Somalitalk ayaa wareysi la
yeelatay Mudane Maxamuud Nuur
Wardheere oo asaga naftigiisa
ahaa murashaxii duqa magaalada
Minneapolis kalkii hore 2001,
hadana la shaqeeya US Senator
Coleman –MN. Wareysigiina sidan
ayuuu u dhacay.
Somalitalk: Ka waran
doorashooyinkii ka dhacay dalka
maraykanka guud ahaan iyo gaar
ahaan Minnesota.
Wardheere:
Doorashooyinka wadanka
maraykanka xilliga doorashada
madaxweynaha ama kan senatoorada
ama governorada ayaa ugu
xamaasad badan uguna kharash
badan. Doorashada shalay
dhacday waxay ahayd badanaa
local government sida duq
magaalo ama city councils ama
gudoon waxbarasho iwm. Gobolka
Virginia ayaa wax la dhihi karo
wax cusub baa ka dhacay taasoo
ah in governor demoqradi ah laga
doortay gobolka oo lagu yaqaan
inuu yahay gobol dadkiisu u
codayn jireen badanaa xagga
xisbiga jamhuuriga. New Jersey
ayadana waxaa ku guulaysaty
governor demoqraadi ah in kastoo
aad loo filayey oo uusan ahayn
wax la yaab leh.
Somalitalk: Waxaa cad in
xisbiga demoqraadiga aad ugu
faraxsan yihiin natiijada
doorashooyinkii shalay dhacay.
Mala dhihi karaa waa cad cad
yihiin?
Wardheere: labadan xisbi
ee jamhuuriga iyo demoqraadiga
kolay ayagaa isku bed bedela oo
marba mid baa soo baxaa.
Waxayna ku xiran tahay hadba kii
aad u fahma daruufaha waaqaca ee
markaas horta taagan shacabka
meesha laga soo doorto iyo hadba
sida ay u helaan murashixiin soo
jiidasho leh. Ma dhihi karo
xisbigaas ayaa sareeya laakiin
waxaa iska cad in doorashadii
shalay ay ka turjumaysay raali
ka noqoshada maamulka Bush oo
aad u hoosaysa (low approval
rating) marka laga eego
dharbaaxadii shalay ku dhacday
xisbiga jamhuuriga.
Somalitalk: Ka waran
doorashada duqa magaalada
Minneapolis iyo kan St. Paul
(twin cities)?
Wardheere: Doorashada
duqa magaalada Minneapolis ma
ahayn mid indhaha u soo jiidatay
si heer qaran ah (national)
marka loo eego sida duqa
magaalada St. Paul. Waxaan
jirta sabab kala duwanaanshahaas
sababatay. Duqa magaalada
Minneapolis waxaa ku tartamayey
ninkii hore u sii hayay jagada
oo la yiraahdo R. T. Rybak iyo
murashaxa kale ee la yiraahdo
Peter McLaughlin oo hadda ah
County Commissioner. Labadan
nin oo isku xisbi ah (D) oo ka
soo dhex baxay doorashadii hore
(primary) kana soo adkaaday ilaa
9 qof oo kale waxaa la dhihi
karaa mid walba olole weyn ayuu
qaaday laakiin waa doorasho iyo
caadigeedii ilayn qof uun baa
guulaysan lahaa. Waxaana si aad
ah ugu guulaysaty ninka hore u
sii hayey jagada waa R. T. Rybak.

R. T. Rybak (D) |

Peter McLaughlin (D) |

Chris Coleman (D) |

Randy Kelly (D) |
Doorashada duqa magaalada St.
Paul waa ka duwanayd tan
Minneapolis waxaana arrinta
magaaladaas oo dadkeedu u badan
yihiin dad u codeeya badanaa
xisbiga demoqraadiga yaabkeeda
uu bilawday bartamihii sanadkii
la soo dhaafay ee 2004.
Xilligaas duqa magaalda St.
Paul oo ah demoqraadi si lama
filaan ah u taageeray madaxweyne
Bush markii uu la tartamayey
Senator Kerry. Duqa magaalada
St. Paul oo la yiraahdo Randy
Kelly taageeradiisa Bush waxaa
ka xanaaqay dadkii u badnaa
magaaladiisa ee u codayn jirey
xisbiga demoqraadiga. Waxaa
kale oo ka xanaaqay murashax
Kerry. Taas ayaa ka dhigtay
doorashada duqa magaalada St.
Paul mid heer qaran ah. Intii
uu socday xilligii ololaha
doorashada St. Paul waxaa duqa
magaalada St. Paul Rady Kelly
taagerro ugu yimid dad laga
yaqaan maraykanka oo dhan oo
caan ah oo ay ka mid yihiin
Duqii hore ee New York Ed Koch
iyo kan Chicago Richard Daley.
Murashaxa la tartamayey Kelly
waxaa la yiraahdaa Chris
Coleman. Asagana waxaa taageero
ugu yimid oo u soo gurmaday dad
badan oo caan ah haba ugu
weynaadee John Kerry.
Doorashada St. Paul waxaa ku
guulaystay Chris Coleman waxaana
u soo hambalyeeyey John Kerry oo
kaga aar gudanaya George Bush.
Somalitalk: Soomaalida
Minnesota sidee uga qayb qaateen?
Wardheere: Waxaa la oran
karaa Soomaalida Minnesota si
weyn ayey uga qayb qaateen
weliba uga dhex muuqdeen hadday
ahaan lahayd duqa magaalooyinka
mataamaha ama city councilba.
Waxaa ay la kala safnaayeen
labada murashax ee duqa
magaalada Minneapolis iyo kan
magaalada St. Paul.
Murashaxiinta qaarkood ayaa
ayaga cod raadin ku tagay
goobaha ganacsiga iyo
masaajidadaba. Waxaa xusid
mudan in maanta oo ay bisha
tahay November 9, 2005 waxaa
maanta Minnesota qaatay
dhalashada dalka maraykanka 270
qof oo Soomaali ah.
Siyaasiyiinta Minnesota waxaa ay
indhaha ku hayaan dadka
Soomaalida oo beryahan aad u
qaata dhalashada maraykanka oo
soo badanaya iyo weliba ka sii
darane caruurahooda badan oo
gaaraya 18 ayagoo il gaar ah ku
haya awooda codkooda ee soo
socota.
Wardheere waxaa lagala xiriiri
karaa email:
mnwardere@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10,
2005
Geeddi oo Soo Dhoweeyey Xafiiska
ay Jaamacada Carabtu Ka
Furaneyso Jawhar
»Itobiya
oo ka xumaatay weerarkii lagu
qaaday Geeddi..
»Sweden:
Shaaweeye iyo Firimbi oo ka
qaybgalaya Shir..
»Danjiraha
Soomaaliya u fadhiya QM oo
sheegay in..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Nov 10
Musharaxa Duqa Magaalada
Minneapolis oo Booqday Masjid
Shaafici
Peter Mclaughlin oo ah musharaxa
duqa magaaada ayaa lakulmay
Sh. C/Raxmaan, Soomaalidana waxa
uu weydiistey in ay u codeeyaan
Doorashada Maanta (Nov 8) waxana
uu ballan qaaday in
Guji....