SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

  • Cali Maxamad Geddi oo u dhoofay Jowhar.
  • Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamad Geddi oo soo bandhigay  howlgalka ugu horeeyay ee DFKMG  ay ka bilaabi doonto dalka.

June 18, 2005

Cali Maxamad Geddi oo u dhoofay Jowhar.
Anab Mumtaz | Somalitalk.com | Nairobi. | canabmumtaz@yahoo.com
 
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamad Geddi oo qudbad gaaban jeediyay daqiiqado ka hor intii uusan ka duulin garoonka Wilson ee Nairobi ayaa sheegay in uu dowladiisa u rarayo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Jowhar oo xarun KMG ahaan ah u noqon doonta labada Golle ee dowlada iyo baarlamaanka Federalka KMG ah ee Soomaaliya.
 
Cali Gedi waxa uu intaas ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad uu ku soo dagi doono Magaalada Jowhar,kadib marka ay  usoo dhamaato marti qaadka uu ka helay Dowlada yaman,si uu ugala qayb qaato dhismaha dalka labada golle.
 
Ra'iisul wasaaraha oo ay horay usii raaceen xubno ka mid ah labada golle ayaa sheegay mar wax laga waydiiyay in magaalada jowhar uu diiday Maxamad dheere oo gacanta ku haya maamulka gobolka sida ay ugu suurta gali karto in ay ka howl galaan ayaa sheegay in wararkaas aysan ahayn kuwo jira,Maxamad dheerena uu yahay siyaasi soo dhawaynaya dowlada iyo baarlamaanka waxa uuna intaas ku daray cali geddi in wax diidmo ah aysan jirin oo maxamad dheere ka muujiyay magaaladaas.
 
Saakay goor hore ayuu xafiiskiisa ku qabtay Cali Gedi warsaxaafadeed ka hadlayay howlgalka ugu horeeya ee dowlada ay ka samayn doonto dalka Soomaaliya,waxa uuna muhiimada ugu wayn siiyay markii uu  sharaxayay qoraalkaas dhinaca nabad galyada iyo waliba dhismaha dagmooyinka dalka iyo maamul u samayntoda wax badana kama soo qaadin dhinaca dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka,inkasta oo la dhisay guddi ka koobnaa 27 xubnood oo dib u heshiisiinta ka shaqeeya hadana ma ahan kuwa wax badan soo kordhin kara inta uu wali khilaafku ka dhex jiro Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka dhigay labada golle laba awoodood oo tartamaya.
 
Ra'iisul wasaaraha waxa uu xusay in uu dalka Kenya dib ugu soo laaban doono,laakiin ay dowladiisa dhamaystiri doonto qorshaha dib u guurista dowlada ee bilowday bishan 13 keedi,markii uu madaxweynuhu si rasmi ah u bilaabay,Cali Gedi ayaa kulamo la yeelan doona waxgaradka reer jowhar iyo waliba hogaamiyaha Maxamad dheere.

##

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamad Geddi oo soo bandhigay  howlgalka ugu horeeyay ee DFKMG  ay ka bilaabi doonto dalka.

  • "La'aani waa Nolol La'aan"
Ra'iisul wasaaraha dowlada FKMG ah ayaa maanta soo saaray qoraal dheer oo lagu bilaabay Nabad "La'aani waa Nolol La'aan" kana soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha kana koobnaa 10 bog ayuu uga hadlay guud ahaan talaabada ay dowlada damacsan tahay in qaado iyo waliba meelaha laga bilaabayo.
 
Cali Maxamad geddi oo maanta u ambabaxaya dalka Somaliya gaar ahaana magaalada Jowhar ayaa ujeedada qoraalkan ku tilmaamay in uu ka dhashay ka dib markii uu tixgaliyay Go'aankii gollaha wasiirada ee soo baxay 15 janaayo 2005 kana hadlayay Nabadaynta,Dib u  heshiisiinta iyo waliba maamul u dhisida dalka Soomaaliya,iyo waxa ku xusan dastuurka FKMG ah ee Soomaaliya ayay qaadatay dowlada ayuu yiri in ay soo saarto qoraalkan.
 
Talaabooyinka ay qaadi doonto dowlada waxaa waxa uu ku tilaamay geddi.
1.Nabad.
2.Midnimo.
3.Xukun wanaagsan.
4.Dimoqraadiyad.
5.Federalisim.
6.Nidaam iyo kala dambayn.
 
Dhamaan xubnaha dowlada waxa ay safaro kala bixin doonaan dalka inta gobol iyo dagmo ee uu ka koobmo sidii loo hirgalin lahaa qodobada kor ku xusan oo dhamaantood saldhig u noqon doona si ay dowlada u meel mariso hadafyadeeda siyaasadeed iyo nabad galyo ee ay ku soo daabalayso dalka.
 
Xareynta Maliishiyooyinka iyo goobaha lagu tababari doono ayay dowladu sheegtay in ay dhawaan ka soo saari doonaan qorshe dag dag ah oo ku aadan sidii loo tababari lahaa loogana dhashaqayn lahaa horumarkooda iyo xirfad u samayntoodaba.
 
Aasaasha Nabad galyada waxaa hormuud u noqon doona cidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa  ama dibadiisa ayay dowladdu ku xustay qoraalkan maanta ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaare Cali Maxamad Geddi.
 
Barnaamijyada loogu tala galay Dagmooyinka Dalka Soomaaliya waxa ay dowladu u qorshaysay sidan.
 
1.Guddiga dhisida Nabada iyo Amniga Qaranka.
2.Guddiga Horumarinta Arimaha bulshada ee dagmada.
3.Gudiga horumarinta dhaqaalaha ee dagmada.
4.Guddiga horumarinta dhaqanka iyo caadooyinka ee dagmada.
5.Guddiga warbaahinta iyo baraarujinta Dagmada.
 
Miisaaniyada loogu tala galay dagma Walba oo ka mid ah dalka in ay ku baxdo ayay dowaladu ku sheegtay in ay gaarayso marka loo dhigo lacagta EURO oo gaarays, 48,000. si loogu daboolo baahida ay dagmo walba u qabto horumarinta dhinacyada lagu soo xusay kor.
 
Guud ahaan marka la soo koobo waxa uu qoraalkani si wayn uga hadlayaa sidii si dag dag ah dagmooyinka dalka iyo goboladaba loogu samayn lahaa maamul,taas oo u muuqata in dowladu xoogeeda oo dhan ay iskugu keenayso sidii gobolada loo hormarin lahaa dhinacyada dhaqaalaha.nabad galyada iyo sidii bulshada loogu samayn lahaa adeegyada ay u baahaan yihiin.
 
Cali Maxmad Geddi Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Maanta ku dagaya magaalada Jowhar ee dalka Soomaaliya ayaan qorshaha ku darin maqaamka loogu tala galay caasimada Soomaaliya ee Xamar oo qaar ka mid ah gollaha wasiiradu ay horay u sheegeen in ay iyaga u samaynayaan maamul hubka ka dhigi doonaan isla markaasna ay maliishiyaadka xaraynayaan kadib ka saari doona caasimadda.
 
Dowlada Wali kuma guulaysanin in ay saxdo khilaafyada ka dhex jira,waxaa soo badanaya cabashooyin kala duwan oo loo jeedinayo mas'uuliyiinta labada golle ugu sareeya,hadii aysan helin gacan dhexdhexaad ah oo soo kala dhex gashay waxaa hubaal ah in aan lagu guulaysan karin howlagalada ay soo bandhigaan mas'uuliyiinta dowlada maalin walba kana hadlaya sidii ay dalka ugu samayn lahaayeen maamul guud iyo mid ismaamul ahba.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com | June 18, 2005

Nin Lagu Magcaabi Jirey Eng. Cabdi Yare oo Xalay Fiidkii Lagu Diley Kismaayo
»Kismaayo: Nin Musaafur ku ahaa magaalada oo la diley ..
»Prof. Geedi: Kenya Tixgalin ha siiso dadka Soomaaliyeed ee..
»Bosaso: Bambaanooyin Lagu Qarxiyey Bangiga iyo Qasnada..
»Dawlada FKMG oo lagu heshiisiin doono Yemen...
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta u dhoofay Yemen..
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo iman doona Yemen..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... June 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD