SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

  • Madaxweynaha DGPL iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo u safar Dalalka Emaradka iyo Kenya...
  • Qaar ka mid ah cutubyada ciidanka isbahaysiga dooxada jubba oo ku sii qulqulaya deegaanka ceelwaaq

Madaxweynaha DGPL iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo u safar Dalalka Emaradka iyo Kenya...


Madaxewynaha oo ay socdaan Garbahiisa qaar ka mida Ganacsatada Puntland

Madaxewynaha oo Kormeeraya Dhismaha Airoport Boosaaso

Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Nin Austaralian ah_oo Doonaya in  uu maalgashi ku sameeyo Puntland

Madaxweynaha oo_u waramaya Tv Caalamiya Diyaarada Albaabkeeda

Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamud Muuse Xirsi (Cade) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo uu ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Dr. C/raxman Faroole ayaa maanta safar ugu Ambabaxay Dalalka Emaradka iyo Kenya, sida uu Saxaafada u sheegay Madaxweynaha ayaa waxa uu marka ugu horeysa ku hormari doonaan Dalka Emaaraatka oo ay hore wafdi uga yimaadeen Gobolda Puntland kuwaas oo ahaa Ganacsato iyo khuboro kale oo ay ka mid yihiin Injineero cabiraayay Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada Boosaaso oo ay Mandaqada Sharja hore ugu balanqaaday sidii loo balaarin lahaa, Madaxweynaha oo ka hadlaaya Safarka ay u tagayaan Dalka Kenya ayaa sheegay in ay Casumaad ka heleen Madaxweynaha DFKGS Col. Cabdulaahi Yuusuf si ay uga qayb galaan Xaflada soo guurista DFKGS oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha nagu soo aadan.

Madaxweynaha DGPL ayaa intuu uusan ka amba bixin Garoonka booqday Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Madaxweynah oo ka hadlaayey Nabadgalyada isagoo ka faa,iidaysanaya Fursada Saxaafada sii say si uu u gaarsiiyo Dadweynaha ayuu faray in la adkeeyo nabadgalyada.

Iyadoo ay jireen Dilal kala duwan oo ka dhacay magaalooyin ka mida Puntland oo ay ugu weynthay Dilkii ka dhacay Xabsiga Garoowe oo aan wali gacanta lagu soo dhigin Nimankii gaystay Dilkaa lakiin uu sheegay Madaxweynuhu mar uu la hadlayay saxaafada maanta ka hor in ay balan qadeen in ay soo qabtaan Beelihii ay ka dhasheen nimankaa.

Dhanka kale warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay wada hadal u socdo labdii Beelood (ee Garoowe).

Madaxweynaha DGPL ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku sii dhaweyay Xubno ka mida wasiirada DGPL iyo DFKGS iyo Xubno kale oo ka mida maamulka Gobolka Bari.


Wasiirka qorsheynta DGPL Dr. CAbdiraxmaan Faoole

Wasiiro, xildhibaano iyo Odayaal sii dhaweynaya MDGPL

Muuqaalka Guud ee Dhismaha oo ka socda Airport Boosaaso

c/fatax jaamac | Boosaaso | somalitalkpl@yahoo.com | Jun 10, 2005


Qaar ka mid ah cutubyada ciidanka isbahaysiga dooxada jubba iyo gaawaari tikniko ah oo ku sii qulqulaya deegaanka ceelwaaq

Golaha hogaaminta Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo gudoonka sare ee isbahaysiga ayaa galabta kullankii labaad ee albaabadu uxiran yihiin ku yeeshay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada kismaayo si ay gurmad ugu diraan "Ciidamada Difaaca Gedo", waa sida warku u dhigaye..

barreKulamadaan oo uu shir gudoominayay Col. Barre Aaden Shire ayaa waxaa ka qayb galay mas,uuliyiin, aqoonyahanno iyo ragga beelaha hogaamiya ee saamaynta ku leh magaalada kismaayo iyo gobolka Gedo.

Waxaa shirka hareeyay dooda la xariirta sida loo dirayo ciidamadaan iyo tiradooda iyo waliba saanad iyo dhaqaale deg deg ah oo sida ay sheegeen loo baahanyahay in la gaarsiiyo maleeshiyada difaaca gobolka Gedo oo ay maleeyshiyo beesha Garre ay isku horfadhiyaan magaalada Ceelwaaq.

Kulamadaan xasaasiga ah oo loo diiday saxaafada ayaa waxaa ka soo baxay go'aamo ay ka mid yihiin in loo diro qaar ka mid ah ciidamada isbaheysiga oo ay taageerayaan gaadiidka dagaalka oo tiknikada loo yaqaan. Ciidamadaan ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayan in ay iminka isku urursanayaan saldhiga Shiirkole oo ka mid ah baraha ay degan yihiin ciidamada isbahaysiga, waxaana hogaamin doona Sargaal lagu magacaabo Aaden Garaar oo ka mid saraakiisha taliska ciidamada isbahaysiga dooxada jubba sida uu xaqiijiyeen warar ku dhowdhow isbahaysiga.

Ciiidamadan la dirayo ayaa waxaa ay ka kala imaanayaa dhinacyada maamulka sida ilaalada garoonka, dekadda, Guutada Koowaad iyo labaad, Istaafyada Saraakiisha iyo ciidamada taliska dhexe. Waxaana tani ay noqonaysaa diyaargawgii ugu adkaa ee abid ay sameeyaan isbahaysiga dooxada jubba oo saamayn ku yeelanaya dagaal ka baxsan kismaayo.

Laakiin ma ahan markii ugu horaysay ee maleeshiyooyinka daacada u ah Col. Barre Hiiraale oo lixdii sano ee ugu dambaysay gacanta ku hayay magaalada kismayo ay ka qeybgalaan difaaca gobalka Gedo. Iyada oo sanadkii 2002 ay magaalada Baardheere kula dagaalameen xoogagii ka soo kala jeeday ururada SPM/SRRC iyo RRA oo doonayay in gacanta ku dhigaan magaalada Baardheere oo istiraatiiji u ah dhaqdhaqaaqa deegaanada uu maro wabiga jubba ee jamhuuriyada soomaaliya.

Dhanka kalana waxaa la xaqiijinayaa ciidamo tira badan oo si lixaad leh u hubaysan in ay ka ruqaansadeen degmooyinka G/Gedo iyaga oo ku siijeeda degmada C/Waaq.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliay
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2005


JWXO oo Bayaan ka soo saartay xaaladda murugsan ee Itoobiya
»Madaxda mucaaradka Itoobiya oo guryahooda lagu xabisay
»Mac-hadka Saxaafadda Adduunka oo Itoobiya
»Barnaamijkii muxuu yidhi abwaanku iyo Idaajaa
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jun 10

Magacyada Guddiga Dib u Heshiisiinta ee uu Magcaabay Geeddi
Cali Maxamad Gedi ayaa magacaabay xilal kala duwan iyo guddi dib u heshiineed  oo ka kooban 27... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD