SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Muqdishaa nabadana hayga hadho

Ilaahbaa mahad leh nabigeenii suubanaana NNKH, tan iyo wixii ka danbeeyay 26/1/1991 maalintaas oo ahayd maalintuu uu Jaale Maxamed Siyaad Barre kabaxay magaalada muqdisho waxaa shacabka soomaliyeed u oomanaayeen dawlad soo celisa nidaamkii iyo kala danbayntii silooga baxo isbarbaryaacii dhibaatada badnaa.Waxaa lasoo yagleelay dhawr dawladood oo dhamaantood lagu soo dhisay wadanka dibadiisa waxaa u horaysay dawladii Cali Mahdi ee lagu dhisay jabuuti waxaa ku xigtay sida aan u malaynayo dawladii Gen:Caydiid waxaa iyana ku sii xigtay dawladii Dr. C/qaasim Salaad Xasan, dhamaan dawladahaasi waxaa saldhig u ahayd magaalada muqdisho oo xiligaa aanay ka jirin nidaam iyo kala danbayni, dhamaan dawladahaasi waxay ku dhamaadeen fashil iyagoo xitaa aan soo dhaafin iskaa meel kale qaybo kamida magaalada muqdisho.

Dhamaan dawladahaas waxaa fashiliyay H/kooxeedyo aan u danaynayn shacabkooda kana jecel miirashada dhiiga dadka iyo sida isbaarada loo dhigto dadkana looga qaado baada/leejada. October 2002 ayay gogol fidisay dawlada kenya taas lagu martiqaaday dhamaan wixii hub sita amaba sheegta H/kooxeed intaasi kadib waxaa lasexeexay xabad joojintii Eldoret, shirkaasi wuxuu soo maray wejiyo badan taas oom ugu danbayntii lagu samaayey Gole baarlamaan oo ka kooban 275 xubnood tiradaas oo ahayd tiradii ugu badnayd ee barlamaan oo wadan afrikada bari ihi yeesho, waxaa ku sii xigtay oo ladoortay madaxweyne oo loo doortay Col: C/laahi Yuusuf Axmed oo xiligaas ahaa madaxweynihii DGPL isagoo helay codad laba jeer iyo badh kabadn intii uu helay musharaxii la tar tamayay ee Ambassador: C/laahi Axmed Cadow oo si geesinimo leh u hadlay markii laga guulaystay doorashada dhiiri galiyayna marlii laga adkaaday taas oo aynu odhan karno waa muwaadin nadiifa. Intaasi kadib waxaa madaxweynuhu  doortay R/wasaare waxaana loo magacaabay Prof: Cali Maxamed Geedi isla inyar kadib wuxuu soo dhisay golihiisii wasiirada waana la ogaa in barlamaanku cod aqlabiyada ku riday isla mar kale ayuu madaxweynuhu soo doortay R/wasaaraha isla markaana ay ansixiyeen baarlamaanku.

Intaasi kadib waxay dawladu fadhiid ku ahayd kenya waxa 17/32005 lasoo hor dhigay golaha baarlamaanka mooshin, mooshinkaas oo ahaa in laga doodo ciidamada la keenayo Somalia wax ay noqonayaan waxaana baarlamaanku gacan isula tegay labo labo kadib markii la ansixiyay inaan ciidamo safka horaa la keenin dalka walow la sheegayay inaanay si cadaalada wax u dhicin hadana waxay noqotay maalin madow oo usoo hooyatay shacabka soomaaliyeed maadaama oo dadkii ay wax ku aaminteen ay iyagoo wadan qalaad jooga gacan isula tageen. Wixii ka danbeeyay xiligaa waxay dawladu u kala jabtay labo qaybood , qayb uu hor muud yahay madaxweyne C/laahi iyo qayb uu gadhwadeen u yahay Sh. Xasan walow la odhan karo xaga dawlada waxaa u badan xubnaha raacasan madaxweynaha.

H/kooxeedyada Muqdisho waxay is tuseen inay muqdisho nabadeeyaan si dawaldu ay qasab fadhiisin uga dhigato islamarkaasna ay ku fushadaan danohooda siyaasadeed sidii ku dhacday dawladihii hore. Waxaan filayaa in lasiiyay mudo sadex bilooda laakiin aanay wax natiijaa ama horu mara aanay ka gaadhin ileen awalba waxay ka ahayd Qaran diidnimee walow la odhan karo waa la helaga dhex heli karaa xubno daacada.

Shariifku wuxuu mar walba taageero lagarab taagnaa xubnaha muqdisho tagay halaka ay madaxweyne Yey iyo Prof: Geedi walaac ka muujiyeen nabadayntooda iyagoo ku tilmaamay inaanay dhab ka ahayn ee ay katahay ina dibin daabyeeyaan Dawlada maadaama aanay raali ka ahayn in marnaba la helo qaran soomaliyeed taas oo ah mid ay kaqabaan xasaasiyad.

Waxay xereeyeen ciidamo marka la eego qiyaastooda aan 30% ahayn maleeshiyaadka ku sugan Muqdisho kaaga sii darane xitaa layskuma dhafin maleeshiyaadkii ,H/kooxeed walba ciidankiisii buu geed hoostii geystay ileen waa dad aan iska aamin qabine oo awalba ku heshiiyay inay dawlada hilfaha u laabaane. Waxaa ku xigtay ololihii isbaaro qaadida oo aynu oganahy marka mid laqaadaba in mid kale la dhigo iyadoo weliba Hogaamiyayaasha aan qaar raali ka ahayn in la qaado isabaarad maadaama uu ku tiirsanyahay dhaqaalohoodu waxaa  hada lasoo dhigay in kabadn 20 isbaaro inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho marka laysku soo wada duubo waxaa muqdisho weli yaala inkabadan 40 isbaaro iyadoo dadku ay maanta ka dharagsanyihiin in isabaarada Xamar lagu qaadi karo hab maamul iyo mid qaran ee aan lagu qaadi karin hab qabiil iyo wax u dhow toona.

Markii loo maara waayay isbaaradii Xamar waxaa qaar kamida H/kooxeedyadu ku hanjabeen in ay weerari doonaan Jowhar hadii uu madaxweynuhu khasab ku iman waayo Muqdisho martina ku ahaan waayo hotel kamida hotelada ay geeyaan dadka martida u ah sida Sifr iyo Sharifka. Sida la sheegay hada waxaa talo ku cadahay shariifka oo balan walba oo ay H/kooxeedyadu ka qaadeen oofin waayay wuxuuna hada shariifku qaadayaa Jarbaan ka lushaa khatara Talaa iga Jaah wareersan, xagu gabi xagu gabi waxaanse shariifka odhan lahaa tiisaa daryeelaa tu kalena ku daree Muqdisho lagaama soo dooran ee waxaa laga soo doortay Baydhabo Janaay waynuna ognahay colaadaha maanta ku gedaaman ee katali taa.

Ma suurtagalbaa mise dhici doontaa in Hogaamiye-kooxeedyada Xamar ay Isbaarada qaadaan: W/D: Ing. Nabadoon

Xamar inta isbaaro dhex taal waxay noqdeen afartan iyo seddex (43 isbaaro) oo gaadiidka iyo dadkaba lacag..Guji


MUQDISHO CAASIMAD MA U QALANTAA
fahad yaasiinMuqidisho waa halkii aan ku barbaaray ee aan wali jeclahay Laakiin!... Guji..
Feb 7, 2003

Ugu danbayntii xubnaha Muqdisho mid baan leeyahay Madaxweynaha iyo xubnihiisana mid baan leeyahay umada soomaliyeedna midbaan leeyahay, Xubanaha muqdisho midbaan leeyohoo waxaan leeyahay balan walba oo aad qaadaan oofin wayde isbaardii qaadi wayde Muqdisho nabadayn wayde dawladiina diide shacabkiina dhinucuu idiin raaco yuu garan la,yahay ee hubka iska dhiga isbaarooyinkana iska qaada inta aan awood qaran laydinkaga qaadin madaxweynihiina iyo R/wasaarihiinana adeeca shacbkiina khiyaamada kadaaya. Madaxweynaha midbaan leeyahay waxaan leeyahay madaxweyne qaran baa ku doortay ee yeelo dulqaad badan kuna shaqee rabitaanka shacbkaaga iyo dadkii aad masuuliyada u qaaday.

Shacbka soomaliyeed waxaan leeyahay waxaan u malaynayaa ilaahay soomaaliya uma qorin dawlad la,aan ee suga xiligaa aad ku ciil bixi lahaydeen gacantiina iyo xiligii Qoriga latuuri lahaa ee Qalinku shaqayn lahaa kalana garta Qaran diidka iyo Qaran doonka.

Alaa mahad leh

Mahdi taako
mahditaako@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2005


C/Qaadir Yaxya Cali oo Lagu Diley Muqdisho
Niman hubaysan ayaa xalay waxay toogasho ku dileen C/Qaadir Yaxya oo ahaa... Guji... July 11

Baaq kasoo Baxay Xarrunta Suldaan Hurre
Guluf Colaadeed Laguma Khayro.. Guji... July 11

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD