SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SHEEKH YUUSUF QARDAAWI OO KHUDBAYD KU SAGOOTIYAY MUSLIMIINTA DUNIDA

Iyadoo in dhawaalahan uu Mareykanku ku cadaadinayay Dowladda Qatar inay beddesho ajandayaasha uu ku shaqeeyo Telefishinka Al-jazeera oo ah Telefishinka ugu afka dheer kuwa ku hadla Afka Carbiga ayaa wuxuu Mareykanku ku guulaystay qorshayaashiisii ahaa inuu in badan ka beddelo qaabkii uu shaqeyn jiray Telefishinkaas, waxaana arrintaasi ay ku noqotay dadweynaha Muslimka ha ee dunida ku dhaqan iyo kuwa ku nool Qatar mid layaab leh.

Haddaba, Jimcihii aynu soo dhaafnay ayuu Sheekh Yuusuf Qardaawi oo ah mufti si weyn looga yaqaan dunida Muslimka ka akhriyay Masjid lagu magacaabo Cumar Binu Khadaab oo ku yaalla Magaalada Dooxa ee caasimadda Dalka Qatar Khudbad uu ugu magac daray “Sagootin” wuxuuna Sheekhu ku sheegay khudbadiisaas oo ahayd mid dhaxalgal ah in barnaamijkii uu isagu ku qornaa ee (Al-Shareeca Wal-xayaa’) oo Telefishinka Al-Jazeera ka bixi jiray uu noqday mid la diiday gabi ahaanba, wuxuuna Sheekhu sheegay in Barnaamijkaas uusan mar dambe ka bixi doonin Telefishinka Al-Jazeera, isagoo sheegay in arrintaas ay muslimiin badan kaga hadleen qalabka Electroni-ga ah ee lagu qoraalka ah (Web-pages).

Sheekh Yuusuf Qardaawi oo khudbaddaas ku sagootinayay Muslimiintii ka soo qaybgalay iyo kuwa kale ee Adduunka dacalladiisa ku nool ayaa yiri: “Tan waa khudbadii iigu dambeysay ee aan ka jeediyo halkaan” isagoo uga jeeda Telefishinka Al-jazeera oo ay cadaadis ku saaray Mareykanku Dowladda Qatar in la joojiyo barnaamijyada ka hadla Diinta Islaamka iyo Dagaallada ay muslimiintu kaga soo horjeedaan Dowladaha masiixiyiinta ah oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaana barnaamijyada la joojiyay ka mid ah Barnaamijka “A Shareeca Wal xayaa’” oo uu ku qornaa Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, sidoo kale Sheekhu wuxuu manbarkii uu ka akhrinayay khudbadda ka sheegay in Dhammaan cajaladihii laga duubay barnaamijkaas (Al-Shariica Wal-xayaa’) la masaxay iyadoo aan la igala tashan, waxayna taasi igu noqotay aniga iyo Muslimiinta oo dhan la yaab iyo amakaag. 

Sheekhu wuxuu sheegay inuu haatan wado barnaamij Islaami ah oo ku saabsan “Fiqhiga Safarka iyo Dalxiiska” wuxuuna sheegay in markii uu dhameeyo uu badin doono isla markaana uu u qaybin doono Muslimiinta Dunida meel walba oo ay joogaan, sidoo kalena wuxuu Muslimiinta kula dardaarmay inay badiyaan cibaada iyo daacada RABBI, isagoo sheegay in dacwadii islaamka uu sii wadi doono, isla markaana uusan ka caajisayn inuu Muslimiinta u kala ifiyo xaqa iyo baadilka.

Sheekh Yuusuf Qardaawi wuxuu khudbaddiisa ku yiri: “Anigu ma ihi nin ad-adag, sida dadku badankii ii maleeyaan” balse waxaan ahayn nin ka duwan middaas, waxaan ahay fududeeye, maxaa yeelay Ras’uulka (NNKH) ayaa sidaas na faray, oo waxaa laga weriyay Nebiga (NNKH) Xadiis ah: “Fududeeya oo ha adkeynina, isku bishaareeya oo ha kala tagina”, “balse fududeyntu ma ahan in la xalaaleeyo xaaraanta, macnuhuna ma ahan inaan diidno waajibaadka” ayuu yiri Sheekh Qardaawi.

Mareykanka oo in badan ka cudur-daartay barnaamijkaas  (Al-Shareeca Wal-xayaa’) ayaa waxaa muuqata inuu ugu dambeyn ku guulaystay inuu hakiyo, waxaa kaloo Mareykanku lagu wadaa inuu dowladda Qatar ka dhaadhiciyo inay iskaba iibiso Telefishinka Al-Jazeera oo uu sheegay inuu noqday meelaha laga dhiirrigeliyo Argagaxisada, waa siday hadalka u yiraahdeene.

Sidoo kale Mareykanka iyo Ingiriiska oo isku duuban ayaa wada qorshayaal ay ka mid yihiin in la joojiyo barnaamijyada diiniga ah ee laga sii daayo Telefishinnada islaamka sida kuwa Sucuudiga oo ay sheegeen inay dacminayaan waxay ugu yeereen Argagaxisada.

Telefishinka Al-Jazeera waa telefishinkii keliya ee soo tabin jiray dagaalkii foosha xumaa ee uu Mareykanku la galay dowladdii Islaamiga ahayd ee Daalibaan, waxaana sidoo kale uu kula dirirya gudaha dalka Afghanistan Shabakaddii Al-qaacida oo iyadu ahayd shabakaddii uu hoggaaminayay Sheekh Usaama Binu Laden, waxaana arrintaas u xiran illaa iyo hadda Weriye Teysiir Calooni oo isagu lagu xadgudbay sharaftiisii qofnimo iyo xorriyadiisii Weriyenimo, waxaa kaloo Mareykanku dhow wariye kaga dilay Ciraaq Telefishinka Al-Jazeera. waxaanse leennahay ILLAAHAY ha guuleeyo Muslimiinta iyo wixii Taageeraba.

Waxaa isku duway: Maxamed Xuseen (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com

Isha Wararka: Wakaaladaha Wararka

QORAALADII HORE EE JANTIILE::: GUJI...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | June 14, 2005


»Bogag Soomaliyeed oo ku dhiiraday baahinta aflagaadada Islaamka
»DHIBAATADA HAYSATA SOOMAALIDA KU NOOL WADDANKA YEMEN

»JAWAAB: Maqaalkii Ogadenya vs Hargeysa | Maax
»Qaab Nololeedka Soomaalida | Awes A.Osman
»MAXKAMADAHA ISLAAMIGU, MA ISLAAM BAA? | Dr.Dhaanwade
»
URURKII NABAD DIIDKA AHAA OO 5 QAYBOOD U KALA JABAY
»Shariifow (wixii xoog lagu qaado xoog baa lugu soo celiya) | C.M
»Geeddi: “Meelna Gaari waa Geeddigaan Wadey” | C/waxid
»
Xamar ha iska xoreeyso isibaarda badatay | Dirir
»Hargeysa mise Hargageys. | Zahra
»Dib allow u soo celi :: Doodwanaag Q.37aad | Ing. Guulwade
»
Garaad Sabool ah! | Cabdillaahi C. Cige
»Hargeisa vs Ogadenia | A Omar

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD