| 
 
														
														Barnaamijkii Radio 
														Xoriyo  
	29 
	November. 2005 
	  
	
	
		Shirar lagaga hadlayay xasuuqii 
		Qabridaharre iyo gubidii Fooljeex oo ka kala dhacay Toronto iyo Musawac.
	
		 
	
		Jaaliyaddaha Ogadenya oo 
		banaanbaxyo kuhorqabanaya safaaradaha Itoobiya.
	
		 
	
		Fiiq oo lagu xidhay arday wax ka 
		barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha.
	
		  
	
	 
	  
	 ====================== 
	 
	  
	Shir lagaga hadlayay xasuuqii Qabridaharre iyo 
	gubidii tuulada fooljeex ayaa ka dhacay magaalada Toronto ee dalka Kanada 
	malintii sabtida ahayd ee bisha Nofember ku aadanayd 26, waxaana shirkaas 
	isugu yimid xubnaha  Jaaliyadda Somalida Ogaadeenya ee magaaloyinka Toronto 
	iyo Ottawa ee dalka Kanada.  
	  
	Shirkaas waxaa ka soo qayb galay wafti 
	ballaadhan oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka HADJ ee JWXO Mudane 
	Maxamed Macalin iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Somalida 
	Ogaadeeniya ee ku nool labadaas magaalo. 
 Waxaana shirkaas warbixin dheer  oo taabanaysay taariikh halgameedka JWXO  
	iyo xasuuqii loo gaystay maxaabiistii magaalada Q/daharre iyo gudibii ay 
	ciidamada gumaysiga Itoobiya gubeen Fooljeex kasoo jeediyey Kuxigeenka HADJ 
	Mudane maxamed Macalin.
 
	  
	Gabagabadiina wuxuu G/kuxigeenku u sheegay 
	dadweynihii ka soo qayb galay shirkaas in loo baahan yahay taageero joogta 
	ah oo halganka loo fidiyo, si loo soo afjaro dhibaatada lagu hayo shacabka 
	somalida Ogaadeeniya. Sidoo kale waxaa shirkaas ka hadlay Abdirahman Suldaan 
	Olol-diinle oo isaguna si qiimo badan uga warbixiyey taariikhda halganka 
	Soomaalida Ogaadeenya.
 Waxayna dadweynihii shirkaas iskugu yimid go'aamiyeen in canbaareyn loo soo 
	jeediyo taliska gumaysiga tigreega laguna sameeyo banaanbax safaaraxda 
	Itoobiya bisha Dec 5, 2005 iyo in taageero dagdag ah loo fidiyo JWXO.
 
	  
	Dhinaca kale:Jaaliyadda Ogadenya ee wadanka 
	Eretariya ayaa shir balaadhan ku qabatay hoolka shirarka ee magaalada 
	Musawac 25-11-05. 
	  
	Shirkaas oo lagaga hadlayay horumarinta 
	halganka Ogadenya iyo dacatiga ay ciidamada gumaysigu ku hayaan shabaka 
	Ogadenya ayaa waxaa kasoo qayb galay  gudoomiya hay.ada Hanti dhowrka iyo 
	kormeerka ee JWXO Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane). 
	  
	Mudane Diirane ayaa si qota dheer uga 
	warbixiyey halganka ay JWXO kula jirto gumaysiga Itoobiya xiligii uu 
	bilowday iyo siduu ku bilowday ilaa heerka manta uu marayo oo uu ku 
	tilmaamay mid uu ku farxayo qofka jecel inay xoroobaan somalida 
	Ogadenya,wuxuu kaloo Mudane Diirane ka hadlay Xasuuqii foosha xumaa ee ay  
	ciidamada gumaysiga Itoobiya u gaysteen Qabridahrre iyo Fooljeex. 
	  
	Ugu dambayntiina waxay kasoo qayb-galayaashii 
	balan ku qaadeen inay hiil iyo hooba la garab istaagayaan jwxo.  
 
	  
	Jaaliyaddaha Ogadenya oo banaanbaxyo 
	kuhorqabanaya safaaradaha Itoobiya. 
	  
	Jaaliyadaha Ogaadeenya ee ka jira dalalka kala 
	duwan ee adduunka ayaa horraanta bisha soo socota ee Disember bannaanbaxyo 
	waawayn ku samayn doona safaaradaha uu gumaysiga Itoobiya ku leeyaha 
	wadammada kala duwan ee adduunka. 
	  
	Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Ingiriiska ayaa 
	bannaanbax wayn ku samayn doonta ka so horjeeda safaarada gumaysiga Itoobiya 
	ay ku leeyaha magaalada London maalinta isniinta ah ee taariikhdu ku beegan 
	tahay 05 Disember 2005. Bannaanbaxayaasha ayaa halkaas tubnaan doona inta u 
	dhaxaysa 12:00 duhurnimo ilaa iyo 16:00 galabnimo. 
	  
	Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalalka Denmarka, 
	Norway, Swedan iyo Filand ayaa iyaguna si wadajir ah bannaanbax ugu samayn 
	doona ka soo horjeedka safaaradda gumaysigu ku leeyaha magaalada Stockholm 
	ee dalka Swedan maalinta isniinta ah ee taariikhdu tahay 05 Dismber 2005. 
	Bannaanbaxaasi wuxuu dhacayaa inta u dhaxaysa 10.00 aroornimo iyo ilaa iyo 
	14.00 duhurnimo. 
	  
	Jaaliyadda Ogaadeenya Minnesota ee dalka 
	Maraykanka ayaa iyaduna bannaanbax kuwaas la mid ah qaban doonta maalinta 
	khamiista ah ee bisha Disember tahay 08, waxaana bannaanbaxaas lagu qaban 
	doonaa barxadda Aqalka laga xukumo MN. Wuxuuna socon doonaa banaanbaxaas 
	inta u dhaxaysa 12.00 duhurnimo ilaa iyo 15.00 galabnimo. 
	  
	Dhinaca kale: Jaaliyadaha Ogadenya ee wadanka 
	K/Afrika ayaa iyadu aroornimadii saaka banaanbax weyn ku hor qabatay aqalka 
	baarlamaanka Afrika (Pan African Parliament) ee ku yaala magaalada 
	Johansburg. 
	  
	Wargaysyada kasoo baxa wadankaas K/afrika ayaa 
	qoray inay  tahay markii ugu horeysay iyo jaaliyadii ugu horeysay ee 
	banaanbax ku hor qabata xarunta barlamaanka Afrika,banaanbaxaas ayaa ku 
	saabsanaa xasuuqyadii ugu dambeeyay iyo dacatiga joogtada ah ee  uu 
	gumaysiga itoobiya ku hayo shacabka Ogadenya. Jaaliyadaha Ogaadeenya ee 
	dalkaas Koonfur Afrika ayaa maanta si wadajira ah u soo wada-diyaariyay 
	bannaanbaxan, oo si wayn looga qabgalay. 
	  
	Haddaba Axmed Gaal-eri ayaa saaka khadka 
	tilifoonka kula xidhiidhay Maxamed Amiin oo ah suxufi madaxbannaan, wuxuuna 
	waydiiyay sidii uu bannaanbaxaasi u dhacay;  
	  
	Fiiq oo lagu xidhay arday wax ka 
	barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha. 
	  
	Wararka naga soo gaadhaya  magaala madaxda 
	gobolka Nogob ee Fiiq ayaa sheegaya in ciidamada gumaysiga itoobiya ay 
	magaaladaas ku xidh-xidheen arday qiyaastii gaadhaysa 13 oo isugu jira arday 
	wax ka barata dugsiyada sare iyo jaamacadaha. 
	  
	Xidhayga ardaydan ayaa loo aanaynayaa inuu ku 
	sal leeyahay xasuuqii lagu hayay dhalinyarada Ogadenya ee la doonayay in loo 
	daabulo dhinaca xadka itoobiya iyo Eretariya,ilaa iyo hada warar 
	faah-faahsan lagama hayo xaalada ardaydaas. 
	  
	  
	
	Radio Xoriyo 
	29 
	November. 
	
	2005 
	
	C/nuur 
	Sheekh Maxamed 
	  
	
	
	Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 
	9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2005  
			»GABAY: 
DACWO- Gabay ku socda C/Lahi Yusuf | 
Dhagaafe»MAANSADA "GURMAD": 
Gabay ku socda Cali Geeddi
 
 
						
						 
						
						 |