- Dugsi wax
lagu Barayo indhoolayaasha oo laga furay Muqdisho
- Yemen: Shidaal
soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
- Ra'iisul Wasaaraha
DFKMG oo Dhambaal tacsi ah u Diray Ra'iisul Wasaaraha
Britain
- Kooxda Norway
oo ku Guuleysatay Koobkii Ciyaaraha Soomaalida Yurub (Eurosom)
Dugsi wax
lagu Barayo indhoolayaasha oo laga furay Muqdisho
Waxaa maalintii khamiista ahayd hoolka dhaqanka
iyo waxbarashada ee Shiikh Madar ee Mu'asasada Imaamu Shaafici lagu qabtay
xaflad aad u balaaran oo uu soo qabanqaabiyay ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed
(Somali Association of Blind).
gudoomiyahaa indhoolayaasha oo dhegta u raaricinaaya
gabdha xoghaya guud e indhoolayaasha ee qaarada afrika
Waxayna xafladaani isugu jirtay labo qaybood oo
kala ah gabagabeynta tababar u socday macalimiin Indhoolayaal ah iyo furitaanka
dugsi wax lagu barayo indhoolayaasha soomaaliyeed oo loogu magacdaray Al-Nuur,
waxaana ka qaybgalay mas'uuliyiin uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada
ee Dowladda Federaalka Muqtaar Max'ed Yuusuf, madax ka socotay hay'adaha
samafalka, hay'adaha waxbarashada iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyntii
halkaasi warbixin ka soo jeediyay mudane C/fitaax Axmed oo ah xoghayaha
dhaqaalaha ee ururka indhoolayaasha soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ururka
indhoolayaasha caalamka la aasaasay 1948-kii laguna aasaasay magaalada Riyaad,
kan Afrikana waxa uu sheegay in lagu aasaasay dalka Tuuniisiya isagoo sheegay in
ay ku mideysan yihiin inta badan qaaradda Afrika, waxaa kalloo oo uu sheegay in
ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed dib u habayn lagu sameeyay 25/4/2004 waxa
uuna sheegay in intii uu dhisnaa uu ku talaabsaday horumar la taaban karo.
Waxaa kalloo ka hadlay xoghayaha waxbarashada
Max'ed Axmed Maxamuud wuxuuna sheegay in indhoolayaasha soomaaliyeed aysan helin
waxbarashadii ay u baahnaayeen isagoo sheegay in wadamada adduunka ay gacan
siiyaan indhoolayaashooda hana noqoto dhinaca waxbarashada iyo tasiilaad kale oo
ay u baahan yihiin.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha
ururka indhoolayaasha soomaaliyeed C/raxmaan Max'ed Faarax waxa uuna sheegay in
ururka indhoolayaasha soomaaliyeed loo aasaasay sidii uu uruurin lahaa
indhoolayaasha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa uuna sheegay in intii
uu ururku jiray oo ku talaabsaday horumar la taaban karo oo uu ka helay shacabka
Soomaaliyeed.
Dalalka adduunka mar kasta way ka garab taagan
yihiin dadkooda indhaha la' waxayna siiyaan waxbarasho ku filan mana takooraan,
balse shacabka Soomaaliyeed dhibaato ayay u gaystaan dadka indha la' waa ayna ka
takooraan dhinaca waxbarashada iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin ayuu
yiri C/raxmaan Max'ed Faarax oo sheegay in ururka indhoolayaasha soomaaliyeed uu
ku guulaystay in uu furo dugsi wax lagu baro indhoolayaasha, isagoo sheegay in
lagu bilaabi doono 20-arday.
Waxa uu sheegay in mar ay wax bartaan ardaydaani
ay awoodi doonaan in ay wax la bartaan ardayda kale ee Soomaaliyeed ee ku jira
dugsiyada dalka, wuxuuna u soo jeediyay hay'adaha samafalka, shaqsiyaadka
Soomaaliyeed in ay gacansiiyaan dadka indhoolayaasha Soomaaliyeed.
C/rixmaan Luunge wuxuu u mahadceliyay dhammaan
intii gacan ka geysatay taakuleynta Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyee, isagoo si
gaar ah ugu mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada
Birmingham ee wadanka Ingiriiska iyo sidoo kale Musa'sasada Imaamu Shaafici iyo
dhammaan Shirkacadaha Ganacsiga ee Magaalada Muqdisho iyo shaqsiyaadkii cagan
siiyay.
Waxa uu sheegay mudane C/raxmaan in macallimiintii dhamaysatay siminaarka oo
isugu jiray kuwo indha leh iyo kuwo indha la' ay aqoontooda uga faa'iideyn
doonaan walaalahooda indhaha la', waxaa kalloo oo uu sheegay in tababarkaani uu
socday muddo 3 todobaad ah laga soo bilaabo 2-19-ka Luulo.
Xafladaasi waxaa gabay guubaabo ah ka soo jeediyay
Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) wuxuuna sheegay in dadka indhaha la'
ay yihiin kuwo wax qabsan kara loo baahan yahay in gacan la siiyo, waxaa kalloo
oo uu abwaan Abshir Bacadle uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in
indhoolayaasha Soomaaliyeed loo furo dugsi ay wax ku bartaan.
Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid
ahaa Axmed C/llaahi oo ah gudoomiyaha Mu'asasada Imaamu Shaafici, waxa uuna
sheegay in shisheeye aysan waxba u qaban Karin indhoolayaasha Soomaaliyeed balse
ay wax u qaban karaan dadkooda, waxa uuna soo jeediyay in gacan la siiyo
indhoolayaasha, waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Maryan C/lle Qaawane iyo Nuuro
C/llaahi Xaaji waxayna labadooduba balanqaadeen in ay is garab taagi doonaan
ururka Indhoolayaasha isla markaana ay u soo dhicin doonan xaquuqdooda
Mas'uuliyiintii kale ee halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa wasiir ku
xigeenka waxbarashada Muqtaar Max'ed Yuusuf oo sheegay in dowladda gacan siin
doonto ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed.
Elly Macha oo ah xoghayaha fulinta ee ururka
indhoolayaasha Qaarada Afrika una dhalatay wadanka Tansaaniya ayaa waxa ay
sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay timaado dalka Soomaaliya isla
markaana ay ka qaybgasho xaflad noocaan oo kale ah, waxay kalloo sheegtay Elly
in ururka indhoolayaasha qaarada Afrika ay ku mideysan yihiin 50 dal waxaana ka
maqan saddex dal, isla markaana waxaa ururka la doortaa afartii sanaba mar
xaruntiisana waa dalka K/ afrika.
Elly waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay
qaab dhismeedka ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed, waxay sheegtay in ay
maqashay in guddiga fulinta indhoolayaasha Soomaaliyeed uu ka kooban yahay
9-xubnood oo ay ku jirto halk gabar waxayna codsatay in la kordhiyo tirada
gabdhaha maadaama ay gabdhuhu yihii kuwa lagama maarmaan u ah ururka, waxaana
ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed Elly uu gudoonsiiyay hadiyad qaali ah, waxaa
kalloo halkaasi iyana shahaadooyin lagu gudoonsiiya macallimiintii siminaarku u
dhamaaday
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Yemen: Shidaal
Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
Wargeyska
todobaadlaha ah kuna hadla afka wasaarada
arrimaha gudaha yaman lana yiraahdo AL-XAARIS
cadadkiisii(556)aad ee (19/7/2005)ta ayaa
sheegay in ciidamada nabad gelyada ee
gobolka ku yaal galbeedka yaman ee la
yiraahdo Xudeyda inay qabteen todobaadkii
hore shidaal iyo gaaska cuntada lagu karsado
oo loo tahriibinaayey dalka Eriteriya, waxa
uuna shidaalkaas ka koobnaa 13-barmiil oo
batrool ah,37-haamood oo yar yar oo gaas
ah,dhawr caagadood oo labaatanle ah oo uu ka
buuxo batrool iyo 18-barmiil oo maran,sida
uu sheegay wargeyska doonta waxaa laga lahaa
Eriteriya, waxaana naakhuude ka ahaa nin
45-jir ah una dhashay dalka Eriteeriya oo
wuxuu watay warqada aqoonsiga ee
naakhuudenimo.
Dhacdo taas aan soo sheegnay
la wadaagto uun erayga tahriib laakiinse ka
gedisan ayaa waxa ay iyana ka dhacday
gobolka ku yaalo koonfurta yaman ee la
yiraahdo Al-Mehra, markaan ciidamada
nabadgelyada ee gobolka Mehra ayaa ku
guuleystay inay fashiliyaan howgal la
doonaayey in dalka Soomaaliya loogu
tahriibiyo shidaal ka kooban batrool iyo
nafto aad u fara badan, ayadoo tahriibinta
shidaalkaas loo adeegsanaayo dooni
kalluumeysi oo laga leeyahay dalka yaman,
waxaane labadii naakhuude doonyahoodii
gacanta ku haayo ciidamada dembi baarista oo
waxaa suaalo laga weydiinayaa in howgalkaan
yahay kii ugu horeeyey iyo inuu yahay mid
socan jiray ee hadda uun laga war helay.
Dhinaca
kalane waxaa jira go'aan ay gaareen golaha
wasiirada dalkaan yaman maalintii talaadada
ee 20//7/2005,waxaane go'aan kaas kor loogu
qaaday sicirka shidaalka sida batroolka oo
halkiisii liitar ahaa 35-riyaal la
gaarsiiyey 65-riyaal,naftada oo halkeedii
liitar ahaa 17-riyaal la gaarsiiyey
45-riyaal iyo gaaska cuntada lagu karsado oo
haantii ahayd 205-riyaal lana gaarsiiyey
400-riyaal yamani,sidaas darteed waxaa is
bedel kuyimid qiimaha kirada lagu qaado
badeecadaha ka soo dego dekadaha waa weyn ee
uu leeyahay dlkaan yaman sida tan Xudayda ,Cadan
iyo tan Mukalla,tusaale ahaan 50kg ee sokor
ah waxaa caasimada Sanca lagu keeni jiray
75-riyaal,maantane waa 105-riyaal waa marka
laga soo qaado dekada Xudeyda,laakinse marka
laga soo qaado loorka sokorta ah dekada
Cadan wuxuu Sanca imaan jiray
95-riyaal,maantane 130-riyaal ayuu loorkii
sokor ah ku soo gaaraa Sanca,waxaane sokorta
la mida oo iyana sidaas ku soo gaaraayo
Sanca cuntada kala ah Burka,Bariiska iyo
Qamadiga u xiran loor loorka(50kg),wasxaane
arrintaas ka dhashay mudaaaharaadyo ka kala
dhacay magaalooyinka waa weyn ee dalkaan
yaman sida magaalada Sanca,waxayna
mudaaharaadyadii isu bedeleen
rabshado,biliqo iyo gubida baabuurta
dadweynaha, waxaane markii dambe qasab
noqotay in ciidamada nabadgelyada iyo
booliska u tababarn sida ciidamada xooga
inay gacanta ula tagaan kuwii
mudaaharaadaayey waxayna natiijadii gacan ka
hadalkaas noqotay inay dhintaan dad
tiradooda lagu qiyaasay inay dhan
tahay(22)qofood halka ay ku dhaawacmeen iska
hor imaadyadaas 375 qofood,waxayna
mudaaharadyaashu ku dhawaaqayeen khal ku
dhega ah ALLE MOOYEE ALLE KALE MA
JIRO,BAAJAMAALNE WAA CADAWGII ALLE,Baajamaal
waa raisul wasaaraha yaman ee waqtigaan.
Haddii aan
dib dib ugu noqono qarnigii tegay ee aan
tagno sannadkii 1998dii waxaa jiray
mudaaharaad la mida kii dhacay maalintii
arbacada(20/7/2005)ta,waxaane
mudaaharaadkaas sabab u ahaa sicirka
shidaalka oo kor loo qaadaytusaale ahaan
20kii liitar ee batrool ah waxay ahayd
300-riyaal waxaane la gaarsiiyey
700-riyaal(300-700) halka maanta laga
gaarsiiyey (1300)riyaal waa
(700-1300)riyaal,waxaane mudaaharaadyadaas
ku dhintay dad tiradooda lagu qiyaasay
38-qofood,waxa uuna socday muadaharaadku
muddo dhan laba todobaad waxaane halku dheg
u ahaa dadka mudaaharaadaayey MAYA ERYAANI
MAANTA KA DIB,Eryaani waa raisul wasaarihii
hore ee yamanta maantana ah la taliyaha
Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax dhinaca
siyaasada.
Hadaba sicirka shidaalka
oo kor u kaca dalka yaman waxaa ka dhalan
kara in wax walba ay si fudud kor ugu
kacaansida kirada guryaha oo ah halka
dhibaatada ugu culus ka soo food saari
doonto soomaalida degan yaman nuuceey
doonaan ha ahaadeen,waane mid aad u adag in
waqtigaan la joogo in qoys soomaaliyeed dib
loogu celiyo dalkiisii hooyo waayo xafiiska
UNHCR-ka Sanca wuxuu awoodi kari la yahay
inuu bixiyo lacagtii ay wax ku baranayeen
ardayda dhigata machadka sare ee caafimaadka
malaha hayadu waa xubeer
.
Diyaariye/Axmed
Maxamed
Sanca-Yemen.
ahmedwiish@hotmail.com
Ra'iisul
Wasaaraha DFKMG oo Dhambaal tacsi ah u Diray
Ra'iisul Wasaaraha Britain
Ra'iisul
wasaaraha Dawladda FKMG, Cali Maxamed Geedi,
ayaa dhambaal tacsi ah waxa uu u diray
ra'iisul wasaaraha dalka Britain, Tony
Blair, uu uga tacsiyadaynayo qaraxyadii
dhowaan lala beegsaday dalka Britain (magaalada
London), qoraalkii Geedi oo ku qoran
Af-Igirisi ka akhri
halkan... Guji
Kooxda Norway
oo ku Guuleysatay Koobkii Eurosom
Maanta (July 24, 2005) waxaa si rasmi ah loo
soo gababeeyey koobkii xagaaga ee kubada cagta jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
Yurub. Ciyaartii faynalka aheyd ee maanta waxaa isku soo baxay kooxaha
Norway iyo Filand. Kooxda Norway oo Warka oo dhan GUJI
HALKAN...
Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2005
Warar Googoos ah::
July 23, 2005:::
»Kulan
cilmiyeedkii labaad oo ka furmay magaalada Qardho
»Nuuro
C/llaahi Xaaji oo ka warbixisay kulankii S.Human Rights
»Muriidigolf
oo u mahad celiyey Beelaha Banaadiriga...
»Laascaanood:
Ururka Naafada oo sameeyey Xaflad...
Wararka oo dhan ka
akhri halkan...
"228
Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda
aadamiga u dooda ee Faanoole, taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka
lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo...
Guji...
Geedi iyo Waftigii Uu
Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran
yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG
ayaa...
Guji...
|