SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Habka Internet-ka Loogu Beec-mushtaro 

     Labadii qormo ee ka horreysay qormadaan, ayaan mid waxaan si kooban ugu lafa-guray faa’idada iyo khasaaraha Cilmiga Farsamada iyo Wax-soo-saarka cusub (Technology-ga). Tii xigtayna waxaan ku eegay qaabka uu Internet-ku nolosha wax uga badalay, anigoo ka faalleeyey seddeed qaybood oo ka mid ah nolosha Aadanaha, oo Internet-ku saamayn weyn ku yeeshay. 

     Waxaan qormadaan si kooban uga sheekeyn-doonaa habka Aaladda Internet-ka luugu beec-mushtaro ama wax loogu iibiyo. 

    Dadku waxay hadh iyo hamayn u harjadaan sidii ay ku heli lahaayeen ribix ama macaash, waxay hantidooda ku biimeeyaan meel allaale iyo meeshii ay si-dhahaan faa’ido ayaad ka helaysaan, iyagoo u gala safarro dhaa-dheer, kuna bixiya fakar iyo waqti badan. Is-biimaynta noocaan ah ayaa dadku kol-na ku macaashaan kol-na ku khasaaraan. 

     Haddaba waxaa jidha qaab kaloo loo beec-mushtari karo. Adigoon safrin, meel dheerna tagin, gurigaagana jooga, waqtina kaalumin, ayaa waxaad soo-saadho u beec-geyn kartaa meel walba oo dunida ka mid ah. Qaabka noocaan ah ee fudud ayaa waxaa kuu sahlaya Aadda Shabakadda Caalamigaa (Internet-ka). 

     Internet-ku waa sayladda ugu weyn oo caalamkoo idili ay wax ku kala iibsadaan. Waxaa jidha website-yo fara-badan oo waxaad soo-saadho ku beecin kartid (haddii aad adigu abuuratana kaba sii fiican). Website-ka ugu weyn uguna caansan ee aad wax ku beecsan karto kana soo iibsan karto ayaa waxaa ladhahaa eBay. 

    EBay-gu waa hannaanka ugu fudud, uguna wacan ee aad alaabtaada caalamka oo dhan ku gaarsiin karto, kana samayn karto macaash. Haddaba si aad alaabtaada ugu xadhaashto eBay-ga gal website-kiisa: www.ebay.com

    Waa in aad is-ka diiwaan-galisid eBay-ga si aad awood ugu heshid in aad alaabtaada ku iibiso. Is-diiwaan-galintu wax dhiba malahan, maxaa wacay waa lacag la’aan. Kol-kaad is-ka diiwaan-galiso eBay-ga, waxaa lagaa codsanayaa macluumaadka meelaha lagaala soo xidhiidhi karo (waa cinwaanadaadee). Markaad arrintaas samayso hubi E-mail-kaaga, eBay wuxuu kuu soo didhi doonaa farriin xambaarsan tilmaan-bixin. 

Qaabka wax loogu iibiyo eBay-ga 

1)      Inta aadan wax-ba bilaabin ka hor waa in aad heshid alaabta aad rabto in aad iibiso. Ku samee baadhis (Research) eBay si aad u hesho qiimaha suurto-galkaa ee aad alaabtaada ku iibin karto iyo meesha ku habboon in aad dhigto. Baadh alaabaha lamidkaa alaabta aad rabto in aad iibiso si aad u ogaato iibiye-yaasha kale meesha qiimaha ay ka bilaabeen iyo dabaqadda ama qaybta alaabtoodu taallo. Ogow alaabaha lagu iibiyo eBay-ga waxaa ugu ribix-badan alaabaha qaddiimigaa ee qiimiga-badan (antiques), kuwa dhaqanka (cultural product) iyo dharka farsamada (textiles). Maxay kula ahaan lahayd: haddii aad ku beecin lahayd eBay-ga alaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaali-ya. Fartaada ayaad malab ka nuugi lahayd. 

Xasuusin: ha ballan-qaadin in aad iibiso walxo aadan awodin in aad soo-saadho, taasi waxay arbushaysaa sharciga, malluugaaga eBay-gana meel ayey uga dhacaysaa, dadkuna waxay ka qash-dhacayaan in ay kula macaamilaan. 

2)      Waa in aad liis-gareysaa alaabtaada. Way fududahay habka loo buuxiyo foom-ka (form) iyo waliba sida aad alaabtaada u liis-gareyn lahayd. Kol-ka aad alaabta liis-gareynayso, waxaa loo baahan-yahay xoogaa qarasha, sababtoo ah markaad liis-gareynayso alaabta, eBay wuxuu kugu dallacayaa xoogaa yadh oo qarashka galinta ah (a small insertion fee). Haddii alaabta lagaa gatana, eBay wuxuu markale kugu soo dallici-doonaa qiimaha qarashka ugu dambeeya (final value fee). Si aad qarashaadka wax uga ogaato halkaan Guji: http://pages.ebay.com/help/newtoebay/questions/sell-items.html   

3)      Waa in aad u goysaa sicir ama qiimo alaabtaada, adigoo qiimahaad goysay uu lamid noqonayo, qiimaha ay kuu joogtay alaabtu lagu daray qarashaadka lagu daray macaashka aad dul-saaranayso (cost +fees + small profit margin). 

4)      Markii aad liis-gareynta alaabta dhammaysid, kuna qanacdid qiimaha aad u goysay kala xidhiidh macmiishaada E-mail-ka, una ogalow iibsade-yaashaada in ay ogaadaan wadarta ama isu-geynta qiimaha alaabta oo ay ku jidho qiimaha aad ugu raraysid oo aad ku gaadhsiinaysid gatahaaga (shipping cost). 

     Waad waydiin kadhaa qofka kaa gadanaya alaabta in uu is-ticmaalo website-kaan: www.ikobo.com, si uu kuugu soo diro lacagta. Website-kaan ayaa ah site lacagaha caalamigaa lagu kala badasho, waana habka ugu dhakhsiyaha badan ee lacagaha la isugu xawilo. Way jidhaan siyaabo kale sida: Jeegga, pay order, bank draft IWM. 

     Markaad heshid oo ay ku soo gaadho lacagta, ugu dir alaabta cinwaanka iibsade-haaga adigoo E-mail ugu sharxaya dhamman alaabta aad u dirtay. 

Waa sidaas iyo siyaalo lamid ah “Habka Internet-ka Loogu Beec-mushtaro” 

 Hadda waxaad sugtaaba waa adigoo ka war-doona ku ganacsiga Internet-ka. 

W/D: Suldaan Nayruus Xaaji Aadan

         Karachi, Pakistan

E-mailto: suldan25@hotmail.com

         Or:  suldan25@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2005 ###


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD