SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xaalada Muqdisho ee Maanta

Eng: Mohamed Bashi Abdulaahi.
E-mail: mbaashimbc@hotmail.com


Magaalada Muqdisho oo ah meesha kaliya oo Soomaaliya oo idil u hanqaltageyso in ay ku soo noqoto nabad ayaan hadana dadka ku nool ama sheeganaayo madaxda marna dooneynin in caasimadu noqoto meel nabdoon ee lagu soo celiyo nidaamka iyo kala danbeynta ayadoona xiliwalba la soo baxaan waji cusub oo lagu sii dhereysanaayo in ay sii socoto nidaam la´´aanta ka jirta Muqdisho.

Hadaba dadka Muqdisho ma nidaam diidka waxey ka tahay garshe la´´aan mise waxey doonayaan in ay sidaan iska sii ahaato Muqdisho .

Dadka Muqdisho ku nool oo ah kuwa xiliwalba la taagan wax aan marnaba u rooneyn qaranka Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa soo baxaaya in ay doonayaan oo kaliya in Isbaarada leyska dhigto ama in la laayo qofkastoo lagu tuhmo in uu aqoon diini ah iyo mid maadi ah si Bulshadu u sinaato oo loogana waayo qof wax kala garanaya ama waxa xun iyo waxa fiicaan ay u kala soocan yihiin .

Aduunka kama dhicin meel xumaanta garab la-isku siinaayo wanaagana lagu diidayo wasida hadda ka jirta Muqdisho oo garab lagu siinaayo qaadacu dariiq uu ilaahey quraankiisu ku yiri qaadacu dariiqa halaga jaro lug iyo gacan is dhaaf ah .

Markaad fiiriso dadka Muqdisho iyo nawaxigeyda ama aqoon yahanada kunool waxaad isleydahay dadkaani malaha nabad la-aanta ayeyba NGO ku qaataan oo maba doonayaan in nadaamkii iyo kala danbayntii soo noqoto oo ay Muqdisho ay siday ahaan jirtay ku soo laabato.

Muqdisho ayaan marnaba laga sugeynin xal in ay garaan inta ay isdiidan tahay siyaasada Hotel Ramadaan iyo Hoteel Saxafi isbaarooyinkuna wey sii oo laan doonaan inta laga gaaraayo heshiis siyaasada ka socoto labada Hoteel.

Hadaba siyaasada Muqdisho ka jirto ayaa ah ijiid aan ku jiidee waana gacmo daalis sida ay somalidii hore ay sheegeen .

Sida lawada og soon yahay ama la og yahay waxa dhibka ka wada muqdisho waa dad tirsan dadkaas oo markoodii hore qabiil dabada ku hayey ama ka soo jeeday haatana awod yeeshay iyo in ay gaar isu taagaan waayo ciidamadii ay markii hore ku heleen qabyaalada ayaa isu badalay calooshood u shaqaystayaal ,hadana sida la wada ogsoon yahay qabiil dabada kuma hayaan waynuna wada og nahay somaliya in uu dhamaaday dagaal qabiileedkii oo dad danahooda wata ay is jiid jiidanayaan .

Marka umada somaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay ka tashadaan tobanka qof oo somali dhibaaya ama dhibka ka wada soomaaliya.

Eng: Mohamed Bashi Abdulaahi.
E-mail: mbaashimbc@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 19,  2005

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD