SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Dhaqaatiirta ka socotey  Hay'adda Samafalka ee Al-Manhal oo soo geba-gebeeyey mashruuca ka hortaga Indho la'aanta ee gobolka Sh/hoose.
  • Gudoomiyaha maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo la filayo in uu safro Garbahaarey iyo Ceelwaaq

Dhaqaatiirta ka socotey  Hay'adda Samafalka ee Al-Manhal oo soo geba-gebeeyey mashruuca ka hortaga Indho la'aanta ee gobolka Sh/hoose.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com


Maalintii shaley ahayd ayaa Hay'adda samafalka ee Al-Manhal  waxa ay magaalaada Buulo mareer ee Gobolka shabeeladda hoose  ku soo gebabagaysay mashruuca ka hortaga indho la'aanta  kaasoo socday intii u dhexeysay 15-kii Juun ilaa 26-kii July ee sanadkan sida uu sheegay ku xigeenka  madaxa hay'adda Al-Manhal  xafiiskeeda Soomaaliya C/llaahi Abuukar Xaaji oo xafiiskiisa ugu waramayey weriye Nasrudiin Caydiid Salaad (Diini).

Ku-xigeenka madax hay'adda Al- Manhal C/llaahi Abuukar Xaaji waxa kaloo uu intaasi ku daray in muddadii uu Socday mashruucaasi ka hortaga Indho la'aanta ay qaliin lacag la'aan ah u fidiyeen bukaano aad u fara badan oo Indhaha ka cabanayey kuwaasoo kala jooga degmooyinka Baraawe, Buulo mareer iyo Afgooye oo dhamaantoodba ka tirsan gobolka Sh/hoose wuxuuna sheegay  in ay isugu jiraan dad waayeel ah dhalinyaro iyo Caruur.

Waqtigii  uu Socday mashruucan ka hortaga Indha la'aanta oo  ay fuliyeen dhaqaatiir ka socota hay'adda Al-Manhal ayaa waxaanu ka hawlgalnay saddex degmo oo kala ah Afgooye, Baraawe iyo Buulo Mareer, waxaana Indhaha u fiiqnay marka saddexda degmo laysu geeyo dad wadartoodu gaareyso 762, qof waxaana daawooyin la siiyey dad Indhaha ka xanuunsan oo iyana tiradoodu gaareyso 2,113, waxaana sidoo kale muraayadaha araga (Ookiyaalayaasha) la siiyey tiro kale oo gaareysa 191 qof ayuu yiri C/llaahi Abuukar Xaaji ku-xigeenka madaxa hay'adda samafalka Al-Manhal oo intaasi ku daray in dadkaasi dhamaantood aan wax lacag ah looga qaadin adeegyada Caafiimaad ee loo fidiyey wuxuuna sheegay in mashruucani uusan aheyn kii ugu horeeyey ee ay u qabtaan dadka danyarta ah isagoo xusay in tan iyo sanadii 2002 ay guud ahaan dalka Soomaaliya ka fuliyeen mashaariic sidan oo kale ah, marka laga reebo meelo kooban.
C/llaahi Abuukar Xaaji waxa uu ugu danbeyntii u mahad celiyey intii gacanta lama iloobaanka ah ka geysatay hawshaas samafalka ah uu loo qabtay dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa ayuu yiri maamulka degmada Afgooye iyo Jimciyada At-tadaamun, Dugsiga hoose dhexe ee Baraawe Primary School, markaska Al-Furqaan ee hoos yimaada wakaalada Muslimiinta Afrika iyo Isbitaalka Al-Xayaat oo labaduba ku yaala deegaanka Buulo mareer, kuwasoo dhamaantood uu sheegay haddii aanay iyaga ahaan laheyn in uusan taaba gal noqon laheyn in uu hirgelo mashruucaasi faa'iidada balaaran u leh Bulshada Soomaliyeed .

Hay adda Al Manhal waxay dalka ka fulisaa mashaariic badan oo wax loogu qabanayo bulshadda soomaaliyeed mana aha markii ugu horeysey oo mashruuc noocan oo kale oo ay ka hirgeliso dalka soomaalia sidoo kale ayay  hayadu waxay si weyn ugu qayb qaadataa arrimaha caafimaad gaar ahaan kuwa lagula tacaalo cudurada halista ah
Sidoo kale hayadda Masuuliyiintooda waxay sheegeen in mashruucan  indha fiiqida ay mar kale qaban doonaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com


Gudoomiyaha maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo la filayo in uu safro Garbahaarey iyo Ceelwaaq

Gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba xildhibaan Barre Aadan Shire iyo xunbo kale oo sar sare oo ka tirsan maamulkiisa ayaa la filayaa inay u naba baxaan  gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka ceelwaaq iyo Garbaharey halkaas oo ay ka socdaan shirweyne nabadeed oo laga dhex wado beelaha ku abtirsda beesha Sade ee uu khilafka ka dhaxeeyo.  

Xildhibaan Barre Hiiraale oo maanta saxaafada u waramayay intii  uu ku guda jiray qorshahisa bixitaanka ayaa waxaa uu sheegay in u  aadayo deeganka ceelwaaq arimo nabad ku soo dabaalid ah ayadoo la sheegayo in haatan deegaanka ceelwaaq ay tahay meel aysan ku nooleen waxa bini aadan ah oo ay ka qaxeen shacabkii daganaa intii ay ku soo noqnoqnayeen dagaalada  halkaa ka jiraa ayadoo sidoo kale la sheegayo in ay meel ku taala duleedka magaalada ceelwaaq ay ku sugan yahiin maleeshiyooyinki dhowaan la  wareegay gacan ku heynta magaaladaas oo aysan magaalada aysan dhex daganeen . 

Xildhibaan barre ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in uu gogol wada hadal isugu yeeri doono beelaha ku dagaalamay deegaanka ceelwaq bal si loo soo afjaro xaalada halkaa ka jirta ayadoo uu sidoo kale xildhibaanku sheegay in uu tagi doono magaalada Garbahaareey oo uu shirka nabadeyta ah uu ka socdo ayadoo uu sheegay in shirkaasi uu ka qabo rajo weyn islamarkaana uu tagi doono si shirkaasi nabadeynta ah uu dhiniciisa oga qayb qaato islaaxinta gobolka gedo . 

Hadaba bixitanka xildhibaan barre ayaa waxaa ay ku soo beegantay xili la sheegayo wada hadalaada ka socda Gedo ka dib in la bilaabi doono sidii loo dhisi lahaa maamul  goboleedka jubbaland taas oo ayana sidoo kale uu xildhibaan barre ku doonayo in uu u aado magaalada ceelwaaq oo uu horay u sheegay in aysan marna sina oga ahaan Karin maamulka la sheegay in loo dhisayo gobolada jubbooyinka . 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo soomaliya
Cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 27,  2005

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...

Geedi iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib ugu Laabtay Jowhar
Kaddib markii ay magaalada Galkacyo kulan albabadu u xiran yihiin ku yeesheen madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD