SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Meeqa Magaalo-madax Ku-meelgaar ah Jirta

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Imisa magaalo-madax ku-meelgaar ah jirta? Majirto iyo waajidhaa waa isku qaban jidheene! Dad baa u arka iney Jowhar tahay. Sabab? Waxay dhaheen meeshii dowladdu degto baa magaalo-madax ku-meelgaar ah noqoneysa! Marka Soomaalida loo eego, dowladda waxaa xukuma madaxweynaha.

Ka warran qorshaha dowladda? Qorshahee? Dowladda iyadoo Jowhar laga sugayo oo intaas oo dadweyne ay maalin dhan qorraxda tubnaayeen garanweydey iney la hadlaan Jowhar oo u sheegaan in dadka la kala diro sababo jira owgood. Dabadeedna lagu baraarugey BBC-da oo leh diyaaraddii madaxweynaha siday oo ku degiweyday Jowhar, muqdi dartii! Caqli ruuxaan lahayn baa waxaas lagu cammeeyaaye; miyaan la aqoon, inta diyaaraddu ukala socoto Nairobi iyo Jowhar? Iyadoon diyaaraddu soo kicin bey dhihi lahaayeen: jaalle guddoomiyaha Jowhar, waxaan magaalada ku soo beegannahay waqti mugdi ah marka hana sugina. Keliya waxaa loo cududaari karaa haddii diyaaraddii dhiirri ama dhooqo gashay. Ama hawada u dhaxeysa Nairobi iyo Jowhar shil ka dhacay oo khadku muddo dheer xirnaa. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa yihiin kuwo waxaas oo kale u sheega shacabka.

Horta magaalo hal qof ama labo qof ama koox gaar ah maku noqotaa magaalo-madax ama ku-meelgaar? Haa, haddeey yihiin “ilmo libaax-san-ka-taabte”. Waxaa taas ka sii daran, madax ka mid ah dowladda oo uu ku jiro wasiirka warfaafintaa yiri: madaxweynuhu wuxuu Jowhar imaanayaa 1-da Luuliyo ama ka hor si uu munaasabaddaas uga qeybgalo. Ma yimid? Soomaaliya yimide, Jowhartu waa tee?

Xaggee ah magaalomadax ku-meelgaar ah? Aniga ahaan, waxaa hadda magaalomadax ku-meelgaar ah ila ah Gaalkacyo ama Puntland dhowr arrimood dartood:

  1. Haddii sida dad badani qabo ay magaalo, magaalomadax ku noqoto, joogitaanka madaxweyne ama ra’iisulwasaare; hadda waxaa magaalo-madax ah Gaalkacyo ileyn “madaxweynihii sida dimuqraadiga lagu soo doortay” baa joogee. Horrayna waxaan u niri, dowladda Soomaaliyeed waxaa xukuma madaxweynaha.
  2. Tusaale ahaan haddii labo waddan isqabtaan, mid kasta wuxuu safiirkiisa ugu yeeraa magaalomadaxda. Soow Geeddi oo Jowhar jooga, madaxweynuhu uguma yeerin Gaalkacyo si uu ula tashado? Soow Gaalkacyo maaha meesha masiirka Soomaalida iyo amarradii la siiyey Geeddi ka dhaceen?

Diinta Islaamka ayaa mar hore sheegtay in nini uusan shukaansan ama doonin gabar ama haween u doonan nin kale; sidoo kalana aysan haween lawado qabo aysan isku deyin in middood ay ninkeeda ku khasabto inuu furo tan ama kuwo kale si uu iyada ugu keliyoobo. Inkastoo ay Jowhar tiri waxaan rabaa inaan Xamar ka qaato magaalo-madaxda muddo laakiin ilaa hadda wax sansaankeedii ah ma aragno.

Mar mar waxaan isweydiiyaa, ma magaalo kale oo Jowhar la yiraahdaa Puntland ka soo baxday? Marka, marka la leeyahay Jowhar baa magaalo-madax ku-meelgaar ah noqoneysa, lagama wado miyaa tan u ah magaalo-madaxda Shabeellaha Dhexe? Waxay i xasuusisey qiso aan maqlay oo ah sidan:

Wiil dhallinyaro ah baa maalin iska taagay masaajid ay fadhiyeen Axmed Binu Xambal iyo Yahxya Binu Muciin (labadaba Ilaah ha u naxariisto). Wiilkii baa bilaabay inuu xaddiisyo aan jirin ka warsho labada sheekh isagoo leh: xadathanaa Axmed Binu Xamba…; xadathanaa Yaxya Binu Muciin! Labadii Sheekh midba wuxuu is yiri wuu kugu khaldamaye mindhaa sheekha kaluu xaddiista ka maqley. Markay la yaabeen waxa wiilku xaddiiska ka dhigayo baa labadii sheekh isweydiisay arrinta dabadeedna ogaadeen ineysan waxba ka jirin arrinta wiilka. Markii wiilkii dhammeystay been-abuurkii bey u tageen oo dhaheen: wiilyahow waxaan nahay labadii sheekh ood axaadiista ka warineysay; marka waxaad sheegeyso ma naqaan, annagana nagama maqlin. Wiilkii inta qosley buu yiri: weligay ma arag labo sheekh oo idin ka doqonsan! Imisa Axmed Binu Xambal iyo Yaxyaa Binu Muciin jirta?!

Anigu hadda yaabaye imisa Jowhar baa jirta? Jowharse maxay Xamar ka daadsatay?

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 20,  2005

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD