SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dilka C/Qaadir Yaxye Waa Khasaarre Qaran Iyo Dhaliil ku Habsatay Kooxaha Muqdisho.

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 11-07-2005.
- sharifhassan50@yahoo.com

Ummadda Aduunka ayaa leh Shakhsiyaa Qiimo weyn ugu Fadhiya Mujtamaca iyo Qaranka, Naftoodna u Hibeeyeey u Adeegidda Joogtadda ah ee Daryeelka Danaha Guud iyo Dhanka Wanaag Daarinta iyo Xalinta Khilaafaadka iyo Mushkiladaha Taagan, Kuwaasoo Bulshadda ka Muteeystay Xurmo iyo Qadarin Weyn, Laguna Tilmaami Karro Shakhsi Qarameed.

Haddaba Dalka Somaaliya ayaa waxaa ka Dhacay Falal aad iyo aad u Fool Xun oo lagu Ugaarsanaayo Dadka ku Mashquulsan ka Sahqeynta Danaha dadkooda iyo Dalkoodda oo Weliba Waqtigan Xasaasigga ah Si weyn loogu Baahi Qabo Wax-Qabadkooda iyo Doorka eey Bulshadda u Hayaan, Dilka Aqoon-yahan, Wadani-C/Qaadir Yaxye ayaa ah mid Ayaan Darro weyn leh, iyo Dhaawac Culeeyskiisa leh oo Ummadda Somaaliyeed loo Geeystay, Iyadoo Ummadda Somaaliyeed Wadda Ogyihiin Shakhsiyaadkii Qaaliga ahaa ee Sidda Xaq Daradda ah loo Dilay- Sidda Proff- Ibraahim Abyan.

Aqoonyahan C/Qaadir Yaxye ayaa ka mid ahaa Shakhsiyaadka Faro ku Tiriska ah ee heeyganka u ah Dalkiisa iyo Dadkiisa una Bareeray Dhammaan Dhibaatooyinka iyo Xaaladaha Qalafsan ee Dalka Hooyo ka Jiray, Kana Jirra weli, C/Qaadir iyo Howlwadeenadii La Shaqeeynaayaa ayaa Caqligood, Damiirkooda, iyo Waqtigood ugu Deeqay Dalkooda iyo Sidii Nabadgelyo, Xasilooni Buuxdda, Qaranimo iyo Soo Nooleeynta Hanaan Dowladeed Wacan, Cadaalad leh, Isla Markaana Dalka iyo dadkuba Sumacadoodii iyo Midnimadoodii La Soo Noqon Lahaayeey, C/Qaadir oo Shahiid ah, Xurmadda Qarameed Huwan, Kaalintiisana Sidii ku Wanaagsaneeyd u Soo Gutay, Ayaa ku Waaro Nooqo Xusuusta Dadka Somaaliyeed ee Wadaniyiinta, Qaranimadda iyo Jiritaankood Garanaaya, Qiimaha Iyo Ahamiyadda Howshii Al-Marxuum-C/Qaadir Xaye Sh.Cali Hayey, Geeridu waa Xaq, Laakiin Waxaa Mid Naxdiintiisa leh Falka Waxshinimo, Cadownimo ee Lagu Khaarijiyeey- Aqoon-Yahanka weyn- Al-Shahiid- C/Qadiir Yaxye, Kuwa Falkaas Geeystay ayaa ah Dambiliyaal Qaran, Argagaxiso iyo Burcad aan Damiir laheyn, Dadnimo Laheyn, Caqli iyo Garasho-toona laheyn.

Sidoo Kalle Waxaa Dhaliil Weyn Dusha uga Habsatay Hoggaamiyaasha Kooxaha Hubeeysan ee Magaaladda Caasimadda Fadhiya oo Hogaamiya Maleeshiyaadka Hubka iyo Isbarooyinka ku kala Gooya Magaaladdii Bilicdda iyo Qiimo weyyn Laheyn, Caasimadda Qaranka, Hooyga Aqoonta iyo Ganacsigga Dalka Hooyo, Waaxaa Dhaliil iyo Dhaleeceen ah in Hogaamiyaasha Muqdisho eey Maqna Wax ka Qaban Karri Waayeey Soo Qabashadda kuwa Falalka Foosha Xun, Falal Dambiyeedka Muqdisho ka Geeysta, Waana Sumcad Xumo iyo Fadeexad Weyn oo So Loo Deristay Dhammaan Xubnaha Labadda Golle ee Muqdisho Fadhiya, Maxkamadaha Islaamigga ah, Culaamu,diinka Magac leh, Ururadda Bulshadda Raiyadka, Ganacsatadda Awooda Dhaqaalle iyo Hubeedba ku Gaashaaman iyo Dadweynaha Xumaanta Dugsanaaya ee Caasimadda ku Nool, Waa in Sidda ku Haboon Loo Cambaareeyaa Falkaas iyo Wixii La Mid ahba, waana Banaan Baxyo Lagu Xusuusanaayo, Lagu Xurmeeynaayo- C/Qaadir Yaxye oo Hab Nabdeed ah, Hogaamiyaal Waa la Idinka Sugaayaa Soo Qabashadda Gacan ku Dhiig- Layaasha Mujaahidkla Qaran Dilay.

Anigoo ah Muwaadiin- Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab), kana Mid ah Dadka Somaaliyeed ee Shebekadaha Internetka ku Soo Bandhiga Aragtidda iyo Dareenka Wacan oo Lagu Wacy-gelin karro Ummadda Somaaliyeed, Dalkeeyga iyo Dadkeeyga Somaaliyeed Jaceyl iyo Xurmo Weyn u Haya, Wanaaga iyo Horumarka iyo Midnimadda Dhabta ah La Donaaya, Qaranimo iyo Hanshadda Dowlad Wacan, Cadaalad Leh, Sinaan leh,Daryeelka Bulshadda iyo Garsoor Xaqaani ah leh, Maqaamkii iyo Sumacaddii Dalkeena Rajeeynaaya, Nabad iyo Baqwaaqo ku Noolaansho la Jaceyl, Anigoo si Weyn u Tiiranyeeysay Waxaan Halkan Tacsi Uga Gudbinaayaa Qoyskii, Eheladdii, Macaariiftii iyo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed Dilka Xaq Daradda ah ee Loo Geeystay-Al-Shahiid-Aqoonyahan, C/Qaadir Yaxye Sheekh Cali Cibaar Gudoomiyihii Heey,adda CRD oo Xalay Saqdii Dhexe Gacan ku Dhiiglayaal ku Dileen Gurigiisii Magaaladda Muqdisho, Waxaan Shahiidka Alle uga Rajeeyeey in uu Janadda ka Waraabiyo, Qoyskii, Eheladdii, Macaariiftii iyo guud ahaanba Ummadda Somaaliyeedna Samir iyo Imaan ka Siiyo, Aamiin, Aamiin, Aamiin.

-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield- England- 11-07-2005.
- sharifhassan50@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD