SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cali Geediyow caalamka lama socotid

Waayadii hore qolo la yiraahdo SHASNA ayaa qaabilsanayd borobogaanka Yuusuf Garaad iyo BBC-da, hadase waxaa ku soo biiray nin la yiraahdo Cali Geedi oo sheeganaya aqoonyahan balse murankiisa aad moodo nin aan wax u bilownayn, wuxuu ku dooday in Yuusuf Garaad uusan soo baran Journalism, wuxuusan la socon in Richard Quist, Jonathan Mann iyo Jim Clancy oo ah weriyeyaasha loogu jecel yahay CNNta inay soo barteen sharciga iyo dhaqaalaha, wuxuusan la socon in weriyeyaasha CNN wax specifically soo bartay Journalism inay ka jirto Christiana Amanpour, wuxuusan la socon in Raage C/laahi Oomaar uu soo bartay Modern History ee uusan soo baran Journalism maantana ka mid yahay weriyeyaasha loogu ixtiraamka badan yahay dunida.

Qof Soomaali ah oo Journalism ku diyaariyey wadamada galbeedka inta la xusuusan yahay waxaa ka jira Cabdirisaaq Yuusuf Cismaan oo Master’s degree Saxaafada ah ku diyaariyey University of London, markuu Yuusuf Garaad ku wareego Laamaha Africanka waa ninka la filaayo inuu noqdo Madaxa Laanta afka Soomaaliga, badankood weriyeyaasha maanta aanu ka maqalno raadiyaasha iyo telefishinada caalamka waxay ka soo wada bexeen field aan saxaafad ahayn, hase yeeshee doodda Cali Geedi ayaa iska noqotay saad rabto u hadal oo saad rabto u gacantogaalee meeshaad doonto.

Taariikh Nololeedka Mudane Yuusuf Garaad
"....rag badan oo (qoraaga) Ali Geedi u yaqaano maanta inay yihiin weriyeyaal faraha looga gubtay, laakiin sida runta ah ragaasi waa kuwii dugsiyada sare soo dhameeyey sida Cowke ee lagu qaatay codkooda ee aan lagu qaadan aqoontooda, dadka kale ee laanta laga maqlo sida Saciid Cali Muuse, Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, C/laahi Xaaji, Aadan Dhuux Dhuule iyo kuwa kale dhammaantood rag baan ka bixin dugsi sare iskaba daa jaamicade..... (halka) Yuusuf Garaad wuxuu hada ku dhex jiraa diyaarinta shahaado kale...." Abshir Axmed

Cali Geediyow sow lama socotid in Imaamkeenii weynaa Imaamu Shaafici uu yiri weligey lama doodin qof aqoonyahan ah, hadaan la doodo anigaa ka guuleysta, weligey lama doodin qof jaahil ah, hadaan la doodo isagaa iga guuleysta, waxaa arintaan oo kale muujinaya sida aad guusha Yuusuf ugu diidan tahay, adna isugu diidan tahay, hadaba ogow Ilaahay baa u hiiliya qofka la dulmo, Yuusufna waa nin si joogto loo dulmiyee, waase nin dulqaad badan, waayo wuxuu shaqada ka ceyrin lahaa waagii Saciid Cali Muuse ka yiri BBCda dhexdeeda mar dambe dhihi maayo C/qaasim Madaxweyne ee lagu yiri war Soomaali ayaa dooratay ee maxaad ku diidaysaa ee uu ku jawaabay madaxweynaha kooxda Cartaan leeyahay, hadaba kugulama yaabani iyadoo doodu taagan tahay Yuusuf Garaad inaad ku soo dhex darto DR C/qaasim iyo Sheekh Yuusuf Indhacade, cabsida iyo welwelka geedo qodax leh iyo dhul xanaf ah ayay kugu jiidaan.

BBCda cambaareynta faraha badan ee maanta loo jeedinayo waxaa keenay xoriyada internetka oo qof kasta awood u leeyahay in wixii uu ku riyoodo uu iska soo qoro, waagii Maxamed C/laahi laanta joogay internet lama isticmaali jirin, meel hadal lagu gaarsiiyana Fax baa ka jiray, waxay hada noqotay jaantaa rogan qof kasta wuxuu rabo isaga hadlo internetka, qofka Soomaaliga ah ee maanta joogaa dhibaatada dalka ka jirta iyo qabyaalad oo isku biirsaday awgeed ma qarsan karo colaada uu qabo iyo reerka uu yahay, tii baana Caliyow kaa soo unkamaysa, Soomaaliduna dhibaatada waxay uga bixi weyday xanta, caayda, dilka, dhaca iyo boobka walaalka Muslimka ah, Ilaahayna qoom kasta wuxuu ka ajar siiyaa wixii ay gacmahooda ku fasheen, Yuusuf waxaan Eebe u weydiinaynaa inuu qiyaamaha ka ajarsiiyo dulmiga ay ku hayaan kuwa ku necbeysanaya aqoontiisa, dadaalkiisa iyo dadnimadiisa, waxaan ku soo xiri lahaa gabay uu ii soo diray arday Soomaaliyeed oo la yiraahdo Cilmi Yuusuf oo Yuusuf Garaad ku socda.

  • Yuusuf waa garaadoo
  • Geesi weeye dhaartaye
  • Gebi waan ogsoonahay
  • Gardarradu ma fiicnee
  • Kii Gubanayoow maqal
  • Risiq waa maguuree
  • Guullaa bartaas dhigay
  • Adna goyni mayside
  • Waxba ha u dardaargalin
  • Ha la guuxin qolo iyo
  • Qabiil la iska gees maray
  • Waxba yuuna godad iyo
  • Iilka gooni kuu dhigin

 Abshir Axmed
abshir111@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD