SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Baahida Afrika: Deeqda reer galbeedka mise ganacsi xor ah?

Hordhac:

Sanad walba waxaa wadamada afrika intooda badan la siiyaa lacago kaalmo ah oo aad iyo aad u tiro badan. Lacagtaasi waxaa ay ka timaadaa wadamada wershedaha leh oo ay ugu horeeyaan wadamada reer galbeedka. Wadamada Afrika qaarkood waxaaba ay ku nool yihiin deeqdaas lacageed ee loo soo diro sanad walba, maadaama aaney ku fleyn waxyaalaha ay iyagu soo saarsadaan.Haddaba dood badan ayaa waxaa ay ka jirtaa gudaha wadamada deeqda bixiya iyo kuwa qaataba. Taas oo ku saabsan faaìidada ay keeni karto deeqdaasi. Sidaas darteed waxaa aan qormadan kaga faaloon doonaa umuurahaas ku saabsan deeqda la siiyo wadamada afrikaanka ah. Arimaha aan si gaar ah u taaban doono waxaa ka mid ah: Waa maxay sababta ay kaalmadu u keeni La`dahay horumar dhaqaale? Yey faaìido u tahay kaalmadaasi? Afrikase waxa ay u baahan tahay ma kaalma dhaqaale baa mise waa ganacsi xor oo cadaaladi ku dhisan tahay?


Yaa ka faaìideysta deeqda reer galbeedku bixyaan?

Baaritaano la sameeyey oo badani waxaa ay soo saareen in deeqda ama kaalmada afrika loo diraa aaney gaarin halkii loogu talo galay. Deeqdaasi waxaa ay ku baaba`daa meel u dhexaysa wadamadii bixiyey iyo dadkii loogu talo galay iney ka faaìideystaan. Inta badana kaalmadaasi ma soo dhaafto gacanta dowlada wadankaas maamusha.  Taasi wax lala yaabo ma aha maxaa yeelay si ay deeqdaasi u gaarto halkii loogu talo galay waa in la helaa hay àad madax banaan, sida  kuwa cadaalada, bangiyada, waxbarashada iyo kuwo kale oo badan. Hadaba maadaama aaney afrika inteeda badan aaney ka jirin hay àad noocaan ah oo madax banaan, waxaa ay kaalmadu si toos ah ugu dhacdaa gacanta dowlada. Dowladuna ay markaasi u adeegsato hadba sida iyadu ay doonto.

Horumarka dhaqaale ee wadan waxaa aasaas  u ah, fikradaha ganacsi iyo horumarineed ee ka yimaada dadka u dhashay  wadankaas. Tusaale ahaan dadka leh shirkadaha yar yar ee ganacsi, kuwa wax barashada, kuwa sameeya ururada aan dowliga aheyn iwm. Haddii xoogagaasi ay si dabiici ah isaga maqan yihiin ama la caburiyo sida ay sameeyaan wadamo badan oo afrikaan ahi, wax horumar ah oo la taaban karo wadanku ma gaarayo. Hay àadka ku wajahan horumarka beeraha, caafimaadka, waxbarshada, iskaashatada waa kuwa ku haboon in la gacan qabto xag dhaqaale iyo taloba. Kol haddii ay hay àadkani horumar sameeyaan waxaa ay dhaqdhaqaaq ku abuurayaan dhaqaalaha guud ee wadanka. Maxaa yeelay dad badan ayaa shaqo ka helaya, kuwaas oo alaabo cusub iibsan doona. W axaa kaloo dhaceysa iney dadkii la shaqaleeyey ay cashuur bixiyaan. Cashuurtaas oo iyana hadii si wacan loo maamulo wax ka qaban karta arimaha waxbarashada , caafimaad iwm.

Kolkii arinka dhinac kale laga eego afrika ma aha qaarad faqri ah oo mar walba kaalmo u baahan. Waxaa la wada ogsoon yahay in afrika uu ilaahay ku mineystay kheyraadka dabiiciga ah ee dunida ugu badan. Sida kooberka, Zink iyo macdanaad kala duwan. Balse waa qaarad ay ku habsatey dhibaatooyin laga dhaxlay maamul xubo iyo musuqmaasuq baahay. Waxaa kaloo iyana aan meesha ka maqnayn munaafaqnimada ay sameeyaan wadamada deeqda bixiyaa. Maxaa yeelay wey ogyihiin in kaalmada ay bixiyaan aaney gaarin halkii loogu talo galay. Aad bey ula socdaan in aaney keeneynin wax horumar dhaqaale ah. Aad bey u ogyihiin in kaalmadaasi ay gacanta u gasho dad aad u tiro yar. Hadana waxaa ay sii wadaan iney malyuumaad dollar ay sanad walba afrika siiyaan. Haddaba si afrika ay horumar dhaqaale u sameyso ugana maaranto kaalmooyinkaas waxaa loo baahan yahay laba arimood. Tan hore waxaa laga doonayaa iney dadka reer afrika ku dhaqaaqaan tan kalena waxaa laga doonayaa wadamada deeqda bixiya.

Arinka afrika laga doonayo

Dowladaha afrika iyaga oo kaashanaayo aqoon yahanadooda waa iney wax ka bedelaan qaabka dhaqaalaha afrikaanku ku dhisan yahay. Dhaqaalaha afrika waxaa uu salka ku hayaa ka ganacsiga alaabta qeeriin ( Raw Materials). Qiimaha alaabta qeeriina waayadan dame waxaa ay ahayd mid mar walba hoos u dhaceysey, kolka laga reebo saliida. Taas waxaa ka soo horjeeda dhaqaalaha reer galbeedka oo ku dhisan waxyaalo kala duwan haba u badnaadeene waxyaalaha wershedaha kasoo baxo.
Ka gancsiga alaabta qeeriin dhibaatoyin fara badan ayuu leeyahay, waxaana ka mid ah:

-   Low income eslasticity: Taas oo macneheedu yahay, kolkii shicibka dhaqaalahoodu fiicnaado waxaa ay kordhinayaan gadashada alaabta kale sida baabuurta, komputerada iwm, balse lagama yaabo iney kordhiyaan gadashada kaffega, mooska  iyo waxyaalaha kale ee afrika laga soo saaro. Sidaas darteed si kasta oo dhaqaalaha dadyowga aduunku u kordho ma keeneyso in alaabta qeeriin ee afrika la in badan laga iibsado

- Iyadoo aan la bed-bedli karin alaabta qeerin. Kafeegu mar walba waa uun kafeegii. Wax isbedel weyna laguma sameyn karo. Halka wershedaha baabuurta iyo computeradu ay mar walba wax ka bedeli karaan alaabtooda si ay macaamiil cusub u helaan.

- Iyadoo maanta la gaarey heer lagaba maarmi karo alaabta qeeriin ee afrika intooda badan. Wadamada horey u maray waxaa ay ku guuleysteen in la helo wax badela alaabtaas qeeriin. Sidaas darteed kol aan fogeyn waxaaba dhaceysa in laga maarmo gaebi ahaanba.

-Alaabaha wersheduhu badankoodu waxaa ay keenaan waxa loo yaqaan “Spin-offs” taas oo ah in kolkii ay shirkadi shey sameyneyso ay shirkad kale ka faaìido. Tusaale ahaan kolkii gaari la sameynayo waa in lagu dhejiyaa raadiye iyo sameecado iwm. Raadiyaha waxaa takhasus u leh shirkad kale oo laga dalbayaa, shirkadaas oo iyana dad howl gelineysa si raadiyihii loo diyaariyo. Taasoo dar dar gelineysa xawligii dhaqaalaha. Alaabta qeeriinse  ma laha astaanta noocaas ah. Moosku waa uun mooskii  wax kasta oo la sameeyo.

Hadadaba si looga baxo, ku xiraanshaha ka ganacsiga alaabta qeeriin waa in dowladaha iyo aqoonyahanda afrikaanku u weeciyaan dhaqaalaha dhinaca wershedaha yar-yar. Weli afrika awood uma laha iney soo saarto waxyaalaha reer galbeedku soo saaraan, balse waa lagama maarmaan in kolka hore lagu bilaabo, warshedaha iyo ganacsiga yar-yar.

       Arinka deeq bixiyayaasha laga rabo

Waxaan qaybtaan  ku bilaabayaa oraahdii uu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ku yiri madaxweynaha mareykanka Goerge W Bush sanadkii 2003-da kol ay wada kulmeen.
Museveni waxaa uu yiri” Anigu ma doonaayo kaalmo, balse waxaan doonayaa ineynu ganacsi isla sameeyno. Maxaa yeelay kaalmo bulsho ma bedeli karto” Ereyadii oo ingiriis ahna waa sidan:
“I don't want aid; I want trade. Aid cannot transform society."


Haddaba wadamada horey u maray hadii ay afrika caawinayaan waa iney ka caawinaan xagga  ganacsiga. Waana iney bilaabaan iney ka dhabeeyaan waxa ay ugu yeeraan gamacsiga xorta ah. Maanta ma jiro wax la yiraahdo ganacsi xor ah kolkii wax laga iibsanaayo wadamada afrika balse waa mid ay ku xiran yihiin shuruudo aad iyo aad u badan. Tusaale ahaan waxyaalaha ay ku fiican yihiin wadamada afrikaanka ah oo ay ugu horeeyaan waxyaalaha beeraha ka soo baxa, waxaa aad ugu adag beeraleyda afrikaanka ah iney si  xor ah ugu iibgeeyaan dunida. Wadamada yurub iyo mareykankuba waxaa ay u ogolaadeen wadamada afrika in cadad yar oo dalag beereed ah ay sanad walba keenan suuqyada aduunka. Sidaas waxaa ay u sameynayaan iney difaacaan beeraleydooda oo aan run ahaantii la tartami Karin kuwa afrikaanka iyo guud ahaan wadamada soo koraayo.

Haddii xayiraadaas ay qaadaan isla markaasna ay wadamada afrika ka kaalmeeyaan dhinaca wershedaha iyo waxbarashada waxaan qabaa in wax iska bedeli lahaayeen dhaqaalaha afrika.
Uuna noqon lahaa mid la tartami kara meelo badan oo aduunka ah.

Guntii iyo gabagabadii haddii kaalmada afrika la siiyaa ay sidaan ahaato, oo aan qaabkeeda wax laga bedelin waxba u kordhin meyso dadka afrika ku dhaqan ee tabaaleysan. Waxayse kaalmadu ku tegeysaa, qoladii kolkii horeba masuulka ka ahayd in dhaqaaluhu sidaan u xumaadao, kuwaas oo ah xukuumadaha ka taliya wadamada afrika intooda badan.

Mahadsanidin

C/risaq Maxamed Xuseen
University of Gävle- Sweden

habdirisak@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD