SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • 7 Qof oo Lagu Diley Beer Xaani ilaa Shalay...
  • Xisbiga SSUP iyo Wasiirka Deeqaha Sweden oo kulan dhaxmaray

Labo qof oo saakay lagu dilay deegaanka beerxaani iyo taliyaha ciidanka isbahaysiga mudane goobaale oo sheegay in ay aadi doonaan deegaanka dilka ka dhacay 

Dilkaan oo dhaacay saakay aroortii ayaa waxaa loo gayestay labo nin oo xoolo dhaqato ah oo markaasi ku suganaa deegaanka beer xaani oo 45 KM u jirta magaalda kismaayo halkaasoo ay dhawanaahan ka dhacayeen falala dil ah oo intooda badan loo gaysanayaya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. 

Dilkaan saakay loo gayestay labadan nin ayaa waxa uu daba socdaa dil shalay loo gayestay shan qof oo ayaguna lagu dilay tuulada beer xaani dilkaasoo asagana ahaa mid  ku salayesan aargoosi iyo aano qabiil.

Hadaba waxaa baryahaan soo noqnoqonaysay falalka dilka ah ee loo gaysanayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ayadoo dilalkan ay yihiin kuwo isdaba joog ah oo si ola kac ah loogu gaysanayo dadka tabarta daran . 

Dhanka kale taliyaha ciidanka isbahaysiga doxada jubba ninka lagu magacaabo maxamed rooble jimcaale goobaale ayaa maanta mar uu saxaafada u waramayay waxa uu sheegay in asaga iyo ciidanka uu madaxda u yahayba ay u kicitimi doonaan deegaanka beer xaani oo ah halka ay falalka dilka ah ay ka jiraan asagoo intaasi ku daray in ay halkaasi u aadayaan si loo qaboojiyo xaalada kacsan ee ka jirta deeganka oo baryahan ay ka jirtay colaad u dhaxaysay beelaha wada daga gobolka jubbada hoose . 

Waxa uu  sidoo kale sheegay mr goobaale in ay ciidankiisa wax ka qaban doonaan falalka dilka ah ee loo gaysanayo dadka xoola dhaqatada ah ee aan waxba galabsan  ayadoo ay falalkan fulinayaan maleeshiyo  beeleedyo hubaysan oo ayagu qas ka wada deegaanada ay ka arimiyaan maamulka isbahaysiga dooxda jubba.

Hadaba ma ahan markii ugu horeysay oo ay maamulka isbahaysiga dooxada jubba ay ku dhaqaaqaan talaabooyin ay ku kala dhex galayaan dadka walaalaha ah ee ay dirirtu ka dhaxayso ayadoo ay ahayd bilowgii bishan markii ay codka  qayaxan ay u isticmaaleen in ay talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan labo beelood oo ku dagaalamayey deegaanka Kaam Jiroon cidii jabisaa heshiid ay ku gaareen magaalada kismaayo ayadoo ay gogoshaas fidiyeen maamulka isbahaysiga dooxada jubba . 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Xisbiga SSUP iyo Wasiirka Deeqaha Sweden oo kulan dhaxmaray

Scandenevian, Katrineholm Sweden
www.ssup.org
info@ssup.org
13 - 06 - 2005


Carin Jämtin, Minister for development and Yassin Mahi Chiarman SSUP

Gudoomyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed Mr Yaasiin Maaxi iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta waxaa si aad u qurux badan loogu soo dhaweeyey wasarada arimaha dibada dalka Sweden ka dib markii aay martiqaad aay ka heleen Wasiirka Deeqaha Sweden (Minister for development, Sweden) Carin Jämtin. Kulankaan oo ula jeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa Shacabka soomaaliyeed Kulankaas waxaa goob joog ka ahaa la taliyaha wasiirka Deeqda Matilda Hulth iyo wakiil u Qaabilsan arimaha soomaaliya Makael Sonnerback.


Cabdulaahi Xasan, Baarliin M Adawe, Liiban Axmed Yassin Maxi iyo Carin jämtin

Kulankaas oo ahaa jawi aad u wanaagsan ayaa Wasiirka Deeqda Carin jämtin shirkii ku furtay ku soo dhawaada wasarada arimaha dibada ee sweden waxaana rajeeynayaa inuu kulankeena noqdo mid aad u qurxoon. islamarkiiba waxaa hadlkii qaatay Gudumiyaha Xisbiga SSUP oo u mahad celiyey howsha aay ummada sweden u haayso iyo howsha aay u haayso aduunweynaha iyo ladagaalanka gaajada iyo hurumarinta Midnimada Aduunka. Intaas kadib Gudoomyaha SSUP Mudane Yaasiin Maaxi wuxuu warbixin ka siiyey qaabkii loo aas-aasay xisbiga SSUP iyo Ula jeedada ugu weyn oo xisbiga loo aas aasaya inay tahay in Soomaaliya noqoto mustaqbalka Mujtamac ku dhaqama Demuquraadiyad iyo inuu xisbiga SSUP u iftiimiyo dhallinyarada iyo jiilka soo koraaya, kaalinta laga rabo in ay ka qataan dib u dhiska iyo ilaalinta danaha waddankooda hooyo Soomaaliya, ha noqdeen kuwa jooga Dalka gudihiisa iyo kuwa ku nool caalamka intiisa kale.

Intaas ka dib waxaa su`aalo iyo jawaabo isdhaafsaday Cabdulaahi Xasan, Baarliin M Adawe, Liiban Axmed iyo Mikael Sonnerback waxay ka wada hadleen dhamaan arimaha soomaliya iyo sidii Xal looga heli lahaa Waxaan mahad idiinkaaga celinaynaa sida binu aadminimada ku dheehan aad ula soo taagan tihiin had iyo jeer badbaadinta, nafaqeynta, daryeelka iyo daaweynta Shacabka Soomaaliyeed.


Baarliin M Adawe, Liiban Axmed iyo Makael Sonnerback. Matilda Hulth Carin jämtin

Gaba-gagabdii shirka ka dib waxaa shir jaraa`id qabtay Gudoomiyaha xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi oo halkaa ka muujiyey in midimada ummda aay lama huraan tahay.
Shacabka soomaaliyeedna waa inuu gartaa meesha dantiisa ku jirto
Xisbiga SSUP wuxuu soo dhoweynaayaa strateeji ahaan xal kasta ee u suurta gelineeysa waqtiga xaadirka soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta, kuwasoo iyaguna markooda suurta gelinaya goor dambe, Himilada rajo soo celinta Shacabka Somaaliyeed ayuu yiri, Maaxi wuxuu kale uu sheegay………..
SSUP will mobilise the technocrats, the educated and all Somali nationals and the Civil society who share the common vision of re-building our nation our democratic principles namely; Equality, Justice and Unity
SSUP will continue to safeguard the interests of the Somali people under the guidelines of the principles and programmes of SSUP. It will not condone the use of tribalism to perpetuate personal interests and destroy the nation as a result.

Wixii faah-faahin ah kala xiriir Xurunta Xisbiga Mimada Bulshada Soomaaliyeed.
www.ssup.org
info@ssuporg

Faafin:  SomaliTalk.com | June 15, 2005

Boosaaso oo Lagu Dhaariyey Gudiga Degaanka Degmada oo ka kooban 27 Xubnood
Waxaana lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada.. Guji... Jun 14

Odeyaal dhaqameedyo reer Ogaadeenya ah oo dawlada Itoobiya canbaareeyay
iyo Xukuumadda itoobiya oo xabsiyada ku haysa kumanaan qof.. Guji... June 14

Addis Ababa: 22 Qof ayaa la Diley, Boqolaal Kalena Waa la Dhaawacay
»Labada Gole ee DFKMG oo Laga Saaray Hotel 680, Nairobi
»Isbaarooyinkii Muqdisho oo Qaarkood oo dib loo soo celiyey
»Soomaalida oo ka qeybgashay dood ka dhacday B/Sweden
»Wadahadalladii Beledxaawo & Mandera oo la gabagabeeyey
Wararka oo dhan ka akhri halkan...Guji Jun 8, 2005

Dagaal Ka Dhacay Shilaabo dusheeda
iyo Idaajaa oo ku baaqay in JWXO la taageero Guji...

Cali Geddi oo ka Dagay Jowhar
Ra'iisulwasaaraha dowlada FKMG ah iyo xubno uu hogaamiyo uuna ka  mid yahay Wasiirka .. Guji Jun 7

Warsaxaafadeed: Gudoomiyaha KMG ee SAMO
Maxamed Mukhtaar Maxamed "Taarey"
ayaa... Guji Jun 7


Maxay isku Khilaafeen C/laahi  iyo Cali Geeddi
Khilaafkan oo hadda la soo afjaray, kaas oo u dhexeeyey Madaxweynaha DFKMG, C/llaahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Geeddi ayaa guntiisu ahayd kaddib markii.. Guji...

Saxafiyad Soomaaliyeed oo Lagu Diley Wadada Afgooye
Duniyo Muxudiin Nuur waxaa la diley ayadoo Guji

Maalinta Dhirta oo si Weyn Looga Xusay Galkacyo
"Yaynaan Dhaqan Wareegine Kaca Aan Dhir Beeree": waa hal-ku-dheggii munaasabada Galkacyo... Guji...


Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid. 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD