SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maanso inan’ madow

Maansada inan’ madow waxaa tiriyay cabdicasis cisman waxayna soo baxday 28 june 2005 maansadu waxay ku saabsan tahay dhibaatooyinka tirada badan ee ka dhacay dalkeena tan iyo mudadii dagaalka sokeeye ka bilaamay iyo ilaa hada oo uu weli socdo taas oo uu ka danbeeyo aqoon gaab iyo ninka aan u bixiyay ma anface haddii aan wax yar sharaxaad ka bixiyo ma anface waa dilaa ugaadhsada aqoon yahanka iyo wax garadka bulshada inta ugu sidata hadana waa nin aan buuxin karin kaalintoodii iyo booskii ay bulshada kaga jireen waa cadow nagu dhex jira oo aan weli laga tashan sidii laysaga qaban lahaa ama xal loogu heli lahaa

  • Ruux aragti liitiyo haddii aan aqoon gaab
  • aaminin qabiil ubad lama xasuuqeen
  • uur labo bilooddana ilmo lagama dooxeen
  • hooyana ma oydeen ilmo kama timaadeen
  • ruux islaam ah oo go.ay aas looma diideen
  • Eydiyo waraabuhu hadba nama agjiideen
  • Ma iftiimo beledkii siduu beri ahaan jiray
  • iin baa kuwada taal lama furo albaabbada
  • istareydku nuur maleh ood baa kuwada go.an
  • ma udgoonna geesuhu aas baa ka wada qodan
     
  • mayd baa ag yaalyaal erayaa kuwada qoran
  • waa wada aqoon yahay sixun loo ugaadhsaday
  • abris iyo mas baa jira eegganaaya baaqiga
  • Ruux aragti liitiyo haddii aan aqoon gaab aaminin
  • qabiil baas waxan ibtilado ah marna nama asiibeen
  • Afka weli hanjabayow taariikhda dub u eeg
  • akhri labada geesood isha mari wixii dhacay
  • soo arag taswiiraha aan la eeggi karin qaar
  • Ehel dhimay qariibkii beri loo arxami jiray
  • adhi noqoy dadkeenii ku idlaaday xeebaha
     
  • ooriyo ragoodii weli eeggayaa badan
  • ubad laga dhintaa jira aan cidi iskuul geyn
  • kuwo ooyayaa badan aan cidi anfaco siin
  • Isim iyo garaaddada amarkoodii socon waa
  • waataa ugaaskii inqilaabka lagu riday
  • waayeelkii oroddaa naga dhimay akhyaarkii
  • arin noqoy dagaalama ma anface dadkii ma dhi
  • goortuu indhaha tiray waa kaa afsaaraha
  • ooddaha ku kala xidhay ee yidhi car soo eeg
  • Iska arag afkaaraha iibsigu ku hoos jiro
     
  • ka ilbaxa isbaarada ha aqbalin adoonsiga
  • kaa dhigay aqoob gaab soo dilay adeerkii
  • U adimay sidii shiikh laymood afmiishaar
  • isaguna ujeedo leh u adeegga qolo kale
  • waa inan madow tani ag agaarka baarliin
  • isticmaarka waagii afrikada la qaybsaday
  • anna laygu iibsaday dabeed lays adoonsaday
  • kuwa noo arimiye shirka noo abaabullay
  • kulay tahay itoobiya waa wada asaaggeen
  • arligeenan baa ba.ay maalin lala aqoonsaday
     
  • waa labo is aaminay waa ul diirkeed
  • isticmaalay xeeldheer laynagu ilduufsado
  • waa aqal ninkii gubay oday looga dhigayaa
  • waa aragti kaa wayn oo qodan in kaadheer
  • Nin amxaaro aaminay ma ilowsan yahay tii
  • shalay iimay lagu dhigay ma wax baanu nala arag
  • ma afkaanu weli qorin ma inloodhe dam ah baa
  • waa dhaqan aqoon daran aad looga sii naxo
  • waa adhi waraabuhu hadba neef eryanayaa
     
  • uus kiisa cunayaa inta kalana eegtaa
  • iska arag afkaaraha iibsigu ku hoos jiro
  • ka ilbaxa isbaarada ha aqbalin addoonsiga
  • kaa dhigay aqoon gaab soo dila adeerkii

abdiaziz osman
abdicasis@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD