Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 August. 2005
-
Xaflad lagu xusay
sanadguurada 21aad ee JWXO oo ka dhacdey Magaalada
Musawac.
-
Xisbiyo magac u-yaal
ah oo doorashada Ogaadeenya qaadacay.
-
Suudaan oo si
qarsoodi ah u celinaysa ciidamo Itoobiya ka soo goostay.
-
Qaramada Midoobey
oo ka digtay xaaladda Soomaaliya.
-
iyo Barnaamijkii
Aragtida Halgamaaga.
======================
Habeenimadii khamiista ahayd
ee taariikhdu ku aadanayd Aug 18, 2005 ayaa hoolka shirarka
ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee Gobalka Musawac ee dalka
Eritreya lagu qabtay xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo
lagu maamuusayay sanad guuradii 21aad ee ka soo wareegtay
aasaaskii JWXO, xafladaas ayay kasoo qaybgaleen dad aad u
tiro & tayo badan oo isugu jiray qaybaha Jaaliyada &
bulshadaba.
Hawlwadeennada Jaaliyadda
Ogaadeenya ee magaalada Muswac ayaa warbixino ku saabsan
marxalada halganku marayo & taariikhda halganka JWXO halkaas
ka soo jeediyay.
Sidoo kale waxaa halkaas
riwaayd aad loola dhacay ku soo bandhigtay kooxda Halgan ee
JWXO. Riwaayadaas ayaa waxaa loogu magac daray [HAGARDAAMO
GUMAYSI HALGAMAA WAXMAYEESHO} .
Ugu danbayntiina waxaa halkaas
lagu soo gabagabeeyay aabaalmarino kala duwan oo lagu
gudoonsiiyay xubno si aad ah loogu bogay wax qabadkoodii
halgan ee Jaaliyada.
Xisbiyo magac u-yaal ah
oo doorashada Ogaadeenya qaadacay.
Seddex ka mid ah xisbiyada
magac u-yaalka ah ee ashkkaasta goonida ahi jeebka ku
wataan ayaa sheegay inay qaadacayaan doorasho ku sheegta
laga qabanayo dalka Ogaadeenya. Xisbiyadan ayaa sheegay in
qaadacooda ay sabab u tahay iyadoo taageerayaashooda loo
hanjabay,qarkoodna si cad loogu sheegay inaysan is daalinin
oo aysan kusoo baxaynin doorashada xataa hadii shacabku soo
doorto, isla markaana qaar badan oo ka mid ah waraaqaha
doorashada lagu kala iibsanayo suuqyada dalka.
Ka dib markii aan xaaladda
qiimaynay waxaan go’aan ku gaadhnay inaan doorashada
qaadacno, si aan dadkayaga uga badbaadino masiibo la soo
gudboonaata, sidaas waxaa bayaan wadajir ah ku sheegay
seddexdan xisbi ee magac u-yaalka ah.
Masuul u hadlay mid ka mid ah
xisbiyo ku sheeggaas ayaa sheegay in ugu yaraan 10,000 oo
kaadhadhka doorashada ah la xaday, qaar badan oo kalana
suuqyada lagu kala iibsado.
Masuuliyiinta xisbiyo ku
sheeggan ayaa sidoo kale xafiiska doorashooyinka Itoobiya ku
eedeeyay inuu gacan siinayo dawlada.
Doorasho ku sheegta ay
Itoobiya doonayso inay ku hafarto dadwaynaha Soomaalida
Ogaadeenya kama duwanaan doonto kuwii hore ee magac u-yaalka
ahaa, waxaanan xilli aan sidaas u fogayn soo tebinay
warbixino xaqiijinayay in waraaqaha doorasho ku sheegta la
geeyay xeryaha ciidammada Itoobiya ee ku sugan dalka
Ogaadeenya, halkaas lagu soo buux-buuxinayo, ka dibna laga
dhigi doono in doorashada uu dadwaynuhu ka qayb qaatay.
Warbixinihii noocaas ahaa een
soo tebinay waxaa marag u ah qaylada ka soo yeedhaysa
madaxda xisbiyo ku sheegga ku wareegaysanaya dariiqyada
magaalada Jigjiga oo xilliyo badan oo hore dadwaynaha ka
dhaadhicin jiray in Itoobiya ay dimuqraadiyad ka jirto, isla
markaana ay soo dooran karaan cidda ay doonayaan.
Suudaan oo si qarsoodi
ah u celinaysa ciidamo Itoobiya ka soo goostay.
Xukuumadda Suudaan ayaa si
qarsoodi ah go’aan ugu gaadhay inay dib u celiso 12 askari
oo ka soo goosatay taliska Addis Ababa, kuwaasoo qoxootinimo
u yimid magaalada Kassala ee dalka Suudaan shan bilood ka
hor.
Askartan la celinayo waxay
kala yihiin:
-
1- Dereje Bogale
-
2- Walelign Melkie
-
3- Cabdi Idiris
-
4- Semre Aweke
-
5- Derin Endalew
-
6- Alebachew Mengistu
-
7- Solomon Tesfaye
-
8- Maxamed C/qaadir
-
9- C/llaahi Sayid
-
10 Jamaal Axmed
-
11- Mamo Enyew
-
12- Iyo Ibraahim Cali
Xukuumadda Suudaan ayaa
heshiis la gashay taliska EPRDF ee Addis Ababa ka taliya,
isla markaana ciidammada ammaanka ee EPRDF u oggolaatay inay
askartan ugu tegaan xabsiyada ay ku jiraan, oo ay sawirro ka
qaataan.
Dawlada Suudaan hadda ka hor
ayay EPRDF u celisay dad qoxootinimo dalkeeda u joogay,
kuwaasoo markii denbe uu laayay taliska Addis Ababa, haddana
waxaa laga cabsi qabaa in askartan la toogto haddii Itoobiya
lagu celiyo.
Qaramada Midoobey oo ka digtay
xaaladda Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa ka digtay macaluul laga yaabo inay ka
dhacdo qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyadoo dad lagu
qiyaasay hal milyan oo qof ay qarka u saran yihiin cunto
la’aan iyo hoy la’aan.
Dadkaasi lagu qiyaasey halka milyan ee soomaalida ah ayaa
waxaa soo wajaheysa cunto yari, hoy la’aan iyo daruuriyaadka
kale ee nolosha, waxaana ugu wacan iyadoo dalaggii beeruhu
uu yaraaday iyo dagaallo ka dhacay guddaha dalka Soomaliya.
Warbixin arrintan laga soo saaray ayaa tilmaantay in cunta
yarida iyo waxyaabaha kale ee nolosha daruuriga u ah oo aan
jirin iyo gargaar bani’aadanimo oo aan la geynin meelaha
looga baahan yahay ee dalka Soomaaliya ay sababeen inay
adkaato in wax loo qabto dalka Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay heshay lacag ka yar
lacagtii loo baahnaa ee wax looga qaban lahaa
dhibaatooyinka Soomaaliya, sidaas darteed waxay mar kale
dalalka deeqda bixiya ka dalabtay lacag kale oo dhibaatadaas
wax looga qabto.
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in biyaha,
nadaafada, ammaanka iyo waxbarashadu ay yihiin kuwa aan loo
haynin dhaqaale lagu maareeyo. Waxay kaloo intaas ku dartay
in dad ku dhaw hal milyan oo qof oo soomaali ahi ay kaalmo
degdeg ah u baahan yihiin.
Radio
Xoriyo
19 August. 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha
7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 19, 2005
Shirka Caux
oo laga hadlay arrimaha Afrika Gaar ahaan Dalka Soomaaliya
Wasiiru dowlaha
kalluumeysiga & kheyraadka badda ee DFKMG, Xildhiban Cali maxamed Faqi
oo ka hadlay kulanka ayaa
Guji
Maxaad kala
socotaa Dastuurka la isku heysto Wadanka Ciraaq?
Waxaa dhibka taagan yahay
sidii loo saxiixi lahaa Dastuurka Ciraaq, hadaba maxaa la isku hayaa?
...Guji...
Aug 19
Gabar
Soomaaliyeed oo Norway Ku Dishey Wiil Soomaliyeed
Wiilka waxaa saakay meydkiisa laga helay.
Guji....
Xisbiyada mucaaradka
Itoobiya oo diiday natiijada doorashada
iyo Suxufi loo
xidhay warar uu maxkamadda Itoobiya ka sheegay ...
Guji... Aug 12
Soomaalida
Maraykanka oo Loo Ogolaaday In ay dib u Xerayn karaan Sharciga TPS
Dowladda Maraykanka ayaan bishan August
waxay dib u ogolaatay in dadka Soomaalida loo siyaadiyo..
Guji... Aug 12
|