Shariifow (wixii xoog
lagu qaado xoog baa lugu soo celiya)
C.M.cabdale
Dubai.UAE
a_abdulla@thuraya.com
Carbtu waxy
tiraahdaa “Maa ukhida bil quwah laa yustaradu illa
bil quwah” Taaso micneeheedu yahey wixii xoog lagu
qaado waxaa lugu soo celiya xoog. Oraalkaas oo u
oran jirey Jamaal C/naasir (an) isagoo ula jeedey
carabey yuhuudi xoog bey ingaaga qaadey dhulkeena
waxaana ku soo ceshan karra xoog isagu ula jeeda
dhulkii ey yuhuudu qabsatey 5-6-1967.Waana tii
carabi arintaa rumeysey oo 6-10-1973 dagaal lama
filaan ah yuhuuda kaga guuleysatey inkasto dheeligii
guushu uu markii danbey u janjeedhsadey xaga yuhuuda
kadib markii marykanku toos u soo galey dagaalka.
Laakin xooga carbi tustay yuhuuda ayaa meesha ka
saary madax taagii yuhuuda, oo markii danbe nabad
lagu gaarey bariga dhexe.
Shiriifka wadani
nimadiisa shaki kuma jirto laakin waxaa ka xun
waddada uu maraayo taaso sababteedu tahy aqoon
darada ka heysata waaqica siyaasadeed ee maanta
yaal.Waayo kama uu door bideen isagoo sharaf
dawladeed huwan oo aduunweenuhu xoog iyo xoolo iyo
xeeladba la daba taagan yahey, isagoo ey hor taalo
dawladii c/qaasim taarikhdeedi dhoweyd oo ku
fashilanty baryadii dagaal ogayaasha xamar , kama uu
door bideen inuu xamar u baryootin tago oo weliba ku
biiro daalimiinti isbaaroyinka xoog ku dhigtey
Muqdishu gudeheeda.
Waxaan xasuustey
maah maahdi xuunshada iyo tukaha markii layiri tukow
goormaad wax garataa uu yidhi gorta laba nin is
eekto, xuunshaduna ey tidhi marka laba dhagax igu
dhacdo.Kolka hadii siyaasada c/laahi noqotey tii
tukaha - waana run - waxey ila tahy tan shariifku
kama dheera tii xuunshada, wuxuuna sugaayaa dhagixii
labaad goortuu ku dhici doono illeen kii hore Mr.
Yalaxow ayaa already ku ridey.
Aduun weenuha iyo
wax garadka soomaaliyeed iyo madaxda dawlada (inta
daacada ah) waxey qabaan in qarannimada iyo
nabadgelyada xamar ey ku soo noqon karto xoog.
Waxaan xoog ahyenna ma soo calin karaan. Hadaba xoog
xagee laga keena ?
Jawaabtu ma foga
mana dheera waana taa uu c/laahi yuusuf sheegey.
waxaan aheyn tiisana ma marayaan maanta iyo wadciga
yaal.Wixi kale waa riwaayad iyo maaweelo lagu
luminaayo wakhti qaaliyah oo cimriga ummada
soomaaliyeed ka go’an oo ey kaga faa’iidysan lahyed
dib u dhiska dhulkooda hooyo.
Dadka c/laahi
karahiyeysan waxaan oran laha “wa casa an takrahuu
shy’an wahuwa khyron lakum “.Shacbaka somaaliyeed
waxaan oraan laha xamar xoog baa lagu heystaa,
waxaan xoog ahyna sooma celiyaan.Shariifka waxaan
oraan laha iskaga soo tag Xamar intaan dhagaxa
labaad kugu dhicin oo ku soo biir ragga eebe barey
salaad walba wakhtigeeda sida loo tukado.
Wa billaahi tacaala
altowfiiq
C.M.cabdale
Dubai.UAE
a_abdulla@thuraya.com
Afeef: Aragtida
qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan