliya.” Intuu dhoolla-caddeeyey ayuu
dhinicii hablaha eegay ayuu yidhi: “ Waa war fiican, idinku
hilbaha karintooda iyo kala shiilkooda iyo caanaha
lulistooda ka adkaada. Odayguna geela ayuu kadinka ka
fadhiisanayaa, islaantuna adhiga irriddiisa ayey waardiye
ka noqonaysaa. Xooluhu debed danbe u foofimaayaan, xerada
ayaa wax lagu siinayaa. Habeenkii ayaa baadka u soo
guraysaan xoolaha, hadba halka aan idin geeyo ayaad cawska
ka guraysaan. Qofka meel burka uu jarayo aan ahayn eega
waran kaas baai ska leh. Hadal hadalkaygaa ka danbeeyaana ma
jiro.”
Islaantii waxa ka soo hadhay
“hooyo baas noqdayeey,”odaygiina waxa ka soo hadhay “aabbo
baas noqdayeey,” hablihiina waxa ka soo hadhay “walaal baas
yimiyeey!”
Iminka miyaanay gar ahayn
haddaynu nidhaahno Muqdisho waxay ku ooyeysaa “wiilashii
wiilal baas ka hadhe’eey!” Sidaa waxaan u leeyahay shicibka
Muqdisho deggani waa dad sharaf leh, waa dadkii Soomaali ugu
nabadda jeclaa, waa dadkii faataxada qaadan jiray ee boqolle
sidaas kaga samri jiray, waa dadkii dulqaadka intaa le’eg
iyo samirka sidaa u weyn lahaa. Markaa waxaan ku canaanto
iyo eed aan saaro midna garan maayo, inkastoo ciqaabtu aanay
sabab la’aan ku imanin.Waxa keliya ee aan odhan karaa waxa
weeye “dadkaasi waxay ku jiraan xabsi aan cid furihiisa
haysa la garanaynin.” Ninkii caqli lihina waa ogyahay in
balaayada ku yuururta gunteedu ka dheer tahay inta la
arkayo.
Waxay geed ugu xidhan yihiin
“Rabbi ma yaqaan iyo rag ma yaaqan” intaa iyo masiibooyin
kale oo aan la arkaynin ayey edeg ugu jiraan. Illaahay ka
xoreeya way leeyihiin, laakiin fursad ay iskaga xoreeyaan
iima muuqato. Waayo shar-wadeennadu waxay ka bateen tiradii,
waxaana gacanta ugu jira awooddii, dhaqalaahii iyo taladii
intaba. Xaqiiqda marka loo hadlana cid waliba way dhaantaa
hoggaamiyayaasha Muqdisho, waa ma korayaal(caqli uma
kordho), waa ma daalayaal (dulmiga iyo dhiigga kama
daalaan), waa ma naxayaal (damiirkooda naxdin iyo naxariis
midna kuma laabna).
Maalin keliya ayaa dadku
yididdiilo ka filay waa maalintay yidhaahdeen isbaarooyin
baanu qaadaynaa, ciidankana magaalada waanu ka saareynaa.
Talaabooyinkii ugu horeeyey ee ay muujiyeen waxay ahaayeen
qaar lagu diirsaday oo wanaagsan, laakiin haddaan qalbiga
iyo afku wada soconin waxba ma rumoobayaan, waxaana iminka
muuqda in wixii lagu xamanaayey ee ahaa “iskadaa waxay
qabtaane iyagaan is aaminsanayn” ayaa soo if baxaya.” Anigu
maanta hadal aan kuwaa ku khasaareeyo niyad uma hayo, alla
doori! Bal se Muqdisho ceelna uma qodna ciidanna uma maqna.
Dadka Muqdisho degganna waxa keliya ee aan kula talin lahaa
inay ku ducaystaan in Illaahay keeno balaayo kuwa dulleeyey
ka xaaqda oo aan iyaka waxba yeelin.
Madaxweyne C/laahi Yusuf waxaan leeyahay: “
Hadalkii kaa soo baxaaba wuxuu muujinayaa hanjabaad iyo
dagaal, waxaana la sheegayaa inaad abaabul dagaal ku jirto,
haddii sidaasi run tahay adeer rag oo dhammi waa wada waran
afkii. Dagaalkii iyo jabhadayntii haddaad madaxweyne ku
gaadhay waxa ila habboon inaad ka nasato. Talo nasteexa
ayaan ku siinayaaye kollayba Xamar dagaal ha ku dayin. Bal
waxaad qiyaastaa intii ninkaa horeysay ee Muqdisho xoog ku
dayday ee ku foos burburtay. Cali Mahdi oo quwadihii
adduunku ugu xoogga weynaa taageerayaan ayaa faro madhan
iska taagay, Caydiid oo Siyaad Barre dabadii ahaa ninka ugu
cududda roon ayaa guul la’aan kaga xijaabtay. Haddaba Xamar
raggii u dhashayba xabad waxba kaga dhalin waayee, ma kula
tahay inaad cashar kuwaa hore ka duwan la timaaddo?
C/laahiyow, dadka
ku dhaliilaa waxay yidhaahdaan: “C/laahi wuxuu ka mid ahaa
raggii ragaadiyey seddexdii dawladood ee Siyaad Barre
dabadii la dhisay (tii Cali Mahdi, tii Caydiid iyo tii C/qaasim)
markaa haddii la ragaadiyo waa abaalkiis, inuu
mucaaradnimada qadhaadhkeeda arkaa waa ku habboon tahay.”
Anigu se waxaan leeyahay haddii maalin walba nin lagu
carigsado oo kabta faygeeda lagaga joogsado taasi waxay
noqonaysaa in jidkii madhalayska iyo guul-darrada la
taagnaado. Mar haddii maanta adiga masuuliyaddii ku saaran
tahayna waxa kula gudboon is bedel dhab ah.
Inkastoo dayro badani ku
hortaal haddana waxaan ku leeyahay rag lagama quustee, weli
rajaad leedahaye maanta ka faa’iidayso wixii hore kaaga
khaldamay oo dib u sax. Waxanan kugula talinayaa:
-
Xal aan xabad ahayn oo
caqli ah isku day inaad dhibaatada jirta ku daaweyso.
-
Maamulkaaga maxaa u dan ah
ha odhan, ee dadka maxaa u dan ah dheh.
-
Ka faa’iidayso jidkii ay
reer Somaliland dhibaatooyin kooda ku xalliyeen.
-
Yaa ila jira ha odhan ee
danta ummadda yaa la jira dheh.
-
In badan baa didiye laguu
yaqaannaye, bal dejiyana isku day inaad noqoto.
-
Iska dhaaf wixii afkaar ah
ee is aamindarro iyo khilaaf keenaya.
Talo waa mar laga garanwaayo
iyo mar la gaadhi waayo.
Muqdisho:
-
Wiilashii wiilal baas baa
ka hadhayeey!
-
Wiilashii waraabayaal baa
ka hadhayeey!
-
Wiilashii weerayaal baa ka
hadhayeey!
-
Wiilashii wiiqayaal baa ka
hadhayeey!
Maxamed Yusuf Xaaji Cabdi (kayse)
maale22000@yahoo.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 18, 2005
Soomaalida
Minnesota oo Cambaaraysay Qaraxyadii Ka Dhacay London, UK
Kulan ay kasoo qayb galeen Qunsulka
Britain u fadhiya Chicago, Safiirkii Maraykanka u fadhiyi jirey
Soomaaliya, Senator Coleman iyo Soomaali farabadan oo lagu qabtay
Jaamacada Hamline ayaa...
Guji..
Maalintii Xasuusta
ee Suldaan Hurre oo ku beegan Aug 17
Guji
Masjid Saddex Dabaq ah
oo Laga Dhisayo Laascaanood
Dhismihii hore ee masjid Al-Huda ayaa la dumiyey
si looga dhiso masjid baaxad weyn oo ka kooban...
Guji... Aug 16
UNHCR oo Qaar ka
tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey
Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso...
Guji... Aug 16
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|