SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GUDDOOMIYAHA MATOORKA SAARAN WAA MAXAAY?

Soomaaliya, leyskuma haysto qabiil, dhaqaale, diin iyo siyaasad; laakin waxuu tartan siyaasadeed, oo aan qaab lahayn ka dhaxeeyaa shaqsiyaad isku reer ah ama isku jufo ah, 14-sanno dalka ka degi la'yahay. Shaqsiyaadyaka, mid kasta wuxuu rabaa kan ku reerka ah, in uu siyaasiyan ka taqaluso; kadibna ku amarkutaagleeyo awooda reerka, qabiilna badeeco ka dhigto; reeraha kale ku la midka ah kula gor-gortamo. Marka, waa nasiibdarro raggii ayaa leyskugu keenay Golihi Baarlamaanka, kuna wada jira Golihi Wasiirada; oo ay ummadda Soomaaliyeed iyo dalka ka sugayaan in ay dhibaatada ka saaraan. Waxa kaliya, oo aay ka mideysan yihin, waa in ay u dacwoodaan mushaar ayna ka shaqeysan ama kharash ay galeen laga baxsho, in la dejiyo hoteel fiican oo seddexda waqti cunno laga heli karo, ayagoo Xamar iyo Nayroobi ukala safraaya iyo ayagoo Safaaradaha ajnabiga iyo Hay'adaha Caalamka waraaqo u diraayo, ay ku dacweeynaayaan in aan dowladda lacag la siin ay ku hawl gasho. Xilkii ay dalka iyo daka u hayeen, xageebuu ku dambeeyay?

Haddaba, wax lala yaabo ma ahin, maxaa yeelay; Guddoomiyihi Baarlamaanka KMG-ah, ayaan weli shaqadii loo dhaaray dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed u qaban; oo aan soo dhisin Guddiyadi Baarlamaanka looga baahnaa, waqti hore si ay Dowladda ula xisaabtamaan. Waa, maxaay sababta Guddoomiyaha la dhisi la'yahay Guddiyada Baarlamaanka? Haddaba, sababta Guddoomiyaha usoo dhisin Guddiyadi Baarlamaanka waa sidan:

  1. wuxuu diidaa, in Xildhibaanada aan ka mid noqon Guddiyada Baarlamaanka ka tegaan; ka dibna ku biiraan taagyeerayaasha Dowladda;
  2. wuxuu diidaa, in Xildhibaanada mucaaradka ka dhigay, in ayna tiradooda waxba iska bedelin;
  3. wuxuu diidaa, in qilaafka iyo kala qeybsanaanta Dowladda ayna dhammaan, halkaana fursad ka helo, kuna shaqeysto magaca Golaha Baarlamaanka; awooda ka duwan tan ugu qoran Axdiga Qaranka KMG-ah, oo ah in uu guddoomiyo shirarka Golaha Baarlamaanka; iyo
  4. in uu noqdo madax Hawiye; mar haddii ay hubaal tahay Hawiye in uu ku heshiineynin madaxnimo; oo hadda muuqata.

Guddomiyaha, falalka xun, oo uu wax ku fashilinaayo dowladda si uu ugu dad badsado; waxaa ka mid ah:

  1. in asagoo, ka warqaba in Xubintii Baarlamaan uu ka geeriyooday Gen. Maxamed Xaashi Gaani, u taagan yahay wiilkiisi loona dhaariyay; ayuu ruux kale Xamar ku dhaariyay;
  2. in Xubin uu ka geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Beesha Shanaad; in uu dhaariyay Gen. Morgan; oo aan shaqo ku lahayn;
  3. in Xubin ay isku haysato Carab-Soomaali;oo uu firaaqeeyay Gen.; ayadoon meel leysla dhigin, ayuu Xamar dadki isku haystay mid ka mid ah u dhaariyay.

Marka, Waxaas oo nidaamdarro ah, wuxuu Guddoomiyaha u sameynayaa; in ayna waxba kala socon iyo in uu abuuro khilaaf lagu sii kala fogaado, dowladana loo bur-buriyo, inta ka horeysana ku qaraabto, magaca Hawiyaha Xamar iyo Golaha Baarlamaanka, safaro dawarsi ah dibedda ku aado, wixii dakhli ahna jeebka ku rito oo ayna cid kula xisaabtamin. Haddaba, Guddoomiya iyo Hawiyaha ku adeegto; waxaan idin leeyahay dadkiina dhinac ka raaca; waxaad u socotaan waa Ra'iisul Wasaaraha in la rido, ma ahin Madaxweynaha oo idinka ayaa doortay. Waa in aad is daba qabataan, isna saxdaan; oo aad fahamtaan xilka aad Qaranka u haysaan oo weli sadbuursi ah.

Ugu dambeynta, waad la socotaan in leyskugu geeyay dalka Yemen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha si loo dhammeeyo; wixii khilaaf ah iyo is afgarasho la'aan ah dowladana shaqada laga sugaayo u qabato. Haddaba, Guddoomiyah, wuxuu soo hordhigay Maddaxweynaha shan qodob oo sharuud ah. Waxaana ka mid ah:

  1. in Ciidamada Safka Hore aan dalka la keenin;
  2. in Madaxweynaha Sharciga ku qoran Axdiga Qaranka KMG-ah dhowro;
  3. in Baarlamaankii la xiray, uu qalad ahaa;
  4. in Dowladda ay ka noqoto, dadki ay jagooyinka u kala magacaawday; iyo
  5. in Dowladda degto Caasimada dalka ee Muqdisho.

Haddaba, intaa waxaa u dheera Guddoomiyaha, laba qodob oo gaar ugu qornaa; oo ah:

  1. in SRRC ay qaadatay Madaxweyne; marka qolooyinka Hawiye ee Xamar la siiyo Ra'iisul Wasaare lagana dhigo Maxamed Qanyare Afrax; iyo
  2. in qolooyinka Hawiye ee Xamar la siiyo "VETO POWER"; ka sareeysa awooda Xubnaha kale ee Golaha Baarlamaanka, wixii ay diidaana ayna Dowladda ku dhaqaaqin.

Haddaba, Madaxweynaha wuxuu yiri, " waxaan isku haysano, waa labo qodob oo ah, in Ciidamada Safka hore dalka la keeno iyo in Dowladda Xamar degto". Aniga, keyga waa ka tanaasulaa ee adigu kaaga ka tanaasul. Markii hore, Guddoomiyaha wuu oggolaaday, laakiin kaddib ayuu is bedelay, markii ay Dowladda Yemen soo diyaarisay qoraalkii la kala saxiixan lahaa.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow (Black)
drabdi2000@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 18,  2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD