SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

  • Dowladda Federaalka oo heshiisyo la gashay wadamada Itoobiya iyo Kenya..

  • Kulankii Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ee Jowhar oo ay ka soo baxeen

  • Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ee xubnaha labada Gole ee Muqdisho..

  • Xilkii uu ka geeryooday Max’ed Xaashi Gaani oo loo dhaariyey ..

  • Xulka Qaranka Soomaali-ya oo lagu dharbaaxay 4-1..

  • Dufcaddii ugu horeysay oo ka qalinjabisay Machadka Caafimaadka ee Xayaad..

  • Xaflad lagu soo gunaanadayo heshiiskii beelaha Harti iyo Sade oga socday magaalada kismaayo  oo  lagu qabtay hotelka tawakal ee magaalada kismayo....

  • Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika iyo Maanta.

  • Shirar lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre iyo gubidii Fooljeex oo ka kala dhacay Toronto iyo Musawac.

WARARKA MAANTA::: Nov 30, 2005

Dowladda Federaalka oo heshiisyo la gashay wadamada Itoobiya iyo Kenya..

Waxa maalintii shalay ahayd xurunta Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar oo saldhig u ah qayb ka mid ah Dowladda Federaalka heshiisyo ku kala saxiixday Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana heshiisyadaasi ay ahaayeen kuwo isugu jira mid dhaqaale, mid siyaasadee iyo mid nabadgelyo.

Haddii aan soo qaadano midkii ay kala Saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu dhigayaa in Dowladda Itoobiya ay istimcaali karto Dekedaha Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kale waxaa heshiiku dhigayaa in si wada jir ah looga shaqeeyo xuduuda dheer ee u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyo isku gudubka ganacsiga.

Sidoo kale Dowladda Federaalka waxay heshiis la gashay Dowladda kenya waxa uuna heshiiskaasi dhigayaa in Labada Dowladood ay is dhaafsadaan arrimhaa ganacsiga iyo sidii looga shaqeyn lahaa dhinaca nabadgelyada, waxaana Soomaa-iya heshiiskaan u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda C/llaahi Shiikh Ismaaciil, waxaana Kenya u saxiixay danjiraha Soomaaliya u qaabilsan ee Max’ed Cabid Afey. Heshiiska Itoobiyana waxaa saxiixay Wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda ee Itoobiya, waxayna heshiisyadaani ku dhaceen jawi is afgarad ah.   

Kulankii Wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ee Jowhar oo ay ka soo baxeen

Magaalada Jowhar ayaa lagu soo gebagabeeyay maalintii shalay ahayd kulankii Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD, waxaana ka qaybagalay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Jabuuti, Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda ee Uganda, iyo danjiraha Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Max’ed Cabdi Afey, waxaana ergooyin soo dirsaday wadamada Suudaan iyo Eretariya, waxaa kalloo ka qaybgalay danjiraha Ingiriiska u fadhiya wadanka Kenya, danjiraha Talyaaniga u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ergay ka socday Dowladda Yemen, ergay ka socday midowga Afrika, ergay ka socday wadanka Sweden iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaana furay kulankaani Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana gebagabadii kulankaasi ka soo baxay dhowr qodob waxaana ugu muhiimsanaa in Golaha Ammaanka uu cunaqabateyta ka qaado Soomaaliya si ay u fududaato gelista Ciidamada IGAD-SOM, waxaa kalloo qodobada ka mid ahaa in wixii khilaaf ah ee u dhexeeya Dowladda ay noqdaan kuwo lagu dhameeyo is afgarad, waxaana la sheegay in caalamku uu gacan ka gaysanayo wixii tasiilaad ah ee loo baahdo, waxaa kallo ka mid ahaa qodobada in  si wada jir ah looga hortago waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada. qodobada ay soo saareen wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD waxaa kalloo ka mid ah in IGAD ay gacan ka gaysato dib u dhiska iyo horumarinta dalka iyadoo la kaashaneysa beesha caalamka, in Jowhar ay safaarado ka furtaan wadamada Caalamka, sida ay horey uga furteen midowga Yurub, midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, Wasiiradu waxay cambaareeyeen wiirarkii lagu qaaday Ra’isul Wasaare Geedi, waxaana kalloo la isku raacay in ay dhamaatay dib u heshiisiintii Soomaaliya xiligii lagu jiray shirkii dib u heshiisiinta, waxaa kalloo loogu baaqay shacabka in ay taageeraan barnaamijyada Dowladda, iyadoo shirku uu soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed. 

Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ee xubnaha labada Gole ee Muqdisho..

            Kulan ay shalay isugu yimaadeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho uuna shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa looga hadlay go’aankii xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar ee ahaa in wajiga hore ee shirka dib u heshiisiinta ah lagu qabto Magaalada Kismaayo wajiga labaadna lagu qabto Jowhar.

            Haddaba go’aanka ay gaareen xubnaha Labada Gole ee ku Muqdisho ayaa waxaa ka mida haa in shirka dib u heshiisiinta bilow iyo dhamad lagu qabto Magaalada Kismaayo liyo Magaalada Muqdisho, waxay sheegeen xubnaha labada Gole in shacabka Soomaaliyeed wixii haatan ka dambeeyay aysan gali karin is jiidjiid loona baahan yahay in la soo afjaro khilaafka.

            Shariif Xasan oo ka hadlay kulanka gebagabadiisii waxa uu sheegay in xubnaha labada Gole sidoo kale isku raaceen in 25-ka bisha December ee fooda nagu soo haysa la qabto kulankaasi.

            Waxaad halkaan ka garan kartaa in dhinacyada kala jooga muqdisho iyo Jowhar ay ku kala aragti duwan yihiin arrinkaa, waayo qoloda kore waxay go’aamiyeen in wada hadalka lagu qabto Kismaayo iyo Jowhar, halka kuwa ku sugan Muqdishana ay go’aamiyeen in shirka lagu qabto Kismaayo iyo Muqdisho, sidoo kale taariikhda ayaa ah mid kala duwan.    

Xilkii uu ka geeryooday Max’ed Xaashi Gaani oo loo dhaariyey ..

            Kulankii shalay ee xubnaha Labada Gole ee Muqdisho ayaa waxaa lagu dhaariyay xubno aan horey loo dhaarin iyo kuwo bedelay kuwa geeryooday.

            Xubnihii shalay la dhaariyay waxaa ka mid ahaa Gen, Axmed Warsame, iyadoo xilkii uu ka geeryooday Gen, Max’ed Xaashi Gaani uu buuxiyay C/waaxid Cilmi Axmed.

            Dhaarta labadaan xubnood ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhamaan xubnaha ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana labadoodaba lagu wargeliyay in ays I daacad ah ugu adeegaan dadkooda iyo dalkoodaba.

            Gen, Axmed Muuse ayaan ka mid noqon xildhibaanadii Baarlamaanka dalka Kenya waxa uuna howlo shaqo markaasi u joogay Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose.

            Waxaa weli jira is haysi ka dhex taagan shan xildhibaan oo horey u geeryootay ciddii bedeli lahayd, iyadoo arrintaani ay ka dhex taagan beelaha ay ka dhasheen dadkaasi.  

Xulka Qaranka Soomaali-ya oo lagu dharbaaxay 4-1.

            Kulankii labaad ayay Xulka Qaranka Soomaaliya waxay la cayaareen xulka Wadanka Suudaan, waxaana ka qaybgalay kulankaani dadweyne aad u fara badan, iyadoo qaybtii hore ee cayaarta looga naxsaday Xulka Soomaaliya gool, dadaal dheer kaddib ayaa goolkii barbaraha waxaa u dhaliyay Cayaaryahan Shaarkey, iyadoo weli lagu guda jiro qaybtii hore ee cayaarta ayaa labo gool oo deg deg ah laga dhaliyay Xulka Soomaaliya, waxaana qaybtii hore lagu nastay 3-1 oo uu lahaa xulka Suudaan.

            Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay dadaal dheeraad ah ayay muujiyeen xulka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa lagu hayay weerar joogto ah, waxaana laga dhaliyay goolkii afraad, waxayna cayaartu ku soo idlaatay 4-1 oo ay guushu ku raacday Xulka Suudaan, waxayna maalinta Khamiista ah xulka Soomaaliya la cayaarayaan xulka Wadanka Itoobiya, waana kulankii saddexaad ay yeeshaan Xulka Soomaaliya.  

Dufcaddii ugu horeysay oo ka qalinjabisay Machadka Caafimaadka ee Xayaad..

Waxaa maalintii shalay ahayd Hoolalka shirarka ee Isbitalka Al-Xayaat lagu qabtay xaflas si heer sare leh loo agaasimay ku saabsaneyd dufcaddii ugu horeesay oo ka qalinjabisay Machadka Xayaat ee barashada cilmiga Caafimaadka, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha samafalka, ururada Bulshada iyo mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay Dr. Max’ed Maxamuud (Max’ed Dheere) oo ah agaasimaha Takhaatiirta ee Wasaaradda caafimaadka, wuxuuna sheegay in maanta ay farxad u tahay Machadka Xayaat ee barashada cilmiga caafimaadka in ay ka qalinjabiyaan arday loo tababaray dhinaca caafimaadka, waxaa kalloo uu sheegay in ardaydaani Machadkaan dhiganayeen muddo saddex sano ah ayna baranayeen Kalkaaliye sare ee caafimaad, isagoo sheegay in haatan Machadka lagu soo kordhiyay qaybaha shaybaarka, daawada iyo Umulisada.

Waxaa kalloo ka hadlay Dr, Maxamuud Max’ed Bidey oo ah maamulaha Machadka waxa uu sheegay in ardayda ka qalinjabisay Machadkaan ay taradoodu gaareyso 18 arday, oo uu sheegay in ay ku badan yihiin gabdho, waxaa kalloo uu sheegay in Kalkaaliyaashaan cusub qaar ka mid ah uu qaadan doonaan Isbitalka Xayaat, sidoo kalena qaybaha kalena waxay u shaqeyn karaan cid kasta oo shaqeysa howlan howlo caafimaad.

Xafladdu intay socotay ayaa waxaa dhextaal u ahaa Riwaayad ka hadleysay arrimaha caafimaadka, waxaana dhigayay kooxda Horyaal Band oo kaalinayeen ardayda qabalin-jabineysay, taasoo ay si aad ah ugu riyaaqeen dadkii daawanayay.

Xafladda waxaa gebagabadii ka hadlay wasiir ku xigeenka caafimaadka Cismaan Maxaxmuud Dufle waxa uuna u soo jeediyay ardaydii qalanjabineysay in ay cilmigooda uga faa’iideeyaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuu kalloo u mahadceliyay intii gacan ka gaysatay wax barida ardaydaasi, waxaana xafladda ku lamaansanaa dhismo cusub oo lagu biiriyay Machadka oo ay dhismihiisa ka qaybqaateen Xayaat Medical Group, Hay’adda DBG (Daryeel Bulsho Guud) iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana ardaydii qalinjabisay la gudoonsiiyay Shahaadooyin. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com


Xaflad lagu soo gunaanadayo heshiiskii beelaha Harti iyo Sade oga socday magaalada kismaayo  oo  lagu qabtay hotelka tawakal ee magaalada kismayo....

Xaflada si heer sare loo soo agaasimay ayna ka sooqayab galeen odayaasha dhaqanka, duubabaka malaaqyada iyo waxgaradka beelaha Sade iyo Harti islamarkaana lagu kala saxiixanayay heshiis mudo sadex bilood u socday labdaas beelod ayaa Isniin Nov 29, 2005 ka dhacday hotelka tawakal ee magaalada kismayo. 

Xaflada oo aad loo agaasimay socotayna waqti ka badan sideed  saacadood  ayaa waxa ay isugu jirtay saxiixa qodobadii shirka laga soo saaray, isdhaarsi iyo hadalo dhaqan iyo siyaasadeed oo ay jeediyeen odayaasha labada dhinac kuwa beelaha kale ee goob jooga ahaa iyo mas,uuliyiinta isbahaysiga dooxada jubba.oo dhamaan halkaasi goobjoog ka ahaa

  Ugaaska Beelaha Harti ee j/hoose  Ugaas Maxamuud Xuseen Baqoow oo xafladaasi  ka hadlay  ayaa si aad ah ugu dheeraaday wanaaga  heshiiskaan oo uu sheegay in horseed u yahay Nabad ka dhacda gobolada jubbooyinka oo hoy u ahaa rabahsado sanadihii la soo dhaafay waxaana uu Ugaasku sheegay in dhinacooda ay qaateen qodobada heshiiska la soo diyaariyay ayna u istaagi doonaan ka runsheegida nabada iyo ehelnimada.

hadaba waxaa sidoo kale xafadlaas ka hadlay ugaaska beelaha sade Ugaas Ciise Ugaas cabdulle isagoo isna soo dhaweeyay heshiiskaan oo uu ku tilmaamay taariikh tusaale u ah beelaha kale ee jubbooyinka waxaana uu ugaasku ka dalbaday dadka kale ee ku nool kismaayo ee khilaafaadku u dhexeeyaan in ay ku daydaan Beelaha sade iyo harti oo ay xaliyaan waxii mugdi ah oo u dhexeeya.

Intii lagu guda jiray Munaasibadaan waxaa la dhaariyay inka badan labaatan  oday oo labada dhinac oo ku dhaartay fulinta 8 qodob oo lagu heshiiyay kuwaas oo ay ka mid ahayeen. 

1: Isu celinta hanti guurtada ah iyo ma guurtada.

2: Soo afjarida colaada u dhexayasa labada beelood

 3: Wadaagida awooda maamulka.

4: Iyo adkeynta amaanka gobolada jubooyinka  oo ay labda beelood wada dagaan iyo waliba qodobo kale oo aad u fara badan. 

Hadaba labadaan beelood oo inka badan 8 sano ku loolamayay gacan ku haynta gobolka jubbada hoose gaar ahaan magaalada kismayo oo ah meel istaraatiiji ah ayaa haatan waxaa ay noqonaysaa mid  si wada jir ah oo waliba siman ay ku wada nooladan beelaha walalaha ah ee sade iyo harti waxaan ay waxgaradkii halkaa isigu yimid ugu baaqeen beelaha kale ee walaalaha ah ee ay xurgufta dhex taalo in ay ku daydaan walaaloohoda ayana ayaguan ka heshiyaan dhibatoyinkii la so maray intii dagaalada sokeeye gobolkaan ka socdeen . 

Sidoo kale waxaa halkaas qudbad ka soo jeediyaya uu ku aamanayo lababa beelood gudoomiyha isbahaydiga doxada jubba xildhibaan barre aadan shire barre hiraale asagoo amaan iyo bogaadin balaaran u soo jediyay labdaasi beelood sidii ay oga miro dhaliyeen heshiiskoodii u socday mudada ayadoo uu su gaar ah uu ugu mahad celiyaya  labadii xildhibaan ee howshaan mudada qaadatay dhabarka u  ritay ee kala ah xildhibaan Xasan Cumar oo ka ka socday beesha Sade iyo xildhibaan Shiriye oo isagana ka socday beesha Harti  ayadoo ugu danbeyntii ay xafdladasi ku soo idlaatay jawi aad u dagan iyo waliba mid ay reyn reyni ku jirto.

cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com


Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika iyo Maanta.

Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika, ayaa waxaa maalmahan ka socda dhismo iyo dhirbeerid lagu xardhaya laguna xannaaneynaya muuqaalka iyo maqaamka guud ee jaamacadda. Jaamacaddan oo ah jaamacad ay wax ku bartaan boqolaal ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ku sugan   iyo waliba dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo ka kala yimid shanta qaaradood lana siiyay deeq-waxbarasho, ayaa waayadan dambe laga dareemi karayaa kobac iyo kor-u-socod miiggan.

 
   Maraan maalintii shalay jaamacadda booqday, ayaa waxaa indhaheyga soo jiitay bilicda beeraha cagaaran iyo dhir higil ah oo goobaha qaar lagu beeray, iyo waliba dhismooyin waaweyn oo aan wali la ebyin laakiin lagu howlanyahan hilaaddana bilo kaddib gabagaboobaya.
 
   Qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadda, ayaa ii xaqiijiyay in ay jaamacaddu horraanka sannadka 2006, ee foodda inagu soo haya, ay martigelin doonta in ka badan 20 jaamacadood oo laga leeyahay qaaradda Afrika. Waxaa lagu wadaa ayay yiraah madaxweyneyaal door ah oo Afrikaan ah in ay ka soo qeybgalaan munaasabaddan oo ay u badantahay in ay dhacda bisha soo socota ee Janaayo, January, waa sida ay carrabbaabeene.
 
   Waxaa kaloo jira kuliyada aan hore jaamacadda uga jirin oo hadda la dhagaxdhigay lana unkay, waxaana ka mid ah kulliyadda beeraha oo lagu wada in ay corata kal dambe waa sida la tibaaxaye.
 
Stanza. ayaandhalad5@hotmail.com

Shirar lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre iyo gubidii Fooljeex oo ka kala dhacay Toronto iyo Musawac.

Shir lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre iyo gubidii tuulada fooljeex ayaa ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Kanada malintii sabtida ahayd ee bisha Nofember ku aadanayd 26, waxaana shirkaas isugu yimid xubnaha  Jaaliyadda Somalida Ogaadeenya ee magaaloyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Kanada.
 
Shirkaas waxaa ka soo qayb galay wafti ballaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka HADJ ee JWXO Mudane Maxamed Macalin iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Somalida Ogaadeeniya ee ku nool labadaas magaalo.  Warka oo dhan akhri...

Gabar Soomaaliyeed oo Gargaar Degdeg ah u baahan... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2005



Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD