C/Risaaq Xaaji Xuseen oo ka Jawaabey Hadalkii Geeddi...
SomaliTalk.com oo Waraysi La Yeelatay C/Risaaq
Xaaji Xuseen:::
Waraysiga
oo Cod ah Halkan ka Dhegeyso:::
ama hoos ka akhri waraysiga oo qoraal ah:::
- Cali Maxamed Geeddi: "haddii adduun weynuhu ictiraafo annagu
waxba kama qabno 'Soomaaliland' in ay go'do"
- C/Risaaq Xaaji Xuseen: waxaan rajayneynaa prime minister-ku arrintaas in
uu yiraahdo 'Gef bey ahayd arrintaas, carrabkaana iga boobay..."
Abdirizak
Haji Hussen [Somalia PM
1964-67]
|
Minneapolis, Minnesota, USA: Waxaa SomaliTalk.com u suurta gashay in ay
(Nov 27, 2005) gurigiisa ku booqdaan ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, mudane C/Risaaq
Xaaji Xuseen, si aan waraysi ugala yeelano hadal uu ra'iisul wasaaraha hadda ee
Soomaaliya, mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi uu 11/11/2005 ka sheegay idaacada
British Broadcasting Corporation, markaas oo Prof. Geedi la weydiiyey
su'aalo badan oo ay kamid ahayd su'aal oraneysey: maxaad u aqoonsan la'dahay
dawlada isku magacawday 'Somaliland' maadaama aad ku dhawaaqday ama aad ka
dhawaajisay in aysan wax gumeysi ah ku jirin dadka iyo dalalka ay gacanta ku
haystaan Kenya iyo Itoobiya ee ay gumeystaan, maxaa diidaya hadaba ra'iisul
wasaare, ayaa Geedi la weydiiyey, in aad aqoonsatid dawlada la magac baxday
'Somaliland'. Waxana uu Geeddi ku jawaabey 'Caalamku hadduu aqoonsado waxba kama qabno'
Haddaba waxaan C/Risaaq Xaaji Xuseen weydiiney:
Mudane adigu sidee ayaad u aragtaa jawaabtaas uu ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) ka
bixiyey su'aashaas la weydiiyey.
Qoraalka hoose oo dhan waa Jawaabtii C/Risaaq Xaaji Xuseen:
Arrintaas aad hadda
i weydiisey, anigu shakhsiyan ma dhegeysan balse gadaal ayaan ka maqlay. Marka
su'aashaas u dambeysey ee ra'iisul wasaaruhu ka jawaabey, waxaan filayaa in ay
ka horeeyeen in wax laga weydiiyey laba su'aalood oo kale oo isla mowduucaas ku saabsan, dhulkaas
isku magacaabay "Republic of Somaliland", laakiin anigu aan ku magacaabayo Woqooyi
Galbeedka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Wuxuu (Geeddi) ku jawaabey
labadii su'aalood oo hore jawaabo raacsiisan mowqifkii xukuumadan Federaalka ee
kumeel gaarka ah ay hadda kahor ka qaadatay, oo meelo badan ay kaga hadashay oo
ahaa: annagu dhulkaas waa qireynaa in khilaafaad iska jiraan sidii ay u burburtay
Jamhuuriyadii Soomaaliya sannadkii 1991kii, welina burburkii iyo kala tagii weli u
jiro, ay ictiraafeen oo yiraahdeen dhulka hadda u daran oo xasilooni daridu ay
hadda ka
jirtaa waxaa weeye dhulka Koonfurta Jamhuuriyada, iyadaas ayaan hadda ku mashquulsan
nahay intii la dhisay xukuumadan kumeel gaar ka ah, in iyadii aan xal u helo,
markii sida la rajaynayo aan xal u helo ayaan u soo jeedsaneynaa khilaafaadka ka
jira Woqooyi Galbeed iyo Jamhuuriyadda inteeda kale, anagoo ku
dadaaleyna khilaafaadkaasi in si nabad ah aan ku dhamayno, oo aan xoog uusan jirin; ayaa awal xukuumadu sidaas ku dhawaaqday, labadii su'aalood ee hore
jawaabohoodiina sidaas ayey waafaqsanaayeen.
Dabadeed mar dambe
oo hadalku sii socday ayaa nin kale weydiiyey oo isla su'aasha kusoo noqday oo
ka hadlay arrinta "Somaliland", meel kale ka taabtay oo yiri: haddii xukuumadan
Federaalka ah oo maanta joogta ee Soomaaliyeed ay aqoonsatay laba wadan oo
Soomaali deggan tahay oo dhul kale oo aan Soomaali ahayn oo Jamhuuriyada Soomaaliya xuduud la
ah ku dhaqan, Kenya iyo Itoobiya, haddii Soomaalidu aqoonsatay dadkaasu in ay ka
mid yihiin wadannadaas, oo ay ictiraafeen, oo su'aalo la weydiiyey sidii uu
ra'iisul wasaaruhu uga jawaabey in labadaas waddan dadka Soomaalida ah oo ku nool
xorriyad taam ah haystaan, wadamadaas ay deggan yihiin oo ay kamid yihiin,
baarlamaankoodey ku jiraan, xukuumadoodey ku jiraan, sidaas darteed annagu uma
aragno in ay gacan ajaanib ku jiraan ama dad aan xorriyad haysan in ay yihiin
uma qabno buu yiri (Geeddi).
Marka ninkaan weydiiyey su'aashaan wuxuu tixraacay
midaas oo uu yiri: haddii middaas ay xukuumadu mowqifkaas ka qaadatay labadaas dhul ee
Soomaalidu deggan tahay oo wadano kale ku dhex jira, ku nool, maxaa xukuumada
Soomaalidu u aqbali weydey wadankaan isku magacaabay "Republic of Somaliland" oo
saddex isdoorasho ka dheceen, oo si nabad ah uga dheceen, oo si dimoqraadi ah
uga dheceen, oo horukac meel kale oo jamhuuriyada Republic ah aan ka dhicin, oo
horukac dhinac kastoo laga eego sameeyey intii 14ka sano ee dawladii Soomaaliya
burburtay, Maxaa marka xukuumada Soomaalida ee Federaalka u ictiraafi weydey
wadankan.?
Markaas su'aashaan
dambe oo ninkaasu wadankaan ag dhigay wadannadaan kale, ra'iisul wasaaruhu say
noqotoyba mowqifkiisii hore mid ka duwan ayuu ku jawaabey oo wuxuu yiri "Haddii
adduun weynuhu ictiraafo 'aqoonsado' dhulkaa isaga ah annagu waxba kama qabno,
laakiin inta ay weli doonayaan adduunweynaha ictiraafkiisa, oo ay
raadinayaan, annagu weli dhulkaas iyo dadka deggan waxaan u arkeynaa in ay ka mid
yihiin dhul Soomaaliyeed, oo goonidiisa isu maamulaya, oo goonidiisa nabad u ah.
Marka jawaabtan
dambe waxaad moodaa "waxba kama qabno haddii adduun weynuhu ictiraafo - annagu waxba kama qabno"
waxaad moodaa in ay is diidayaan mowqifkii hore ee ra'iisul wasaaruhu sheegay,
ama xukuumadaan Kumeel Gaarka ah ee Federaalka ee Soomaaliya ay hadda ka hor ku dhawaaqday marar badan,
ayaad moodaa in uu khilafsan yahay. Midaasuna waxay keentay dad badan oo
Soomaali ah in ay la noqotay shey aan meesha ku jirin oo la qaadan waayey "haddii
adduun weynuhu ictiraafo annagu waxba kama qabno". Marka anigu dadkaas ayaan ka
mid ahay.
Anigu waxaan u malaynayaa Ra'iisul wasaaruhu
eraygaan hadda dame oo jawaabta su'aashaas u dambeysa oo ninkaan walaalkay ah oo
la yirahdo Xasan Guure oo jooga Sucuudi Careebiya uu weydiiyey, waxaan u
malaynayaa markii la celceliyey carrabkaa ka boobay in uu yiraahdo "haddii
adduun weynuhu ictiraafo annagu waxba kama qabno 'Soomaaliland' in ay go'do",
carrabkaa ka boobay baan u malaynayaa, jawaabtiisu sida ay ku dhawaaqday in
aysan ahayn baan filayaa. Laakiin haddee qof walba waxaa loo qabanayaa wixii uu yiri,
ma ogtahay qalbiga nina ma daalacanayo.

QODOBKA 2.0
XUDUUDAHA SOOMAALIYA
1. Midnimada, mid ahaanshaha dhuleed, xorriyadda siyaasadeed iyo
madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqadis lama qaybshaan ah
2. Madaxbannaanida xudduuudeed waxay ka kooban tahay dhulka,
jasiiradaha, xudduuda badda, dhulka hoostiisa, hawada sare iyo goobta ay
qaaradda kaga taal.
3. Xudduudaha: Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay leedahay xudduudaha soo
socda:-
1. Waqooyi: Gacanka Cadmeed
2. Waqooyi Galbeed: Jamhuuriyadda Jabuuti
3. Galbeed: Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya
4. Koonfur iyo Koonfur Galbeed: Jamhuuriyadda Kenya
5. Bari: Badweynta Hindiya
Axdiga
DFKMG (Draft)

|
Markaa haddii Prime-Minister-ku
hadalkiisa sidii uu u yiri aan tixraacno, aniga waxay ila tahay meesha ra'iisul
wasaaruhu hadalkaas ka yiri "waxba kama qabno" in aysan meesha ku jirin ayaan u
malaynayaa, xataa in ay kasoo hor jeedo dastuurka u deggan markan oo isagu uu
Prime-Minister-ka ku yahay ee xukuumada Federaalka ah, inay ka soo hor jeedo oo
jebineyso ayaan anigu is leeyahay.
Dastuurkaas maadadiisa labaad, ama article-ka
labaad (qodobka 2aad) oo ka hadleysa dhulka Soomaaliya - haddaan af-igiriisi ku
sheego (haddaan af ingiriisi ku hadlo) "The Territory of Somalia". Saddex
qodob ayey ka kooban tahay, qodobka ugu horeeya waxa uu leeyahay Somali Republic
dhulkeeda iyo gobanimada Soomaali Republic waxaa weeye kuwo aan qaybsami karin,
kuwo qofna handadi karo oo jebin karo ma aha, mana qaysami karaan. Marka haddaan
Af-Ingriisi (iyadoo ah) weliba ku celiyo maqaaladaas, ereygaas, qodobkaas, wuxuu
leeyahay : The Territorial Integrity and Sovereignty of the Somali Republic
shall be inviolable and indivisible. Waxaa weeye sida aan u iri.
Marka maqaaladaas dib loogama harin, marka Somali
republic maxay tahay haddii lagu weydiiyo iyo goormay dhalatay. Somali Republic
waxay dhalatay waxaa weeye markii 1960kii ay taariikhdu ahayd waxaa xorriyo
qaatay labo wadan oo Soomaali ah oo siddeedan sano ama ka badan isticmaar kala
haystey oo midna Ingriis haystey oo la oran jirey British Somaliland, midna
Talyaani haysan jirey mardambena loo dhiibey gacanta Umam Al-mutaxida (Qaramada
Midoobey) tobankii sano ee u dambeeyey oo loo yaqiiney Italian Somaliland ama
Italian Somalia ama Soomaaliya.
Labadaas wadan ayaa sannadkii 1960kii xorriyo
qaatay, markaas ayey hadana goosteen in ay midoobaan oo ay ku midoobaan hal
dawlad ah oo Soomaali ah, baarlamaan mid ah, xukuumad mid ah in ay ku midoobaan,
baarlamaankii labada meeloodba ay doorteen ayaa isu yimid oo dadku soo doortay
oo si dimoqraadi ah lagu soo doortay, ayagii ayaa go'aamiyey in Jamhuuriyadu ay
mid tahay oo kulanto, waxay ku heshiiyeen heshiis la yiraahdo "ACT OF
UNION". Act of Union; Dastuur ayaana la sameeyey, la isla ogolaaday, dastuurkaas ayaa
misana dadweynihii loo bandhigay, dadweynihii ayaa dastuurkaas ogolaaday,
(dadweynihii) aqlabiyadiisii oo aad u badan ayaa ogolaaday. Marka middaas weeye haddaad
maqashay Somali Republic, halkaas ayey ka timid eraygaas Somali Republic.
Markii laga hadlo Somali Republic macneheedu
waxaa weeye dhulkaa hadda isku magacaabay "Republic of Somaliland", laakiin
anigu aan leeyahay waxaa weeye region-ka (gobolka) Woqooyi Galbeed, wuxuu ka mid
yahay Somali Republic, wuxuu ka mid yahay dastuuriyan, sharcigu sida uu sheegayo.
Markaas ayaa haddana la xadeeyey oo waxaa la
yiri: oo dhulkaas haddana xuduudskiisu muxuu yahay - Waxaan hadda akhrinayaa oo hortayda
yaal waxaa weeye dastuurka hadda u degsan dawlada Federaalka ee uu Ra'iisul
wasaaraha u yahay Cali Maxamed Geeddi, dastuurka u degsan weeye
oo hortayda yaal oo aan akhrinayaa: Waxaa la yiri Jamhuuriyadaas Somali Republic
xuduudkeeda waxaa weeye markii la aado Woqooyi - dhinaca loo tukado markii
Soomaaliya la joogo - markii laga fiirsho xuduudku waxaa weeye baddaas Cadan iyo
Soomaaliya u dhexaysa ee loo yaqaan Gacanka Cadan (Gulf of Aden). Marka laga
aado dhinaca Woqooyi Galbeed markii laga fiirshona Somali Republic waxay xuduud
la leedahay Jamhuuriyada Jabuuti (Republic of Djibouti).
Markii la yiraahdo
Woqooyi Galbeed waxay Soomaali Republic xuduud la leedahay Jabuuti, micneheedu waxaa
weeye Jabuuti wixii Koonfur kasoo xiga oo ay ka mid yihiin dhulka hadda iyagu
isku magacaabay "Republic of Somaliland" in ay kamid tahay Somali Republic, saas
ayuu cadaynayaa (Dastuurku).
Xuduudkii marka la soo aado dhinaca kale hadana Galbeedka
Itoobiya ayuu xuduud la yahay. Markii la aado koonfurta dhabta ahna waxaa Somali
Republic xuduud la leedahay Kenya. Markii la aado Qorrax ka soo baxda ama Bariga
waxa xuduud la ah Indian Ocean (Badweynta Hindiya ama Muxiidul Hindi). Marka
xuduudkii Soomaaliya sidaas ayaa loo habeeyey.
Waxay marka ku tuseysaa haddaan xuduudka
sheegnay ama dastuurka maadada u horaysa sheegnay in dhulka Woqooyi Galbeed ama
sida dad hada rabo in ay isku sheegaan "Republic of Somaliland" in ay dastuuriyan
ka mid tahay Somali Republic uu hadda dastuurkani ka hadlaayo.
Marka anigu waxaa leeyahay dastuurkaas iyo
sidaas loo habeeyey, wuxuu keliya oo kala go'a Soomaaliya uu dhici karaa waxaa
weeye dhabihii awal loo soo maray midnimadooda, oo ahaa baarlamaan la
doortay, dalka oo dastuur loo sameeyey, dadka oo dastuur referendum (afti) loo
sameeyey ogolaaday, dhabahaas mid la mid ah ayaa banayn kara in Soomaali ay is haysato iyo inay kala go'do. Laakiin Ra'iisul wasaaruha iyo xukuumadiisu awood uma leh in uu yiraahdo, dastuuriyan ma uu oran
karayo, ayey aniga ila tahay aqoontayda yarta ah, in uu yiraahdo 'annagu' - annagu
marka uu yiraahdu waxay ila tahay in uu ka hadlaayo xukuumada Federaalka ah oo
isagu Prime Minister-ka ka yahay (ayuu ka hadlayaa ayaan u malaynayaa marka uu
yiraahdo annagu). Marka "annagu" haddii ay tahay xukuumadda, anigu waxaan
leeyahay xukuumada awood dastuuriyan iyagu uma leh ay oran karto "annagaa
ogolaanay Somaliland in ay go'do oo gooni noqoto" ma uu oran karaayo, aniga
aragtidayda.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayey ku xiran tahay sidii goosashadaasi,
hadeyba noqon karto, anigu aan rajaynayaa in aysan dhici karin, in haday imaan
karto waxay ku imaan kartaa waxaa weeyey dhabihii awal loo maray midnimada in loo
maro weeye, aniga aragtidayda.
Marka anigu waxaan rajaynayaa arrintaas, in
kastoo aniga bil xaqiiqatan waqtiga hadda aan jawaabtan bixinayaa ay waqti dambe
tahay oo ay haboonayd ayaamihii wuxuu dhaceen in aan ka jawaabo, oo aan ka
xumahay in aan dib uga dhacay, calaa kulli xaal waxay ila tahay weli waqtigu
waa iska munaasib in qof ra'yigiisa uu ka dhiibto maxaa yeelay arrintani muhiim
weeye. Marka aniga aragtidayda prime minister-ku waxay ila tahay sidii aan hore u
sheegay carrabkaa ka xaday.
Waxaa la rajaynayaa prime minister-ku geesinimo in uu
u
yeesho oo yiraahdo "arrintaas carrabkaa iga xaday, ee mabda'aygu kii hore oo
aan jawaabihii hore ku bixiyey weeye ama waa midkii hore oo hadda ka hor meelo
kale aan ka sheegay oo ahaa khilaaf waa jiraa laakiin khilaafkayaga nabad iyo is
afgarad iyo wada hadal ayaan ku xallin doonaa", in uu yiraahdo, ee uu ka noqdo
oo yiraahdo "ereygaas ahaa 'waxba kama qabno' carrabkaa iga boobay ee maahayn
mid khilaafsan oo siyaas cusub ah oo ka duwan middii hore ee aan qaadanay." Aniga waxay ila tahay in uu yiraahdo Prime minister-ku, oo geesinimo sameeyaa, oo uusan
noqonin ummada Soomaalida dad badan waxaa lagu yaqaanaa haddii qof qaldo in uu madaxa ku adkaysto oo uu yiraahdo
'ma adigaa oran kara waan qalday' ..
Haa heeyo... Adduun weynaha oo dhan wuxuu la socon karaa dad madax oo waaweyn oo
wadano waaweyn madax ka ah haddii gef dhaco waxay yiraahdaan gef ayaan samaynay
oo carrabkaa iga boobay.
Marka waxaan rajayneynaa prime minister-ku arrintaas in
uu yiraahdo 'Gef bey ahayd arrintaas, carrabkaana iga boobay, mabda'a xukuumadan
Federaalku midkii hore weeye ee aan hore ugu taagneyn,' in uu yiraahdo weeye.
Sidaas ayaan rajaynayaa anigu.
Kaasi waxa uu ahaa ra'uusul wasaarihii hore ee
Soomaaliya, C/Risaaq Xaaji Xuseen oo SomaliTalk.com ku booqatay gurigiisa
magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, USA, isaga oo kajawaabayey hadal uu
dhowaan bixiyey ra'iisul wasaaraha hadda ee dawlada Federaalka ee Kumeel gaarka ah
mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi.
C/Risaaq Xaaji Xuseen waxaa lagala xiriiri
karaa: Email:
hussen100@yahoo.com
Waraysiga
C/Risaaq Xaaji Xuseen ka Dhegeys.....
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2005
HADALKII
GEEDI OO DHAMAYSTIRAN HALKAN KA DHEGEYSO.....
QORAALADA C/RISAAQ XAAJI XUSEEN:


|