Macluumaad dheer oo muhiim
u ah waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ee maraykanka wax
ku barta.
Survival kit for
Somali parents and Students in Minnesota/USA.
Qoraalkan waxaa loogu talo
inay xog ka helaan waalidiinta ama ardada aadka ugu baahan
fahamka nidaamka iyo dhaqanka dugsiyada maraykanka ama
dadka aan iman maraykanka laakiin jecel inay ogaadaan
nidaamka waxbarasho ee maraykanka ama baaritaan ha ku
sameeyaan ama ha isbarbardhigaan halka ay joogaan iyo
waxbarashada maraykanka ama aqoon kororsi ha u aqristaan.
Haddii aad hore u ogayd macluumaadkaan waxaa laga yaabaa
inaadan u baahnayn ilayn aqrinta markasta waa qof iyo
ikhyaarkii.
Haddii aanay waalidka
Soomaaliyeed iyo ardaydoodaba fahmin habdhaqanka dugsiyada
maraykanka iyo nidaamkoodaba waxaa adkaan karta in ardadooda
ku najaxaan waxbarashada maraykanka ama aan dhahno
galbeedkaba. Dadka qaar baa qaba in waalidka ku cusub
maraykanka oo aan naftigood soo marin iskuulada maraykanka
loo sahlo inay helaan fursad waqti tabaruc ah oo ay kaga
shaqeeyaan dugsiyada maraykanka waayo fahamka habdhaqanka
dugsiyada maraykanka wax sahlan maaha
Haddaba si loo fahmo dhibta ka
hor iman karta ardada Soomaaliya ka timid bal marka hore aan
eegno ardada maraykanka iyo waalidiintoodaba habdhaqankooda
iyo siday wax yiraahdaan.
Marka hore waxbarashada dalka
maraykanka inkastoo ay aad isugu manhaj dhow yihiin haddana
ma ahan wax meel keliya laga maamulo oo manhajka looga soo
diro ee gobolada iyo gudoomadooda waxbarasho ayaa maamula.
Dawladda dhexe ee maraykanka inkastoo ay lacag aad u badan
ku qarash garayso waxbarashada haddana door kooban ayay ku
leedahay maamulka. Maraykanka sharciyada gobolada isku mid
maahan. Gudoonada waxbarashad waxaa maamula xubno la soo
doortay iyo shaqaale la qoray. Qoraalkan loogama jeedo in
wax lagu ammaano ama lagu dhaliilo waxaan isku deynay inaan
sheegno sida wax yihiin. Go’aanka waxaa uu la yaalaa
waalidka ama ardayga, ujeedada qoraalka ma dhaafsiisna xog
waran.
Waalidiinta urursan iyo ururka
u dooda difaaca macalimiinta ayaa awood ku leh talooyinka
waxbarashada qaar. Dawladda weyn ee dhexe maadaama ay
dhaqaale badan bixiso hadba maamulkii wadanka ka jira ayaa
isku daya inuu qorshihiisa ku qasbo gudoonada waxbarasha iyo
goboladaba sida madaxweyne Bush u rabo inuu hirgeliyo
siyaasaddiisa waxbarashada dalka oo uu ku magacaabay yaanan
ardayna laga tegin (no child left behind)
taasoo macnaheeda oo kooban tahay iskuulkii ardadiisa si
fiican wax u bari waayo in lacagta dawladda dhexe laga
goosan doono iyo in imtixaanaad badan ardada laga qaadaa si
lagu ogaado horumarka iskuulka.
Dadka nidaamka madaxweynaha
dhaliilaya ayaa ku dooda dugsiyada ardada wax ma baraan ee
waxay baraan sida ardada ay imtixaamka ugu gudbi lahaayeen
si aysan lacagta u waayin. Doodaha ka dhex socda
waalidiinta waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah kuwa
aaminsan in diinta iyo ducada ku badan tahay dugsiyada,
qaarna in meesha diini ka maqan tahay oo laga bixiyo casharo
aan diinta waafaqsanayn sida in dadku ka soo jeedo daanyeer
(evolution) qaar kalena aaminsan yihiin in dugsiyada
dadweynaha guud laga amaan iyo waxbarsho fiican yahay ilaa
qaar gaareen go’aan ah in ay caruurtooda guriga wax ku
baraan ama gaysteen caruutooda dugsiyo gaar ah.. Qofkii
aqoontii iyo sharuudaha looga baahan yahay oofin kara waa uu
furan karaa digsi gaar ah weliba lacag ayaa lagu siinayaa
laakiin waa inuu ka soo bixi karaa shuruudaha la iska rabo.
Iskuulda dalka maraylkanka oo
u kala baxa dugsiyda hoose, hoose dhexe, iyo dugsiyada sare.
Tirada ardada iyo waynaanta dugsiga hadba waxay ku xiran
tahay bulshada ku nool meeshaas iyo degaanada wadaaga
dusigaas tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in dugsi sare
ardadiisu ka koobmaan 100 arday ku kalena 4500 oo arday
dabcan shaqaalahana sidaas ayey u kala badsadaan.
Dugsiyada hoose/dhexe
Maraykanku dugiyada kama
bilaabmaan fasalka koowaad ee ardada waxaa la soo mariyaa
waxyaabo la yiraahdo kindergarden iyo pre K taasoo ah
saacado yar maalintii oo caruurta aan gaarin fasalka koowaad
wax la sii baro hurdadoodana aan la dhaafin ilayn weli waa
yar yar yihiine. Ka dib ayey bilaabaan fasalka koowaad.
Waxbarasho ka kooban wax aqris iyo sheekooyin badan iyo wax
dhigid iyo computer ayaa la baraa cayaartana waa loogu
roonaadaa. Garaac iyo ciqaab jirka ah waa ka mamnuuc
dugsiyada maraykanka.
Ardayda waxaa ay badanaa xaq u
leeyihiin gaadiid soo qaada oo celiya kuwa dan yarta ahna
cunto free ah ayaa la siiyaa kuwa ladanse caruurtooda waa
inay ay griga kala yimaadaan cuntadooda ama u gataan .
meelaha barafku ka dhaco gaar ahaan tuulooyinka aad u kala
fog fog markii uu baraf xun jiro ama qatar keleba iskuulka
waa la xiraa maalintaas si aanay ardayda shil u gelin.
Meelo badan oo dalxiis (rixlo) ah ayaa loo qaadaa
ardada gaar ahaan xilliga xagaaga kulaylahana oo Arday
badan ayaa loo qaado duurka iyo buuraha ama harooyinka iwm
ayagoo ku seexda teendhooyin loogu talo galay. Iskuulka
mararka qaar waxaa soo booqda marti ama dad wada macluumaad.
Dugsiyada ma ogolaadaan in hub
lala yimaado, sigaar ama daroogo lagu dhex cabo, alkolana
warkeedba daa. Sidoo kale in la isku cabsiiyo ama la isku
caayo ama la isku dhibo lama ogola laakiin taas macnaheedu
ma ahan in aanay waxaas oo dhami ka dhicin dugsiyada
maraykanka. Midwalba sharci baa ka yaal oo ardada lagu
qaadaa. Nasiib darro dugsiga dhexe waa meesha ay ka
bilaabato dacaayada, is guruubaysiga, xin, naxariis la’aanta,
iyo daandaansiga (teasing) waxaa ku dheereeya
gabdhaha. Dagaalka iyop gacan ka hadalka waxaa ku dheereeya
wiilasha Waxaa xusid mudan in ardada badankood ay wanaagsan
yihiin.
Dugsiyada sare:
Fasalka sagaalaad dadka qaar
waxay ugu yeeraan Freshman Year
Fasalka tobnaad dadka qaar
waxay ugu yeeraan Sophomore Year
Fasalka kow iyo tobnaad dadka
qaar waxay yiraahdaan Junior Year
Fasalka labo iyo tobnaad dadka
qaar waxay yiraahdaan Senior Year
Dadka qaar ayaa ku tilmaamaan
dugsiyada sare ee maraykanka meel fowdo ah oo ammaan daran
oo aan cidina maamulin oo la isugu keenay kumaanan dhalin
yar oo aan weli garaadkoodu bislaan. Meel aad la isugu
caayo oo aan naxariis oolin oo ardaygii ardada ka duwan ama
aan lahayn xirfad dad la dhaqan loogu gaysan karo caga
juglayn ama liidid. Dugsiyada sare waa meel u diyaarisa
ardada sidii ay ku tegi lahaayeen jaamacadda oo faaiido
badan. Ardayda dadaalka badan waxaa ay ku xisaabtamaan in
si dhaqso ah ugu gudbaan imtixaanaadlka gobolkooda sharciga
ka ah in ardayga ku gudbo weliba helaan buundo fiican.
Ardaygii keena buundada GPA
3.0 deeqaha waxbarasho qaarkood ayuu u tartami karaa qofkii
keena 3.5 iyo ka badan dhamaan deeqaha waxbarsho iyo
fursaddiisa ah inuu helo jaamacado aqbala ayaa aad u
fiicnaata . Waxay sameeyaan si kasta oo ay ku heli karaan
hadday ahaan lahayd in ay maqnaanshada yareeyaan ama waqti
badan geliyaan tegitaanka maktabadaha ama goobaha laga
caawiyo ardayda shaqada guriga, qaarkooda cayaara inay
cayaaraha ku dheereeyaan, ama bulshada u adeegaan. Inkastoo
ay jiraan waalidiin guryahooda ardada wax ku bara iyo kuwa
diineed oo goobahooda diinta ardada wax ku bara iyo dugsiyo
badan oo gaar loo leeyahay haddana ardada maraykanka
badankood waxaa ay weli dhigtaan dugsiyada guud ee
dadweynaha.
Ammaanka:
Dugsiyada sare ee maraykanka
waagii hore waxaa ammaan daro lagu sheegi jirey
magaalooyinka waaweyn ee ay degan yihiin dadka laga tiro
badan yahay ama saboolka ah haddase ammaan darida waxaa ay
ka dhici kartaa magaalooyinka yar yar iyo degmooyinka
hodanka ah sida dhibtii ka dhacday dugsigii sare ee
Columbine ee Colorado ama dhowaan Red Lake , Minnesota
meelahaas oo arday inta qoryo soo qaateen xasuuqeen ardada
kale. Iridka laga soo galo dugsiyada sare iyo fasalada
hortooda waxaa jooga waardiyeyaal ama macalimiin kuwaas oo
ilaaliya xasiloonida iyo ku haynta ardada fasalada dhexdooda.
Iskuulada qaar saacadaha
ardada waxbaranayso albaabada waaba la xiraa waxaana loo
ogol yahay kuwa u baxaya dan muhiim ah uun inay baxaan.
Mararka qaar ardayda ayaaba dab ku shida musqulaha ama meelo
aan la arkayn dhawaaqa digniinta ka dib waxaa qasab ah in
dhamaan la wada cararo oo iskuulka laga baxo markaas ayey ka
faaiideystaan inay baxaan laakiin haddii lagu qabto talaabo
culus ayaa laga qaadaa..
Dugsiyada dhexe iyo sareba
waxaa ka jira kuwa dadka gardaraysta oo cabsiiya (bully)
Jaaliyadaha iyo dadka kala duwan caruurahooda mararka qaar
gacanta ayey isula tagaan. Dugsiyada qaar waxaa ka jira
gangs, ardada badankood waxay gangiska ugu biiraan aad ku
badbaadid ama aad gaashaanbuur heshi iyo sababo kale.
Ardayda gaar ahaan kuwa laga badan yahay qaarkood ama dadka
badankii aan u ekeyn waxay isku deyaan inay dadka isu
ekeysiiyaan hadday noqon lahayd hadalka ama dhar xirashada
ayagoo rajaynaya in la ogolaado ama la aqbalo caadina loo
arko, waxayna isku dayaan waxa markaas caadig ka ah in la
sameeyo ama ay ardada qaarkood u yaqaanaan afka ingiriisiga
COOL.
Dugsiyada badankood waxaa ku
qoran booliis joogto ah weliba xilliyada ay ardada
qadaynayaan ama baxayaan kuwo kale ayaa u soo gurmada.
Waalidiinta maraykanka waxay ardadaooda yar yar baraan
xeelado badan oo hormarinaya xirfadooda dad la dhaqan.
Xirfadahaas waxaa ka mid ah
a)
In
ardaygu afkiisa ka ilaaliyo cay iyo wax dadka kale uu
dareenkooda wax ugu dhimayo. Dagaalka gacanta waxaa uu
sharciga maraykanku u yaqaan aggrevated assault
waxaana uu keenaa cawaaqib xumo.
b)
B) Inuu
ardaygu afkiisa baro kelmadaha fadlan iyo raali ahow iyo
mahadsanid. ( Excuse me, sorry, thank you iwm).
Iyo in la dacwoodo hadii lagu xad gudbo.
Waa muhiim in ardayda lala
sheekaysto ama la weydiiyo in ay jiraan qolyo ama wax dhib
ku haya waayo waalidka wax weyn ayuu ka qaban karaa
arrimahaas badankood xataa kol uu dugsigaba ka bedelo.
Hab dhaqanka ardada.
Dugsiyada sare ee maraykanka
waa meel ardayda lebiska iyo is qurxinta lagu tartamo waa
meel la raadiyo aad caan noqotid (popular) waxyaabaha
la sameeyo si caan loo noqdo waxaa ka mid ah cayaaraha ama
heesaha ama muusiko. Nasiib darro dugsiga sare aqoonta
laguma faano xataa qofkii aqoonta aad wax u yaqaan oo aad
wax u aqriya oo laga yaabo in inta badan lagu arko
maktabadaha wax aqriska waxaaba loogu yeeraa Nerd oo
ah kelmad yasid ah waxaa aad loo qadariyaa cayaartoyga ama
qofka koox samaysta oo u camirta kuwaas ayaa laga baqaa ama
la jecel yahay in lala saaxiibo.
Sanadkii waxaa dugsiyada sare
ee maraykanka lagu qabtaa xaflado badan oo leh qoob ka
ciyaar iyo kulamo kaleba waxaana ka mid ah mid loogu yeero
Prom iyo Home Coming iyo kuwo kale. Xafladahaas
waxaa lagu caleemo saaraa arday loo bixiyo boqor ama boqorad
iyo darajooyin badan. Waxaa kale oo jira xaflado kale sida
riwaayado ama koox la yiraahdo honor societies kuwaas
oo dhiirigeliya ardayda buundooyinka badan oo mararka qaar
qabata xaflado gaar ah iyo kuwo badan. Ardada maraykanka
waxaa ay aad u fiirsadaan telefishano gaar ah badanaa sida
MTV, Saturday Live iwm. Waxaa kale oo ay fiirsadaan
American Idol iyo cayaaro ama filimo badan.
Ardada qaar ayaa macalimiinta
kalkaaliye u noqdaan, qaarna xafiiska weyn ee hore ayay
caawiyaan, qaarna gudiga maamula ardayda (student council)
ayey ku biiraan.
Caafimaadka:
Dugsiyada maraykanka waxaa ku
dhexyaal xafiis caafimaad oo ay joogaan dad aqoon u leh
arrimaha caafimaadka oo ardada ka caawiya wixii ay ka qaban
karaan xanuunka ardada ama mel ay daawo ku qaataan ama ku
nastaan siiya ardada. Waxaa kale oo ay bixiyaan qalabka
kala dheereeynta dhalaanka ama ka hortagga uur qaadista si
qarsoodi ah taas oo keentay in qaar waalidiinta ka mid ah
necbaystaan xafiiskan. Xafiiskan waxaa kale oo uu caawiyaa
gabdhaha ardada ee uurka yeesha ayagoo iskuula dhigta.
Xirfadleyaasha kale ee ka
shaqeeya dugsiyada sare/dhexe:
Macalimiin keliya ma joogaan
dugsiyada waxaa kale oo jooga ama ka shaqeeya dugsiyada
maraykanka councelors oo ah dad ardayda kala taliya
xagga waanada ama macluumaadka ku saabsan sidii ay ardada u
ogaan lahaayeen heerka ay buundooyinkooda marayaan ama
maadooyinka looga baahan yahay ama ugaba warama macluumaadka
la xiriira sida uu ardayga u dooran lahaa jaamacad ama u
heli lahaa deeq waxbarasho. Mararka qaar ardayda arrimo
qaas ah ayey kala talinyaan. Waxaa kale oo jooga dugsiyada
social workers, psycologists, language therapist, dad
u carbisan inay caawiyaan la shaqeeyaan ardada aan wax maqal
ama kuwa xubnaha la’ iyo dada ku hadla luqado kale iwm
kuwaas oo aradada u caawiya siyaabo aad u kala duwan.
Cayaaraha:
Hore ayaan u sheegnay in
cayaaraha ay ka yihiin dalka maraykanka wax qaali ah waayo
jirkana waa u fiican yihiin deeq waxbarashona waa lagu helaa
ardaygii ku fiican waxaa laga yaabaa inuu yeesho xirfad
fiican oo dad la dhaqan taasoo keenta inuuba dugsiga ka
noqdo xiddig ay ardada wada jeceshahay inay la saaxiibto.
Qaarna shaqo ay ku ladnaadaan ayey ka helaan. Bal aan aragno
xilliyada dugsiyada sare laga kala dheelo cayaaraha kala
duwan.
Dayrta: Football, Valley
ball, Cross Country, dabaasha gabdhaha iwm
Jiilaalka: Hockey,
Basketball, legdinta iyo dabaasha wiilasha iwm
Guga: Tennis, Truck,
softball, soccer for girls iwm
Xagaaga: Basketball,
softball, baseball iwm.
Waalidiinta maraykanka
badankood waxaa ay ku bixiyaan lacag badan in caruurtooda ay
qoraan barnaamij cayaareed oo leh taba bareyaal, kuwaasoo
ka dhiga caruurta ilaa laga soo bilaabo dugsi hoose ilaa
sare mashquul hadday ahaan lahayd cayaaro ama muusiko
waalidiintooda ayaa isbarta oo isku duubma ilaaba loogu
yeero soccer moms ama hockey dads ama
nascar dads iwm
Waalidiinta maraykanka:
Waalidiinta maraykanka isku
aqoon ama dhaqaale ama isku hal jinsi maahan Dabcan
caruurtana waxay qaarkood leeyihiin aabe iyo hooyo kuwa
kalena mid uun kuwa kalema midna mahaystaan. Marka
ujeedadayda waa waalidiintu isku tabar maahan isku fursadna
ma haystaan sidaa darteed waalidiinta qaar ayagaaba dayacan.
Haddaan eegno kuwa badan waa kuwa wax bartay oo dhaqaale
ahaan roon. Ayaga ayaa ardaydooda guriga wax ugu aqriya oo
soo dhisa. Iskuulada waa ku xiran yihiin waayo ardayga
maraykaa waxaa laga filaa marka uu marayo fasalka 3xaad
inuu wax aqrin karo waxna qori karo. Waalidiintan waxaa ay
la garab taagan yihiin ardaydooda hiil iyo hoo qaarkood
aabaha ama hooyada midbaa jooga guriga ilaa ardayga ka koro.
Niyad dhis badan iyo
dhiirigelin joogto ah ayaa lala garab taagan yahay ardayga
marka uu qalin jebinayo iyo marka uu waxbarashada guul ka
soo hoyiyo waa la abaal mariyaa. Meel gooni ah oo uu wax ku
aqristo ardayga waa loo diyaariyaa saacadaha uu seexanayo
iyo waxa uu cunayo iyo cidda uu la saaxiibayo intaba waa u
kontroolan tahay. Facoodda wax duufsada (peer presure)
wax la yiraahdo ayey kala dagaalamaan oo fursadba u diidaan.
Telefishana maba lahan ama waxa caruurta fiirsato waa lala
socdaa. Shabakadaha Internetka sidoo kale waa la ilaaliyaa.
Waxay yaqaanaan qalabka lagu ilaaliyo TV ama shabakadaha
Internetka qalabka sida net nunny ama parental
control ayey isticmaalaan aqri
www.controlyourtv.com
. Waalidiintaas waxaa kale oo ay kontaroolaan telefoonka
iyo saacadaha ardaygu ku hadlo iyo waqtiga ardaygu seexdo.
Waalidiinta maraykanka
badankood waxaa ay dareensan yihiin in caruurtooda haddii
aanay dadaalka laba laabin in ay soo wajihi doonto tartan
ba’an oo kaga yimaada ubadka qaaradaha kale qaarkood oo aad
u dalaalaya xagga waxbarashada ayadoo dunidu isu furantay oo
cilmiga technologiyadana aad u fiday. Dareenkaas waxaa
dhowaan ku muujiyey buug uu qoray suxufiga weyn ee reer
Minnesota qoraagana ah ee la yiraahdo Thomas Friedman.
Thomas Friedman oo lagu bartay maqaaladiisa ku soo baxa New
York Times iyo khibraddiisa dibadda waxaa uu dhowaan ka soo
laabtay safar dheer oo uu ku tagay India waxaana uu qoray
buug la yiraahdo addunka waa fidsan yahay (The
world is flat). Dulucda buugiisa waxaan ku soo koobi
karnaa jumladan “waagii aan yaraa ee aan ku noolaa Minnesota
hooyaday waxay i oran jirtay cuntada cun dad badan ayaan
cunto haysan ama aan heli karin sida India ama China, maanta
waalidka maraykanka waa inay caruurtooda ku yiraahdaan aad
wax u baro arday badan oo ku nool India iyo China ayaa aad
wax u baranaya oo raba shaqadaada”
Talooyin muhiim u ah ardada
iyo waalidka Soomaaliyeed ee maraykanka ku nool:
-
Ardayga waa inuusan
iskuulka ka maqnaan cudurdaar la’aan waayo casharro
badan ayaa dhaafaya ardaygii maqnaanshadiisa badan waxay
u badan tahay inuu buundo hoose helo.
-
Ardayga waa inuu bartaa
sidii uu buundo fiican u heli lahaa waana inuu ardayga
habeeyaa buugagtiisa kana faaiideystaa waqtiga asagoo
qorsheeynaya. Waxaa kale oo muhiim ah inuu ardayga
derso macalinkiisa iyo waxyaabaha uu jecel yahay ama uu
neceb yahay. Macalimiinta waxay noqon karaan cadow ama
caawiye fiican. Ardayga dan uguma jirto inuu la
ficiltamo macalinkiis waana inuu la yimaada xirfad uu
kula dhaqmi karo macalinkasta intii karaan kiisa ah.
-
Ardayga waa inuu ka
faa’iideystaa meel kasta oo uu ka heli karo xog ama
warbixin ama talo sida macalimiintiisa ama councelorska
ama waalidkiisa. Ardayga waa inuusan qarsan arrin
welwel ku haysa ama wax uusan garanayn. Waalidka ayaa
ugu awood badan oo soo faragelin kara haddii ardayga
dhib haysato ama uu rabo inuu wax iska bedelo. Waalidka
waa inuu isku deyaa inuu ogaado cidda ardaygooda la
saaxiib ah ama waxa dhib ku haya xataa waalidka waa inuu
kasbadaa kalsoonida ubadkooda ilaa ay xataa sir ka
sheekaysan karaan.
-
Ardayga waa inuu u doortaa
fasalada uu qaadanayo si taxadar leh waayo ardayga
haddii uusan ogayn wax laga rabo iyo waxa uu asaga rabo
waxaa laga yaabaa in waqti ka dhumo. Waa inuu ardayga ka
foogjignaadaa ku dayashada indho la’aanta ah ee
saaxiibadiis. Ardayga waa inuu counelorkiisa la
tashadaa haddii uusan garanayn waxa uu rabo ama laga
rabo. Dugsiyada maraykanka isku sharci maahan. Tusaale
Minnesota badanaa waxaa ardayda laga rabaa inay dugsiga
ku qaataan 63 credits. Waana inuu buundo fiican haystaa
waana inuu si gaar ah waqti gaar ah u siiyaa maadooyinka
Englishka qoraal iyo aqriskaba, xisaabta, sayniska,
culuumta bulshada iwm. Ardayda Minnesota waxaa laga
rabaa inay ku gudbaan ixtixaan la yiraahdo Minnesota
Basic standard Test.
-
Ardayga waa inuu fahmo in
afarta sano ee dugsiga sare ay dhaqso dhanaanayso marka
waa inuusan sugin, waa inuu foojignaadaa oo haddii uu
ardayga bilowga ka xumaadaa gadaal ka gaaridda waa dhib
badan tahay. Fasalada 9,10, iyo 11 wixii aad meel
dhigato ayaa kugu sugaya fasalka labo iyo tobnaad.
Marka semester bilowgiisa la bilow dadaalkaaga cashar
guri ka shaqayn iyo buugaag aqrin iyo buundo fiican
helid iyo qorshayn fiican.
-
Waalidka waa inuu ka qayb
galaa shirarka waalidka iyo macalimiinta waana inuu la
socdaa calender dugsiga iyo report cardka wax loogu
yeero oo ah warbixinta ardayga iyo buundooyinkiisa.
Waalidka haddii uu reerka rarayo waa inuu la sugaa
haddii ay suuroobayso ilaa semesterka ka dhamaado oo
imtixaanka ardayga dhiibo haddii kale waxaa laga yaabaa
inuu buundooyin sidaas ku seego. Haddii uu ardayga
waqti dheer ka maqnaanayo dugsiga waa inuu waalidka u
soo qaadaa casharadii dhaafi lahaa intaasi waxbay
taraysaa.
-
Waalidka waa inuu dulqaad
lahaadaa waayo ardayda waxaa horyaal hawlo aad u culus
mararka qaar waxaa dhici karta inuu ku soo aado macalin
aan naftigiisa xirfad arday la dhaqan lahayn ama aan
fahmin ardada qaarkood. Waana in aan la iloobin in la
amaano ardayga haddii ay wax wanaagsan sameeyaan lana
jeclaysiiyaa waxbarashada, waana in aad loogu
celceliyaa sheegidda qiimaha waxbarasha ilaa ay
ardaydada fahmaan wax waxbarasho ka muhiimsan in aanay
jirin.
Doorashada camalkii uu qofku
ku taqasusi lahaa
Doorashada taqasus cilmiyeed
ama shaqo wax sahlan maahan mana aha in ardayga lagu qasbo
wax uusan jeclayn. Ardayga waa inuu bilaabaa ka fikirka
taqasuskiisa marka uu yahay fasalka sagaalaad. America
ardayga inuu sugo maalinta ugu danbaysa ma ahan sanad ama
sanado ka hor ayaa la rabaa in ardaygu qosheeyo waxa uu rabo.
Waxaa fiican in uu la tashado waalidkiisa iyo
counceloradiisa weliba asagana uu is garto meesha uu ku
fiican yahay ama uu ku liito iyo waxa uu rabo iyo waxa uusan
rabin. Sidoo kale waxaa haboon inuu ardayga ogaado
taqasuska waxa looga baahan yahay iyo iskuulkii uu aadi
lahaa.
Dadka inay bedelaan
taqasuskooda waa wax caadi ah waayo dad badan ayaa bedela
sanadkasta taqasuskooda oo barta wax kale.. Waxaa xusid
mudan in dadku aanay lacag badnaan ama fursad shaqo badnaan
keliya aanay taqasus u baran ee ay u galaan naftooda oo
maadadaas jecel awgeed.
U diyaar garowga jaamacadaha
ama waxbarashada sare:
Jaamacadaha waxay ardayda kula
taliyaan in ardaydu soo qaadato 4 sano oo ah luqadda
Ingriiska, 3 sano oo xisaab ah oo ay ku jiraan Algebra I iyo
AlgebraII iyo Geometry. 3 sano oo ah saynis iyo 2-3 sano oo
ah culuumta bulshada.
Freshman Year & Sophomore
Year: Waa marka ay bilaabanayso wadada jaamacadda lagu
tago. Ardayga waa inuu is baraa dabeecad fiican oo
waxbarasho. Waa inuu ku dadaalaa buundooyinka GPA. Waxa
kasta waa xisaab.
Buundooyinka GPA A= 4 B=
3 C= 2
Haddii uu ardayga haysto
buundooyinka kulli A waxaa uu helayaa GPA 4.0 Haddii uu
nus haysto B nusna haysto C buundadiisa GPA waxay
noqonaysaa 2.5. GPA waxaa kale oo ay saamayn ku yeelan
doontaa shahaadada (transcript) taasoo fursadda
helitaanka jaamacaddaad rabtay saamayn ku yeelan karta.
Junior Year: Waa marka
la bilaabayo in ardaygu galo imtixaanaadka jaamacadaha,
booqanayo jaamacadaha, iyo marka uu bilaabayo deeq
waxbarasho raadin. Dugsiyada qaar bisha October waxaa lagu
qaadaa imtixaano la yiraahdo PSAT/NMSQT kuwaas oo ay
suurtogal tahay in ardaygu ku helo deeq waxbarsho la
yiraahdo National Merit Scholarships
Waqtiga u dhaxeeya bilaha
March ilaa June ardayda waxay galan imtixaanaadka
jaamacadaha ama waxbarashad sare la yiraahdo ACT ama SAT.
Senior Year: Waa
sanadka ugu danbeeya dugsiga sare oo uu ardaygu ku nasto
shaqadii iyo dadaalkii uu soo samaystay saddexdii sano ee na
soo dhaaftay oo uu miraheedii gurto. September waa bisha
ugu horaysa sanad dugsiyeedka waana inuu ardayga arkaa
counselorkiisa si loola eego qorshahiisa jaamacdeed iyo
natiijada imtixaanadii jamaacdda sida ACT ama SAT si loo
fiiriyo in ardaygu u baahan yahay inuu ku noqdo imtixaanada
iyo in kale.
October waa bisha labaad waa
inuu ardayga dhamays tiraa inuu buuxiyo waraaqaha codsiga
sida deeqaha waxbarasho, ogolaanshaha jaamacadaha waana
inuu dib u qaataa haddii uu imtixaanka ku noqonayo.
April: Go’aanso jaamacaddii
ama kulliyadii aad aadi lahayd. Kuwa kale oo aad codsatayna
ogaysii inaad ka talo baxday. April waa inaad gurigaad degi
lahayd ka shaqaysaa hadday ahaan lahayd guri banaanka ama
jaamacadda dhexdeeda ah. Ardayga dhameeyaa dugsiga sare ee
maraykanka waxaa uu kala dooran karaa inuu aado
Jaamacad 4 sano ah ama
community college ama career and technical school, ama
Apprenticesships.
Shabakado internet oo muhiim u
ah aradada Minnesota iyo waalidkooda
www.admissionpossible.org
www.mapping-your-future.org
www.umn.edu
www.mpls.k12.mn.us
www.stpaul.k12.mn.us
www.education.state.mn.us
www.ed.gov
Admissionpossible waa hay’ad
ka hawl gasha 9 dugsi oo ku yaal labada magaalo ee mataanaha
ah ee Minneapolis/St. Paul Minnesota waxayna caawiyaan
ardada u baahan caawimaadda buuxinta waraaqaha lagu codsado
jaamacadaha ama deeqaha waxbarasho. Waxaa kale oo ay la
raadiyaan ardada jaamacadaha ku haboon ama ay doortan.
Waxaa kale oo ay ardada ka caawiyaan inay bartaan sida loogu
najaxo imtixaanada lagu galo jaamacadaha sida SAT ACT iwm.
Waalidiinta iyo ardada u baahan caawimaadda waxaa haboon
inay ka faaiideystaan macluumaadka hayadda admissionpossible.
Afeef: Qoraalkan waxaa loogu
talo galay in sawir looga bixiyo habdhaqameedka waxbarashad
maraykanka gaar ahaan Minnesota. Inkastoo waxyaabaha aan ka
hadalnay laga heli karo meelo badan oo addunka ka tirsan iyo
maraykankaba haddana waxaa uu ku salaysan yahay Minnesota.
Sifooyinka aan soo sheegnay ugama jeedno in arday walba ,
macalin walba, walid walba, dugsi walba sidaas yahay waayo
waa ka duwan yihiin
Ardaydu waa inay la tashadaan
councelorskooda, waalidkooda, macalimiintooda ayagoo eegaya
duruufahooda. Qoraalkan looguma talo gelin in go’aan lagu
qaato ama wax lagu liido ama wax lagu ammaano.. Waa
warbixin uun. Waxbarshau waa ku waajib qofka muslimka ah.
Maxamuud
Nuur Wardheere
Former Teacher,Teacher aid,
and School/Family Liaison in Minnesota.
He is also an Organizer of the
Somali Education Night in Minnesota
mnwardere@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
July 26, 2005
Qoraaladii Hore
ee Wardheere... GUJI
Qoraalkan oo PDF ah Guji Halkan... |